Wararkii ugu dambeeyay diyaarad qaad geysay Xudur oo la soo riday

0
Sunday October 08, 2017 - 14:02:28 in Wararka by
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay diyaarad qaad geysay Xudur oo la soo riday

    Warar dheeraad ah, ayaa waxay ka soo baxayan diyaarad gelinkii dambe ee shalay lagu soo riday Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, ka dib markii duuliye-yaashii diyaaradda ay dhegaha ka fureysteen, amar ahaa inaanay ka taggi karin Garoonka Xudu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah, ayaa waxay ka soo baxayan diyaarad gelinkii dambe ee shalay lagu soo riday Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool, ka dib markii duuliye-yaashii diyaaradda ay dhegaha ka fureysteen, amar ahaa inaanay ka taggi karin Garoonka Xudur.

Diyaaradan oo laga leeyahay dalka Kenya, ayaa waxay qaad ka dejisay Garoonka Xudur, xilli maalmo ka hor la shaaciyay inaanan wax qaad ahi la keeni karin Magaalada Xudur.

Gudoomiyaha Gobolka Bakool, Maxamee Cabdi Tool, ayaa toddobaadkii hore sheegay in Magaalada Xudur laga mamnuucay keenista qaadka, ciddii keentaana tallaabo laga qaadi doono.

Wararka, ayaa sheegaya in diyaaradda oo ay la socdeen laba duuliye laga dejiyay wixii qaad ahaa ee ay siday, iyadoona intaasi ka dib lagu wargeliyay duuliye-yaasha inaanan diyaaradda cagaha uga qaadi karin Garoonka, wixii intaasi ka dambeeyay waxa uu murun soo kala dhexgalay Maamulka Gobolka Bakool, ganacsatadii qaadka keentay iyo labadii duuliye.

Maamulka Gobolka Bakool, ayaa sheegay inay ganaax ku ridi doonaan diyaaradda, isla-markaana ay doonayan illaa iyo inta ay ganaaxa kaga riidayan inay baaqi ku sii ahaato Garoonka.

Waxay wararka intaa ku darayan in duuliyeyaashu ay ku adkeysteen inay ka taggayan Garoonka, sababo ku aadan iyagoo diidanaa in gabalku uu halkaasi ugu dhaco, waxaa xigtay in ay diyaaraddu ku cararto wadada ay diyaaraduhu ku cararaan, kolka ay cagaha laabanayan.

Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah Amisom, ayaa la sheegay inay rasaas oodda uga qaadeen diyaaradda, taa oo daqiiqado ka dib ku soo dhacday guri ku yaala Magaalada Xudur, mana jirto cid la sheegay inay waxyeelo ka soo gaartay, marka laga soo taggo burbur diyaaradda ka soo gaaray soo dhicistaasi.

Ciidamada Dowladda ee ka hawlgala Magaalada Xudur, ayaa waxaa la soo sheegaya inay gacanta ku dhigeen duuliye-yaashii diyaaradda, hadana ay ku xiran yihiin xabsi ku yaala magaaladaasi.

Gudoomiye Tool, ayaa mar sii horeysay sheegay tallaabada ay qaadka uga mamnuuceen Xudur inay uga gol leeyihiin in lagu hagaajiyo anshaxa ciidamada, si ay u dardargeliyan hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip