Qaraxii ka dahcay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho oo ahaa kii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca ayaa sababay in dad badan la waayo nolol iyo geeriba, maadama meydad badan la oqoon waayay.
Si dadka la baadigoobayo loo helo, ayey dhallinyaro is xilqaamay waxa ay abuureen bogg facebook-ga ah oo loogu talagalay in lagu baafiyo dadka warkooda la la’yahay ee loo maleeynayo in ay qaraxyada wax ku noqdeen, isla markaana lagu soo bandigo sawirrada dhaawacyada aan la garan ee yaalla goobaha caafimaadka.
In ka badan 130 meyd oo aan la oqoonsan ayaa isbitaallada yaalla.
Boggan ka eeg dadka aad baadi goobeysid:https://www.facebook.com/gurmasho/sidoo kalana qofka kaa maqan haddii aad sawir ka heyso ku faafi boggan adiga oo farriin ahaan ugu soo diri kara.
Inta badan dadka Soomaaliyeed ma laha kaarar aqoonsi, taas ayaana sabab u ah inaan la garan dadka qaraxyada wax ku noqda.
Bog u gaar ah baadigoobka dadka lagu waayay qaraxii Zoobe oo la sameeyay
Qaraxii ka dahcay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho oo ahaa kii ugu weynaa ee Soomaaliya ka dhaca ayaa sababay in dad badan la waayo nolol iyo geeriba, maadama meydad badan la oqoon waayay.