Waddooyinka gawaarida isticmaalaan oo Muqdisho ku sii yaraanaya (Faahfaahin) + Sawirro

0
Friday December 04, 2015 - 10:38:30 in Wararka by
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddooyinka gawaarida isticmaalaan oo Muqdisho ku sii yaraanaya (Faahfaahin) + Sawirro

    Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo food saartay xaaladii ugu darneyd ee dhinaca waddooyinka ay gawaaridu isticmaalaan, kaddib markii gaadiidka kala duwan ay soo wajahday laba arrimood oo dhibaato miiran ah, isla marka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa soo food saartay xaaladii ugu darneyd ee dhinaca waddooyinka ay gawaaridu isticmaalaan, kaddib markii gaadiidka kala duwan ay soo wajahday laba arrimood oo dhibaato miiran ah, isla markaana ay kaliftay inay shaqadooda joojiyaan qeyb ka mid ah gawaarida BL-ka ah ee ka howlgala magaalada Muqdisho.

Arrinta koowaad ayaa ah in gaadiidka BL-ka ay dhibaato ku qabaan howlgalada ciidamada Dowladda aadka u mashquulka badan ee shaqaalaha, halka gaadiidka kale noocyadiisa kala duwan la geliyo saf dheer wakhti fara badanna ku lumiya baaritaanadooda iyadoo haddii ay mari lahaayeen jid cadayaasha xaafadaha dhexdooda ah cid kasta ay iyana dhigatay isbaaro loo yaqaan "Ha ii soo marin horteyda”.

Magaalada Muqdisho oo u soo joogtay xilli ka daran tan ay maanta ku sugan tahay, ayaa waxaa nasiib darro ah inay weli jiraan shaqsiyaad ganacsato ah iyo shirkaddo ajnabi ah inay musuqmaasuqeen dhaqaale fara badan oo loogu talo galay dayactirka kaabayaasha bulshada, iyadoo mashruucii shirkadaha Turkiga eemacaash raadiska ah uga sii dareen 25Km waddo cabirkeedu yahay oo gawaaridooda isticmaalaan.

Dhinaca kale waddooyinka Muqdisho oo guud ahaan ka kooban shan waddo oo waaweyn marka laga reebo wadada dheer ee madaxtooyada hor marta inta kale dayactir waxaa ugu dambeysay 25-sano kahor.

"Allaha noo sahlo madax wadaniyiin ah oo ka damqada dhibaatada shacabkooda ka heysata adeegyadii asaasiga ahaa” ayuu yiri nin Oday ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo, adigoo marka aad aragto boholaha ka qodan waddooyinkii caanka ahaa ee Muqdisho aad isweydiineyso su’aalo dhowr ah oo ay ka mid tahay "Maxaa loo lahaa Turki ayaa waddooyinka Muqdisho dayactiraya?” iyo su’aalo kale oo fara badan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip