Beesha Caalamkaoo sheegtay inaysan u dulqaadan doonin inuu sii socdo dagaalka G/kacyo

0
Friday December 04, 2015 - 19:14:48 in Wararka by
  • Visits: 843
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beesha Caalamkaoo sheegtay inaysan u dulqaadan doonin inuu sii socdo dagaalka G/kacyo

    Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen xafiisyada ay Soomaaliya ku leeyihiin Q,M, Midawga Africa, urur goboleedka IGAD midawga Yurub iyo wadamo kale oo Soomaaliya taageera ayaa waxay ku cambaareeyeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bayaan ay si wada jir ah u soo saareen xafiisyada ay Soomaaliya ku leeyihiin Q,M, Midawga Africa, urur goboleedka IGAD midawga Yurub iyo wadamo kale oo Soomaaliya taageera ayaa waxay ku cambaareeyeen dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Warkaan waxaa lagu sheegay in beesha caalamku ay ka xuntahay in dagaal uu mar kale dib uga dhaco magaalada Gaalkacyo ayadoo heshiis lakala saxiixday.

Sidoo kale war saxaafadeedkaan waxaa lagu xusay inay ayaan darro tahay in ayadoo ay madaxda maamulada Galmudug iyo Puntland ay heshiis wada saxiixdeen in hadda uu mar kale dhiig ku daato magaalada.

Maamulada ku dagaalamay Gaalkacyo ayaa war saxaafadeedkaan kasoo baxay xafiisyada wadamada beesha caalamku Soomaaliya ku leeyihiin waxaa loogu jeediyay inay dhaqan galiyaan heshiiskii ay saxiixeen oo ay kala qaadaan ciidamada si dadkii barakacay ay guryahooda dib ugu laabtaaan.

"Beesha caalamku uma dulqaadanayso inuu sii socdo dagaalka lagu daadinayo dhiiga maatida sidaa darteed dawlada federalka ah waa inay u dirtaa Gaalkacyo guddi madax banaan oo qiimeyn ku sameeya cidda diidan nabadeynta” ayaa lagu yiri warkaan.

Wadamada bayaankaan soo saaray ayaa sidoo kale soo jeedinaya in ciddi jabisay xabad joojintii la saxiixay lala xisaabgtamo.

Ugu dambeyn war saxaafadeedkaan waxaa lagu yiri "Beesha caalamku waxay taageersantahay dadaalka ay dawlada Soomaaliya gaar ahaan R/wasaaraha Soomaaliya uu wado ee la doonayo in dagaalka G lagu dhameeyo

Maalintii shalay ciidamada Galmudug iyo Puntland ayaa madafiic isku dhaafsaday magaalada dhexdeeda taasoo dhalisay khasaaro naf iyo maalba leh .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip