Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Oo Goordhow Gaaray Koonfur Afrika

0
Friday December 04, 2015 - 20:50:39 in Wararka by
  • Visits: 882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Oo Goordhow Gaaray Koonfur Afrika

    Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray dalka Koonfur Africa oo uu kaga qeyb galayo Shir ballaaran oo ku saabsan xiriirka Shiinaha iyo Afrika .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray dalka Koonfur Africa oo uu kaga qeyb galayo Shir ballaaran oo ku saabsan xiriirka Shiinaha iyo Afrika .

Waxaana shirkani uu ka furmayaa magaalada Johannesburg ee dalkaasi. iyadoo la filayo in dalka labaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka inuu shaaca ka qaado balaayiin dollar oo taageero dheeraad ah oo uu siiyo Qaaradani.

Madaxda dalalka Afrika Qaarkood ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan shirka xiriirka Afrika iyo Shiinaha kaas oo u jeedada laga leeyahay ay tahay in lagu sii ballaariyo xiriirka u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo shirka oo uu kaga hadlayo fursadaha Maalgashi ee dalkeena hooyo ka jira.

Wixii Warar Ah Ee Ku Soo Kordha Wafdiga Madaxweynaha ee Ku Sugan Koonfur Afrika Waan Idiin soo gudbin doonaa Insha’allah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip