Hay'adaha amniga oo caawa soo bandhigi doono xogta qaraxii Zoobe

0
Wednesday October 18, 2017 - 18:40:53 in Wararka by
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adaha amniga oo caawa soo bandhigi doono xogta qaraxii Zoobe

    Hay'adaha amniga ee Dowladda Somaliya, ayaa waxaa caawa lagu wadaa inay soo bandhigan xogta ku aadan qaraxii ismiidaaminta ahaa, ee gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adaha amniga ee Dowladda Somaliya, ayaa waxaa caawa lagu wadaa inay soo bandhigan xogta ku aadan qaraxii ismiidaaminta ahaa, ee gelinkii dambe ee Sabtidii ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliya, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), laamaha ammaanka waxay caawa shaacin doonaan macluumaadka ay ka hayaan qaraxaasi.

Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Gurmad Qaran ee Magaalada Muqdisho, ayaa tilmaamay in xogta ay soo bandhigi doonaan saraakiisha laamaha amniga, in ay ku farxi doonaan shacbiga Somaliyeed, sida uu yiri.

Waxa uu intaa ku daray in dowladdu ay shacabka Somaliyeed la qaybsaneyso murugada iyo xanuunka khasaaraha ballaaran ee shacabka ka soo gaaray qaraxaasi.

Dhanka kale Wasiir Yariisow, ayaa bulshada samaynaysa bannaanbaxyada looga soo horjeedo maleeshiyada Al Shabaab ugu baaqay in si nabdoon ay dareenkoodu ku muujiyan.

Qaraxa 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe, ayaa waxaa ku dhimatay in ku dhow saddex boqol oo qof, halka tiro ka badana ay ku dhaawacantay.

Shacabka reer Muqdisho oo maanta isugu soo baxay wadooyinka caasimadda, ayaa ka hor intii aanay isugu tagin Garoonka Stadium Conis waxay sameeyen rabshadu ay ku muujinayan, sida ay kaga soo horjeedan dhibaatada Shabaabku ku hayaan shacabka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip