Xaaf "Galmudug ma lahan Maxkamad Sare Madaxweynaha Sharciga ahna waa aniga"

0
Wednesday October 04, 2017 - 11:07:29 in Wararka by
  • Visits: 464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaf "Galmudug ma lahan Maxkamad Sare Madaxweynaha Sharciga ahna waa aniga"

    Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle oo ay shalay Maxkamada sare ee Galmudug ku dhawaaqday in xilka qaadista ay ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay sharci tahay ayaa sheegay in Galmudug aysan lah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle oo ay shalay Maxkamada sare ee Galmudug ku dhawaaqday in xilka qaadista ay ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ay sharci tahay ayaa sheegay in Galmudug aysan laheyn wax Maxkamad Sare ahislamarkaana qoraalka ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Maxkamada uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Sidoo kale Xaaf ayaa sheegay in Galmudug aysan waligeed yeelan Maxkamad, qoraalka Maxkamadana uu yahay mid aan wax ka soo qaad laheyn.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug Yaxye Sheekh Cali oo maanta magaalada Cadaado kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay go’aankii 26-kii September xildhibaanada Galmudug ay xilka uga qaadeen Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) in uu yahay mid sharci ah.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Galmudug ayaa sheegay in ay sharci tahay go’aankii xildhibaanada Galmudug 30-kii September ay xilkii uga qaadeen Madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Balse mid ka mid ah garsoorayaashii magacyadooda uu ku saxiixnaa qoraalka ka soo baxay Maxkamada Sare ee Galmudug ayaa beeniyay inuu ka qeybgalay kulankii laga soo saaray go’aanka Maxkamada Sare.

Hase yeeshee, 27-kii September ee sanadkan ayuu Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle amar ku bixiyay in dib loo howlgeliyo Maxkamadda sare ee maamulkaas.

Waxaana uu intaa ku daray in sababaha dib loogu howlgalinayo Maxkamada sare ay tahay inay gudato waajibaadkeeda dastuuriga ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip