
Wariye ka tirsanaa Shaqaalaha Idaacadda Shabelle oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho
Marxuum Obama waxuu ka mid ah Barnaamij soo saarayaasha Idaacadda Shabelle, Wariyaha caan waxuu ku ahaa Barnaamijka Habraaca Hiigsiga ee 2016 kaasi oo todobaadkii 3 Habeen ka baxa Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
Meydka Wariye Mahad Maxamuud Nuur (Obama) ayaa lagu wadaa in lagu aaso maanta Caasimada Soomaaliya.
Sawirkan kuu muuqda dhinaca midig waxaa fadhiya Marxuum Mahad Maxamuud Nuur (Obama) waxaana sidoo kale dhinaca bidix ka fadhiya Allaha U Naxariistee Wariye Mustaf Cabdi Nuur Shafaana oo ku dhintay Qaraxii Hoteel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn, Maamulka Shabakada Warbaahinta Shabelle ayaa ugu tacsiyeeyay Ehelada iyo Asxaabta uu ka baxay Marxuum Mahad Maxamuud Nuur (Obama) oo ku dhintay Isbitaal ku yaalaMagaalada Muqdisho.


0 




Wariye ka tirsanaa Shaqaalaha Idaacadda Shabelle oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho
Wariye ka tirsanaa Shaqaalaha Shabakada Warbaahinta Shabelle, Mahad Maxamuud Nuur (Obama) ayaa Xalayku geeriyooday Isbitaalka Muqdisho City ee Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliiya.