Hay'adda CPJ oo soo jeedisay in cadaalada la hor keeno kooxihii ka dambeeyay dilka Wariya Hindiya Xaaji Maxamed

0
Friday December 04, 2015 - 19:11:49 in Wararka by
  • Visits: 1090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hay'adda CPJ oo soo jeedisay in cadaalada la hor keeno kooxihii ka dambeeyay dilka Wariya Hindiya Xaaji Maxamed

    Hay'adda CPJ oo ka mid ah hay'adaha wariyaasha u dooda ayaa war ay soo saartay waxay ku cambaareysay falkii lagu dilay Allaha u naxariistee wariye Hindiya Xaaji Max'ed oo warbaahinta dawlada Soomaaliya u shaqaynaysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda CPJ oo ka mid ah hay'adaha wariyaasha u dooda ayaa war ay soo saartay waxay ku cambaareysay falkii lagu dilay Allaha u naxariistee wariye Hindiya Xaaji Max'ed oo warbaahinta dawlada Soomaaliya u shaqaynaysay. wariye Hindiya

Xiriiriyaha CPJ ee Africa haweeneyda la yiraahdo Sue Valentine ayaa sheegtay in geerida Hindiya ay xasuus naxdin leh ku reebayso isla markaana ay muujinayso in Soomaaliya ay ka mid tahay wadamada ay ka dhacaan dambiyada aan la isku ciqaabin.

Dawlada Soomaaliya ayay haweeneydaan ugu baaqday in baaritaan dhab ah ku sameyso dilka wariye Hindiya Xaaji Max’ed si cadaalada loo hor keeno kuwii dilkeeda maleegay.

"Dilka Hindiya waa dhacdo xanuun badan dawlada ayaan ugu baaqaynaa inay si dhab ah u baarto si cadaalada u ho yimaadaan kuwii shirqoolay lagana shaqeeyo in Soomaaliya ay noqoto meel ay wariyaasha si madax banaan oo cabsi la;aan ah uga shaqeystaan” ayay tiri Sue Valentine.

Shantii sanno ee lasoo dhaafay illaa 25 wariye ayaa lagu dilay Soomaaliya shaqadooda darteed sida laga soo xigtay hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha.

Allaha u naxariistee Wariye Hindiya Xaaji Max’ed ayaa u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray qarax ka dhashay bomb gaari ay laheyd loogu xiray




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip