DHACDO XANUUN BADAN: Gabar adeegto ah oo khalkhal gelisay waalidiin fara badan

0
Friday December 04, 2015 - 10:26:10 in Wararka by
  • Visits: 941
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHACDO XANUUN BADAN: Gabar adeegto ah oo khalkhal gelisay waalidiin fara badan

    Dadka leh dhaqaalaha oo iyagu intooda badan caruurtooda u uga taga shaqaalaha gurigooda ayaa waxaa khal khal geliyay dhacdo xanuun badan oo ay ku sameysay gabar adeegto ka ahayd guri ku yaala dalka Kenya, kaddib markii ay kashiftay camerada qarsoon.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka leh dhaqaalaha oo iyagu intooda badan caruurtooda u uga taga shaqaalaha gurigooda ayaa waxaa khal khal geliyay dhacdo xanuun badan oo ay ku sameysay gabar adeegto ka ahayd guri ku yaala dalka Kenya, kaddib markii ay kashiftay camerada qarsoon. Waxaa la arkay muuqaal gabadha adeegtada ah oo raashin siineysa gabar ka yar sanad iyadoo si arxan la’aan ah ugu istaageysa, isla markaana sidii qashin oo kale ugu tuurteysa qol kale.

adeegto

Arrintaan oo ay la fajaceen isla markaana walaac ka muujiyeen kumanaan ka tirsan waalidiinta dalka Kenya, ayaa shaki weyn gelisay waalidiinta caruurtooda uga tegaya shaqaalaha gurigooda.

Soomaalida inta badan waxay yiraahdaan: "Arxan ma leh Haweenka Eedada ah ee aabahaa u dhaxday” taasi oo micnaheedu yahay inaysan ka naxeynin canuga uu ninkeeda ka dhalay haweenta kale ee lala qabo. Haddii aad muuqaalkaan daawato waxaad ogaanee inay jiraan dad ka daran oo canuga sebiga ah derbiyada ku garaacaya


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip