
Ururka Daacish oo 24-kii saac ee la soo dhaafay Yeman ka geystay falal aan horay looga baran + Sawirro
Dagaalyahano ka tirsan ururka Daacish ee ku sugan dalka Yemen ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxa uu dalka ka sameeyay falal aan horay looga baran, taasi oo ka duwan ururrada kale ee ka dagaalama dalkaasi. Shabakadda Daily Mail ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa soo
bandhigtay ilaa 24-maxbuus oo ururka Daacish-ta Yemen gacanta ku hayeen
inay ula dhaqmeen si ka baxsan bani’aadaminimada, kaddib markii siyaabo
kala duwan loo dilay.
Maxaabiistaan u gacan galay kooxda IS ayaa dilalkooda loo adeegsaday Gumaca Hoobiyaha oo qeyb iyaga ka mid ah inta lagu xiray kaddibna dab la qabadsiiyay, waxaana qarax ka dhashay gumacyadii qoortooda la suray ay sababeen in jirkooda cadba meel ku dhaco.
Qeyb kale oo iyana maxaabiista ka mid ah ayaa iyagoo isku xiran la saaray doon miineysan, kaddibna markii ay masaafo fogaadeen Remud-ka loo taabtay halkaasi oo ay ku bas beeleen maxaabiistii saarneyd.
Dhinaca kale ficilladaan cusub oo maanta kooxda Daacish ka sameysay dalka Yemen ayaa ku soo beegmaya xilli dowladda uu madaxweynaha ka yahay Cabdu Rabu Mansuur ay ka guuleysatay kooxaha Xuutiyiinta dalkaasi.



0 


Ururka Daacish oo 24-kii saac ee la soo dhaafay Yeman ka geystay falal aan horay looga baran + Sawirro
Dagaalyahano ka tirsan ururka Daacish ee ku sugan dalka Yemen ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay waxa uu dalka ka sameeyay falal aan horay looga baran, taasi oo ka duwan ururrada kale ee ka dagaalama dalkaasi.