
Guuleed & Gaas oo mar 3-aad ku kulmay Magaalada Gaalkacyo (SAWIRRO)
Kulanka iminka ka soconaaya Garoonka Gaalkacyo, ayaa waxaa looga hadlayaa magacaabidda guddi isku dhaf ah, oo xaqiijiya in la kala qaaday labadii ciidan ee is hor fadhiyay iyo in kale.
Guuleed & Gaas oo lagu dhaariyay Kitaabka Qur’aanka Kariimka, ayaa wuxuu midba midka kale uu wacad Alle ku maray in dhinaciisa uu dhaqangelin doono afarta qodob, ee heshiiskii Gaalkacyo uu ka koobnaa.
Madaxda Puntland iyo Galmudug oo kol hore magacaabay laba sarkaal, ayaa waxaa goor dhow lagu wadaa in labada ciidan ay kala qaadaan, waxaana taasi xaqiijin doono guddiga isku dhafka, oo kala qaadista labada ciidan ka dib, soo kormeeri doono goobahaasi.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Gaalkacyo, ayaa sheegay in marka hore ay labada ciidan kala qaadi doonaan labada taliye ee Puntland iyo Galmudug u magacaabeen arrintaasi, ka dibna ay soo xaqiijin doonaan guddiga lagu wado in looga dhawaaqo Garoonka.
Ra’iisal Wasaare Sharmaarke oo geed gaaban iyo mid dheerba u fuulay, sidii lagu adkayn lahaa nabadda Magaalada Gaalkacyo, ayaa diidmo kala kulmaayay dhinacyada ka wada arrimiya Gaalkacyo. Sharmaarke ayaa dulqaad badan muujiyay mudada uu ku sugan yahay Xarunta Gobolka Mudug
Dagaalkii shalay ka dhacay Gaalkacyo, ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 15 ruux, halka 30 kalana ay ku dhaawacantay. Dadka ay waxyeeladu soo gaartay waxay u badan yihiin shacab.


0 





Guuleed & Gaas oo mar 3-aad ku kulmay Magaalada Gaalkacyo (SAWIRRO)
Madaxweynayaasha Maamulada Puntland & Galmudug, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa maanta markale wada kulmay, iyadoo laga wada shaqaynaayo sidii dagaal dambe oo Gaalkacyo ka dhacaa, looga fogaan lahaa.