Francisco Caetano oo loo magacaabay Madaxa Ciidamada Amisom (Daawo Sawirada)

0
Friday December 04, 2015 - 20:01:39 in Wararka by
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Francisco Caetano oo loo magacaabay Madaxa Ciidamada Amisom (Daawo Sawirada)

    Amb. Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa waxaa loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Somaliya & Madaxa Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (Amisom).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amb. Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa waxaa loo magacaabay Wakiilka Midowga Afrika Ee Somaliya & Madaxa Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika (Amisom). Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa wuxuu maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Amisom, xilli Xarunta Taliska Amisom (Xalane), ay ku dhex taalo Garoonka Aadan Cadde.

Ninkan, ayaa wuxuu xilkan uu maanta kala wareegay Amb. Maman S. Sidikou, oo xilkaasi loo soo magacaabay daba-yaaqadii sanadkii 2014-ka. Sidikou ayaa u dhashay dalka Niger oo dhaca Galbeedka Afrika.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Amisom, ayuu isla maanta uu kulan is barasho ah uu kula qaatay Xaruntooda Xalane, waxaa uuna booriyay hawlgalka Midowga Afrika ee lagula dagaalamaayo Ururka Al Shabaab.

Sidoo kale waxa uu bogaadiyay Danjire Sidikou mudadii 14-ka bilood ahayd ee uu xilkaasi soo haayay, isagoona ku ammaanay in shaqo ballaaran uu qabtay mudadaasi.

War Saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Amisom, ayaa waxaa lagu sheegay in ninkani la soo magacaabay 7-dii bishii October, isla-markaana uu maanta la wareegay xafiiska shaqada.

Amb. Caetano oo u dhashay dalka Mozambique, ayaa ahaa diblomaasi ka soo shaqeeyay Xarunta Ururka Midowga Afrika Ee Magaalada Addis Ababa, sidoo kalana waxa uu soo qabtay xilal kala duwan.

CaetanoCaetano1 Caetano2 Caetano3Caetano4Caetano5Caetano6Caetano7Caetano8Caetano9Caetano92Caetano94Caetano95Caetano96





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip