Taariikhda Calanka Soomaaliya Iyo Calamadii Soomaalida ee jiray Boqolaal Sanno ka hor.
Wadamadaasi waxa ay fududeeyeen in la dhiso baarlamaankii ugu horeeyay ee Soomaalida si sharci dajinta looga ilaaliyo talyaaniga, waxaana af hayeenkii ugu horeeyay loo doortay Md. Adan Cabdulle Cusman, oo markii dambe madaxweyne noqday.
Golihii ugu horeyay ee sharci dajintu waxa uu ka koobnaa 70 xildhibaan,60 Soomaali ah oo xisbiyadu soo xuleen iyo 10 xildhibaan oo loo qaybiyay bulshooyinka kale ee aan Soomaalida aheyn (4 Talyaani ah, 4 Carab ah, 1 Hindi ah iyo 1 Bakistaan ah).
Markii guluhu ka hadlayay arrinta calanka ayaa Md. Maxamed Cawaale Liibaan soo jeediyay in calanka ay ka hadli karaan xildhibaanada Soomaalida ah oo kaliya ,arrintaa waa loo codeeyay waana lagu guuleeystay waxaa loo xil saaray guddi si ku meel gaar ah uu madax uga ahaa Sh. Omar, waxa uuna soo jeediyay in arrinta berri laga hadlo, habeenkaa ayuu Mr. Liiban gurigiisa tagay. Maalintii xigtay fadhigu wuxuu bilaabmay 10:30 subaxnimo, Md. Liiban ayaa codsaday in hadalka la siiyo gudoomiyihiina waa aqbalay, Md.Liibaan Shaatiga hoostiisa ayuu ka soo bixiyay calinkii xabadka ayuuna saartay, asaga oo ku salaaxayo boggiisa, gudoomiyihii ayaa ku amaanay Md. Liibaan in hal habeen uu calankii ku soo diyaariyay.
Ururkii shaqaalaha ganacsatada Soomaaliyeed ( the Somali labour trade union) ayaa u xil saaray Maxamed Cawaale Liiban in uu soo diyaariyo calanka. Md. Liibaan waxa uu sharaxay sababta uu u xushay calankan, wuxuuna yiri: buluugan cirka u eg waxaan u xushay in aan ku xushmeeyo Jamciyada quruumaha oo xuriyada in aan gaarno gacan nagu siisay oo calankeedu buluug khafiif ah yahay, xidig leh 5ta gees ee hoosta isaga dhegan waa 5tii qayb ee isticmaarku noo qaybiyay, Golahiina waa ansaxiyay. Goobta waxaa la keenay naqshado calama kale oo aan guuleeysan.Fiiri: Sawirada 1aad iyo 2aad
Golaha kadib calanku waxa uu ubaahday in laga ansixiyo odayaasha dhaqanka Soomaalida si uuna muran uga imaan, iyana waxa ay iska soo dhaxdoorteen laba oday oo magacooda ku ogolaaday kuwaa oo kala ahaa: xaaji Islaaw Cumar Yacquub ( duubka Xamar) iyo Suldaan Cabdiraxmaan Cali Ciise ( duubka Marko) labadaa oo calankii xabadka saartay sheegayna in magaca dhuubabka ay ku aqbaleen.. Fiiri sawirka.3 aad.
Astaanta qaranka ee labada shabeel iyo gaashaanka ayaa la ansixiyay 10/10/ 1956 taa oo laga soo xigtay calaamad ay lahaayeen ciidamadii Soomaalidu waqtigii gumeysigii talyaaniga, ciidankaa oo la dhisay 8 June 1919 kii. Fiiri sawirka 4 aad ee Astaanta qaran. Taariikhda Heesta iyo muusikada qaranka ma xasuusto hadda.
Xasuus ii gaar ah: subaxnimadii, 2/2/1991 Saacadu markii ay aheyd 11:00, waxaa ii yimid Nin aanan aqoon, waa islaamay waxa uu igu yiri: waxa aan rabaa in aan maanta la kulmo Md. Cali Mahdi iyo Md. Cumar Carte Qaalib oo markaa kala ahaa Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare, waxa uu ku daray waxaan ka imid gobalka sh/hoose, waxaan ku iri u maley maayo in aan aniguba arki karo maanta, Waxa uu igu yiri: waxaa fariin iigu soo faray Md. Adan Cabdulle Cusmaan. Waxaa ku iri waa nin aan aqaan, waxaan ku iri: maxey tahay fariintu, waxa uu igi yiri: ilaa aan arko ma sheegi karo. Waxaan isku daynay in aan helno, saacadu markii ay aheyd 12:30 ayaan helnay ayaga oo isla jooga xarunta golaha shacabka .
Yaxya Ahaan: . wallaahi, magaca Alle ayaan ku dhaartaye waa sida ay ugu qoran tahay buugeyga xusuus qorka bogga 15aad , 6 da sadar ee ugu dambeysa ee aan ku qoray fariinta Md. Adan Cade, 2/ feb/1991.
Waxaa dhacday arrintaan: ninkii Jeebka ayuu gacanta galiyay, waxa uuna ka soo bixiyay Calankii Soomaaliya. waxa uuna sheegay fariintan uu soo faray Md: Adan Cabdulle oo aheyd (in la ilaaliyo midnimada ummadda, Calanku waa in uu ka taagnaado dalka oo dhan oo aan wadanku kala go’in). waxaan ku weydiinaa aqristoow Md. Aadan Cade muxuu dareemay?
FG: Maanta ayaan soo xasuustay qoraalkaa waxan ka helay mid ka mid ah xusuus qoradeydii hore. ogow Calanku waxaa uu leeyahay taariikhdaa, waa Calankii ugu horeeyay ee kulmiyay Soomaalida, loona bixiyay KULMIYE, horeba waa u jireen calama badan oo kala gooni gooni ahaa, dhowr qarni ka hor sida Calankii Boqortooyadii Soomaalida ee Awdal, fiiri: sawirka 5aad , Calanka Boqortooyadii kale ee Zaylac fiiri: sawirka 6aad iyo Calankii boqortooyadii Ajuuraan fiiri: sawirka 7aad. Raali ahaaw haddii aan kugu badiyay.
Qoraalkan Wixii ka khaldan waad sixi kartaa, ku dari kartaa, dhaliili kartaa, aragtidaada xor ayaad u tahay.
Qore: Yahya Amir
Taariikhda Calanka Soomaaliya Iyo Calamadii Soomaalida ee jiray Boqolaal Sanno ka hor.
Calanka Soomaaliya oo loo yaqaan KULMIYE, waxaa loo aqoonsaday astaan calan qaran 12/10/1954. Sanadkii 1949 jamciyada qurumaha ayaa ogolaatay in talyaanigu xuriyad gaarsiiyo Somalia , waxaa dusha ka eegayay in xuriyada nala gaarsiiyo Masar, Filibiin