
Jeer ku dishay saddex ruux dalka Koofur Afrika
Jeertan ayaa ku weerartay xilli habeenimo ah dadkan iyadoo gaarsiisay dhaawacyo daran oo ay u dhinteen, sidoo kale ilmo yar oo nool ayaa laga helay subaxnimadii Khamiista halka ay jeertan ku weerartay dadka iyadoo ilmahaa oo la maleynayo inuu la socday saddexda ruux ee dhimatay lagu daweynayo isbitaal ku yaal dalka Koofur Afrika..
Dowlada Koofur Afrika ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto shilkan hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in laga yaabo jeerta weerarka geysatay ay ka soo baxday wabiga Limpopo.
Jeerta oo ah xayawaan halis ah ayaa midka qaangaarka ah la sheegay in uu gaari karo culeyskiisa 3,200kg (7,000lbs).
Xayawaanka jeerta ayaa la sheegay in ay tahay tan ugu halista badan leh ee aadanaha disha qaarada Afrika iyadoo ka qatar badan Libaaxa.
Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay jeertu ku nooleyd wabiyada Jubba iyo Shabelle hase yeeshee dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya ayaa jeertu waxa ay ka mid noqotay xayawaanada laga waayay dalka Soomaaliya.
Wabiga Shabelle oo mara magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa dadku maalin walba ka daawan jireen iyadoo wabiga ku dhex jirta xilliyadii ka horeeyay 1990kii, hase yeeshee mar jirto illaa iyo hadda cid is weydiisay halka ay ku dambeysay.


0 



Jeer ku dishay saddex ruux dalka Koofur Afrika
Wararka ka imanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in xayawaanka loo yaqaan jeerta ay ku dishay saddex ruux meel ku dhow xadka ay wadaagaan wadamada Koofur Afrika iyo Zimbabwe.