Hub iyo waxyaalaha qarxa oo laga helay guriga lammaane weerarka ka geystey California(Sawiro)
Illaa iyo hadda si cad looma oga sababta ka dambeysay weerarka ay geysteen lammaanahan hase yeeshee waxaa ay wararku sheegayaan in Farook uu xiriir dhinaca taleefanka ah la lahaa ha lama dhowr ka mid ah ururada asal raaca ah.
Sarkaal u hadlay dowlada Maraykanka ayaa xaqiijiyay in dhammaan hubka ay isticmaalen lamaanahan uu ahaa mid si sharci ah loogaga iibsaday dukaamada hubka lagu iibiyo ee dalka Maraykanka. Farook ayaa la sheegay in uu sanadkan u tegey dalka Boqortoyada Sacudi Carabiya gudashada waajibaadka xajka.
Lammaanahan weerarkii shalay lagu qaaday magaalada San Bernardino ka dambeeyay ayaa la sheegay in gabar yar ay dhaleen ay u dhiibeen ayaydood iyagoo u sheegay in ay isbitaal aadayaan.
Weerarkan ka dhacay shalay dalka Maraykanka ayaa waxaa uu cirka ku sii shareeray doodii ka taagneyd ee ah haysashada hubka dalka Maraykanka iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Maraykanka ay ku doodayaan in la baabi’iyo sharciga hubka u fasaxaya dadka rayidka ah.
Hub iyo waxyaalaha qarxa oo laga helay guriga lammaane weerarka ka geystey California(Sawiro)
Saraakiil ka tirsan hay'ada u qaabilsan dalka Maraykanka baarista dambiyada FBI ayaa sheegay in ugu yaraan shan kun oo rasaas ah,tobaneeyo bambooyin ah iyo qalab laga sameeyo waxyaalaha qarxa laga helay guriga ay degenaayeen lamaanihii weerarka