WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 12-KA OKTOOBAR 2017-KA

0
Thursday October 12, 2017 - 09:30:38 in Wararka by
  • Visits: 766
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 12-KA OKTOOBAR 2017-KA

    DOWLADDA SOOMALIYA OO WAR KASOO SAARTAY SHIRKII MAGAALADDA KISMAAYO. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxa med (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DOWLADDA SOOMALIYA OO WAR KASOO SAARTAY SHIRKII MAGAALADDA KISMAAYO. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxa med (Farmaajo) wuxuu si dhaw ula socdaa dareenka ay muujiyeen madaxda Dowlad Goboleedyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna hoosta ka xarriiqayaa in ay lagama maarmaan tahay wada shaqeynta hey'adaha Federaalka iyo hey'adaha heer Dow lad Goboleed si looga mira dhaliyo waajibaadka dastuuriga ee na wada saaran iyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

 

 

"Dhammaan madaxda dalka ee heerarka kala duwan waxaan xasuusinayaa inuu dalkeenu ku jiro dib u kabasho dhinac walba leh, waddada kaliya ee lagu gaari karo dib u kabasho dhameystiranna ay tahay midnimo iyo wadashaqeyn ku dhisan maslaxadda guud oo ah midda aan dhammaanteen u dhaarannay.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in ay marwalba imaan karto dhaliilo iyo daldal oolo ka yimaada wadashaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda, waxaase lagama maarmaan ah in lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin u dhexeeysa madaxda iyo hay’adaha iyada oo la raacayo habr aaca dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in loo gudbi doono wada shaqeyn iyo iska ashi si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

C/WALI GAAS "MAS’UULIYADDA DALKA OO DHAN XAMAR KUMA KOOBNA”

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo shalay loo doortay Guddoo miyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka hadlay shirka Kismaayo iyo arrimaha ka dhex jira dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayuu sheegay in muddo laga fikirayay in la sameeyo Madal ay ku mideysan yihiin, isagoo xusay in qorshaha uu markii hore ahaa in la dhiso Mad asha Qurac Forum, balse arrimihii doorashooyinka ay soo kala dhex galeen.

"Barnaamijkaas wuxuu ahaa mid aan muddo ka fikireyn in la sameeyo madal ay wadaagaan do wlad goboleedyada, labo sano ka hor ayaa ka fikireysan, laakiin arrimihii doorashooyinka ayaa na soo dhex galeen, in la isu yimaado, la wada hadlo wixii caqabado jira la falanqeeyo in go’aamada ku habo on la soo saaro ayuu ujeedku ahaa”ayuu yiri C/wali Gaas.

Mar la weydiiyay arrimaha dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka isku hayaan ayuu xusay in labo arrin ay tahay mid Mas’uuliyadda iyo awood qeybsiga.

Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka in dalka oo dhan aanay Mas’uuliyadeeda heyn, bal se dowlad goboleedyada ay 90% ay mas’uuliyadda gacanta ku hayaan.

"Mas’uuliyadda dalka oo dhan xamar kuma koobna, 90% dowlad goboleedyada ayay mas’uuliy ada saaran tahay, marka aad Xamar ka baxdo oo dhanka Balcad aado, marka la gaaro Hiilweyne, Hir shabelle ayaa ka mas’uul ah, markaa aado dhanka Jaziira Koofur Galbeed ayaa la galayaaay”ayuu yi ri C/wali Gaas.

MID KA MID AH SARAAKIISHA CIIDAMADA SOOMAALILAND OO IS CASILAY

Kadib markii uu shir Jaraa’id Shalay Warbaahinta uu u qabtay ayuu shaaciyay in uu iska casilay xilkii ahaa taliyaha Ciidanka Dab demiska Gobolka Togdheer ee Maamulka Soomaliland.

Iimaan Maxamuud Ibraahim ayaa sababaha iscasilaadiisa waxa uu ku sheegay in ay tahay in sa babta xilkaan loogu dhiibay ay aheyd in uu ololo u sameeyo xisbiga Kulmiye balse aysan muuqan sababo uu ugu Shaqeeya Qaranka sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in Arrintaan uu horay uga digay Madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxa med Maxamuud Siilaanyo, balse xilkeyga la igu maamulay si aan ugu ololeeyo Xisbiga Kulmiye.

U QEYBSANIHII MILLITERIGA EE SAFAARADDA UGANDA KU LAHAYD SOMALIA OO LA BEDELAY

Madaxweynaha Uganda, ahna Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalkaasi, Yoweri Museveni waxa uu Isbedel ku sameeyey Saraakiisha Milliteriga ee Xilalka Sare ka hayey dalkaasi..

Afhayeenka Ciiddanka Difaaca Uganda, Sarreeye Guuto Richard Karemire syaa shaaciyey Isku shaan dheyntaasi, iyadoo Saraakiisha uu saameeyey ka mid yahay Uqeybsanihii dhinaca Milliteriga ee Safaaradda Uganda ku leedahay Somalia, Colonel Omero Tingira Irumba, kaasi oo magacaabay U qeybsanaha Milliteriga ee Safaaradda Uganda ku leedahay dalka Sudan.

Uqeybsanaha cusub ee Safaaraadda Uganda ee Muqdisho waxaa loo soo magacaabay Sarreeye Guuto Joseph Lucky Kidega.

ASKAR KA TIRSAN BOOLISKA KENYA OO QARAX LAGULA EEGTAY ISMAAMULKA LAMU

In ka badan 10 Askari oo Ka tirsan Ciidamada Maamulka ee loo Yaqaano APda ayaa ka badba aday isku day lagu qaarijin rabay kadib markii lagula beegsaday Miino Degaano hoosyimaada Ismaa mulka Lamu.

Weerarkan oo Ka dhacay Degaanka isgoyska MamboreMkokoni oo u dhow Xarunta shirkadda Xoogga korontada ee Kenya Power ku leedahay Degaanka Kiunga ee Galbeedka Lamu.

Ciidamadan la weeraray ayaa la sheegay in ay wadeen howlo roondo ah Xilligii Qaraxa lala beegsanayay iyadoo ku dhowaad 10 Daqiiqo ay Rasaas is weydaarsadeen labada dhinac sida uu War baahinta u sheegay Guddoomiyaha dhanka Nabadgelyada ismaamulka Lamu Gilbert Kitiyo.

Mr Kitiyo ayaa dhanka kale sheegay in Kooxo hubeysan aan tiradooda la cayimin oo ku dhuum aaleysanayay aagaasi ay weerareen Gaariga Ciidamada Apda oo nuuciisa lagu sheegay Land Crui ser.

Agaasimaha Howlgalada Keynta Boni Mr Joseph Kanyiri ayaa sheegay in ay kooxaha Argagixi sada ay bilaabeen in ay Miinooyin ku xiraan Wadooyinka kadib markii laamaha amniga ay uga itaal roonaadeen Dagaalka tooska ah oo ay kula jireen.

Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in ay cirib tiri doonaan firxadka Dagaalyahanadan kadib markii ay Dowladda xoojisay dhowrkii Todobaad ee la soo dhaafay Howlgalada ka socda Keynta Boni.

GANACSADE KENYAATI USOO SAFRI RABAY SOOMALIYA OO MUDDO XABSI AH LAGU XUKUMAY

Dowlada Kenya ayaa muddo lix bilood oo xabsi ah ku xukuntay ganacsadi dalkaasi u dhashay kaa oo doonayay si sharci darro ah in uu ugu soo talaabo dalka soomaaliya sida laamaha amaanka dowlada Kenya ay sheegeen.

Mr Samuel Omondi Otieno oo ah ganacsade 30 jir ah ayaa ka soo hor muuqday maxkamad ma gaalada mandera iyadoo lagu eedeenayo in si aan sharci aheyn ganacsigaasi uu ugu balaarinayay xadka soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan.

Mr Amwayi oo ah Taliska Gobalka ayaa ku eedeeyay wargelin la aan iyo qaab aan sharci aheyn oo uu soomaaliya ugu soo gudbayay waxaana uu amaanay ciidamadii booliiska ahaa ee gacanta ku soo dhigay xili uu ku sugnaa xadka u dhaxeeya labada dal soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa maxkamada magaalada Mandera ay sheegtay in uu xabsiga ka badbaadayo hadii uu bix iyo lacag dhan 100,000 oo shilinka kenyatiga ah.

Mr Samuel oo ah ganacsadaha xabsiga la dhigay ayaa sheegay in uu la shaqeynayay hay’ adaha qaramada midoobe ee u qaabilsan barnamijka Cunnada ee WFP , hay’adda beeraha Ee FOA iyo hay’ado gaar ah oo laga leeyahay dalka Kenya waxaase maxkamaddu ay sheegtay in cadeemaha uu wato aaney aheeyn kuwa lagu rumeysan karo sheegashadiisa.

Waxaa ugu dambeyntii maxkamada ay soo bandhigtay cadeemo ku saabsan ganacsigiisa oo ay sheegtay in uu soomaaliya u gudbin jiray biraha al xanka iyo qalabka farsamada.

WASIIR JUXAA "DALKAAN WAA LA WADA LEEYAHAY CID KASTA OO NAGA FEKER DUWAN WAAN LA HADLEYNAA”

Iyadoo uu taagan yahay Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Maamul Goboledyada dalka ka jira iyo Dowladda dhexe ee dalka, ayaa Wasiirka arrimaha Gudaha Iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Somal iya Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) wuxuu sheegay in Dowladda diyaar u tahay la hadalka cid kasta oo ka feker duwan.

Wasiir Juxaa, ayaa wuxuu sheegay Dowladda Somaliya inay diyaar u tahay la hadalka dadka ka aragtida duwan, xittaa sida uu yiri kuwa xabada ku soo ridaya Dowladda.

Juxaa ayaa sheegay Dib u heshiisiinta inay tahay doorka ugu muhiimsan ee Dowladda dhexe ay ahmiyada siinaysa, si hadafkaasi loo gaarina Dowladda ay albaabada u furtay dadka oo dhan si loo wada hadlo.

"Dib u heshiisiinta waa ay soconaysaa, waxa la isku haayana waa ay kala gedisan yihiin, kala he erar weeye, meelo kala duwan ayaa wax ka taagan yihiin, waxyaabo kale oo Siyaasadeed, Kheyraad iyo Dastuurba waa ay jiraan waqti ayeey qaadanaysaa, Cidii naga feker duwan oo naga maqan oo xa bad nagu soo rideysa in aan la hadalno diyaar baan u nahay, dalkaan waa la wada leeyahay, aniga ma lihi Dowladda malahan dadka oo dhan ayaa wada leh.” Ayuu yiri Wasiirka arrimaha Gudaha Soma liya.

"Intii jirta cid rabta wada hadal oo leh waxaan ayaa naga dhaxeeya aan ka wada hadalno, Miiska wada hadalka waa uu furan yahay Diyaar baan u nahay.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Juxaa.

Maamul Goboledyada dalka ka jira ayaa Shir uga socday Magaalada Kismaayo soo gaba gab eeyay, iyadoo shalay lagu wado in Shirkaasi ay ka soo saaraan Warmurtiyeed, Dowladda dhexena ari ntaasi waxa ay ka qabtaa dareen xoogan.

IIRAAN OO SHARCIDARRO KU TILMAAMTAY XARIGA KALLUUMEYSATO U DHASHAY DALKOODA EE KU XIRAN PUNTLAND

Kuxigeenka Guddoomiyaha Goballadda Sistaan iyo Bulujistaan ee dalkaasi ayaa sheegay in Badmaaxiinta Dekedda Konarak ee lagu xiray Somalia si sharcidarro ah lagu xiray, isla markaana ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda indhaha ku hayso arrintaasi.

Mas’uulkaasi oo lagu magacaabo Cali Ashqar MirShekari ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wakaalladda Wararka u faafisa Iiraan ee IRNA, wuxuuna sheegay in Kalluumeysatadaasi la qabtay bishii September 27dii, wuxuuna ku dooday in 18ka Badmaax ee la xiray Fasax ka haysteen Waaxda Kalluumeysiga ee Dekedda KONARAK ee dalka Iiraan, si ay uga kalluumeystaan waxa uu ugu yeeray Badda Furan.

Cali Ashqar MirShekari waxa kale oo uu sheegay inay Ilaaladda Xeebaha Somalia ku dileen Kab tanka Doonida Kalluumeysi meel 1,200 KM ka baxsan Xeebaha dalka Iiraan, waa sida uu hadalka u dhigay.

DOWLADDA OO SHEEGTAY MUQDISHO INAY KA YARAADEEN HUBKII CUSLAA EE LAGU DHEX WATAY

Wasaaradda amniga Somaliya ayaa sheegtay inuu yaraaday hubkii faraha badnaa ee Magaala da Muqdisho dhexdeeda lagu dhex wadan jiray, taasina ay suurageliyeen ciidamada ammaanka Muq disho.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Gudaha Axmed Maxamed Maxamuud (Sayid Carab) oo la ha dlay Warbaahinta ayaa sheegay ciidamada xasilinta inay suurageliyeen hubkii cuslaa ee Magaalada lagu dhex wadan jiray inuu yaraado, waxaana uu sheegay in hadda amni buuxa la dareemaayo.

Sayid Carab ayaa sheegay masuuliyiinta Dowladda ee markii hore wadan jiray gaadiid dagaal iyo ilaalo fara badan hadda inaysan jirin, wuxuun tusaale u soo qaatay Wasiirada qaar ee Xukuum adda oo ay la socdaan ilaalo gaaraysa afar askari kaliya.

"Ciidanka xasilinta waxa ay suurageliyeen in nabad laga dhigo Magaalada hubkii waaweynaa ee Magaalada lagu dhex wadan jiray sida BKM iyo ilaaladii faraha badneyd meesha waa ay ka baxeen, taasina waxa ay ku timid ammaanka Magaalada Muqdisho oo hagaagay.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasa aradda amniga.

Sidoo kale afhayeenka Wasaaradda amniga Axmed Carab, ayaa ugu baaqay shacabka Somal iyed inay fahmaan cidda bartilmaameedka ah inay yihiin Bulshada, Shabaabna xilli kasta ay isku day aan inay dhibaateeyaan dadka rayidka ah.

Bulshada ayuu ugu baaqay inay door muuqato ka qaataan suggidda ammaanka iyo ka hortagga falalka suuragalka ay tahay inay Shabaab maleegaan.

Qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho ayaa yaraaday, kadib markii Dowladda ciidan bad an ay dhigtay wadada Maka AlMukarama ee Magaalada Muqdisho.

AKHRISO:WARMURTIYEED LAGA SOO SAARAY SHIRKII MAAMUL GOBOLEEDYADA EE KISMAAYO

War murtiyeed ka kooban illaa 16 qodob ayaa ;aga soo saaray shirka Wadarashiga ee Kismaa yo ugu socday Madaxda dowladda Gobo leedyada kala ah Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galm udug.

War murtiyeedka oo goor dhow he shay saxaafada ayaa waxaa qodobada lo oga hadlay ka mid ahaa arrimaha Siyaa sadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuur ka, Kaalmada Caalamiga, waxaana talooy in iyo baaq loogu jeediyay dowladda Fede raalka.





AGAASIMAHA MADAXTOOYADA HIRSHABEELLE AYAA SAXAAFADA U AKHRIYAY WAR MURTIYEEDKA.

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA IYO KU XIGGEENKIISA LABAAD OO DANJIREYAAL MUQDISH

O KULA KULMAY

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo uu wehliyay Guddoomiye ku xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mud ane Mahad Cab dalla Cawad ayaa la kulmay sii hayaha Safiirka Safaaradda Mareykanka

ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka socday Xafiiska Siyaasada Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya oo ay ka wada hadleen

xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeysa safaaradda iyo Golaha Shacabka iyo sidii loo xoojin laaha.

Sidoo kale Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo ku xigeenkiisa labaad Mudane Ma had C/lla Cawad ayaa kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo ay ka wada hadleen sidii Midowga Yurub uu u sii dar dargelin lahaa mashaariicda uu Golaha shacabka ku taageerayo, waxaana waxyaabaha ay aadka uga wada hadleen ka mid ahaa dib u eegista dastuur ka dalka.

ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa gelinkii dambe ee shalay xafiiskiisa ku qa abilay Safiirka Dowladda Ethiopia ee Soomaaliya iyo diplomaasiyiinta safaaradda ka socda oo ay ka wada hadleen xiriirka labada Dowladdood gaar ahaan dhinaca Baarlamaanada sida uu warbaahinta Qaranka u sheegay Guddoomiye ku xiggeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad C/lla Ca wad.

12KA OKTOOBAR WAA MAALIN XUSHMO IYO XAQ

 DHAWR MUDAN.

Shacab kasta oo caalamka ku dhaqan waxay leeyihiin arimo muqadas ah, lama taabtaan ah isla markaana lagama gorgortamaan ah, dadka Soomaaliyeed oo ka tirsan ummaddaha dunida ku nool waxaa dhankooda ku weyn oo aan laga soo mari Karin Astaanta Qaranimadooda ee ah Calanka ka wada dhaxeeya ee heshiishka lagu wada yahay.

Qowmiyad ahaan Soomaaliya sumadeeda waa Calankeeda, asal ahaan bulugloowga Soomaa liyeed wuxuu ka samaysan yahay Maro leh midabo iyo astaamo la is dhaxgaliyay oo ka kooban kala rada Buluuga iyo Xiddigta cad ee bartanka kaga taalo, sifo ahaan wuxuu ka tarjumayaa Madax ban naanida, Sharafta, Karaamada iyo Gobanimada Dalkeena dhaca arlada Geeska Afrika.

Macno ahaan Calanka Soomaaliyeed wuxuu tilmaam cad ka bixinayaa Sooyaalkii hore iyo Hiigsi ga ummaddeena, aragtidiisu waxey kugu beeraysaa Geesinimo, Dhiifoonaan, Farxad, Daljaceyl, Wad aninmo, Qaranimo iyo Qiiro Soomaalinimo.

12kii October 1954kii ayaa la soo bandhigay, halyeey MAXAMED CAWAALE LIIBAAN Eebbe naxariistii JANNO ha ka waraabiyee ayaa iqtiraacay {hinsiday} calanka aan shalay hoos harsaneyno, inkastoo uusan xilligaan nala joogin haddana wuxuu inaga mudan yahay Sharaf, Xaq dhawr iyo Duco maadaama uu Gayigeena uga tagay dhaxal aan marnaba duugoobeynin.

63sanno ayaa ka soo wareegtay maalintii uu ifka u soo baxay Calankeena, xaqiiqdii quruxloo wga calankeena waa loo Heesay, waa loo Sara kacay, waa la Salaamay, waa la Amaanay, waa loo Mashxaraday, waa la koolkooliyay, waa loo Dhaawacmay, waana loo dhintay, had iyo goorna waxaa loo heelan yahay sidii uu mar walba samada uga dul ba’ban lahaa.

Taariiq ahaan markii ugu horeysay indha u roonaha calankeena waxaa lagu soo Bannaan bixi yay OFFICIO GOVERNO, ka hor intii aan la isku raacin qaadashadiisa waxaa la hor geeyay Wakiilkii Gumeysiga Talyaaniga, dood dheer dabadeed waxaa lagu najaxay Muxaafad iyo Mucaaradba in la isku raaco qaadashada calanka illaa iyo haatan dusheena ka dul babanayo.

Xilli walba kolka la gaaro 12ka Oktoobar waxaa Dalkeena looga dabaal dagaa maalinta ku astey san dhalashada calanka Soomaaliyeed, xuska maalintaan awgeed kor waxaa u kaca shucuurta shac biga oo dhan, guri iyo goob walba waxaa laga dul suraa calanka Soomaaliyeed.

Cirka waxaa isku shareera oo qaaliyooba dharka iyo midabada laga sameeyo calanka, jaceylka loo qabo bulugloowgeena dartiis qaar ka mid ah gabdhaheena xurmada badan waxay huwadaan isla markaana ay isku qurxiyaan midabada uu ka kooban yahay calankeena, taasi oo muujinaysa Wada ninimadooda iyo Qaranimo jaceylkooda.

Nasiib daro jeclaantii daraad calanka loo qabay shalay ma muuqato, tixgalintii la siin jirey wey soo gaabatay, dadka qaarkiis waxay iloobeen qiimihii uu lahaa, ayaan daro Maamul isku sheegyo ka ti rsan Gobolada Wadankeena booskii calanka waxay ku badasheen MIRAAQYO (Maryo) ay sameyst een, wadaniyiin badan ayaa arintaasi ka maroora dilaacsan.

La yaab waxaa leh sida aaney Soomaalida badankeed u fahamsaneyn muhiimada uu leeyahay calankooda, Soomali ahaan bulugloowga la wada caashaqsan yahay ayaa Soomaaliya Mideeya, bul sho ahaana anaga ayaa iska leh oo nalagu yaqaana, xushmo iyo xaq dhawr ayuu inaga mudan ya hay, ilaalintiisana waaa WAAJIB ruux walba dusha ka saaran.

Hubaashii waxaan ku kalsoon ahay in shaqsi kasta qalbigiisa uu ku beeran yahay Muxubada iyo Dareenka jeceyl uu u qabo calankiisa, Si loo soo nooleeyo qiimihii uu lahaa calankeena waxaa MU WAADINIINTA oo dhan la gudboon sidii Gurmad loogu gali lahaa qaabkii loo xoojin lahaa Karaamada, Sharafta, Muunada iyo Heybada uu leeyahay calankeena, kaasi oo ah kan qura ee Soomaaliya oo idil wada kaafin kara.

WD: C/LAAHI XASAN (SHIIKHAALOW)

MARAYKANKA OO DIYAARADO DAGAAL DULMARIYAY GACANKA KUURIYA.

`Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa si wadajir ah u sameeyay dhoolatus militari , iyada oo Maraykanka uu labo diyaaradood oo kuwa wax duqeeya ah ee loo yaqaano B1B uu dulmariyay gacanka Kuuriya, halka Kuuriyarada Koonfureed ay iyaduna hawada galisay labo diyaaradood , kuwa loo yaqaano F15K.

Dhoolatuskan ayaa waxa uu imanaya xili xiisadda ka dhaxaysa Maraykanka iyo Kuuriyada Wa qooyi ay cirka isku sii shareerayso.

Xukuumadda Pyongyang ayaa samaysay tijaabadii lixaad ee hubka nuyuukleerka sanadkan oo kaliya, iyada oo labo gantaal dulmarisay Japan.

Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ayaa ka dul haaday saldhigga jasiirada Guam oo hadda ka hor Kuuriyada Waqooyi ay ku hanjabtay in ay weerari doonto.

War qoraal ah oo ay soo saartay Kuuriyada Kuuriya ayaa lagu sheegay in dhoolatuska uu yahay mid la doonayo in lagu waabiyo Kuuriyada Waqooyi.

Maraykanka ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Japan ay xitaa ka qeybqaadatay carbiska dagaal.

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in madaxweyne Trump uu la kulmay guddigi isa amniga qaranka, kana dhagaystay sida ugu wanaagsan ee looga jawaabi karo halista kasoo fool leh Kuuriyada Waqooyi.

Trump iyo Kim Jongun ayaa horay isu dhaafsaday hadalo qalafsan iyo hanjabaado kala duwan.

Maalintii arbacada, xildhibaan Kuuriyada Koonfureed ah ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay xad day sirta militariga dilkiisa, oo xitaa uu ka mid yahay qorshe lagu qaarijin lahaa Kim Jongun iyo kaarto dagaal oo ay wada jeexeen Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka.

Balse waqooyiga iyo koonfurtuba waa beeniyeen jiritaanka warkaas.

BOGGA CAYAARAHA

DANI ALAVES IYO NEYMAR JR OO BILAABAY OLOLE KA DHAN AH ARSENAL & MAN CITY IYO ALVES OO ALEXIS SANCHEZ UGU BAAQAY IN UU PSG KULA SOO BIIRO.

Difaaca xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG ee Dani Alves ayaa ka mid ah ciyaartoyda saa maynta ku yeesha xidigaha doonaya in ay kooxahooda badashaan, wuxuuna soo faro galiyay xaalada Alexis Sanchez ku haysata Arsenal iyo xiisihii Manchester City ee Sanchez. Dani Alves ayaa Alexis Sanchez kaga hor yimid kulankii xalay dhex maray xulalka qaramada Brazil iyo Chile wuxuuna fariin cad u diray Sanchez si uu PSG ugula soo biiro. Neymar Jr ayaa door wayn ka ciyaa raya in Sanchez uu PSG kula soo biiro.

Dani Alves ayaa hore heshiis ula gaadhay Manchester City laakiin waxa uu si lama filaan ah ugu biiray PSG markii ay Neymar jr isku afgart een in ay Paris ku midoobaan laakiin markale Dani Alves ayaa doonaya in Sanchez uu isna PSG ku soo biiro. Waxay hore saxaafadu u sheegtay in Neymar jr uu doonayo saxiixyada Coutinho iyo Sanchez isla markaana uu maamulka kooxdiisa ka dalbaday.

Markii Dani Alves wax laga waydiiyay xiisaha kooxdiisa PSG ee ee Alexis Sanchez ayuu idaac ada Radio ADN u sheegay: "Waa suurtogal, laakiin kooxo dhawr ah ayaa isaga doonaya. Anigu wax aan doonayaa in isagu uu faraxsanaado meel kasta oo uu tago, laakiin haddii ay anaga noqoto way ka sii fiicnaan doontaa”.

Intaa kadib Dani Alves ayaa ka hadlay sida ay wax adag u tahay in Sanchez laga horyimaado wuxuuna yidhi: "Markasta waa wax adag in laga horyimaado ciyaartoyda Alexis oo kale ah ee tayadi isan iyo heerkiisa laakiin waxaanu diirada saaraynay ciyaarta oo dhan isla markaana shaqo fiican ayaanu qabanay”.

Alexis Sanchez iyo Dani Alves ayaa hore uga soo wada ciyaaray Barcelona wuxuuna xidiga ree Brazil si cad u sheegay in wax aad u fiican ay noqon doonto haddii ay markale ka wada ciyaaraan koo xda PSG. Heshiiska Sanchez ee Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareedkan waxaana la fila yaa in suuqa bisha January ay Arsenal iska iibin karto halkii uu si xor ah kaga bixi lahaa sagaal bilood kadib.

Neymar Jr iyo Dani Alves ayaa wada olole ay Alexis Sanchez kaga saarayaan Arsenal isla mar kaana ay ku doonayaan in aanu Manchester City ku biirin inkasta oo kooxda Guardiola ay bisha Janu ary isku dayi doonto in ay soo cusboonaysiiso heshiiskii maalintii suuqa ugu danbeeyay fashilmay ee ay Sanchez kula soo wareegaysay.

MOURINHO OO AMAAN XOOGAN KALA DUL DHACAY MOHAMED SALAH KAHOR KULANKA XIISAHA BADAN EELIVERPOOL IYO MAN UNITED.

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa si xoogan u amaanay xiddiga ree Egypt iyo kooxda Liverpool Mohamed Salah, kahor kulanka xiisaha badan ay maalinka sabtida kuwa da ciyaaro doonaan kooxaha Manchester United iyo Liverpool garoonka Anfield.

Jose Mourinho ayaa wuxuu u sheegay wargeyska ree England ee Daily Express isaga ka hadl ayay qaab ciyaareedka wanaagsan ee Mohamed Salah: "Anigu maahi mid layaaban bandhiga cajiibka ah ee Mohamed Salah, xili kastaa waxaan ahaa mid aaminsan qaab ciyaareedkiisa, sidaas darteed waxaan lasoo saxiixday xiligii aan ku sugnaa kooxda Chelsea”.

Macalinka ree Portugal ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay: "laakiin qibaradiisa horyaalka Serie A ayaa ka dhigtay mid kasii wanaagsan sidii hore, sidaas darteed waxay ahayd wax iska muuq da in bandhig wanaagsan uu ku sameenayo imaatankiisa horyaalka Premier League-ga iyo kooxda Liverpool”.

Laakiin Jose ayaa wuxu sidoo kale ka difaacay Salah in Chelsea uu kaga soo muuqday kulamo yar ayaa wuxuu yidhi: "laacib kasta wuxuu u baahan yahay waqti ku filan uu kaga sameyn karo kooxd iisa horumar wanaagsan, qaar kood waxay soo dhaweeyaan inay fadhiistaan kursiga keygka ilaa ay ka helayaan fursada ay kooxdooda kaga soo muuqan karaan, halka kuwa kalena ay door bidayaan inay ka dhaqaaqaan, taasina wax caadi ka ah kubada cagta”.

Si kastaba Mohamed Salah ayaa kooxdiisii hore ee Chelsea kaga soo biiray dhigeeda Basel bi shii Janaayo ee 2014, kahor inta uusan kaga dhaqaaqin sanad heshiis amah ah kooxda Fiorentina, iyadoo uu markale kaga dhaqaaqay Roma, balse uu ugu dambeyn Liverpool ku yimid heshiis ku kacay aduun dhan 42 million euros.

Mohamed Salah oo haatan ku gudi jira waayihiisii ugu wacnaa kubada cagta ayaa wuxuu dal kiisa Egypt u suuragaliyay inay ka qeyb galaan koobka aduunka sanada 2018 ka dhici doono dalka Russia, kadib markii ay mudo dhan 28 sano ay ka maqnaayeen ka qeyb galkiisa.

NEYMAR OO KA HADLAY WACDARIHII MESSI EE KULANKII ECUADOR XILI UU SHEEGAY WAR LAMA FILAAN AH

Xidiga koowaad ee Naadiga reer Faransa ee PSG, Neymar ayaa wuxuu ka hadlay wacdarihii uu Messi sameeyay kulankii ay 3-0 uga soo tilaabsadeen qaranka Ecuador, kadib markii ay la dheeleen ciyaar ka tirsan Isreereebka koobka aduunka.

Kulankaas ayaa wuxuu Leo shabaqa uu soo taabtay sedex jeer, waxaana lagu tilmaamay inay ahayd ciyaar uu Messi soo bandhigay qaab ciyaareedkisii ugu fiicna iyo wax caado u ah marka ay xaa ladu ay sidaan oo kale ay tahay.

Sida ay kaso xigatay bara rasmiga ah ee Horyaalka Faransiiska ee Ligue 1, Neymar ayaa wux uu yahay mid ku faraxsan wax uu sameeyay saaxibkiisii hore, isagoona si cad usheegay inuu ku far axsan yahay inuu usoo boxo koobka aduunka.

"Waxaan ku faraxsanahay in saaxiibkeyga aan ku arko tartan noocaan ah, oo muhiim ah, balse ayuu waxaana sidoo kale aan saaxiibo ku lee yahay Chile, oo tartankaan isaga haray,” kusii daray hadalkiisa Neymar.

Xulalka Brazil, Argentina, Spain, England, Germay, iyo kuwa kale ayaa xaqiijiyay inay soo baxe en koobka aduunka ee 2018-ka, kaasoo ka dhici doona dalka Ruushka, waxaana isku aadka la same yn doonaa dhawaa.

ENGLAND - PREMIER LEAGUE OCTOBER 14

14:30Liverpool? - ? Manchester United

17:00Burnley? - ? West Ham United

17:00Crystal Palace? - ? Chelsea

17:00Manchester City? - ? Stoke City

17:00Swansea City? - ? Huddersfield Town

17:00Tottenham Hotspur? - ? AFC Bournemouth

19:30Watford? - ? Arsenal

ITALY - SERIE A OCTOBER 14

19:00Juventus? - ? Lazio

21:45Roma? - ? SSC Napoli

SPAIN - LALIGA SANTANDER OCTOBER 14

14:00Athletic Bilbao? - ? Sevilla

17:15Getafe? - ? Real Madrid

19:30Alaves? - ? Real Sociedad

21:45Atletico Madrid? - ? Barcelona



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip