WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAaNTA OO AH SABTI 5-TA DICEMBAR 2015-KA

0
Saturday December 05, 2015 - 09:20:22 in Wararka by
  • Visits: 2387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAaNTA OO AH SABTI 5-TA DICEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO SHIINAHA OO KULAN TAARIIKHI AH KU YEE SHAY MAGAALADA JOHANNESBURG Madaxweynaha JFS,Md Xasan Sh. M/ud iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinp ing, ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay M/Joha nnesburg. Ee k/ afrika Kulank a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNEYAASHA SOOMAALIYA IYO SHIINAHA OO KULAN TAARIIKHI AH KU YEE SHAY MAGAALADA JOHANNESBURG Madaxweynaha JFS,Md Xasan Sh. M/ud iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinp ing, ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay M/Joha nnesburg. Ee k/ afrika Kulank an taariikhiga ah ayaa 2da hog gaamiye waxay kaga wada had leen xoojinta xiri irka 2da dal, iyo in si buuxda loo soo celiyo ma shaariicdii horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Shiinaha uu ka wadey Soo maaliya. Madaxaweyne Xasan Sh.Maxamuud ay aa dhiggiisa Shiinaha uga warramay xaa ladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasa dda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. ‘’Soomaaliya si xawli ay yay u ga soo kabaneysaa dhibaatooyinkii daga alka sokeeye. Waxaan haatan u gudub nay marxalad cusub oo ah dib u dhiska ka abeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga. Waxaan doonayaa in Shiinaha iyo Soom aaliya ay dib u soo ceshtaan iskaashigoo da taariikhiga ah, maalgashiga aan Soo maaliya u dooneynana ay Shiinaha qeyb ka noqdaan. Waxaan kuu xaqiijinayaa in dowladda Soomaaliya ay si buuxda u soo dhoweyneyso maalgashiga Shiinaha, ina goo diyaar u ah inaan dhinacyo badan Is ka kaashano’’, ayuu yiri Madaxweyne Xas an Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ay aa sheegay inuu soo dhoweynayo horuma rka muuqda ee Soomaaliya ee dhinaca na badgelyada iyo dowlad dhisidda, waxaana uu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, lana jo go waqtigii la sii xoojin lahaa.

Hoggaamiyaha Shiinaha waxaa uu in taa ku darey in khubarro ay u soo diri doo naan Soomaaliya si ay daraasad ugu sam eeyaan barnaamijyada ay 2da dal iska ka ashan karaan. Kulankaasi waxaa goobjo og ka ahaa mas'uuliyiin ka socotey 2da dal. DHAMMAAD

JIBRIIL IBRAAHIM CABDULLE OO KA HADLAY HANAANKA DOORASHOOYINKA SANADKA

Madaxa Hey’adda Cilmi baarista iyo wada tashiga ee CRD Jibriil Macallin Ibraa him Cabdulle ayaa ka hadlay hanaanka lo oga gudbayo sanadka 2016 oo la qorshe ynayo in Soomaaliya doorashooyin ka dha caan.Md.Jibriil oo wareysi siiyay Laanta af ka Soomaaliga ee VOA ka qaday ayaa sheegay in illaa shan magaalo oo ka mid ah Soomaaliya loo qorsheeyay inay ka dhacaan kulamo wada tashi oo looga hadl ayo afar qodob oo looga hadlayo qaabab ka ugu haboon ee doorasho uga dhici kar ta Soomaaliya.

"Xaqiiqdii labo cisho oo saacadood ah marka la isku darana lix saacadood ahna ma ahan wax fiican in mustaqbalka Soo maaliya lagu soo koobo, haddana markaa dowladda la hadasho waxay dhaheen wa qtiga aad noogu liito, sanadka sii dhamaa naya waqti badan aan ku sameyn karno, waxaa is leeyahay wixii ugu fiican ee la sa meyn karo ayay noqotay dadkii in lala tashato”ayuu yiri Jibriil Macallin Ibraahim Cabdulle. Iyadoo wareysigu uu ahaa id dheer aanse soo koobnay

ALLAHA UNAXARIISTEE MARXUUMAD HIND IYA OO MUQDISHO LAGU AASAY SHALAY

Allaha u naxariistee Wariye Hiniya Xaaji Maxamed oo ka mid eheyd shaqaalaha Warbaahinta Dowladda oo Dorraad ugu geeriyootay dhaawac ka soo gaaray gaari gee da oo loogu soo xi ray waxyaaba Qar xa ayaa shalay la gu aasay M/Muqd isho, iyadoo aaskeeda ay ka qeyb galeen bah da warfaafinta, qeybaha kale duwan ee bulshada, ku noo M/Muqdisho Agaasima ha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wa siiru Dowlaha Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin kale.

Marxuumad Hindiyo Xaaji oo geeride eda si weyn ay uga naxeen Shaqaaha Wa saaradda Warfaafinta ayaa lagu aasay de gmada Waaberi ee G/Banaadir, waxaana dadkii ka qeyb galay aaskaasi laga daree mayay murugada iyo xanuunka ay ku reeb tay geeridani naxdinta leh waxaana si isku mid ah ay uga cods adeen Dowladda in baaris dhab ay ku sameeyaan falkani sida naxariis darada ah loogu dilay Allaha u naxariistee Walaasheen Hindiya.Dhamaan Dadkii aaskaasi ka qeybga lay ayaa sidoo kale dowladda ugu baaqay inay la socotaa caruurta ay ka geeriyood ay Hindiya Xaaji oo u dhimatay iyadoo Qa ranka u shaqeyneysa, AaBbahood oo ah aa Madaxii Wararka SNTV isna uu u geeri yooday isagoo ku howlan u shaqeynta da dka iyo dalka. Allah ha u Naxariistee Hind iyo Xaaji ayaa Saygeedii Liibaan Cali Nu ur waxaa uu ka mid ahaa Tiro Suxuufiyiin ah oo lagu dilay Weerar ka dhacay Baar lagu Magacaabo The Vilege oo ka soo ho rjeeda Guriga Hooyooyinka sanadkii 2012

WARIYE KA TIRSANAA SHAQAALAHA IDAACADDA SHABELLE OO KU GEERIYOODAY M/MUQDISHO

Wariye ka tirsanaa Shaqaalaha Shabakada Warbaahinta Shab elle, Mahad Maxamuud Nuur (Obama) ayaa habeen hore ku gee riyooday Isbitaalka Muqdisho City ee M/Muqd isho ee Caasimada Soomaalii ya. Wariye Mahad Obama ayaa maalmihii u dambeeyay waxuuu ku xanuunsanayay Isbitaalka Muqdisho City ee M/Muqdisho.

Marxuum Obama waxuu ka mid ah Bar naamij soo saarayaasha Idaacadda Shabelle, Wariyaha caan waxuu ku ahaa Barnaamijka Habraaca Hiigsiga ee 2016 ka asi oo todobaadkii 3 Habeen ka baxa Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho. Meydka Wariye Mahad Maxamuud Nuur (Obama) ayaa lagu aasay shalay Caasimada Soomaaliya. Dhinaca kale waxaana All aha U Naxariistee Wariye Mustaf Cabdi Nuur Shaf aana oo ku dhintay dhawaan Qaraxii Hoteel Sa xafi ee M/Mu qdisho.Ugu dambeyn, Maamulka Shabakada Warb aahinta Sha belle ayaa ugu tacsiyeeyay Ehelada iyo Asxaabta uu ka baxay Marxuum Mahad Maxamuud Nuur (Obama) oo ku dhin tay Isbi taal ku yaala M/Muqdisho. Inuu Alle u naxariisto iyagan samir iyo iimaan ka siiyo aamiin Maamulka iyo Shaqaalaha wargeyskaani waxaay Tacsi u dirayaan Marxuumka ka Geeriyooday idaacda ha Qaranka iyo tan shabeelle Radio hinda xaaji Maxamed oo do rraad qarax ku geeiyo odatay shalayna muqdisho lagu aasay alle ha u naxariisto marxuumiinta dhammaan Aamiin Aamiin

QODOBBO LAGA SOO SAARAY KULAN GAAS IYO GUULEED KU DHEXMARAY G/KACYO & KALA QAADISTA CIIDANKA OO SOCOTA

Wasiirka W/Arr/Gudaha iyo FS Md.Cab diraxmaan Odawaa oo shir Jaraa’id ku qa btay Gaalkac yo,ayaa sheegay in shirka shalay yeesheen madaxweynayaasha Pu ntland iyo Galmudug C/wali Gaas iyo C/ Kariin Guuleed ay ka soo baxeen qodobo lagu xoojinayo nabadda Gaalkacyo oo ay ka mid yihin.

1-Saraakiisha kala hogaaminaysay ciidan ka ayaa la faray heshiiska la gaaray.

2-Waxaa la go’aamiyay cida hadda ka dib heshiiska ka baxda ay Mas’uuliyada qaadidoonto

3-Waxaa la isla qaatay inaan la kala tagin inta la kala qaadayo Ciidank a. Odawaa ayaa sheegay in sido kale ay kulamo qaateen Saraakiisha ciidanka hog aaminaysa iyo Wasiirada 2da dhinac, wax aana ay ku hawlan yihiin sidii guud ahaan ciidanka loo kala qaadi lahaa.

Wasiirka W.A.Gudaha DFS ayaa sheeg ay in shirku uu shalay sii soconayo illaa in ta ciidanka la kala qaadayo,waxaana uu xusay inn dagaalkii dorraad dhacay uu ku dhacay qalad farsamo. "Hadda dhib yar ayaa magaalada laga soo sheegay, wax aa loo diray taliyaasha ciidanka 2da dhin ac” ayuu yiri Wasiirku. Hadalkan ayuu ula jeeday Ganacsade lagu dilay Gaalkacyo iyo xildhibaan ka tirsan Galmudug oo la dhaawacay kaasoo aan si rasmi ah loo aq oon cida dilkiisa ka dambaysa.

Waxaa deggan xaalada Gaalkacyo iya doo howlo lagu kala qaadayo ciidamada is hor fadhiya ay ka socdaan magaaladaas, waxaana la filayaa in inta uusan gabalku dhicin xalay si rasmi ah loo kala qa ado cii damada. Si looga baaqsado dagaal anbe oo ka dhaca deegaannada beryahaan la gu dagaalam ayey iyadoo xallintuna soctay

GOLAHA WASIIRADA OO KU BAAQAY IN SI DEGDEG AH LOO JOOJIYO DAGAALADA MAGAALADA GAALKACYO

Golaha Wasiirada ee XF.S ayaa doraad kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay M/Muqdisho,iyadoo kulankan uu shir gud doominayay Wasiirka Amniga Gudaha Md .Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wax ayna ka hadleen qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga, heshiiskii Gaalk acyo,dib u soo laabashada colaada Gaalk acyo, howlaha Wasaarada howlaha Guud iyo guriyeynta.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn ka hadlay heshiiskii taariikhiga ahaa ee sha lay wada gaareen Puntlanld iyo Galmud ug, ayna goob jooga ka ahaayeen wafdiga ballaaran ee dowladda Federaalka ee uu hogaaminayay Ra’’iisul Wasaaraha Xuk uumada Md.Cumar Cabdirashiid Sharma rke. G.Wasiirada. ayaa si wada jir ah u ca mbaareeyey dagaalada dib uga soo cusb oonaaday M/Gaalkacyo, xilli ay weli fidsan tahay gogosha nabadeed ee la isku afgart ay khamiistii in la sii ambaqaado, waxay na ugu baaq een in la illaaliyo nabadda iyo heshiiska Gaalkacyo, si loo baajiyo dhiiga shacabka.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa wa xay ka hadleen howlaha Dib u dhiska, iyo dayactirka ay hay’ addaha dowladdu wada an, waxayna hoosta ka xariiqeen in Wasa aradda Howlaha Guud iyo guriyey nta ay tahay Wasaaradda u xil saaran dhamaam ba howlaha dib u dhiska iyo dayactirka, ga ar ahaana Diyaarinta, Kormeeridda iyo Qi imeynta dhismaha iyo dayactirka.

Waxay sidoo kale, fareen Wasaaradda ha Xukuumada inay ku wareejiyaan heshi isyada iyo qorshe yaasha dib u dhiska iyo dayactirka dowladda, kuna tixgeliyaan Wa saaradda howlaha guud, si loo illa aliyo nid aamka shaqada iyo waajibaadka Wasaara ddaha iyo hay’addaha dowladda.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirada ayaa warbixino ka dhegeystay Wasiirka Waxba rashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Marwo Khadra Bashiir Cali, Wasiirka Dastuurka Md.Xuseen M/ud Sh.Xuseen, Wasiir ka Ga ashaandhigga Md./Cqaadir Sh.Cali Diini.

NUSOJ OO CAMBAAREYSAY WEERARKA BA MBAANO EE WERIYE KA TIRSAN WARBAAH IN TA QARANKA.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliy eed (NUSOJ) ayaa cambaareeyay falka la gu dhaawacay Hinda Haji Mohamed oo ka tirsan warbaahinta Qaranka agagaarka Ja amacada Soomaaliya ee Waq ooyiga Isg oyska KM4 ee M/ Muqdisho.Weriye Hinda ayaa ku dhaawacantay qarax loogu xiray gaarigeeda xili ay ka soo baxday Jaamac ada Soomaaliya oo wax ka baraneysay, ta asoo dhaawac culus uu ka soo gaaray. u gu geeriyootay isla maalinkaas

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaal iyeed (NUSOJ) ayaa cambaareeyay falka as, isla markaana ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo.

"Waan cambaareyneynaa falkaas gura can ee lagu dhaawacay weriye Hinda, ugu na geeriyootay waxaana ku baaqaynaa in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo falka as.” Cabdiraxmaan Xasan Cumar, Kaaliya ha Xoghayaha Guud ayaa yiri, "Waxaan Alle uga baryeynaa inuu u naxariisto Hin da, uguna Bishaareeyo jannadii fardowsa isagoo yiriwaxaan baaqeynaa dhamaan weriyayaasha inay feejignaan dheeri ah muujiyaan. Sanadkan horaantisii ayay aha yd markii dhaawac culus ay dabley hubey sani u geysteen Farxaan Saleebaan Daa hir oo ahaa sawirqaade u shaqeynayay tel efishinka Qaranka Soom aaliya 10 April, 2015 haatan waxaa dhaawac qarax loo gu xiray gaarigeeda ugu geeriyootay wariiye hin da xaji maxamed waxaan alle ugu baryeynaa inuu ehehlka iyo asaabta samir iyo iimaan ka siiyo marx uumadda jan na da ugu bishaareeyo aamiin aamiin

SARAAKIIL CADDAAN AH OO BAARITAAN KU SAMEEYAY GAARIGII SUXUFIYADDA LAGU DILAY MUQDISHO

Saraakiil Caddaan ah, ayaa Khamiistii ba aritaan ku sameeyay gaarigii ay la socot ay Allaha u naxariistee Hindiya Xaaji Max amed, oo ahayd Suxufiyad Warbaahinta Dowladda Somaliya ka tirsan. Geerida Su xufiyadda, ayaa timid markii walxaha qar xa loogu soo xiray gaarigeedii, iyadoona qaraxaasi uu haleelay gaariga, xilli ay mar eysay xaafadda Taleex ee Degmada Ho dan.

Ciidanka Booliska G/Banaadir oo gaar ay xaafadaasi, ayaa kala eryay dad shac ab ahaa oo isugu soo baxay goobtii uu qa raxu ku waxyeeleeyay Suxufiyadda, waxa ana daqiiqado ka dib gaaray Saraakiil Cad daan ah, oo aan la garanayn dalalka ay u dhasheen. Illaa shan nin oo Caddaan ah, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo baaritaan ku samaynaaya gaarigaasi, si macluuma ad looga helo ciddii ka dambeysay qarax aasi. Saraakiisha Reer Galbeedka ee ku sugan M/Muqdisho, ayaan caan ku ahayn inay baaraan qaraxyada lagu soo xiro ga adiidka gaarka loo leeyahay.

Inkastoo aanay jirin cid sheegatay ma suuliyadda dilka marxuumad Hindiya Xaaji Maxamed, ayaa dhanka kale Idaacada An dulus oo afka Ururka Al Shabaab ku had asha, waxay baahisay in M/Muqdisho lagu dilay Sarkaalad ka tirsaneyd Dowladda Soomaaliya.Madaxweyne Xasan Sh.Maxa muud oo cambareeyay falka wuxuushni mo leh ee lagu dilay Suxufiyadda, ayaa dhinaca kale tacsi u diray qoyskii iyo ehel adii ay ka bax day.

WADOYINKA GAWAARIDA ISTICMAALAAN OO MUQDISHO KU SII YARAANAYA (FAHFAAHIN)

M/Muqdisho oo ah caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo food saartay xaaladii ugu darneyd ee dhinaca waddo oyinka ay gawaaridu isticmaalaan, ka dib markii gaadiidka kala duwan ay soo waja hday 2 arrimood oo dhibaato miiran ah, is la markaana ay kaliftay inay shaqadooda joojiyaan qeyb ka mid ah gawaarida BLka ah ee ka howlgala M/Muqdisho.

Arrinta 2aad ayaa ah in gaadiidka BLka ay dhibaato ku qabaan howlgalada ciid amada Dowladda aadka u mashquulka ba dan ee shaqaalaha, halka gaadiidka kale noocyadiisa kala duwan la geliyo saf dhe er wakhti fara badanna ku lumiya baarita anadooda iyadoo haddii ay mari lahaaye en jid cadayaasha xaafadaha dhexdooda ah cid kasta ay iyana dhigatay isbaaro loo yaqaan "Ha ii soo marin horteyda”.

M/Muqdisho oo u soo joogtay xilli ka daran tan ay maanta ku sugan tahay, ay aa waxaa nasiib darro ah inay weli jiraan shaqsiyaad ganacsato ah iyo shirkaddo aj nabi ah inay musuqmaasuqeen dhaqaale fara badan oo loogu talo galay dayactirka kaabayaasha bulshada, iyadoo mashr uucii shirkadaha Turk iga eemacaash raa diska ah uga sii dareen 25Km waddo cabi rkeedu yahay oo gawaaridooda isticmaal aan.

Dhinaca kale waddooyinka Muqdisho oo guud ahaan ka kooban shan waddo oo waaweyn marka laga reebo wadada dhe er ee madaxtooyada hor marta inta kale dayactir waxaa ugu dambeysay 25sano kahor.

"Allaha noo sahlo madax wadaniyiin ah oo ka damqada dhibaatada shacabkooda ka heysata adeeg yadii asaasiga ahaa” ay uu yiri nin Oday ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo, adigoo marka aad aragto bo holaha ka qodan waddooyinkii caanka ah aa ee Muqdisho aad isweydiineyso su’aa lo dhowr ah oo ay ka mid tahay "Maxaa loo lahaa Turki ayaa waddooyinka Muqdi sho dayactiraya?” iyo su’aalo kale oo fara badan. Xigasho: somaliweyn.com

XILDHIBAAN KA TIRSAN BAARLAMAANKA GAL MUDUG OO LAGU DHAAWACAY GAALKACYO IYO GANACSADE LA DILAY

Xildhibaan ka tirsan Baarlmaaanka maa mulka Galmudug oo lagu magacaabo, Maxamed Xuseen Tahliil ayaa lagu dhaaw acay Gaalkacyo shalay iyadoo sidoo kale ay kooxo hubeysan isla magaalada as ku dileen ganacsade lagu magacaabo, Daah ir Akhwaan. Wararka ayaa sheegaya in xil dhibaanka ay dhaawaceen kooxo hubeys na xilli uu ka yimid garoonka m/Gaalkacy o, kuna sii jeeday dhanka Koo nfureed ee G/lkacyo. Ganacsadaha la toogtay ayaa waxaa la sheegay inuu ka kasoo jeedo K/f urta Galakacyo, iyadoo kooxaha la toogt ay la sheegay inay ahaayeen kuwo aan hayb ahaan la garanayn.

Sidoo kale, dilka ganacsadaha iyo dhaa waca xildhiabanka ayaa imaanayaan xilli uu shalay dagaal cul us ka dhacay gu daha Gaalkacyo, kaasoo u dhexeeyay ma amullada Galmudug iyo Puntland.

Xildhibaanka ayaa haatan wuxuu ku jir aa Isbitaalka m/Gaalkacyo halkaasoo la soo sheegayo in qalliin uu ku socdo, wuxu una noqonaya xildhibaankii ugu horreeyay oo golaha baarlamanka Galmu dug ka tirs an oo dhaawac loo geysto.

Dhanka kale, maamullada Galmudug iyo Puntland ayaan weli ka hadlin dilka loo geystay ganacsa daha iyo dhaawac xildhi baanka, iyadoo tani ay qayb ka tahay qulqulatooyinka ka taagan m/ Gaal kacyo.

Ugu dambeyn, xildhibaanka la dhaawac ay iyo ganacsadaha la toogtay ayaa ka tir sanaayeen gudd iga nabadeynta colaadda Gaalkacyo, iyadoo aan la ogeyn illaa had da sababta keentay in la weeraro.

BEESHA CAALAMKA OO SOO JEEDISAY IN LALA XISAABTAMO CIDII JEBISAY HESHIISKII GAALKACYO

War Saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen xafiisyada ay Soomaaliya ku leeyihiin Q,M, Midawga Africa, urur gobol eedka IGAD midawga Yurub iyo wadamo kale oo Soomaaliya taageera ayaa waxay ku cambaareeyeen dagaalkii dorraad ka dhacay M/gaalkacyo ee xarunta G/Mudug.

Warkaan waxaa lagu sheegay in beesha caalamku ay ka xuntahay in dagaal uu mar kale dib uga dhaco M/Gaalkacyo aya doo heshiis lakala saxiixday.

Sidoo kale war saxaafadeedkaan wax aa lagu xusay inay ayaan darro tahay in ayadoo ay madaxda maamulada Galmud ug iyo Puntland ay heshiis wada saxiixde en in hadda uu mar kale dhiig ku daato magaalada.Maamulada ku dagaalamay Gaalkacyo ayaa war saxaafadeedkaan ka soo baxay xafiisyada wadamada beesha caalamku Soomaaliya ku leeyihiin waxaa loogu jeediyay inay dhaqan galiyaan he shiiskii ay saxiixeen oo ay kala qaadaan ci idamada si dadkii barakacay ay guryahoo da dib ugu laabtaaan.

"Beesha caalamku uma dulqaadanay so inuu sii socdo dagaalka lagu daadinayo dhiiga maatida sidaa darteed DF ah waa inay u dirtaa Gaalkacyo guddi madax ban aan oo qiimayn ku sameeya cidda diidan nabadeynta.” Ayaa lagu yiri War Saxaaf adeedka. Wadamada War Saxaafadeed soo saaray, ayaa sidoo kale soo jeedin aya in ciddi jabisay xabad joojintii la saxiix ay lala xisaabtamo.

Ugu dambeen war saxaafadeedkaan waxaa lagu yiri "Beesha caalamku waxay taageersantahay dadaalka ay Dowladda Soomaaliya wado, gaar ahaan dadaalada uu wado Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee la donayo in dagaalka lagu dhameyo.”

DAGAAL CIIDANKA DOWLADDA SOOMAALIYA IYO XOOGAGGA ALSHABAAB KU DHAXMARAY G/HIIRAAN

Ciidammo ka tirsan dowladda Somaliya iyo kuwa Alshabaab ayaa ku dagaallam ay saacadihii hore Jimcihii shalay deegaa nka Baar oo qiyaastii 25km dhinac galbe ed kaga beegan M/ Beledweyne. Abuund uulaha guutada 10aad ee ciidamada xoo gga dalka Soomaaliya ee G/Hiiraan Maxa med Cumar C/lle ayaa warbaahinta u she egay in dagaalyahanno ka tirsan Alsha baab jidka u galeen ciidan ka tirsan kuwa dowladda oo sahay u sida ciidan ku sugan deegaanka Ceelcali ee gobolka Hiiraan.

"Dagaalka oo saacado badan socday ay aa wuxuu ku bilaawday weerar dhabagal ah oo ay soo qaadeen Alshabaab, laakiin markii dambe wuxuu ku ballaartay deegaa nada ku hareereysan dhulka lagu dagaal may, dhankeenna 7Askari ayaa dagaalka nooga dhaawacantay, kooxihii weerarka soo qaaday waxaan ka dilay illaa 14 ru ux,'' ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidama da dowladda. Sidoo kale, Maxamed Cum ar ayaa sheegay in markii dambe ciidam mo gurmad ka heleen deegaannada ku dhawdhaw halka uu dagaalka ka dhacay, taasoo keentay ayuu yiri inaan dagaalka ku jabino Alshabaab. Inta badan xoogag ga Alshabaab oo lagala wareegay degmo oyinka gobolka Hiiraan waxaa ay weeraro jid gal ah ku qaadeen ciidammada dowla dda marka ay doonayaan in ay isaga tall abaan degmooyinka iyo deegaannada ay gacanta ku hayaan.

KULAN BALLAARAN OO NABADDA GAALKACYO LOOGA HADLAY OO KA DHACAY GAROONKA GAALKACYO

Kulan ballaaran oo dhinacyo kala duwan ay ka soo muuqdeen, loogana hadlaayay nabadda M/Gaalkacyo, ayaa waxaa uu shalay ka qabsoomay Garoonka Gaalkac yo. Kulankan, ayaa waxaa ka soo qaybga lay Madaxda Jubbaland, Galmudug, Puntl and, wefdigii Ra’iisal Wasaaraha Somali ya, Saraakiisha Ciidamada Puntland & Ga lmudug, Culimada labada dhinac iyo xu bno kale.

Madaxweynayaasha Puntland & Galmu dug, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo C/kar iin Xuseen Guuleed, ayaa si dhow kaga hadlay dagaalka Arbacadii dorraad ka dha cay M/Gaalkacyo, wuxuuna midba midka kale uu muujiyay sida uu kaga xun yahay.

Waxay ku celceliyeen oo ay ballanqaade en inay si guud kaga wada shaqayn doon aan xasiloonida bulshada labada dhinac, iyagoo dhinaca kalana sheegay in wixii ca rqalad abuuri kara, ay ka fogaanayaan.

Culima’udiinka oo ka hadlay xiisadda ku soo korortay Xarunta Gobolka Mudug, ay aa waxay ka diggeen cawaaqib xumada ka dhalan karta adduun iyo aakhriba, had dii awood loo adeegsado shacabka Musl imiinta ee labda Maamul ku hoos nool.

Culimadu waxay ku baaqday in Alle lo oga xishoodo ummada masaakiinta ah ee ku barakacday duleedyada M/Gaalkacyo, gacan weyna ay ka gaystaan, sidii ay gu ryahoodu ugu soo laaban lahaayen.

Galmudug & Puntland oo magacaabay l aba Sarkaal, ayaa waxay u wakiisheen in ay kala qaadaan labada ciidan, ee isku hor fadhiya Bartamaha Magaalada Gaalka cyo, dibna loogu celiyo xeryahoodii.

C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, ayaa sheegay in guul uu ku soo dhammaaday kulankii shalay, waxaa uuna ku baaqay in la adkeeyo nabadda.

Dhanka kale Sabtida manta ah, ayaa waxaa lagu wadaa in la kala qaado lab ada ciidan, inkastoo qorshuhu uu ahaa in maanta la kala qaado, waxayse u baaqa tay iyadoo kulankii shalay lagu raagay/daa hay. Gaalkacyo oo dhacda Bartamaha So maliya, ayaa waxay xasiloonideeda ay mu hiim u tahay nabadda Somaliya iyo dhaq dhaqaaqa ganacsi ee G/Koonfurta & Waq ooyiga.

SOOMAALIYA OO HORDHIGTAY FURSADAHA MAALGASHI EE SOOMAALIYA KA JIRA SHIR LONDON KA DHACAY

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir looga hadlayay maalgashiga wadamada Qaarada Africa oo ay ka qeyb galeen hogaamiyayaal caal amka ka socda Shirkada Caalami ah iyo maalqabeen doonaya in maalgashi ay ku samesytaan Qaaradani lagu soo gaba gabeeyay magaalada London ee Dalka Britain. Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ma aliyadda XFS Md.C/llaahi Maxamed Nuur oo qeyb ka ahaa wafdiga shirkaasi Soom aaliya u matalayay ayaa sheegay in Soo maaliya ay hordhigtay isu imaatinkaasi muhiimada Soomaaliya iyo caalamkaba ay u leedahay maalgashi lagu Sameeyo dalkeena, iyadoo si qoto dheer looga had lay maalgashi lagu sameeyo Africa.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya ayuu sheegay Wasiiru dowlaha in shirka uu khudbad ka jeediyay oo uu kaga had lay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya ka jira, sida Xoolaha beeraha kaluumeysi ga iyo waxyaabaha kale ee uu dalka hod anka ku yahay oo uu tilmaamay ka qeyb galayaasha shirka in ay u riyaaqeen furs adaha Soomaaliya ka jira.

Shirka sidoo kale shirka waxaa looga hadlay horumarinta bankiyada Afrika ayna ka hadleen sida muhiim ay u tahay hour marinta bankiga Dhexe oo uu xusay Was iiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda XFS Md.C/llaahi Maxamed Nuur in hour mar balaaran uu sameynayo bankiga Adu unkana uu ka gacan siinayo Soomaaliya horumarkaasi.

FRANCISCO CAETANO OO LOO MAGACAABAY MADAXA CIIDAMADA AMISOM

Amb. Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa waxaa loo magacaabay Wakiilka Mi dowga Afrika Ee Somaliya & Madaxa Cii damada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (Amisom).Francisco Caetano Jose Made ira, ayaa wuxuu shalay soo gaaray M/Mu qdisho, waxaana si diiran loogu soo dhaw eeyay Garoonka Amisom, xilli Xarunta Tal iska Amisom (Xalane), ay ku dhex taalo Gar oonka Aadan Cadde.

Ninkan, ayaa wuxuu xilkan uu shalay kala wareegay Amb. Maman S. Sidikou, oo xilkaasi loo soo magacaabay dabayaa qadii sanadkii 2014ka. Sidikou ayaa u dhashay dalka Niger oo dhaca Galbeedka Afrika. Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Amisom, ayuu isla maanta uu kulan is bar asho ah uu kula qaatay Xaruntooda Xal ane, waxaa uuna booriyay hawlgalka Mid owga Afrika ee lagula dagaalamaayo Urur ka Al Shabaab.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay Danjire Sidikou mudadii 14ka bilood ahayd ee uu xilkaasi soo haayay, isagoona ku ammaa nay in shaqo ballaaran uu qabtay mudad aasi.War Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Amisom, ayaa waxaa lagu shee gay in ninkani la soo magacaabay 7dii bi shii October, islamarkaana uu maanta la wareegay xafiiska shaqada. Amb. Caetan o oo u dhashay dalka Mo zam bique, ayaa ahaa diblomaasi ka soo shaqeeyay Xar unta Ururka Midowga Afri ka Ee M/Addis Ababa,sidoo kalanauu soo qabtay xilalkle

AGAASIME NASSER"SOMALIYA WAXAA LA GA HIRGELINAYAA NIDAMKA DIGITALKA AH.”

Agaasimaha Qorsheynta & Xiriirka Caalmiga ee W/Warfaafinta, Dh&D Md.Nasser Hasan Xuseen oo maalmahan socdaal shaqo ku jo oga dalka K/Afrika ayaa kulan gaar ah la qaa tay Mr.GU Xun oo ah KuXigeenka Gud.Star Times ee u qaabilsan xiriirka caalamiga ah. StarTimes ayaa ah Shirkad dhanka Warbaah inta tan ugu sareysa ee dalka Shiinaha oo wada qorshe ay ku ballaarineyso howlaheeda warbaahineed dalalka Afrika.

Agaasime Nasser iyo Mr GU ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Wasaarad da Warfaafinta ee Soomaaliya iyo StarTimes si ay uga wada shaqeeyaan horumarinta warb aahinta Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya looga hirgelin lahaa barnaamijka Digitalka oo looga guuri lahaa nidaamka analog oo adduunka intiisa badan ka guuray.

Agaasime Nasser ayaa yiri "Soomaaliya inay ka guurto nidaamka analoga waa fursad qaali ah oo StarTimes ay ka saacidi doonto Sooma aliya si dalka oo dhan loo gaarsiiyo nidaamka Digitalka oo caalamka u wada guuray.Tani waxey keeneysaa warbaahinta Soomaaliya oo awalba ku tallaabsatay horumar ballaaran inay noqoto mid casri ah oo la tartami karta beesha caalamka.”

Agaasime Nasser ayaa u mahad celiyey Ku xigeenka Gud. StarTimes Mr.Gu Xun kuna ca suumay inuu soo booqdo Soomaaliya. Agaasi me Nasser ayaa yiri "Waxaan Mr GU Xun uga mahad celiyey dadaalkiisa ku aadan in Star Times ay Soomaaliya ka howlgasho kana sa acido dalka sidii nidaamka Digitalka looga hir gelin lahaa iyo sidii loo horumarin lahaa Warb aahinta Soomaaliya. Waxaana u fidiyey casu umaad rasmi ah oo uu ku yimaado Soomaa liya si dhaqangelinta barnaamijkaas loo sii am baqaado.” Mr GU Xun ayaa dhankiisa u fidiy ey casuumaad rasmi ah Agaasime Nasser iyo saraakiil ka socota W/W.oo bilowga sanadka 2016 booqasho ku tagi doona dalka Shiinaha si loo sii ambaqaado go’aanadii kulankii ay Mr GU Xun iyo Nasser ku wada gaareen dalka Koofur Afirka Md.Nasser ayaa ka qeybgalay kulanka Shiinaha & Afrika ee dhanka Warbaah inta oo lagu qabtay dalka K/Afrika. Kulankan oo hordhac u ahaa kulanka guud ee Madax weynayaasha Afrika iyo Shiinaha oo 4ta iyo 5ta December 2015 ka qabsoomi doona M/ Johannesburg ee dalka

HUB IYO WAXYAALAHA QARXA OO LAGA HEL AY GURIGA LAMMAANE WEERARKA KA GEYST EY CALIFORNIA

Saraakiil ka tirsan hay’ada u qaabilsan dalka Maraykanka baarista dambiyada FBI ayaa sheegay in ugu yaraan shan kun oo rasaas ah,tobaneeyo bambooyin ah iyo qalab laga sa meeyo waxyaalaha qarxa laga helay guriga ay degenaayeen lamaanihii weerarka ka geystey M/San Bernardino. Syed Farook oo 28 jir ahaa asalkiisa horena uu ahaa Pakistani iyo xaas kiisa Tashfeen Malik ay ku rideen illaa iyo 75 rasaas ah xarun ay ka socotay xaflad halkaa oo ay ku dhinteen 14 ruux 21 kalana ku dha awacmeen.

Illaa iyo hadda si cad looma oga sababta ka dambeysay weerarka ay geysteen lammaanah an hase yeeshee waxaa ay wararku sheegaya an in Farook uu xiriir dhinaca taleefanka ah la lahaa ha lama dhowr ka mid ah ururada asal raaca ah. Sarkaal u hadlay dowlada Maraykan ka ayaa xaqiijiyay in dhammaan hubka ay isti cmaalen lamaanahan uu ahaa mid si sharci ah loogaga iibsaday dukaamada hubka lagu iibi yo ee dalka Maraykanka. Farook ayaa la shee gay in uu sanadkan u tegey dalka Boqortoya da Sacudi Carabiya gudashada waajibaadka xajka.Lammaanahan weerarkii shalay lagu qaad ay magaalada San Bernardino ka dam beeyay ayaa la sheegay in gabar yar ay dhal een ay u dhiibeen ayaydood iyagoo u sheegay inay isbitaal aadayaan. Weerarkan ka dhacay shalay dalka Maraykanka ayaa waxaa uu cirka ku sii shareeray doodii ka taagneyd ee ah hay sa shada hubka

WARSAXAAFADEED: DILKII GANACSADE DAAHIR AKHWAAN

Ka dib dagaalkii shalay kadhacay M/ G/kayo ee sababtiisa ay Puntland lahayd, ayaa shalay 4ta Diseembar 2015 waxaa garoonka diyaaradaha isugu tagey madaxda 2da m/mul ee Gl/mudug iyo Puntland si looga wadahadlo fulinta he shiiskii 2dii Diseembar lagu kala saxiixday isla garoon kan. Kulankaan waxaa sidoo kale goob jog ka ahaa DF.ka iyo Madaxada DowladGoboleedyada. 2da maamul waxay la kulmeen saraakiishooda am maanka iyo golahooda wasiirada, waxayna si adag u fareen saraakiishooda ammaanka kafo gaanshaha wixii sababikara dagaal soo noq da, waxaana la saaray guddi ka kooban 2da dhinac iyo DF kaa soo uu hoggaaminayo Taliy aha Xoogga, una xilsaaran dhaqangalinta xab bad joojinta iyo kala qaadiidda ciidamada is ho rfadhiya.

Ayaandarro, anagoo goobtii wali ku sugan ayaa waxaa dhacay dhacdo xanuun badan oo heshiiska waxyeelayn karta, taasoo ah in mal eeshiyaad katirsan Puntland oo la garanayo ay dileen ganacsade caan ka ahaa Gaalkacyo oo lagu magacaabijiray Daahir Akhwaan, ayna dhaawaceen Xildhibaan Maxamed Xuseen Ta hliil oo ka mid ah baarlamaanka Galmudug iyo 2da oday oo kale. Dhacdadaas xanuun kaba dan waxay Gaalkacyo qarka u saartay in mar kale dagaal damintiisu adkaato uu ka dhaco. Nasiibwanaag waxaan ku guuleysanay inaan dareenkaas kulul xakamayno, ciidamadayada na aan farrno in aysan tillaabo qaadin.

Si loo adkeeyo waanwaanta socota isla mar ahaantaasna nabad loogu soo dabbaalo Gaal kacyo, waxaan ku heshiiney (Galmudug, Punt land, DF ah iyo Ergada D/Goboleedyada) in ay Puntland soo qabato dambiileyaasha gac ankudhiigleyaasha ah, caddaaladdana la ho rkeeno.

Tillaabooyinkaas isdabajoogga ah ee isxa kamaynta iyo masuuliydda leh ee aan qaada yno tan iyo wixii kadambeeyay 22kii Nofeemb ar waxay si buuxda u muujinaysa sida Dowl adGoboleedka Galmudug ay uga go’antahay adkaynta nabadda iyo xasiloonida M/ G/kacyo. Maadaama aysan suuro galikarin sii soco shada tanasul iyo isxakamayn ka timaada Ga lmudug oo kaliya, waxaan si dhab ah ugu adk aynaynaa maamulka Puntland inay soo qabt aan dambiileyaashaas. Waxaan sidoo kale DF ah iyo ergada D/Goboledyada ugu baaqayna inay Puntland ku tirtisiiyaan oofinta ballan. Dhammaad….

MADAXWEYNAHA JABUUTI OO SHEEGAY IN HOG AANKA DALKIISA UU U TARTAMAYO MARKII 3AAD

Madaxweynaha Waddanka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay ku dhawaaqay inuu ka qaybgalayo tartanka doorashooyinka mad axnimo ee dalka Jabuuti oo dhici doona sann adka soo socda ee 2016ka. Geelle ayaa shee gay inuu maqlay dalabka taageerayaashiisa ee ahaa inuu mar 3aad u tartamo xilka ma daxnimo ee Jabuuti, ka dib bannaanbax ay ku sameeyeen xarunta Jabuuti taageerayaashii sa, kaasoo ay kaga dalbadeen inuu u istaago doorashada mar saddexaad."Waxaan go’aanka aan isugu soo taagayo doorashada sannadka soo socda ee 2016ka aan qaatay markii aan arkay xaaladda ka jirta dalka Jabuuti iyo weliba gobolka Geeska Afr ika,” ayuu yiri Geelle hadal uu u jeedinayay shacabka dalka Jabuuti.Sidoo kale,md. Geelle ayaa khudbadiisa ku xusay in tan iyo markii uu hoggaanka Jabuuti sannadkii 1999kii, isla ma rkaana uu xafiiska joogay 2 xilli uu horumar weyn u horseeday dalka Jabuuti.

"Tan iyo markii aan xilka qabtay waxaan dal ka Jabuuti gaarsiiyay hormar aad u weyn iyo barwaaqo, waxaana iga go’an inaan sii wado horumarka Jabuuti aan gaarsiiyay haddii mar 3aadd xilka la ii doorto,” ayuu mar kale yiri Ge elle. Dhanka kale, Isbahaysiga mucaaradka dalka Jabuuti ayaa sheegay inaysan marnaba aqbali doonin go’aanka md.Geelle uu ku shee gay inuu mar kale u soo istaagayo xilka mad axnimo ee Jabuuti, iyagoo ku tilmaamay inay tahay mid u muuqata kalitalisnimo.

Ugu dambeyn, Jabuuti ayaa waxaa lagu wa daa inay doorasho ka dhacdo sannadka 2016ka ee nagu soo foolka leh, iyadoo xilliga mad axweyne Geelle uu ku egyahay bisha Febe raayo ee sannadkan soo socda.

WEERAR KA DHACAY CAASIMADDA MASAR OO LAGU DILAY 16 QOF

16 qof, ayaa waxaa lagu dilay weerar lagu qaa day baar xilliyada habeenkii lagu caweeyo, oo ku yaala M/Qaahira Ee Xarunta Wadanka Ma sar. Warbaahinta Masar, ayaa tebisay in nim an wejiyada soo duubtay ay baarkaasi ku wee rareen qaraxyada macmalka ah, ee laga same eyo dhallooyinka shidaalka laga soo buuxiyo.

Dadkii baarka ku sugnaa oo is buurtay, ayaa waxaa dhacday in naqaska uu ku dhigo, taas ina ay sababtay dhimashada 16ka ruux, ka dib markii ay dadku soo dhoobteen albaabka qura ee baarkaasi looga baxo. Laamaha amm aanka, ayaa waxay baadigoob ugu jiraan illaa lix nin oo la rumeysan yahay inay ka dambee yeen weerarkaasi, kuwaa oo aan la garanayn halka ay u carareen.

Qoraal ay Jimcihii soo saartay Xukuumadda Qaahira, ayaa waxaa lagu sheegay in suurtag al ay tahay, in weerarkaasi uu noqon karo fal argagaxiso, oo ay gaysteen kooxaha Islaamiyi inta ee xagjirika ah. Waxaan jirin cid sheegat ay inay ka masuul tahay weerarkaasi, balse waxaa tuhun laga muujinayaa Ururka Daacish, oo isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Isl aamka).Dhaqaalaha Masar, ayaa waxaa bishii la soo dhaafay ku yimid hoos u dhac weyn, markii 30kii bishii October diyaarad rakaab aha yd, oo Ruushka laga lahaa lagu soo riday Gacanka Sinai.

URURKA DAACISH OO 24KII SAAC EE LA SOO DHAAFAY YEMAN KA GEYSTAY FALAL AAN HORAY LOOGA BARAN

Dagaalyahano ka tirsan ururka Daacish ee ku sugan dalka Yemen ayaa 24kii saac ee la soo dhaafay waxa uu dalka ka sameeyay falal aan horay looga baran, taasi oo ka duwan ururrad a kale ee ka dagaalama dalkaasi. Shabakad da Daily Mail ee laga leeyahay dalka Ingiriis ka ayaa soo bandhigtay ilaa 24maxbuus oo ururka Daacishta Yemen gacanta ku hayeen inay ula dhaqmeen si ka baxsan bani’aadamin imada, kaddib markii siyaabo kala duwan loo dilay.

Maxaabiistaan u gacan galay kooxda IS ay aa dilalkooda loo adeegsaday Gumaca Hoobiy aha oo qeyb iyaga ka mid ah inta lagu xiray ka dibna dab la qabadsiiyay, waxaana qarax ka dhashay gumacyadii qoortooda la suray ay sa babeen in jirkooda cadba meel ku dhaco.

Qeyb kale oo iyana maxaabiista ka mid ah ay

aa iyagoo isku xiran la saaray doon miineys an, ka dibna markii ay masaafo fogaadeen Re mudka loo taabtay halkaasi oo ay ku bas be

eleen maxaabiistii saarneyd.

WARARKA CAALAMKA

BAARLAMAANKA JARMALKA OO COD U QAADAY IN CIIDAMADOODU KA QEYBQAATAAN DAGAALKA DAACISH.

Xildhibaanada baarlamaanka Jarmalka ayaa shalay ka dood aya qaraar la xariira in dawlada Jarmalku ay ku biirto dagaalka ka dhanka ah ururka Daacish iyo in kale. Xubnaha baarlamaan ka fadhigooda maanta waxay kaga doodayaan qorshe ay xuk uumaddu ku weydiisatay in loo fasaxo diyaaradahooda dagaalka inay duqeeyaan fariisimaha Daacish.

Baarlamaanada dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa hor ey u meel mariyay in lala dagaalamo ururka Daacish. Dooda baa rlamaanka Jarmalka ayaa si gaar ah waxay ula xariirtaa in gobo lka loo diro in ka badan kun askari oo maraakiib dagaal la socda iyo diyaarado hawada ka duqeeya Daacish. Ciidamada Jarmalka ayaan dhulka kula dagaalami doonin kooxd a Daacish.

MADAXWEYNE PUTIN "TURKIGU UU KA SHALEYN DOONAA DIYRAADII UU SOO RIDAY..”

Madaxweynaha dalka Rushka Vladamir Putin ayaa mar kale di gniin adag u jeediyay dawlada Turkiga taasoo la xariirta diyaara dii Rushka looga soo riday xadka u dhaxeeya dalalka Turkiga iyo Syria. Mr.Putin oo la hadlayay baarlamaanka dalkiisa ayaa wax aa uu sheegay in Turkigu uu ka shaleyn doono diyraadii uu ka soo riday sida uu yiri.Sidoo kale Mr Mr.Putin waxaa uu sheegay in dawladiisu ay ka aarsan doonto Turkiga oo uu sidoo kale ku dhawaaqay in arri ntaasi keenay cawaaqib aan la mahdin. Dawlada Turkiga ayuu ku eedeeyay inay taageerto wax uu ugu yeeray argagixisada gobolka oo uu ula jeeday kooxda Daacish.

Dawlada Turkiga ayaa dhankeeda ku adkaysanaysa inay ku saxantahay go’aankii ay ku soo riday diyaaradii Rushka ee no oca dagaalka aheyd weyna ku xad gudubtay hawada Turkiga.

FARANSIISKA OO QORSHEYNAYA INUU XIRO KU DHOWAAD BOQOL MASJID IYO DIGNIIN ARINTAAS LAGA BIXIYEY

Dowlada France ayaa bilowday qorshe ballaaran oo ay albaab ada iskugu dhufaneyso illaa boqol masaajid oo ku baahsan mag aalooyinka dalkaas. Talaabadan ayaa lala xiriirinayaa iney qeyb ka tahay jawaabta dowlada wadankaas ay ka bixineyso weerar adii dhowaan ka dhacay Paris oo lagu dilay illaa 130 qof boqola al kalena lagu dhaawacay kuwaasoo masuuliyadooda ay shee gatay kooxda Daacish.

7yadiii la soo dhaafay waxay France xirtay 3 masaajid oo ku yaal dalkaasi oo lagu eedeeyey inay faafinayeen fikirka xagjirn imada. Sharciga Xaalada deg degta ah ee lagu soo rogay dalka France kadib weeraradii Paris ayaa la sheegay inuu soconayo 3 bilood, waxayna xukuumada hada dooneysaa in lagu sii daro 3 bilood oo kale. Awooda Xaalada deg degta ah ayaa xukuumada fursad u siineysa inay xirto goobaha dadka ay isugu yimaadaan sida masaajidada.

Hay’adaha u dooda xaquuqul Insaanka ayaa sheegaya in xiri taanka masaajidada ay keeni karto dhibaatooyin horleh iyo iney abuurmaan kooxo cusub oo xagjiriin ah, iyagoo sheegay in koo xaha weerarada ka geystay dalkaas intooda badan aysan kasoo baxin masaajidada balse ay yihiin dhalinyaro siyaabo kale gedis an u qaatay xagjirnimada. France ayey ku nool yihiin Muslimiin gaareysa 6 milyan ayaa horey u sheegayey inaysan heysan mas aajido ku filan, halka dowlada laga yaabo inay hada xirto 100 ma saajid oo ah kuwii horey u furnaa, waxaana muslimiinta dalkaas ay u arkaan talaabadan mid iyaga lagu takoorayo.

XILDHIBAAN KU JIRA DOWLADA NORWAY OO BAAQ NABADEED U DIRAY WALAALAHA KU DAGAALAMAYA GOBOLKA MUDUG .

Xildhibaan Ismaaciil Muxyadiin oo ah mudane katirsan dowla da Norway ayaa sheegay in xiligan aysan wanaagsanayn in lagu diriro wax aan micno wayn samaynayn sidoo kalena aysan habo onayn in la daadiyo dhiig cusub iyadoo xiligan ay mudan tahay in laga fakaro horumar iyo wax wada qabsi.

’’Inkastoo dhibaato dhacday hadana waxaa muuqata ififaalo nabadeed iyo dadaallo xoogan oo loogu jiro xakamaynta colaaa da iyo xal u ehelida nabad waarta oo ka hir gasha gobolka Mud ug’, ayuu yiri Xildhibaan Ismaacil. Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada reer Galkacyood iyo maamulada ka ari miya in ay nabada fursad siiyaan una hiiliyaan dadaalada lagu ji ro nabada ayaga oo u dhaga nuglaanaya, gacana ku siinaya sama jeclayaasha usoo gurmaday in ay gacan ka gaystan na bada.Dhanka kale Xildhibaan Ismaaciil Muxyadiin ayaa waxa uu arinkaani kala hadlay wasaarada arimaha dibada ee dalka Norway isago ka codsaday in dowlada Norway kaalin mug leh ka qaadato dadaalada dowlada Soomaalida ee ku dooneyso xal u helida colaadaha iminka kajiray gudaha Soomaaliya isagoo sha cabka Soomaaliyeedna ugu baaqay iney wax ka bartaan dhibat ooyinki ee ka dhaxleen dagaalada Sukeeye ee dalka soomaray.

Ugu dambeenti Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Shacbiga Soom aaliyeed iney umidoobaan xal uhelida xaalada cakiran ee dalka Soomaaliya isagoo dhankiisa xildhibaanka balan qaday inuu sii laba laabi doono dadaaladiisa siyaasadeed ee kuwajahan dibu dhiska dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Ismaaciil Muxyadiin ayaa waxa uu safka hore kaga jiraa siyaasiyiinta Soomaalida ee kujira dowlada Norway isagoo mudadi uu kujiray siyaasada dalkaasi oo uhantiyay quluubta shacabka Soomaaliyeed oo iyaga aad ugu hamuun qabay iney hel aan Siyaasi Soomaali ah oo danaha Soomaalida gaarsin ka ro doodaha siyaasada ee dalka Norway.

HAY’ADDA CPJ OO SOO JEEDISAY IN CADAALADA LA HOR KEENO KOOXIHII KA DAMBEEYAY DILKA WARIYA HINDIYA XAAJI MAXAMED

Hay’adda CPJ oo ka mid ah hay’adaha wariyaasha u dooda ayaa war ay soo saartay waxay ku cambaareysay falkii lagu dil ay Allaha u naxariistee wariye Hindiya Xaaji Max’ed oo warba ahinta dawlada Soomaaliya u shaqaynaysay.

Xiriiriyaha CPJ ee Africa haweeney da la yiraahdo Sue Valentine ayaa she egtay in geerida Hindiya ay xasuus nax din leh ku reebayso isla markaana ay muujinayso in Soomaaliya ay ka mid wariye Hindiya tahay wadamada ay ka dhacaan dambiyada aan la isku ciqaabin. Dawlada Soomaaliya ayay haweeneydaan ugu baaqday in ba aritaan dhab ah ku sameyso dilka wariye Hindiya Xaaji Max’ed si cadaalada loo hor keeno kuwii dilkeeda maleegay. "Dilka Hind iya waa dhacdo xanuun badan dawlada ayaan ugu baaqaynaa inay si dhab ah u baarto si cadaalada u ho yimaadaan kuwii shir qoolay lagana shaqeeyo in Soomaaliya ay noqoto meel ay war iyaasha si madax banaan oo cabsi la;aan ah uga shaqeystaan” ayay tiri Sue Valentine.

Shantii sanno ee lasoo dhaafay illaa 25 wariye ayaa lagu dilay Soomaaliya shaqadooda darteed sida laga soo xigtay hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha. Allaha u naxariistee Wariye Hind iya Xaaji Max’ed ayaa u geeriyo otay dhaawac kas oo gaaray qa rax ka dhashay bomb gaari ay laheyd loogu xiray

LIX IYO TOBAN QOF OO KU DHINTAY MAQAAHI KU TAALLA MAGAALADA QAAHIRA OO DAB LA QABADSIIYEY

Dad gaaraya ugu yaraan lix iyo16 qof ayaa ku dhinteen maqaahi ku taal M/Qaahira ee dalka Masar oo la weerar ay.Ciidamada am maanka ayaa sheegay in niman afka soo dabooshay ay bamboo oyin batrool ah ku tuureen dhismaha maq aahida kuwaasoo inuu halkaas ka kaco dab xoogan.

Dadkii gudaha ku jiray ayaanay usuurto gelin inay dabka ka baxsadaan dariiqa oo ciriiri ahaa iyo meesha oo aan lahayn me el xaaladaha degdeg ah laga bixi karo.Maqaahida gudaheeda dadkii ku jiray badankiisa ayaa halkaasi ku nafwayey ka dib mar kii naqasku ku xirmay oo ay qiiqa ku neef qabatoobeen.

Ma cadda ujeedada iyo cida ka danbeysay weerarkani ink ast oo madaxda amaanku sheegeen inay dhici karto inay yihiin shaqaale horey maqaahida looga eryey oo wax tirsanaya.

TACSI TIIRAANYO LEH

Maamulka Iyo Shaqaalaha Wargeyskaan Mogadishi Times Da ily News Papaer Waxay Tacsi u Dirayaa Dhammaan Ehelka iyo Qarabaadii iyo Bahda Saxaafadda Soomaaliyeed qaasatanaintii ay la shaqeynayasay ee radio muqdisho iyo tvga qaranka iya goo ugu tacsiyadeynaya Geeridii Ku Timid Wariiye Hinda Xaaji Maxamed oo Dorraad Ku Geeriyootay M/ Muqdisho waxayna Alle ugu baryayaan inuu marxuumadda jannadii fardowzo uu ka waraabiyo ehelka iyo qarabadana samir iyo iimaan sadaq ah ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin

INNAA LILLAAHI WA INAY ILAAHI RAAJICUUN

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip