Baarlamaanka Jarmalka oo cod u qaadaya in ciidamadoodu ka qeybqaataan dagaalka Daacish.
Xildhibaanada baarlamaanka Jarmalka ayaa maanta ka doodaya qaraar la xariira in dawlada Jarmalku ay ku biirto dagaalka ka dhanka ah ururka Daacish iyo in kale.
Dooda baarlamaanka Jarmalka ayaa si gaar ah waxay ula xariirtaa in
gobolka loo diro in ka badan kun askari oo maraakiib dagaal la socda iyo
diyaarado hawada ka duqeeya Daacish.
Xubnaha baarlamaanka fadhigooda maanta waxay kaga doodayaan qorshe ay xukuumaddu ku weydiisatay in loo fasaxo diyaaradahooda dagaalka inay duqeeyaan fariisimaha Daacish.
Baarlamaanada dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa horey u meel mariyay in lala dagaalamo ururka Daacish.
Dooda baarlamaanka Jarmalka ayaa si gaar ah waxay ula xariirtaa in
gobolka loo diro in ka badan kun askari oo maraakiib dagaal la socda iyo
diyaarado hawada ka duqeeya Daacish.
Ciidamada Jarmalka ayaan dhulka kula dagaalami doonin kooxda Daacish.

0 