Gudoomiye Yassin Mahi Oo Booqday Isbitaaladii Muqdisho

0
Wednesday October 18, 2017 - 11:20:09 in Wararka by
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Yassin Mahi Oo Booqday Isbitaaladii Muqdisho

    Gudoomiyaha xisbiga Ssup Yassin Mahi Moallim ayaa maanta booqday cisbitaaladii ay ku jireen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii lagu laayay shacabka aan waxba galabsan ee kadhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Yassin ayaa soo qiimeeyay xaalada gu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha xisbiga Ssup Yassin Mahi Moallim ayaa maanta booqday cisbitaaladii ay ku jireen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii lagu laayay shacabka aan waxba galabsan ee kadhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Yassin ayaa soo qiimeeyay xaalada guud ee dadkaasi islamarkaana ka qeyb qaatay shubida dhiiga shacabkii dhibtu soo gaartay,

wareysi uu siinayay gudoomiyaha warbaahinta dibada gaar ahaan kuwa kahowlgala dalka Sweden ayuu kusheegay in qaraxaan uu ahaa kii ugu horeeyay ee abid soo mara Dalka Somaliya kaaso galabsaday nolosha dad tiro badan oo isugu jira dumar iyo caruur dad shacab ah oo aan hubeysneyn kuna holwlanaa nolol maalmeedkooda.

Gudoomiyaha ayaa uga mahad celiyay dalalkii usoo gurmaday shacabka Somaliyeed xilligan oo ay aadka ugu baahanyihiin in lagarab istaago isagoo si gaar ah ugu mahad celiyay dowladaha Turkiga iyo Djabouti oo iyagu ahaa dalalki ugu horeeyay ee sida dhaqsida leh ugasoo jawaabay qeyla dhaanti madaxweyne Maxamed Cabdullahi ( Farmaajo ) iyo raysalwasaare Cali khayre ay udireen dowladaha caalamka,

Ugu dambeynti gudoomiye Yassin ayaa Allah uga baryay inuu caafiyo inti dhaawacantay inti dhimatayna uu janada kawaraabiyo Eheladi ay kageeriyoodeena uu samir iyo iimaan Alle kasiiyo.

Yassin Mahi waxa uu dhawaantanba safaro ku kala bixinayay dalka gudihiisa isagoo dhawaan safar uga yimid dalka Sweden halkaasoo uu kayahay xubin golaha deegaanka heer gobal ee Sörmland ee dalka Sweden, sidoo kalena waxa uu gudoomiye uyahay xisbiga SSUP.

Yassin ayaa inoo sheegay inay ka go’antahay inuu shacabka hiil iyo hoo lagarab istaago. Waxa uuna ku booriyay shacabka Somaliyeed iney isgarab qabtaan dowladoodana ay garab istaagaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip