
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA OKTOOBAR 2017-KA
"Maalinta maanta waxaa jirta duco ama Tacsi ballaaran oo ka dhaceysa Muqdisho oo la isugu imaanayo Koonis Stadi um, illaa magaalada lagu socon doonaa, si looga dhiidhinayo dhibka dhacay,”ayuu yiri Guddoomiye Taabid.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in maanta ay tahay maalintii loo midoobi lahaa, gum aadkii iyo xasuuqii dadka Muqdisho lagu sameeyay, isla markaana ay tusi doonaa sida ay uga dhiidhiyeen.
"Dhalinyaroy Xamar aan la xoreyno xabaasha badatay”ayuu yiri Guddoomiye Taabid oo dhali nyaro is xilqaamay kula hadlayay goobtii uu qaraxa ka dhacay.
Maalin ka hor ayay aheyd markii banaan bax ballaaran uu ka dhacay fagaaraha Daljirka Dahs oon, halkaasoo boqolaal qof ay isugu soo baxeen, iyagoo ka careysan qaraxii dadka faraha badan la gu xasuuqay ee ka dhacay Sabtidii la soo dhaafay isgoyska Zoobe.
DAWLADDA KOONFUR AFRIKA OO SI LALAYAABO UGA HADASHAY WEERARKII ZOOBBE
Dowladda Koonfur Afrika ayaa cambaareyneysa Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho, Sabt idii, 14 October 2017, taas oo keentay in dad badan oo shacab ah ay ku dhintaan boqolaal kalane ay ku dhaawacmeen
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha dibada koonfur afrika ayaa lagu yiri ” Koon fur Afrika ayaa dib u soo celinaysa cambaareynta dhammaan noocyada argagixisanimada iyo xagjir nimada gacan ka hadalka. Waxaa si gaar ah loola jeedaa in weerarka loo geystay si aan kala sooc la hayn dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan lagu laayay taasi oo tirada dhimashada ay 200 oo qof kor u dhaaftay
"Dawladda Koonfur Afrika waxay mar waliba garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee xilli gan ku sugan xaaladda adag
Madaxweynaha koonfur afrika Jacob Zuma ayaa dhambaal tacsi ah u diray madaxweynaha ja mhuuriyadda soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ehelada dadkii ku naf waayay qarixii 14 bishan ka dhacay magalada muqdisho waxaana dadka dhaawaca ah uu u rajeeyay caafim aad deg deg ah in eeba siiyo
Ugu danbeeyntii warsaxaafadeedkan kasoo baxay wasaaradda arimaha dibada Koonfur Afrika ayaa waxaalagu sheegay in dowladda koonfur Afrika sii wadi doonta inay la shaqeyso dalalka kale ee ka tirsan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay u sahamiyaan xalalada amni ee muddada dheer ka taagan soomaaliya gaar ahaan la dagaallanka argagaxisada iyo xagjirnimada.
AL SHABAAB OO GUDAHA U GALAY DEGMADA LAAS QORAY EE GOBOLKA SANAAG
wararka naga soo gaaray Magaalada laas qoray ee gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegaya an in habeen hore Ciidamo ka tirsan AlShabaab ay galeen Gudaha Magaaladaas.
Magaalada laas qoray oo ah Magaalo Xeeb leh ayaa la sheegay in Ciidamo ka tirsan Shabaab oo ka yimid Buuraha Galgala ay tageen kuwaas oo Goob fagaaro ah Bulshafa Magaalada ugu khud beeyay.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in AlShabaab ay Saacado kooban jooge en halkaas kadibna ay dib uga laabteen.
Masuuliyiinta Maamulka Magaalada laas qoray ee Puntland weli kama hadlin tegi taanka Al Shabaab ee Magaalada laas qoray.
Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay Heegan Sare gelisay Ciidamada Puntland ee jooga Magaalooyinka Gaalkacyo,Garoowe iyo Boosaaso si ay uga hortagaan in Puntl and uu ka dhaco Qarax la mida kii lagu Xasuuqay Shacabka Muqdisho iyo weeraro qorshesan.
Taliyaha La Dagaalanka Argagixisada Puntland Gen Muxuyadiin Axmed Muuse oo la hadlay Warbaahinta Puntland ayaa sheegay in Heegan la geliyay Ciidamada Puntland islamarkaana ay ka Fiijigan yihiin Weeraro Qaraxyo ah oo ay Alshabaab la beegsadaan Degaanada Maamulka Puntland sida uu hadalka u dhigay
DIBLOMAASIYIINTA SAFAARADA IMAARAADKA OO DHIIG UGU DEEQAY DADKII KU DHAAWACMAY QARAXII KA DGACAY MUQDISHO…
Diblomaasiyiinta Safaaraadda Dowladda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ayaa Dhiig ugu de eqay si loo badbaadiyo nolosha walaalaha Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii Bahalnimada ahaa ee lagu beegsaday dadka rayidka ahaa ee aan waxba galabsan ee ku sugnaa Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
Isbitaalka Sheekh Zaayid ee Dowladda Imaaraadku ka hirgelisay Magaalada Muqdisho ayaa gacan ka geystay daaweynta Dadkii ku dhawacmay Qaraxii Zoobe.
Sidoo kale Isbitaalka Sheekh Zaayid ayaa gaarsiiyay deeq daawo ah qaar ka mid ah Isbitaala da Magaalada Muqdisho ee la tacaalaya daaweynta dadkii ku dhaawacmay Qaraxa.
Dhanka kale owladda Imaaraadka Carabta ayaa ballan qaday inay gacan ka gaysanayso daaw aynta Dadkii ku dhaawacmay Qaraxii weynaa ee ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
DIB U DHIS LAGU BILAABAY GOOBTII UU KA DHACAY QARAXII ZOOBE .
Waxaa dib u dhis lagu bilaabay dhismayaasha ku yaalla Isgoyska Zoobe gaar ahaan goobtii uu ka dhacay Qaraxa 14kii bishan, kaasi oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid Musiibo Qaran ah.
Dhismayaasha ayaa waxaa burbur xoogan uu ka soo gaaray Qaraxii Sabtidii ina dhaaftay ka dhacay isgoyska Zoobe, ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 280 qof, hal ka ay ku dhaawacmeen ilaa 300 oo qof.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo dhalinyaro is xilqaantay ayaa shalay oo Saddex maanta laga joogo Qaraxii Zoobe waxa ay bilaabeen in ay dhismo ku meel gaar ah ku wareejiyaan goobaha gan acsi ee ku yaalla Zoobe, kuwaasi oo uu saameeyay Qaraxa.
Sidoo kale Maamulka gobolka, Dhalinyarada, Ciidamada Dowladda iyo xubno kale ayaa si isku mid ah uga qeyb qaadanaya dib u soo celinta bilicda wadada, kadib markii shalay ay bilaabeen olole nadaafadeed
Wadadan mudo Saddex maalmood ah ma aysan isticmaalin wax Gaadiid ah, oo ay wataan sha cabka, marka laga reebo kuwa Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.
"Mida shalay aad arkeysaan oo runtii nadaafada socota oo la isku soo baxay iyo xaqiijinta Al-xamdulilaah, dhalinyarada ayaa is abaabushay, anigana waxan diyaar u ahay inaan ka qeyb qaato.” Ayuu yiri Guddoomiye Thaabit.
WASIIRKA WARFAAFINTA OO KA WARBIXIYAY GURMADKA LOO FIDINAYO DADKII KU WAXYEELOOBAY QARAXII
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/ra xmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa ka warbixiyay howlaha samata bixinta iyo gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Sabtidii magaalada Muqdisho.
Eng. Yariisow ayaa sheegay in dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Mareykanka, Qatar iyo Kenya ay deeq daawo soo direen, oo loogu tala galay gurmadka dadka ku waxyeeloobay qaraxa.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhaawacyada kuwa liita loo qaadayo Sudan, isagoo xusay in dowladda Qatar ay dadkaas u qaadeyso Khartoum.
Wasiir Yariisow ayaa sidoo kale sheegay inay soconayaan dadaalo la xiriira howlaha gurmadka, isla markaana ka codsade en beesha Caalamka sida loo keeni lahaa DNA lagu kala garto dadkii dhintay oo la aqoonsan waayay.
Eng. Yariisw ayaa sheegay in tirada dadka dhintay ay gaar tay 281, isla markaana ay suura gal tahay in tirada ay sii kororto, halka dhaawacana ay gaarayaan saddex boqol oo qof
Dhinaca kale waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay ugu deeqday dhaawacyada iyo dadka waxyeelada ka soo gaaray qaraxa lacag gaareysa Hal Milyan oo dollar.
DOWLADDA OO GAADIID XAMUUL KU XANIBTAY DAKADDA MUQDISHO
Dowladda Federalka Somaliya ayaa labadii cisho ee la soo dhaafay waxa ay dakadda Magaala da Muqdisho ku xanibtay gaadiid badan oo xamuul ah, kuwaasi oo doonaya inay soo galaan dhanka Magaalada.
Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Dakaddaha Xukuumadda Somaliya Maryan Aweys Jaam ac oo la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in la xanibay gaadiidkaasi faraha badan oo doonaa yay inay soo aadaan dhanka gudaha Magaalada.
Waxa ay sheegtay sababta keentay xanibaada lagu sameeyo gaadiidka inay tahay laba ari mood oo kala ah, waa tan koowaad saxmad iyo ciriiri inay ku keenaan wadooyinka Magaalada Muq disho, iyadoo uu socdo hawlaha gurmadka Qaranka ee lagu samatabixinaayo dadkii masiibada ay ku qabsatay Isgoyska KM5 iyo in Dowladda ay ka fekerayso nidaam lagu maareeyo gaadiidkaan xam uulka ah ee Magaalada dhexmara.
"Waxaan tallaabo wayn ka dhignay daraad iyo shalay gawaarida waaweyn inay dakadda ku jiraan oo aan wali la fasaxin oo aan u qorsheynayno xilli aan isleenahay waa ay ku haboon tahay oo aan waan ku bilaabi karnaa, si uu u dhaqan galo nidaamka, si looga badbaado wixii dhacay oo kale oo jaamka keenay.” Ayeey tiri Wasiir Maryan.
Wasiirka Dakaddaha Somaliya ayaa sidoo kale sheegtay maalmaha soo socda Dowladda Somaliya inay soo saari doonto go’aano la xiriira gaadiidka Xamuulka ah ee Magaalada gudaheeda dhexmara, iyadoo gaarigii isku qarxiyay Isgoyska Zoobe uu ahaa mid wayn oo dad badan oo shacab ah baabi’iyay.
Dad badan ayaa aragti ahaan u soo jeediyay in gaadiidka xamuulka ah loo yeelo waqti gaar ah, si gaar ahna looga dhigo xilliyada habeenkii ah in loo fasaxo marista wadooyinka Magaalada Mu qdisho, maadaama maalintii ay keenaan ciriiri fara badan, haddana ay bilaabatay in qaraxyo loo adee gsado.
DIYAARADDII QATAR EE GURMADKA CAAFIMAAD SIDAY OO SOO CAGA DHIGATAY
Diyaaraddii dowladda Qatar soo dirtay ee siday gurmadka caafimaad ayaa ka soo degtay garo onka diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo diyaaradan ah mid milateri laga dejinayo illaa 2 ton oo daawooyin iyo qalab caafimaad isugu jira.
Waxaa diyaaradan saarnaa dhaqaatiir iyo kalkaaliyeyaal caafimaad, oo ka qeyb qaadan doona howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Sabtidii la soo dhaa fay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda oo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa ka guddoomay deeqda daawada ah dowladda Qatar.
Dhinaca kale waxaa shalaylagu wadaa in diyaaradan ay ka qaado magaalada Muqdisho dhaawacyada illaa sodomeeyo ruux oo la geyn doono magaalada Khartoum ee dalka Sudan.
Qatar ayaa sheegtay inay bixin doonto qarashka ku baxaya bukaanada ee la dhigayo Isbita alada Sudan, iyadoo ka cudur daaratay in dalkeeda uu la tacaali karin dhaawacyadaas
DIYAARAD MILATERI OO SIDA DAAWO OO MAREYKANKA U SOO DIRAY MUQDISHO
Diyaarad Milateri oo uu leeyahay Mareykanka ayaa shalaysoo caga dhigatay garoonka diyaara daha Muqdisho, taasoo sida Daawo iyo qalab caafimaad.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Garoonka diyaaradaha Diyaaradan ayaa waxaa laga dejiyay dhowr Tan oo Daawo loogu tala galay dadkii ku waxyeeloobay qaraxii Sabtidii la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho.
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa ah mid mashquul ah oo saacad saacad ay uga degayaan diyaarado sida gurmad caafimaad.
Waxaa la filayaa inay soo degaan Diyaarado ka socda dalalka Qatar iyo Kenya oo iyana sida daawo, waxaa garoonka ku sugan Guddi ka socda Xukuumadda oo u xil saaray la wareegida qalab kan.
Caalamka ayaa garab istaag iyo taageero u muujiyay Soomaaliya, kaddib musiibadii boqolaal ka qof ay ku dhinteen 14kii bishan, xilligaasoo baabuur weyn oo waxyaabaha qarxa saarnaa uu isku qarxiyay Isgoyska Zoobe oo aheyd meel aad u mashquul badan.
SOMALI LAGU XIRAY DALKA MASAR
Somalida xabsiga la dhigay oo tiradooda ay gaareyso 20 Qof ayaa waxaa laga qab qabtay xaaf ad ku taalla Degmada Nasri City oo ah meel si weyn Soomaalida ay u degan yihiin.
Sida ay xaqiijiyeen Jaaliyadda Soomaalida ee ku nool magaalada Qaahira Ciidamada amniga oo aad u hubeysan ayaa gudaha u galay Maqaaxida Soomaalida iyaga oo dadka weydiinaayay sharc iyada ay ku joogaan dalkaasi.
Dadka la xir xiray oo isugu jira Arday iyo Qaxooti ayaa waxaa loo gudbiyay Saldhig ku yaalla degmada Nasri City, si loo hubiyo in ay yihiin dad sharci ku jooga dalka Masar.
Dhinaca kale Ciidamada amniga ayaa sii daayaya 14 ka mid ah dadka la qab qabtay, kadib mar kii Eheladooda ay u keeneen Baasabooradooda iyo Kaararka Qaxootiga oo ay ku joogaan dalkaasi.
"Walaal Soomaalida la qab qabtay tiradooda waa 20 waxay isugu jiraan Arday iyo Qaxooti, Cii damada geesaha ayay ka soo galeen, kadib waxay wateen dadkii,balse markii dambe waxay soo daa yeen 14 ka mid ah oo sharciyadooda wata.” Ayuu yiri Maxamed Cabaas oo ka mid ah Soomaalida ku nool dalkaasi.
Bilihii ugu dambeeyya Dowladda Masar ayaa bilawday in ay xabsiyada dhigto Ajaanibta dal keeda ku sugan ee aanan heysan deganaanshaha dalkaasi.
CABDIWELI GAAS”WAXAAN U DIREYNAA MUQDISHO DIYAARAD SIDA DAAWO IYO DHAKHAATIIR”
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Cabdi weli Maxamed Cali ayaa sheegay in maamulka Puntland uu si buuxda uga qaybqaadanayso gurmadka loo sameynayo dadkii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Mu qdisho ayna maalinta maanta ah u soo direyso diyaarad sida daawooyin, dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal.
Shir ay ku yeesheen magaalada Boosaaso Golaha Wa siirada ee Puntland ayaa lagu dhisey guddiga taakulada mus iibadii Muqdisho ka dhacdey, oo ka kooban Wasaaradda Arr imaha Gudaha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Ca daaladda, kuwaas oo isku duba ridaya taageerada ka imaaneysa Puntland.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay ka qaybqaataan gurmadka loo fidinaayo dadkii waxyeeladu soo gaartey.
Kulanka ay yeesheen golaha wasiirada maamul goboleedka Puntland kadib ayuu Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo saxaafadda la hadley sheegay in ay aad uga xun yihiin horeyna uga tacsiyeeyeen wixii ka dhacay Xamar oo maalinba maalinta ka danbesya baaxadeedu soo baxaysey, wuxuu sheegay in meel looga soo wada jeesto cadowga aan qofna u naxeyn ee xasuuqaas geystey.
Maamul goboleedka Puntland ayaa noqonayaa maamulkii ugu horeeyay ee gudaha Soomaali ya oo sheega inuu dawooyin iyo dhakhaatiir u soo dirayo dadkii ay dhaawacyada ka soo gaareen qar axii ka dhacay isgoeyska Zoobbe ee magaalada Muqdisho.
XILDHIBAAN BOOTAAN CIISE CAALIN OO GEERIYOODAY
Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka tirsanaa Munayaasha Barlamaanka Federaalka Soo maaliya ayaa ku geeriyooday Dalka Hindia
Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin ayaa ku jiray Isbitaal Ku yaala Dalka Hindia iasgoo ku xanuusa nayay halkaasi Waxaana lagu sameeyay Dhawaan qaliin.
Allaha u Naxariistee Xildhibaanka ayaa Xalay galinkii dambe ku dhintay Isbitaalkaan ku yaal Dalka Hindia
MAREYKANKA OO DUQEYN DAD KU DHINTAY KA FULIYAY PAKISTAN
Ugu yaraan shan qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay wee rar cirka ah ku qaadeen gobol ku yaal waqooyi galbeed ee dalka Pakistaan, sida ay ku waramayaan laamaha Sirdooonka.
Weerarkaan ayaa dhacay fiidnimadii Isniintii markii duqeynta lala beegsaday guri ku yaal deg mada qabaa’ilka Kurram,ee ku dhaw xadka dalka Afghanistan. Saraakiisha Sirdoonka Pakistan ayaa sheegay in dhimashada ay intaan ka badan karto, laakiin wararka hordhaca ah ee la helay ay xaqiijinayaan geerida Shantaan ruux.
Taliye ka tirsan dagaalyahanadda Shabakadda Haqqani oo xarriir la leh Ururka Daalibaan oo la gu magacaabo Sangeen Wali ayaa lagu soo waramayaa in la gu dilay weerarkaasi
Waa weerarkii labaad oo diyaaradaha dagaalka Mareyk anka ay ka fuliyaan dalka Pakistaan tan iyo markii uu amray Madaxweynaha Maraykanka in ay sii xoojin doonaan weerara da duqeynta cirka ah ay ka fulinayaan gudaha dalka Paki staan.
Diyaaradaha Mareykanka ayaa dalka Pakistaan ku beeg sada xubnaha xiriirka dhaw la leh AlQacida iyo Daacish.
QABSOOMIDDA DOORASHADA KENYA OO SHAKI LA GALIYAY
Masuul sare oo ka tirsan guddiga doorashada ee Kenya ayaa BBCda u sheegtay in uu shaki kaga jiro in dalku uu doorasho xalaal ah qaban karo toddobaadka soo socda.
Roselyn Akombe ayaa sheegtay in guddigu ay ahaayeen lahaysteyaal siyaasadeed oo aysan waxba isku waafaqikarin ama qaadan karin wax go'aan ah.
Iyada oo ku sugan magaalada New York ayay Dr Akombe sheegtay in markii ay ku sugnayd Kenya ay xataa u baqday nafteeda ka dib markii ay hanjabaado badan la kulantay.
Raila Odinga oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee dalka Kenya ayaa toddobaadkii hore ka haray doorashadadii ku celiska ahayd isaga oo sheegay in uusan rumaysnayn in doorasho cadd aalad ah ay dhici doonto.
ISBAHAYSIGA KURDIYIINTA SUURIYA OO SI BUUXDA ULA WAREEGAY MAGAALADA RAQQA.
Isbahaysi Kurdiyiinta Suuriya ah oo Maraykanku taageero iyo dagaallamayaal Carab ah ayaa sheegay inay si buuxda gacanta ugu dhigeen halkii xarunta u ahaan jirtay kooxda dawladda Isla amiga ee magaalada Raqqa.
Afhayeen u hadlay xoogagga SDF Talal Sello ayaa sheegay in xoogagooda ay guushan ku qaadatay shan bilood oo dullaan ah,waxaana socda howlgalo lagu nadiifinayo iyadoo laga saarayo miinooyin aan weli qarxin.
Dhowaan ayaa la filayaa in la soo saaro hadal rasmi ah oo ku saabsan guusha laga gaaray ma gaaladan iyo soo afjaridda seddex sano oo kooxda IS ay xukumaysay.
Galinkii hore ee Talaadada ayey kooxda SDF nadiifiyeen labadii meelood ee ugu dambeeyey ee IS ay ku lahaayeen fariisimada magaalada gudaheeda, kuwaasoo kala ahaa garoonka kubbadda, iyo isbitaalka.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku soo warrantay in dagaallamayaashu ay calankooda ka taageen garoonka cayaaraha, ayna waddooyinka ku dabaal degayeen iyagoo gaadiidkooda wata.
Illaa iyo 300 oo mintidiin ah ayaa la sheegay in Axaddi ay ku jireen gudaha magaalada, ka dib markii jihaad doonayaasha Suuriya iyo qoysaskooda halkaa laga daadgureeyey si waafaqsan heshiis ay wada xaajood ka galeen odayaasha qabaa’ilka.
Kooxda IS waxay qabsatay Raqqa horraantii 2014, dhowr bilood ka dib markii ay noqotay xarun goboleedkii ugu horreysay ee Suuriya ka tirsan ee u gacan gasha fallaagada, noqotayna xarunta ay ku tilmaameen "khilaafada”.
Kooxda IS waxay Raqqa ka dhaqan galiyeen shareecada Islaamka oo tafsiirkeeda ay aad u ad keeyeen, waxayna soo rogeen dilalka qoorgoynta, kuwa istillaabta, jirdilka iyo argagixinta ciddii xuku nkooda ka soo horjeesata.
Waxay kaloo Raqqa hoy u noqotay kumanaan jihaad doonayaal ah oo ka kala yimid dunida dacalladeeda.
Ilaa 15,000 oo ah maleeshiyaad dushana ay ka taageerayaan duqaymaha xulafada Ma raykanku horseedka ka yahay iyo ciidamo si gaar ah u tababaran oo dhulka ka hawl galaya ayaa bilaabay dullaanka lagu qabsanayo Raqqa bishii Nofembar.Dhinac kasta ayey magaalada ka hare ereeyeen ka hor intii aysan jabinin difaacyada IS ee yaallay magaalada banaankeeda.
DHAAWACYADII LAGA QAADAY MUQDISHO OO LAGA DEJIYAY KENYA IYO SUDAN
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Bukaanaddii shalay ay ka qaaday Magaaladda Mu qdisho ee ku wajahnaa dalka Suudaan, ayaa xalay ka degay Magaaladda Khartoum ee Xarunta dal kaasi, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliyeed ee Sudan iyo Jaaliyadda.
Madaxweynaha Sudan, Cumar Albashiir, ayaa ka hadlay Qaraxii Zoobe ee dadka badan ay ku dhinteen, isagoo sheegay in Bukaanadda Wadaankaasi gaaray oo gaaraya 23 Qof ay Dowladdiisa u balan qaadeyso in addeeg Caafimaad ay siin doonto, islamarkaana Sudan ay diyaar u tahay Caaw inaada iyo garab istaaga Soomaaliya.
Cumar Albashiir, Madaxweynaha Wadanka Suudaan, ayaa amray Wasaaradda Caafimaadka ee Wadankaasi in il gaar ah lagu hayo bukaanada Soomaalida ah, loona fidiyo Gargaar caafimaad oo tayo leh.
Dhanka kale Magaaladda Nairobi ee xaruna dalka Kenya, waxaa ka degtay Diyaaradii waday Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Zoobe, kuwaasi oo shalay ka dho oftay Magaaladda Muqdisho.
Waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Nairobi ku soo dhaweeyey Bukaanada Soomaal iyeed, Masuuliyiin ay ugu horreyso Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya, Marwo Aamina Jawaahir Ma xamed, Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya iyo masuuliyiin kale.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo Warbaahinta la hadashay soo dhaweynta ka dib, ayaa sheegtay in addeeg caafimaad oo heer sare ah loo fidin doonno Bukaanadda Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay Qaraxii Zoobe ka dhacay.
WASAARADDA GARGAARKA SOOMAALIYA OO XARUNTA GURMADKA QARANKA KA FURTAY MAGAALADDA MUQDISHO.
Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Marwo Maryan Qaasim, ayaa sheegtay in wasaaraddu ay furtay Xarun loogu talo galay in lagu taakuleeyo dadka Dhibaneyaasha ah ee waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Sabtidii ka dha cday Magaaladda Muqdisho.
Marwo Maryan Qaasim, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Mareynta Musiibooyinka Dowla dda Soomaaliya oo Shir jaraa’id ku qabatay Xarunta Gurmadka Qarnka, ayaa sheegtay Xaruntan cus ub loogu talo galay in lagu caawiyo dadka Waxyeelada soo gaartay,iyaddoo Codsatay in la caawiyo Dadkaasi dhibaneyaasha.
Xaruntan waxaa loogu talo galay in lagu caawiyo dadka dhibaneyaasha ah ee Waxyeelada ay kasoo gaartay Qaraxii Zoobe, Waa xarun ay ka howl galayaan howl wadeeno caafimaad, waxaana ka codsanayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Hay’addaha gargaarka in ay usoo gurmadaan dadkaasi” ayey tiri Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Qaranka.
SARKAAL DF KA TIRSAN OO SHAACIYAY HALKA LOOLA DAN LAHAA QARAXII ZOOBE
Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa VOAda u sheegay in qaraxi ay dadka ba dani ku dhamaadeen ee Sabtidi ka dhacay Muqdisho uu bartilmaameedkiisu ahaa saldhigga ciidan ee ay Dowlada Turkiga dhawaan ka furtay magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la xuso ayaa sheegay in macluumaadka ay ururiyeen tan iyo inti uu qarraxa dhacay ay tilmaamayaan in hadafku uu ahaa in saldhiga milatari ee ay Turkigu ku lee yihiin Muqdisho.
30ki bishii September ayaa si rasmi ah xariga looga jaray saldhiga milatari ee Turkiga uu ka furay Muqdisho. Sida ay sheegtay Dowlada Turkiga, qorshaha ayaa ah in 200 oo sarkaal oo Turkish ah ay xerada ku tababari doonaan ilaa iyo 10,000 oo Askari oo Soomaali ah.
Dhinaca kalana, Agaasimihi hore ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Axmed Mac allim Fiqi ayaa VOAda u sheegay in bamkii lagu qarxiyay isgoyska Zoobe lagu soo diyaariyay dhul beera ah oo ku yaala duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Sidoo kale madaxii hore ee mukhaabaraadka Puntland Cabdi Xassan Xuseen ayaa isna sheegay in loo xaqiijiyay in baabuurka lagu fuliyay qarraxi ugu xumaa abid ee ka dhaca Soomaaliya uu ka yimid dhulka ay maamulaan AlShabab ee duleedka magaalada Muqdisho.
Saraakiisha amniga ee Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay su’aalo weydiinay aan darawalka baabuur Toyota NOAH ah oo isna Sabtidii hore ku qarxay magaalada Muqdisho, Wax ay kaloo sheegeen in ay xireen Afar nin oo looga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin AlShabab isla markaana lala xiriirinayo qarraxii lagu baaba’ay ee Muqdisho. VOA
KENYA OO DAD QABA DHAAWACYO CULUS GEYSAY MAGAALADA NAIROBI
Dowladda Kenya, ayaa Magaalada Muqdisho ka qaaday tiro ka mid ah dadkii sida xun ugu dhaawacmay weerarkii bahalnimada ahaa, ee maalintii Sabtida ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Dhaawacyadan oo tiradoodu lagu sheegay toddobo xubnood, ayaa waxaa Maqribnimadii xalay la gaarsiiyay Magaalada Nairobi, iyadoona la seexiyay Isbitaalka Kenyatta.
Sii Hayaha Safaaradda Somaliya ee dalka Kenya, Cali Maxamed Begedi, ayaa xaqiijiyay in fiid nimadii xalay Magaalada Nairobi la geeyay dhaawacyada toddobo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii Isgoyaka Zoobe, ka dib markii ay gurmad caafimaad u fidisay Kenya.
Dadkan, ayaa waxaa Caasimadda Nairobi lagu geeyay diyaarad ay soo dirtay Dowladda Ke nya, sida uu xaqiijiyay Cali Maxamed Begedi. Wuxuu intaa ku daray in shan ka mida dhaawacyada ay jug xoog lihi ka soo gaartay lafdhabarta, halka labada kalena ay labada lugood ka go’an yihiin.
Danjiraha Kenya u fadhiya Somaliya, Amb. Lucas Tumbo, ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay sii wadi doonto gurmadka bilowga ah, ee ay u fidineyso dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.
DIBADBAX MAANTA KA DHACAYA MUQDISHO
Sida maamulka gobolka Banaadir sheegay maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaa lada Muqdisho uu ka dhaco dibadbax tacsi, kaasi oo lagu muujinayo sida shacabka Soomaaliyeed u ga damqadeen qaraxii Zoobe.
Taabit Cabdi, guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay in dibadbaxan la doonayo in shacabka Soomaaliyeed oo dhan isugu soo baxaan, islamarkaana aanay u kala harin.
Waxa uu si gaar ah u codsaday guddoomiye Taabin dhallinyarada Soomaaliyeed in kaalin weyn ay ka qaataan dibadbaxan.
Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana la xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho.
WADDOOYINKA MUQDISHO OO SAAKAY XIRAN
Saakay oo Arbaco ah waxaa xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana loo diidayaa isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Waxaa gabi ahaanba xiran wadada Makka Almukarrama oo meelaha qaar xitaa aan loo ogo leyn in dadka shacabka ah ay socdaan.
Sidoo kale waxaa xiran isgoysyada qaar ee wadada Wadnaha, waxaana dadka loo ogoleyn in dhanka Makka Almukarrama usoo gudbaan.
Qaar kamid ah shacabka oo cagtooda maalaya ayaa u sheegay Goobjoog News, in aysan sii haysan digniin ahayd in waddooyinka la xirayo sidii marar badan dhacday.
BOGGA CAYAARAHA
LACAGTA AY PSG SIIN DOONTA NEYMAR JR HADDII UU KU GUULAYSTO ABAAL MARINTA BALLON D’OR OO LA OGAADAY-IMISA AYUU HELI DOONAA?
Kooxda PSG ayaa heshiiskii qaaliga ahaa ee ay kula soo wareegtay Neymar Jr waxay ku dartay qodob sheegaya lacagta uu ku heli doono haddii uu ku guulaysato abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee Ballon d’Or. PSG ayaa suuqii la soo dha afay Neymar ka soo bixisay 222 milyan euros oo ahayd lacagtii heshiiskiisii Barcelona lagu burburin karayay laakiin wargayska France ka soo baxa ee Le Parisien ayaa shaaciyay lacagta uu Neymar heli doono haddii uu ku guulaysto abaal marinta Ballon d’Or.
Caadiyan abaal marinta Ballon d’Or ayaa ah mid saamayn ku yeelata heshiisyada ciyaartoyda waxaana jira in xidigaha tayada sarre leh ee la filan karo in ay ku guulaysan karaan abaal marinta Ballon d’Or in heshiiskooda looga hadlo lacagaha ay heli karaan ama ay kooxdii laga soo iibsaday heli karto.
Laakiin iyada oo Barcelona qaadatay lacagtii lagu burburin karayay heshiiskii Neymar Jr ee Camp Nou ayayna wax lacag ah ku heli doonin haddii uu Neymar ku guulaysato abaal marinta Ballon d’Or iyada oo haddii ay wada xaajood PSG kaga iibin lahayd Neymar ay qasab ahaan lahayd in ay qo dob noocan oo kale ah hehsiiskiisa ku darsan lahayd.
Wargayska ree France ee Le Parisien ayaa shaaca ka qaaday in Neymar Jr 3 milyan oo euros ku heli doono haddii uu ku guulaysto abaal marinta Ballon d’Or. Xidiga ree Brazil ayaa ka mid ah 30 ka xidig ee ay France Football u soo saartay in ay ku tartamayaan abaal marintan isaga oo sanadkii 20015 kii kaalinta saddexaad ka galay.
Haddii ay jirtay ujeedo cad oo uu Neymar Jr ugu biiray PSG oo aan ka ahayn mushaarka qaali ga ah ee uu ka qaato waxay noqonaysaa in uu doonayay ku guulaysiga abaal marinta Ballon d’Or balse haddii uu abaal marintan hantiyo waxa uu sidoo kale jeebka ku shuban doonaa 3 milyan euros oo ay kooxdiisa PSG siin doonto.
Neymar Jr ayaa loo arkaa xidiga sida tooska ah u badali doona xidigaha abaal marinaha kub bad cagta muddada tobaka sano soo haystay ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo wali ka mid ah xidigaha ugu cad cad ee wali abaal marintan ku guulaysan kara.
RASMI: XEER ILAALIYAHA MAXAMADA GOBOLKA MADRID & XEER ILAALIYAHA GUUD EE DALKA SPAIN OO DACWAD CASHUUR LUNSI AH KU SOO OGOODAY DIFAACA REAL MADRID EE MARCELO.
Kiiska maxkamadaynta cashuur lunsiga ee sanadihii ugu danbeeyay ka soo socday dalka Spa in ayaa hadda si rasmi ah lugaha ula soo galay difaaca xulka qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Marcelo. Xeer ilaaliyaha maxkamada gobolka Madrid ayaa Marcelo ku soo eedeeyay in uu lun saday lacag cashuur ahayd oo ku waajibtay in uu siiyo waaxda cashuuraha dalka Spain.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Spain ayaa shalay oo talaado ah si rasmi ah loogu xare eyay faylka dacwada loo haysto Marcelo iyada oo xafiiska hantida dawlada Spain uu hadda diyaar u yahay in uu Marcelo soo taago maxkamada kadib baadhitaan lagu sameeyay kiiskiisa.
Sida uu wargayska Marce ee Madrid ka soo baxaa xaqiijiyay, Marccelo ayaa loo haystaa in uu been ka sheegay lacag half milyan ah oo u soo xarootay sanad xisaabeedkii 2013. Xeer ilaaliyaha kiiska Marcelo gacanta ku haya ayaa xidiga ree Brazil ku soo oogay dacwad ah in sanadkii 2013 kii uu si sharci daro ah u faa’iido u raadsaday si uu uga baxsado cashuur isaga oo waliba lacag 500,000 kun oo euros ah ku sheegay faa’iidada xuquuqda sawirkiisa.
Falka dacwada Marcelo ayuu shalay oo talaado ah uu maxkamada Alcobendas u gudbiyay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Spain waxaana hadda la filayaa in kiiska Marcelo uu la mid noqon doono xidigo hore oo kubbada cagta ah oo maxkamada Spain ka soo hor muuqday.
Tirada saxda ah ee lacagta Marcelo lagu soo eedeeyay in uu lunsaday ayaa dhan 490,917.70 euros waana lacag si duuduub ah loogu sheegay 500,000 euros taas oo uu Spain ka leexsaday sa nadkii 2013 kii. Xaalada Marcelo ayaan hadda bilaaban waxaana jiray dabagal kiiskiisa lagu hayay. July 31 ayay ahayd markii uu Cristiano Ronaldo ka soo hormuuqday maxkamada Madrid si uu uga jawaabo su’aalo la xidhiidha kiis cashuur lunsi ah laakiin lacagta Ronaldo loo haysto ayaa ah mid aad u badan taas oo ka ciqaab wayn dhamaan ciyaartoydii hore maxkamada Spain loo soo taagay balse ilaa hadda wali maxkamada Madrid ayaa wada baadhitaanka iyada oo ugu danbayn kiiskan u gudbin doonta maxkamada sare.
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP A OCTOBER 18
21:45 Benfica ? - ? Manchester United
21:45 CSKA Moscow ? - ? Basel
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP B OCTOBER 18
21:45 Anderlecht ? - ? Paris Saint Germain
21:45 Bayern Munich ? - ? Celtic
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP C OCTOBER 18
19:00 Qarabag FK ? - ? Atletico Madrid
21:45 Chelsea ? - ? Roma
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP D OCTOBER 18
21:45 Barcelona ? - ? Olympiacos
21:45 Juventus ? - ? Sporting CP
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP E OCTOBER 17
Maribor 0 - 7 Liverpool
Spartak Moscow 5 - 1 Sevilla
No |
koox |
P |
W |
D |
L |
F |
A |
GD |
Pts |
1 |
Liverpool |
3 |
1 |
2 |
0 |
10 |
3 |
7 |
5 |
2 |
Spartak Moscow |
3 |
1 |
2 |
0 |
7 |
3 |
4 |
5 |
3 |
Sevilla |
3 |
1 |
1 |
1 |
6 |
7 |
-1 |
4 |
4 |
Maribor |
3 |
0 |
1 |
2 |
1 |
11 |
-10 |
1 |
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP F
Feyenoord 1 - 2 Shakhtar Donetsk
Manchester City 2 - 1 SSC Napoli
No |
Koox |
P |
W |
D |
L |
F |
A |
GD |
Pts |
1 |
Manchester City |
3 |
3 |
0 |
0 |
8 |
1 |
7 |
9 |
2 |
Shakhtar Donetsk |
3 |
2 |
0 |
1 |
4 |
4 |
0 |
6 |
3 |
SSC Napoli |
3 |
1 |
0 |
2 |
5 |
5 |
0 |
3 |
4 |
Feyenoord |
3 |
0 |
0 |
3 |
2 |
9 |
-7 |
0 |
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP G
Monaco 1 - 2 Besiktas
RasenBallsport Leipzig 3 - 2 FC Porto
No |
Koox |
P |
W |
D |
L |
F |
A |
GD |
Pts |
|
1 |
Besiktas |
3 |
3 |
0 |
0 |
7 |
2 |
5 |
9 |
|
2 |
RasenBallsport Leipzig |
3 |
1 |
1 |
1 |
4 |
5 |
-1 |
4 |
|
3 |
FC Porto |
3 |
1 |
0 |
2 |
6 |
6 |
0 |
3 |
|
4 |
Monaco |
3 |
0 |
1 |
2 |
2 |
6 |
-4 |
1 |
|
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP H
APOEL Nicosia 1 - 1 Borussia Dortmund
Real Madrid 1 - 1 Tottenham Hotspur
No |
Koox |
P |
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 18-KA OKTOOBAR 2017-KA
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR OO ICLAAMIYAY BANAANBAX WEYN OO MAANTA KA DHICI DOONA MUQDISHO Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa iclaamiyay banaan bax weyn oo maalinta maanta ka dhici doona Garoonka kubadda c