Xaaladda Gaalkacyo oo maanta degan iyo labada ciidan oo aan weli la kala qaadin

0
Friday December 04, 2015 - 09:41:08 in Wararka by
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Gaalkacyo oo maanta degan iyo labada ciidan oo aan weli la kala qaadin

    Waxaa saakay deggan xaaladda guud ee Magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay shacabka reer Gaalkacyo dareen ka muujinayaan in markale uu dagaal ka dhaco Magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa saakay deggan xaaladda guud ee Magaalada Gaalkacyo, inkastoo ay shacabka reer Gaalkacyo dareen ka muujinayaan in markale uu dagaal ka dhaco Magaalada. Xalay illaa saakay, ayaan wax rasaas ihi laga maqlin Xarunta Gobolka Mudug, waxaana socoto dadaallo lagu doonaayo in lagu kala qaado Ciidamada Galmudug & Puntland, oo weli isku hor fadhiya goobihii lagu dagaallamay.

Suxufiyiinta Magaalada Gaalkacyo, ayaa soo sheegaaya in hakad guud uu ku jiro dhaq dhaqaaqii dadka, gaadiidka iyo ganacsiga,Ganacsatadu waxay ka feejigan yihiin dagaallo hor leh oo ka dhaca Gaalkacyo .

Wefdiga Ra’iisal Wasaare Sharmaarke iyo Madaxda Maamulada Jubbland & Koonfur Galbeed, ayaa waxay xalay la kulmeen Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug, iyagoona ku adkeeyay dhaqangelinta heshiiskii Gaalkacyo.

Waxaa maanta suurtagal ah in la kala qaado Ciidamada Puntland & Galmudug, si loo xoojiyo taageerada ay shacabka u hayaan heshiiskii, ay labada dhinac ku wada gaareen Garoonka Gaalkacyo.

Dagaalkii shalay, ayaa waxaa ku dhimatay in ka badan 15 ruux, halka 30 kalana ay ku dhaawacantay, Dadka ay waxyeeladu soo gaartay waxay u badan yihiin shacab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip