WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 10-KA OKTOOBAR 2017-KA

0
Tuesday October 10, 2017 - 09:28:52 in Wararka by
  • Visits: 791
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 10-KA OKTOOBAR 2017-KA

    FARMAAJO OO KULAN LA YEESHEY XUB NO KA SOCDAY QURBA JOOGTA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa sha lay kulan qado sharaf ah la yeeshey xubno ka socoda Qurba Joogta Soomaaliyeed oo ku sugan mag aalada Mu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FARMAAJO OO KULAN LA YEESHEY XUB NO KA SOCDAY QURBA JOOGTA Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa sha lay kulan qado sharaf ah la yeeshey xubno ka socoda Qurba Joogta Soomaaliyeed oo ku sugan mag aalada Muqdisho.

Ujeedad kulanka ayaa wuxuu ahaa sidii Qurba Joogta Soomaaliyeed ay kaalintooda uga qaa dan lahaay een horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya, iyagoo Madaxweynaha Soomaaliya uga xog waramay xaaladaha kala duwan oo ay ku sugan yihiin Soomaalida Qurbaha ku nool.

Dhageysiga aragtida Qurba joogta kadib ayuu dhankiisa Madaxw eynaha Jamhuuriyadda Soo maaliya Maxamed C/laahi (Faraamjo) uga warramay xaaladda guud ee dalka iyo horumarada ay ku talaabsatay Dowl adda Soomaaliya.

DAB XOOG LEH OO KA KACAY CALIFORNIA

Ugu yaraan 10 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dab xoog leh oo ka soconaya meelo bad an oo ka mid ah gobolka California ee dalka Mareykanka.

Madaxa maareynta dabka ee gobolkaasi ayaa sheegay in sidoo kale uu dabku baabi,iyay in ka badan 1,500 oo guri iyo dhismooyin ganacsi.In ka badan 20 kun oo ruux ayaa laga daad gureeyay me elaha uu sida aadka ah u ugu sii fidayo dabka.

Gudoomiyaha gobolka California Jerry Brown ayaa xaalad deg deg ah kusoo rogay maga alooyinka Napa, Sonoma, iyo Yuba counties.

RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO BAARLAMAANKA KA DALBADAY IN AY ANSIXIYAAN SHARCIGA LA DAGAALANKA MUSUQ MAASUQA

Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya xasan Cali Kheyrre oo Habeen hore ka hadlay Mu naasa bad lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu Horya allo Sharciga la da gaalanka Musuq Maasuqa,waxa ana uu ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shac abka in ay Sharcigaas meel mariyaan.

Ra’iisul Wasaare Kheyrre ayaa she egay in Xukumaddiisu ay la dagaala mi doonto Musuq Maa suqa isl amarka ana ay dar dar gelin doonto la dagaa lanka Musuq Maasuqa.

Soomaaliya ayaa lagu diriyaa Dalalka Safka hore uga jira Wadamada uu Ragaadiyay Musuq Maas uqa ,waxaa na Dowladda Federaalka ee uu Ho gaamiyo Madaxweyne farmaajo ay sheegtay in Musuq Maasuqa ay la dagaalami doonto.

GUDIGA DOORASHOOYINKA SOOMAALILAND OO SHALAY KU DHAWAAQAYA NATIIJADA COD BIXIYAASHA SANADKAAN.

Wararka laga helayo guddiga Komishanka Somaliland ayaa waxay sheegayaan in la filayo in shalay ay guddiga Komishanku ku dhawaaqaan natiijada dadkii iska diwaangaliyay gobolada Soom aaliland,isla markaana qaatay kaararkii codbixiyayaasha.

Guddiga Komishanka Soomaaliland ayaa la lagu wadaa in ay kulan la qaataan hogaanka xisb iyada,ee ka jira deegaanada Soomaaliland,isla markaana ay ku dhawaaqaan natiijada dadka qaatay kaararkaasi ee cod aynaya doorashada madaxtooya da Somaliland ee fooda ku soo haysa lana filayo in ay dhacdo 13 Nov.2017ka.

Diyaar Garowgii ugu dambeeyay ee Doorashada Soomaliland ayaa waxaa laga dareemayaa Deegaan ada Soo maaliland,iyadoona Axsaabta Siyaa sadeed ee ka jira deegaanad aas ay bilaabeen ololahooda ku aad an mu sharaxnimo oo ku soo bandhigayaan Waxqabad kooda ku aadan Hadii loo doorto Hogaanka Sare ee Soomaaliland.

XISBIGA WADDANI OO LA WAREEGAY XARUNTII GOBOLKA SOOL EE XISBIGA KULMIYE

Tartan loogu jiro gacan ku haynta xarumaha xisbiyada lool anka siyaa sadeed ugu jira hogaanka Somaliland ayaa ka bilaabmay magaalada Laas caanood, iyadoo xaruntii gobolka Sool ee xisbiga kulmiye shalay si toos ah looga baabiiyey asta amihii xisbi gaas.

Qaar ka mid ah xubnaha golaha degaanka degadmada Laascaanood ayaa afaafka hore ee xaruntaasi ku sheegay in ay la wareegeen xarumihii xisbiga Kulmiye uu ku lahaa degma da iyagoo ku hadlay afka xisbiga Waddani.

Duqii hore ee Degmada Laascaanood Cismaan Sale ebaan oo ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi "Waa xa runtii afraad ee aan la wareegno, kadib markii ay dadku arkeen in ay ka xunyihiin isticmaarkii, dadkuna iyaga ay aa ka saaraya guryahoodii, shalayna kama duwana maalintii kana siib kana saartii"

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee goblka Sool Axmed Daadey oo aan la xidhiidhnay isaga oo Hargeysa ku sugan waxa uu sheegay in ay been iyo Borobogaando la wado ay tahay.

"Anigu Hargeysa ayaan hada hawl u joogaa anuu ma ogi wax la qabsaday iyo wax lala waree gey, xafii syadii gobolka waa furan yihiin, waxanse kuu sheegayaa inay jiraan dad borobogaando wa da balse waa la arki dhowaan xafiisyada lala wareego, ogow oo beentu lug la qabtay leedahay" ayuu yidhi Daadey.

Loolankan oo ah mid si aad ah u hadheeyey guud ahaan Somaliland ayaa haatan gobolka Sool waxaa si aad ah hawlgalo xoogan uga wada xisbiga Waddani iyadoo xisbiga talada ahaya aad moodo inuu ka sii jeedo oo uu ku mashquulsan yahay dhinaca Galbeed, waxaanse meesha ka muuqan dhaq dhaqaaqiisu xisbiga Ucid.

QARAMADA MIDOOBEY OO KU BAAQD AY IN WADAHADAL LAGU DHAMEEYO XIISADA GALMUDUG

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Gu ud ee Qaramada Midoobey u qaab ilsan Soomaaliya Mi cheal Ke ating ay aa ugu baaqay madaxda sare ee Gal mudug in ay wadahadal ku dhameeyaan khila afka ka dhex ta agan.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo nabadgalyada deeganna da maamulka Galmudug islamarkaa na ay heshiiyaan madaxda sare.

Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay Madaxda Sare ee dowladda Soomaal iya in ay xoojiyaan wa da shaq eynta kala dhaxeysa maamulada dalka ka jira.

Micheal Keating ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya awooda ay heysataa ay tahay maamul gobolee dyadda.

Khilaaf xooggan ayaa wali ka dhex taagan maamulada dalka ka jira qaa rkood iyo dowladda Soom aaliya, ma na jirto wax ah oo dowladda Soo maa liya ay wali kasoo saartay Khil aafka Madaxda Galm udug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay faragelin qaawan ku sameysay maamulka Galmudug.

Madaxda maamul gobolleedyada ayaa hadda shir ku leh magaalada Kismaayo oo ay uga wada hadlayaan siyaasada dalka iyo khilaaf soo kala dhaxgalay dowladda dhexe iyo maa mulada xubnaha ka ah federaalka.

HOWLAGALKA NATO OO AAS AASAY QUWAD CIIDAN OO BADDA AH.

Gaashaaan Buurta NATO ayaa abuurtay Ciidamo Cusub oo Wadamo badan la isga keenay wa xaa Sal dhig u noqonaya Romania Waana Tilaaabadii ugu dambeeysay oo Russia ka dhan ah, waxaa Ciida madaaan loogu talo galay in ay ka howlgalaan Badda Madow, sidoo kale NATO waxaa ay Til aabadaan uga jawaabeey saa Sababtii uu Russia kula wareegay Gobolka Crimea ee Ukrain 2017.

Ciidamadda Saldhigaan cusub lagu aas aasay waxaa ay ka kala yimaade en 10 Wadan oo ka mid ah Howlgalka NATO.

Madaxweeynaha Wadanka Ro mania ayaa ka sheegay Shir Baarl amaanka NATO ay ku yee sheen M/ Bu charest " ujeedade enu wa Nabad Istiraatiijadeenimo waa Nabad”

Russia ayaa NATO ku eedeeysay in ay ka dayaan in ay hareereeyaan, NATOna waa ay Inkirtay eeda loo soo jeediyay.

GUDDOOMIYE TAABID OO HESHIIS MUHIIM AH LA SAXIIXDAY HAY’ADDA UNHCR

Maamulka Gobolka Banaadir iyo hay’ adda Qaxootiga Qaramada Midoobay ee marka magace eda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa shalay waxa ay kala Saxiixdeen Heshiis Muhiim ah, wax aana dhinaca ha y’adda UNHCR Heshiiskaasi goobjoog uga ahaa wakiilka hay’addaasi ee Soo maa liya haweeneyda lagu mag acaabo kalin Fan baron .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo heshiiska ka dib la had lay Warbaahinta ayaa sheegay in u jeedada ugu weyn ee heshiiskan ay wada gaareen ay tahay wada sha qeyn qoto dheer oo dhex marta lab ada dhinac.

Waxaana uu tilmaamay in Heshiiska shalay uu qeyb ka yahay dayactir ay hay’addu ku sameyn doonto Illaa 6 Iskuul oo ku yaalla qaar ka mid ah de gmooyinka Gobolka Banaadir, wax aana uu hoos ta ka xariiqay in shacab ka Muqdisho caruurtooda ay heli doonaan Waxbarasho Bilaash ah oo ku eg Dugsiga Dhexe, marka uu soo dhamaado dayactirka xarumahaasi.

Heshiiskan ay wada gaareen Maa mulka Gobolka Banaadir iyo hay’adda UNHCR ayaa waxaa uu muhiim u yahay bulshada Soomaaliyeed, maad aama waxyaabaha ay iska kaashan doonaan ay tahay sidii kor loogu qa adi lahaa arrimaha Waxbarashada ee dalka.

SHIRKA MADAXDA DOWLADDA GOBOLE EDKA UGA SOCDA KISMAAYO IYO SHA KIGA LAGA QABO

Waxaa magaalada Kismaayo ka furmay shir aan caadi ahayn oo ay leeyihiin madaxweynayaa sha shan ta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah federaalk. Shirkan kama qeybgalayso dowladda fed eraalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Maxamed Warsame Darwiish oo BBCda uga waramay ajandaha shir ka uu yahay in "Madmadoow ka dhashay dhanka dowladdii Federaal ka ee Soomaaliya lagu turxaan bixiyo, oo laga wada hadlo in ta aan gacmo kale iyo cid kale ay san arrinta gaarin, waxa ana gogol fid iyay madaxweyn aha Jubbaland mudane Axmed Max amed Islaam, waana la isugu yimid”.

Waa madmadoowgaas uu sheegay wasiirka waxa dhaliyay shaki balaar an oo laga qabo shir kan iyo wa xa kas oo bixi kara, sida uu sheegayo Xasan Xayle oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ay BBC-da weeydiisay ara gtidiisa shirkan ku aaddan.

"Shirka shaki badan ayaa laga qabaa, Soomaalida oo dhan waxay u aragtaa armuu shirkan qas keenaa, oo la leeyahay dabkii holcayay armuu baansiin kusii shubaa. Dowladda laft eeda shaki badan ayay ka qab taa,” ayuu yiri Xayle.

Waxaa gogosha dhigay madaxweyna ha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo sheegay in murankii ka dha shay moowqifka dowladda dhexe iyo dowlad gobolee dyada ay ka kala qaateen arrimaha khil aafka khaliijka, loo baahanyahay in laga gaaro isfaham dhab ah.

Xasan Xayle ayaa dhanka kale rajo ka muujinaya cidda shirka martig alisay "Dabeecadda ma amulka Ju bbaland, gaar ahaan madaxweyn aha Axmed Madoobe. Dadka qaarko od waxay leeyihiin maamul goboleed ya da kale wuu ka jecelyahay danaha dalka, mana la keeni doono wax sii kala burburinaya Soomaaliya. Laakiin shakiga wuxuu ka jiraa dhanka maamul goboleedy ada qaarkood oo dowladda ku ah lid”.

Dowladda federaalka wali kama ay san hadlin shirka, aamusnaanteeda na waxaa loo fasira nayaa diid mo, si da ay qabaan dadka siyaasadda fala nqeeya.

Waxaa shirka ka qeybgalaya madaxweynaha xilkiisa lagu muran sanyahay ee Galmudug, Axmed Du caale Gee lle Xaaf oo dowladda ay aq bashay xil ka qaadis ay ku sameeye en qaar ka mid ah xil dhibaanada maa mulka Galmudug. Dowlad gobole edyada qaar ayaa ka horyimid xil ka qaadistaas.

Madaxweyne Xaaf oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa ku baa qay in arrinta Galmudug wadah adal laga xalliyo. Dowladdana wuxuu u sheegay in ay dhexdhexaad ka noqoto arrimaha taa gan.

Wuxuu dhanka kale dowladda ku eedeeyay in "ciidamada federaalka ee gobollada dhexe u adeegs atay in ay is aga xiraan,” balse uu ka badbaaday, sida uu hadalka u dhigay. Dow ladda federaalka aya an arrintaa weli ka hadlin.

Khudbadihii madaxda ay ka jeediyeen furitaanka shirka waxay ahaayeen kuwa si guud ay uga hadlay een xaaladda dalka ka taagan, waxayna sheegeen in shirka uusan ahayn mid dowladda fede raalka looga soo hor jeedo, balse yahay mid danta dalka looga tashanayo.

Balse xiliga uu shirka kusoo beegmay iyo sida uu yahay dareenka siyaas adeed waxaa cabi raya Xasan Xayle oo yiri: "Waxay u egtahay in dhufeys la isu galay labada dhinac oo la jabh aday nayo, waxaanna aragnaa in aba abulka xoog siyaasadeed uu meesha ka socdo. Dowladda shaki ayay qabtaa, mana la casuumin. Had duu shir ka mid fiicanyahay waxaa dowladda la siin lahaa door ah in ay kor joogto ka noqoto”.

Qodobada la’isku hayo waxaa ka mid ah awoodaha uu dastuurka kala siinayo dowladda dhexe iyo dow lad goboleedyad, waxaana xusid mudan in shir weyne ku saabsan dib u eegista dastuurka oo Muqdisho ka fur mi lahaa ay diideen in ay ka qeybgalaan dowlad goboleedyada.

Sidoo kale labada guddi ee arrimaha dastuurka qaabilsan ee kan baarlam aanka iyo midka ma daxa ban aan ayaa sheegay in aanan lagala tashan in shirka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga wardhawrayaa waxa kasoo baxa shirka Kismaayo iyo sida dowladda dhexe ay uga falceliso.Xigasho: BBCSomali

SOOMAALIDA MINNESOTA OO SOO DHA WEEYEY XILDHIBAANO QARANKA SOOM AALIYEED KA TIRSAN OO BOOQDAY ..

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Gobolka Minnesota ayaa u qabtay kulan soo dhaweena gabdho ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dowlada Fadaraalka ee Soomaaliya,oo baryahaan hawlo sha qo u joogay qaar ka mida gobolada dalkaan Maraykanka.

Xildhibaanadaan oo kala ah Sen.Fartuun Karaama, Sen.Samsam Maxamed, Sen.Deeqa Xuse en , Xil. Sagal Biixi iyo Xil.Xaniifa Xaabsade.

Maxamed Ciise Muuday oo ka mid ahaa gudigii qabanqaabada ayaaHol u sheegay inuu aad u gu farax san yahay inay si wadajira Soomaalida Minnesota ay u soo wada dhaweeyaan xildhibanada an qaran,waxuuna yiri maaha anaga kaliya Soomaali ahaan waxa soo dha wee naya oo qiimayna masuul iyiintaan waad u jeedaan waxaa goobta ku su gan Duqa maga aladda Minneapolis Betsy Hodges, Xildhibaano kala du wan oo haween Maraykan ah iyo wal iba Ilhaan Omar oo ah xildhibaa nad Soomaaliyeed oo laga soo doortay Minnesota.

Kulankaan oo ay ka hadleen Aqo onyahanada Waxgaradka iyo qaar ka mida waxgaradka Minn esota ay aa dhamaantood si wadajira ay u soo dhaweeyeen marti sharaftii lagu soo dhaweenayay Kulankaan.

Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Xildhibaanada labada Aqal oo she egay in dalkaan ay u yima deen ha wlo shaqo , soona mareen gobolo kala du wan , waxayna dhamaantood isla qire en in dalka Soomaaliya uu ka socdo soo kabasho laga soo kabanayo diiftii ay reebeen dagalaadii sokeeye,

Waxayna aad sharaxeen kaalinta haweenka ay kaga jiraan hawlaha qaranka sida gudiyada ba arlamaan ka ,kaalinta ay ku lee yihiin gudiyada kala duwan ee labada aqal ,waxayna dhamaantood is la qireen in dalka uu ka jiro horemar siyaasadeed.

MADAXWEYNAHA HIRSHABELLE: DOWLADDA HADDII DASTUURKA AYSAN NAGALA TASHAN WIXII KA SOO BAXA WAA KU KALIGEED

Madaxweynaha maamulka Hirshab eelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay haddii aan lag ala tash an shirka arrimaha Dastuurka wixii ka soo baxa in ay u gaar tahay Dow ladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Dowladda Fede raal ka Soomaaliya in looga baahan yahay shirka Dastuurka in ay kala ta shato Madaxda maamul goboleedyada, maadaama uu yahay arrimo masiiri ah oo saameyn ku leh mustaqbal ka.

Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa sheegay Dowladda Somaliya kaligeed inaysa laheyn go’aan ka la xiriira dib u eegista Dastuurka Somaliya, balse go’aan ay ku leeyihiin Maamul Goboledyada dal ka ka jira.

"Shirka Dastuurka dadka ay quseysay shalay halkan ayay wada fadhiyaan, Dastuurkaas socda hadaanan nala gula soo celin oo aysan gacanteena soo gelin, cidii ku tashatay iyo cidii saxiixday ayay u taalla fulinteeda.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale yiri "Masuuliyiinta sideedaba waxaa laga rabaa in ay ma amulaan waqtiga, Daqliga, iyo kuwo kale si ay u soo baxaan waxyaabo guulo lagu gaari karo.”

DOON LA DAGTAY 12 RUUX OO MUSLIMIINTA ROHINGYA AH

Ugu yaraan 12 ruux ayaa dhintay ka dib markii ay dagtay doon ay saarnaayeen dad ka soo je eda qawmiyadda Rohingya ee Muslimiinta ah, kuwaas oo ka cararayay dhibaatada ka taagan My anmar, sida ay saraakiishu sheegeen.

Doontaasi waxay ku dagtay meel u dhaw dalka Bangladesh.

Dad kale ayaa la la’yahay ka dib markii ay arrintaasi ka dhacday wabiga Naf, Axaddii.

Waxaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen dad lagu qiyaasay boqol ruux, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen carruur.

Dad qawmiyadda Rohingya u dha shay ayaa horay u dhintay iyaga oo isku dayaya in ay u talla abaan dhan ka dalka ay dariska yihiin ee Ban gladesh, iyadoo milatariga dal aasi ay hawlgallo ka wad aan gobolka Rakhi ne ee dalka Myanmar.

Illaa iyo hadda ma cadda tirada rasmiga ah ee saarnayd doonta Axa ddii dagtay, iyadoo askarta xuduuda ha ee Bangladesh ku qiyaaseen tiro is khilaafsan oo 40 ilaa 100 ah.

Saraakiishuna waxay sheegeen in illaa iyo hadda ay heleen maydadka 10 carruur ah haweenay iyo nin.

Xigasho BBC

CIIDAMADA DOWLADDA IYO ALSHABAAB OO SHALAY KU DAGAALAM AY DULEEDKA AFGOOYE

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose gaar ahaan Degaanka Caddowdibile oo Dule edka ka ah Degmada Afgooye ayaa sheegaya in Shalay uu ka dhacay Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Dagaalameyaal ka tirsan Alshabaab.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu yimid ka dib markii Ciidamo Milatari ah oo ka soo baxay Xero ay ka dagan yihiin Laanta Buuro kuna soo jeeday Degmada Afgooye ay Jidgooyo u dhigeen Alshab aab islamarkaana ay ku Weerareen Meel u dhow Degaanka CaddowDibile,waxaana halkaas ku dhex maray Dagaal mudo socday.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa KNN u sheegay in Alshabaab ay Jidka u ga leen Ciidamo ka tirsan Milatariga,waxaana ay sheegeen in ay ka dileen Saddex Dagaalame Gaari Nuu ca Raaxada ah iyo Mooto ay wateena ka furteen.

Alshabaab dhankooda wali wax War ah oo ku aadan Dagaalka ka dhacay Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose kama soo bixin

CIIDANKA PUNTLAND OO TOOGASHO KU DILAY KABTAN WADAY DOONI KALUUMEYSI

Ciidamada Badda ee maamulka Punland ayaa dilay kabtan waday Dooni Kaluumeysi oo ku sug nayd Xeebaha Soomaaliya, sidoo kalena ku dhaawacay ruux kale oo ka tirsanaa shaqaalaha Doon idaasi.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Badda ee Punland ayaa sheegay in ciidamada ay rasaas ku fureen labo Doomood oo uu xusay in ay si sharci darro ah ugu Kaluumeysanayeen Biyaha Soomaaliya.

Colonel Maxamed Cabdi Xaashi oo ka tirsan booliksa Puntland ayaa sheegay in digniin ay siiyeen Do omahaasi, kadibna ay isku dayeen in ay baxsadaan,waxaana uu intaasi ku daray in ciidamada ay rasa as ku fureen.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen Doonidaasi oo la keenay Magaalada Boosaaso, waxaana uu xusay in ay waday labo Ton oo Kaluun sharci darro ah oo ay ka Jilaabteen Xeebaha Soomaaliya.

Kaluumeysiga sharci darrada ee ay sameeyaan dalal Ajanabi ah ay sanadahii la soo dhaafay ku soo badanayey Soomaaliya, iyadoo dalalka ugu badan lagu sheegay in ay ka mid yihiin Iran, ye men, Shiinaha iyo qaar ka tirsan dalalka koonfur Bari Asia.

Warbixin sanadkii 2015 uu saaray machad ku yaalla dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in dalalka sida sharci darrada ugu kaluumeysata Soomaaliya ay sanadihii 2014 iyo 2013 ay ka Jilaabte en illaa 132,000 Metic Ton oo Kaluun ah, halka Kaluumeysata Soomaalida ah ay labadaasi Sano hele en 40,000 oo Metric Ton oo Kaluun ah

KENYA OO CIIDAMO SOO DHOOBTAY XADKA AY LA WADAAGTO SOOMAALIYA

Wararka laga helayo Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Ke nya ayaa sheegaya in halkaas la soo dhoobay Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya, si ay u xooji yaan Ammaanka Xadka.Ciidamada Kenya ayaa lagu soo warramayaa in ay hakad geliy een dhaq dhaqaaqyadii Xadka labada dal, taas oo saameyn ku yeelatay bulshada lab ada dhinac.Waxaana la tilmaamayaa in arrintaan ay salka ku heyso doorashada Madax weyne ee dalkaasi Kenya oo dhawaan lagu wado in dib loo qabto, kadib markii Maxk amadda sare ee dalkaas ku dhawaaqday in lagu celiyo.

Sidoo kale Howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Booliska Kenya ayaa waxa ay ku qab qabteen 11 qof oo u badnaa dhalinyaro, kuwaas oo la tuhunsan yahay in ay gacan saar la leeyihiin Xarakada Al Shabaab.

Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab ayaa weeraro ka geysta gudaha Keny , maadaama Ciidamo Ken yan ah ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

AXMED MADOOBE "DOWLADDA DHEXE AYAA MASUUL KA AH GUUD AHAAN DALKA”

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe” oo ah Marti galiyaha shir Hoggaamiyayaasha Maamul Goboleedyada dalka ku leyihiin Magaalada Kismaayo ayaa cod dheer ku sheegay in dowladda dhexe ay ay tahay Aabaha Maamul Goboleedyada.

Mudane Axmed Madoobe ayaa ugu gacan haatiyay Masuuliyiinta dowladda in ay kala soo qeyb galaan shirka Kismaayo oo uu ku tilmaamay meesha lagu qabanayo in uu yahay Gurigooda oo kale ama Hoggaamiyayaasha Maamul Goboledyadu ugu imaanayaan Muqdisho oo ah Hoygooda oo kale.

Hoggaamiyaha Maamulka Jubbaland ayaa inta badan fagaarayaasha ka jeediya Hadallo wax ku ool u ah Midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Hase ahaatee bulshada Soomaaliyeed ayaa qaar ka mid ah Madaxda Maamul Goboleedyada haatan ka qeyb galaya shirka Kismaayo.

SHABEELKII WARSHADDA SUZUKI ALB AABADA U LAABAY OO LA QABTAY.

Saraakiisha xannaanada duurjoogta ee dalka Hindiya ayaa qabtay shabeel shirkad baabuurta samaysa dhex galay, ka dibna halkaas ku jiray in kabadan 36 saac.

Qolyaha samata bixinta ayaa baadigoob baaxad leh ka sameeyay shirkadda Maruti Suzuki oo ku taalla magaalada Manesar, oo aan sidaa uga fogayn magaalada caasimadda ah ee Dalhi.

Shabeelka ayaa subaxnimadii khamiistii laga arkay kaameerada CCTV, marar kalena waa la ar kay.

Shaqaalihii habeenka shaqaynayay ayaa laga daad gureeyay dhismaha, qayb ka mid ah shirkaddana albaabada ayaa loo laabay.

Warshadaas gawaarida lagu sam eeyo ayaa ah midda ugu wayn, ku dhawaad hal milyan oo gaari ayayna soo saartaa sannad kaste.

Markii ay subixii yimaadeen kumannaan shaqaale ah, waxaa lagu qasbay in ay bannaanka joo gaan ayna sugaan intii ay ka imanayeen 12 ruux oo ka mid ah shaqaalaha kaymaha iyo 50 booliis ah, si ay baadigoobka uga qaybqaataan.

Markii dambe waxaa lagu arkay qaybta matoorada oo afar aykar ku fadhida.

Wariye deegaanka ah oo halkaas ku sugan ayaa BBCda u sheegay in shaqaalaha gurmadku ay soo iibiyeen labo neef oo adhi ah iyo hilib caydhiin si ay bannaanku ugu soo saaraan oo uu uga soo baxo meesha uu isku qarinayay.

Masuuliyiintu waxay BBCda u xaqiijiyeen in aan waxyeelo loogay sanin markii la helay meesha uu ku sugan yahay sidaasna lagu qabtay.

Waxay intaas ku dareen in ay isbitaal geeyeen si xaaladdiisa caafimaad loo xaqiijiyo ayna kay maha ku sii dayn doonaan.

AMISOM OO K/GALBEED KU WAREEJ ISAY QALAB XAFIISEED CASRI AH

Ciidamada Policeka howlgalka AMI SOM ayaa qalab xafiiseed casri ah gaarsiiyay ciidamada bo oliiska maamulka koofur Galbeed Soomaaliya si ay ugu caawiyaan kor u qaadida amaanka maamul gobaleedka Soomaaliyeed.

Waxaa u gadoomay deeqda maamulka koonfur galbeed General Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ah taliyaha ciidamada booliiska maa mulka koofur galbed iyadoo gudoon siinta deeqda taliska AMI SOM uu u qaabilsanaa John Ambayo oo ah taliyaha ciidamada booliska AMISOM u qaabilsan maa mulka koonfur galbeed ee Somaliya.

Qalabka oo u badnaa kuwo xafiiseed waxaa kamid ah computer, mashiin ada wax lagu daaba cdo, roogag iyo solaro lagu baahinayo dhamaan xarumaha ciidamada maamulka koo nfur galbeed ee Soomaaliya.

Xaflada deeq wareejinta oo hadal kooban uu ka jeediyay General Ambayo ayaa waxa uu sheegay in u jeedka uu yahay horumarinta adeegy ada ciidamada booliiska iyo si loo sii wado dhaqan gelinta sharciga iyo kala dambeynta.

Ciidamada Booliiska AMISOM ayaa door muhiim ah ka qaata tababaridda ciidamada dowlada Soom aaaliya iyo kuwa maamul Gobaleedyada dalka.

General Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in ka gudoomeen qalabka waxaana uu xu say in ay yihiin waxyaabo laga maamrmaan u ah howlaha ay qabtaan isagoo xusay in laga jawaabay codsi ay hori ugu dareen howlgalka AMISOM ee Somaliya.

WAFDI KA SOCODA BAARLAMAANKA SO OMAALIYA OO LAGU SOO DHAWEYEY MAREYKANKA

Wafdigan waxaa kamid ahaa xildh baan Xaniifa Maxmed Ibraahim Xaab sade, Samsam Max med, iyo Faad umo Abuukar,waxaan halkaasi ka hadashey xildhibaan Ilhaan Cumar oo sheegaty in booqashadooda ay wax weyn ku soo kordhinayso farxadaaha Soomaalida ku nool Mareykanka.

Munaasabadan ballaaran oo lagu soo dhaweynayay xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo booqasho ku jooga Dalka Mareykanka ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ,waxaana ka qeybgalay Jaaliyadda Soomaaliyeed, Xil dhibaan Ilhaan Cumar iyo Duqa magaalada Minneapolis.

Sidoo kale, waxaa halkaasi ka hadashey Haweeneyda Duqa magaalada ka ah Minneapolis, iyadoo muujisay sida ay maamulkedu uu diyaarka ugu yahay garab istaaga bulshada Soomaaliye ed,waxayna xusatay in ay ka shaqeynayso sidii loo horumarin lahaa nolosha Jaaliyadda Soomaaliye ed ee kunool magaaladaasi.

Xildhibaan Xaniif Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Samsam Maxmed oo ka mid ah wafdigan oo ka socoday Golayaasha Shacabka iyo aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka siiyay xaaladda dalka, iyagoo sheegay in looga baahanyahay Qurba joogta Soomaaliyeed in ay ka qe ybqaataan dib u dhiska Dalkooda.

Wafdigan ayaa intii uu joogay Mareykanka waxaa uu kulamo uu la yeeshey mas’uuliyiinta qaar kamid ah hay’adaha iyo golayaasha Dowladda Mareykanka waxayna u kuurgalayeen sida ay u socdaan how laha dastuurkiga ah ee hay’adahaasi.

AGAASIMAHA HEY’ADDA SOCDAALKA OO KORMEER KU SAMEEYAY HOWLAHA GAROONKA BOOSAASO

Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col. Maxa med Aadan Jimcaale Koofi ayaa ma anta gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Agaasimaha ayaa kormeer ku sam eeyay howlaha Socdaalka ee gar oonka diyaaradaha Boos aaso, isagoo la kulmay shaqaalaha iyo Mas’uuliy iinta Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyad da Maamulka Puntland

Mr Koofi ayaa ku ammaanay shaqaal aha socdaalka ee ka howl gala garoonka diyaaradaha Boosaaso how laha muhiimka ah ee ay u hayaan bu lshada, isagoo kula dar daarmay ilaalinta sha rciga iyo amniga dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay dadaal ugu jirsto sidii loo horum arin lahaa howlaha socdaalka ee garo omada dalka, iyo sidii loo geyn lahaa qalab casri ah oo ay ku howl galaan.

Tan iyo markii uu G/sare Koofi uu qabtay Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsi yadda Soomaaliya waxaa uu howlaha shaqo ee hey’adda ku sameeyay horumar iyo dardar gelin, iya doo hey’adda ay xilligan u howl gasho qaababka ay u howl galaan hey’adaha socdaalka adduunka.

TURKIGA IYO MAREYKANKA OO UU SOO KALA DHAXGALAY MURAN DHINACA SOCDAALKA AH

Dowladaha Turkiga iyo Maraykanka ayuu soo kala dhexgalay muran qunsiliyad ka billawday, waxayna labadooduba joojiyeen inta badan dal ku galkii ay muwaadiniinta kale siin jireen. Safaaradda Turkiga ee Washington ayaa sheegtay in ay u baahan tahay in ay dib u qiimaynayso, sida ay dawlad da Maraykanka uga go'antahay ammaanka shaqaalahaha iyo hawlahooda. War midkaas aad ugu dhawayay mar hore soo saartay safaaradda Maraykanka ee Ankara. Arrintan ayaa timid iyadoo la qab tay qof ka shaqaynayay qunsuliyadda Maraykanka ee Istanbul, isaga oo lagu tuhunsan yahay in uu calaaqaad la lahaa wadaadkii lagu eedeeyay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacat sannadkii hore.

Maraykanka ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn ayna dhaawacayso xiri irkii laba geesoodka ahaa.

Shaqaalaha qunsuliyadda ee la xiray ayaa ahaa muwaadin Turkiga u dhashay, sida ay ku warrantay Anadolu.

BOGGA CAYAARAHA



RASMI: SHARCIGA CODBIXINTA ABAAL MARINTA BALLON D’OR OO AY FRANCE FOOTBALL WAX KA BADASHAY IYO QAABKA LOOGU CODANAYO 30KA CIYAARTOY EE U SHARAXAN ABAAL MARINTAN OO LA SHAACIYAY.

Majalada France Football ayaa sanadkan isbadal ku samaysay hanaanka codbixinta mu sharixiinta abaal marinta Ballon d’Or 2017 oo ay shalay ku dhawaaqday 30 ka ciyaartoy ee iskugu soo hadhay. France Football ayaa bixinaysa abaal marintii 62 aad ee Ballon d’Or iyada oo xidiga dhibcaha iyo codka ugu badan helaa uu abaal marintan ku guulaysan doono. Tan iyo sanadkii 2007 kii wixii ka danbeeyay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa dhexdooda ugu soo guulaysanayay abaal marin tan waxayna wali ka mid yihiin xidigaha ugu cad cad ee ku guulaysan kara.

Haddaba shabakada Gool24.net ayaa isha soo marisay sharciga cusub ee ay France Football ku dhawaaqday in loogu codayn doono musharixiinta Ballon d’Or ee liiskan iskugu soo hadhay iyada oo faah faahin laga bixiyay qaabka xidigahan lagu kala saari doono.

Ugu horayn France Football ayaa shaacisay in isbadalka ugu wayn ee hanaanka codbixinta aba al marinta Ballon d’Or lagu sameeyay uu yahay in la kordhiyay ciyaartoyda uu halkii codeeye soo xul an karo. Sida la ogyahay waxaa codbixinta Ballon d’Or samayn doona Jouranlistayaal aduunka oo dhan laga soo xulay laakiin markii hore waxa uu suxufi kastaa haystay in uu saddex ciyaartoy oo kal iya u codayn karo balse markan waxaa laga dhigay in uu shan ciyaartoy u codayn karo iyada oo min kaalinta kowaad ilaa kaalinta shanaad uu codkiisa u qayb karo.

Haddii aan idin xusuusiyo markii hore wariye kastaaba waxa uu soo qaadan jiray magacyada sa ddex ciyaartoy, wuxuuna kaalinta kowaad siin jiray ciyaartoyga uu u arko in uu ugu fiican yahay taas oo la micno ahayd in uu siiyay 5 dhibcood, xidiga labaad ee uu codkiisa siiyo ayaa heli jiray 3 dhibco od halka xidiga uu kaalinta saddexaad ugu codeeyaa uu heli jiray hal dhibic.

Laakiin hanaanka cusub ee ay hadda France Football shaacisay, wariye kastaaba waxa uu soo xulan doonaa magacyada shan ciyaartoy waxaana la siiyay doorasho laba ciyaartoy oo dheeraad ah laakiin ciyaartoyga uu kaalinta kowaad ugu codeeyaa waxa uu heli doonaa 6 dhibcood, xidiga uu kaalinta labaad ugu codeeyaa waxa uu heli doonaa 4 dhibcood, xidiga uu kaalinta saddexaad ugu codeeyaa waxa uu heli doonaa 3 dhibcood iyada oo xidiga kaainta afraad uu ugu codeeyaa uu 2 dhibcood hali doono halka xidiga uu kaalinta shanaad siiyaa uu heli doono kaliya 1 dhibic.

Ujeedada hanaankii codbixinta loo badalay ayay France Football ku sheegtay in suxufiinta la si iyo fursada ay ugu codayn karaan shan ciyaartoy iyada oo in 3 ciyaratoy laga soo xusho liiska 30 ka ciyaartoy ay tahay mid adag, waxaana sidoo kale warbixinta lagu cadeeyay in arintani ay fursad wayn siinayso in ugu dhawaan liiska ciyaartoydan ku soo baxay ay cod wada heli karaan halka markii hore ay codbixintu aad ugu koobnayd saddexda xidig ee ugu fiican oo kaliya.

France Football ayaa sheegtay in ayna waxba ka badalin tirada suxufiyiinta go’aamin doona cod bixinta Ballon d’Or waxaana sidii sanadkii hore ka qayb gali doona 173 wariye ama suxufi oo laga soo xuli doono aduunka oo dhan waana saxaafada kubbada cagta ka faaloota ee khibrada u leh in ay wax kala dooran karaan.

Maxaa Dhici Doona Haddii Laba Ciyaartoy Ay isku Dhibco Ku Noqdaan Kaalinta kowaad, Laba ad Ama Saddexaad? France Football ayaa shaacisay waxa la samayn doono haddii laba ciyaa rtoy ay isku dhibco ku noqdaan kaalinta kowaad, labaad ama saddexaad, waxaana sharciga codbixinta Ballon d’Or lagu xusay in haddii ay arintan oo kale dhacdo la samayn doono codbixin sir ah oo ku kooban ciyaartoyda isku booska ugu fadhiistay dhibcaha iyo codka isku midka ah.

Tusaale ahaan haddii Neymar Jr iyo Paulo Dybala ay kaalinta saddexaad ugu wada jiraan 400 dhibcood, waxa uu sharciga France Football ee ay shaacisay dhigayaa in labadooda codbixin gaar ah loo saamaynayo si loo kala saaro. Laakiin min kaalinta afraad ilaa kaalinta 30 aad waxay ciyaartoydu wada gali karaan hal boos ama kaalin isku mid ah.

Ugu danbayn France Football ayaa dadka xusuusisay in ayna sida FIFA soo saari doonin sadd exda ciyaartoy ee kaalmaha hore gala balse ay isku maalin wada shaacin doonto qaabka codka loo kala helay iyo kaalmaha lagu kala guulaystay iyada oo marka liiska la dhamaystiro la ogaan doono guulaystaha, waxaana shuruuda xidigaha loogu codaynayo ka mid ah, bandhigiisa shaqsiga ah, guulaha uu kooxdiisa la soo gaadhay nooca ciyaartoy ee uu yahay.

World Cup - UEFA Qualification:: group D

Moldova 0 - 1 Austria

Serbia 1 - 0 Georgia

Wales 0 - 1 Ireland

World Cup - UEFA Qualification:: group G

Albania 0 - 1 Italy

FYR Macedonia 4 - 0 Liechtenstein

Israel 0 - 1 Spain

World Cup - UEFA Qualification:: group I

Finland 2 - 2 Turkey

Iceland 2 - 0 Kosovo

Ukraine 0 - 2 Croatia

World Cup - UEFA Qualification:: group A

21:45France ? - ? Belarus

21:45Luxembourg? - ? Bulgaria

21:45Netherlands ? - ? Sweden

World Cup - UEFA Qualification:: group B

21:45Hungary? - ? Faroe Islands

21:45Latvia? - ? Andorra

21:45Portugal? - ? Switzerland

World Cup - UEFA Qualification:: group H

21:45Belgium? - ? Cyprus

21:45Estonia? - ? Bosnia-Herzegovina

21:45Greece? - ? Gibraltar

CONMEBOL QualificationOctober 11

October 1102:30Brazil vs Chile? - ?

October 1102:30Ecuador vs Argentina? - ?

October 1102:30Paraguay vs Venezuela? - ?

October 1102:30Peru vs Colombia? - ?

October 1102:30Uruguay vs Bolivia? - ?

CONCACAF QUALIFICATION:: FINAL STAGE

October 1103:00Honduras vs Mexico? - ?

October 1103:00Panama vs Costa Rica? - ?

October 1103:00Trinidad and Tobago vs USA? - ?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip