
WAR-SAXAAFADEED: DILKII GANACSADE DAAHIR AKHWAAN
fareen saraakiishooda ammaanka
kafogaanshaha wixii sababikara dagaal soo noqda, waxaana la saaray guddi
ka kooban labada dhinac iyo Dowladda Federaalka kaasoo uu hoggaaminayo
Taliyaha Xoogga, una xilsaaran dhaqangalinta xabbadjoojinta iyo kala
qaadiidda ciidamada is hor-fadhiya.
Ayaandarro, anagoo goobtii wali kusugan ayaa waxaa dhacay dhacdo xanuun badan oo heshiiska waxyeelayn karta, taasoo ah in maleeshiyaad katirsan Puntland oo la garanayo ay dileen ganacsade can ka ahaa Gaalkacyo oo lagu magacaabijiray Daahir Akhwaan, ayna dhaawaceen Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil oo kamid ah baarlamaanka Galmudug iyo laba oday oo kale. Dhacdadaas xanuunkabadan waxay Gaalkacyo qarka u saartay in markale dagaal damintiisu adkaato uu kadhaco. Nasiibwanaag waxaan ku guuleysanay in aan dareenkaas kulul xakamayno, ciidamadayadana aan farro in aysan tillaabo qaadin.
Labada maamul waxay la kulmeen saraakiishooda ammaanka iyo golahooda
wasiirada, waxayna si adag u
Si loo adkeeyo waanwaanta socota isla mar ahaantaasna nabad loogu soo
dabbaalo Gaalkacyo, waxaan kuheshiiney (Galmudug, Puntland, Dowladda
Federaalka ah iyo Ergada Dowlad-Goboleedyada) in ay Puntland soo qabato
dambiileyaasha gacan-ku-dhiigleyaasha ah, caddaaladdana la horkeeno.
Tillaabooyinkaas is-daba-joogga ah ee is-xakamaynta iyo masuuliydda leh
ee aan qaadayno tan iyo wixii kadambeeyay 22kii Nofeembar waxay si
buuxda u muujinaysa sida Dowlad-Goboleedka Galmudug ay uga go’antahay
adkaynta nabadda iyo xasiloonida magaalada Gaalkacyo. Maadaama aysan
suuro galikarin sii socoshada tanasul iyo is-xakamayn katimaada Galmudug
oo kaliya, waxaan si dhab ah ugu adkaynaynaa maamulka Puntland in ay
soo qabtaan dambiileyaashaas.
Waxaan sidoo kale Dowladda Federaalka ah iyo ergada Dowlad-Goboledyada
ugu baaqayna in ay Puntland ku tirtisiiyaan oofinta ballanqaadkeedii
ahaa sooqabashada dambiileyaashaas gacan-ku-dhiigleyaasha oo ciidankeeda
katirsan.
Ugu dambayn, waxaan ku kalsoonnahay in dadka Soomaaliyeed iyo duniduba ay marag ka yihiin niyadsamidayada.
………..Dhammaad………..
|
Wixii Faa-faahin Dheeraad ah kala xiriir: |


0 


WAR-SAXAAFADEED: DILKII GANACSADE DAAHIR AKHWAAN
Ka dib dagaalkii shalay kadhacay magaalada Gaalkacyo ee sababtiisa ay Puntland lahayd, ayaa saaka 4ta Diseembar 2015 waxaa garoonka diyaaradaha isugutagey madaxda labada maamul ee Galmudug iyo Puntland si looga wadahadlo fulinta heshiiskii 2dii Disee