
WAA WARARKA WARGYESK MKGADISHU TIES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 3-DA OKTOOBAR 2017-KA
Afhayeenka Maamulka Galmudug C/ll aahi Xaashi Roob Da’ay ayaa sheegay in xayiraadii garoonka Cadaado ay sha lay dhamaatay, Madaxweynaha uu fasa xay, wixii hadda ka dambeeya ay diyaa radaha ka soo degi karaan.
Tallaabada lagu xayiray in diyaarado ka soo dagaan Cadaado ayaa ka damb eysay, markii uu cirka isku shareeray khi laafkii Madaxda Galmudug, waxaana xa yiraada diyaaradaha ay saameyn ku yee latay wafdi ka socday Xildhibaano iyo Wasiiro oo todobaadkii la soo dhaafay ku xayirmay garoonka Muqdisho.
Dhinaca kale diyaaradii u horeysay ayaa ka soo duushay garoonka Cadaa do, waxaana ay soo qaaday wafdigii Xil dhibaanada labada Gole ee todobaadkii hore u tagay waan waanta xiisada Galm udug, waxaana Xildhibaanada ay shalay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho.
C/QEYBDIID "WAXAAN XOOGGA SAARN AY IN GACAN KA HADAL AANU KA DHICIN CADAADO
Senator Cabdi Xasan Cawaale {Qey bdiid} ayaa sheegay in ay ku guuleyste en in Cadaado ay ka raraan malleeshi yaad aan ka amar qaadan Galmudug.
Md.Qeybdiid oo kamid ah Xildhibaan no ka tirsan Labada aqal ee baarlam aanka Federaalka Soomaaliya oo Cada ado u tagay waanwaanta khilaafka ma daxda u sarreysa Galmudug ayaa shee gay in ammaanka magaalada Cadaado uu wanaagsan yahay.
Waxa uu sheegay in qalqal magaala da laga dareemay intii ay malleeshiyaad kaasi joogeen kuwaas oo loo kala raray Labo barood oo ku wada yaalla gobolka Galgaduud.
Xil.Cabdi Qeybdiid ayaa ku nuuxnu uxsaday in Galmudug ay u baahan ta hay nabad iyo dib u heshiisiin oo aynaan xilligani muhiim ahayn khilaaf iyo wixii la mid ah.Sidoo kale, Qeybdiid ayaa rajo ka muujiyey in la xalliyo khilaafka siyaa sadeed ee ka dhaxeeya madaxda Gal mudug.
ALSHABAAB OO BAAHIYAY MAGACA QOFKII ISKU QARXIYAY XERADA CIIDAMA DA DOWLADA EE BARIIRE
Baraha ay Wararka u faafiyaan AlShabaab ayaa waxa ay ku baahiyeen Magaca ninkii isku qarxiyay Xerada cii damada dowladda Soomaaliya ku leeyi hiin deegaanka Bariire ee Gobolka Shbe ellaha Hoose.
AlShabaab ayaa Magaca ninkaas waxa ay ku sheegeen Ibraahim Cabdull aahi, kuna magac dheeraa (Macalimuu), kaas oo ay sheegeen in uu isagoo wata Gaari miineysan uu isku qarxiyay Xera da Ciidamada.
In kastoo weerarkaas Jimcihi dhacay Siyaabo kala duwan looga hadlay ayaa hadana AlShabaab ay sheegteen in ay khasaaro farabadan ku gaarsiiyeen ciida mada dowladda halka Maamulka Gobo lka Shabeellaha Hoose ay arrintaasi be eniyay.Markale ayaa la sheegay in Hab een hore AlShabaab ay deegaanka Ba riire ku qaaden weerar Madaafiic ku bil aaw day.Xigasho:Shaaciye.com
QAAR KA MID AH CIIDAMADA KENYA OO FAARUJIYAY INTOO DA BADAN FARIISIMA DII AY KU LAHAAYE EN JUBADA HOOSE.
Wararka aan ka helayno Gobolka J/ Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Mi latariga Kenya ayaa la xaqiijiyay inay Qa ar ka mid ahi ay isaga baxeeb inta bad an Saldhigyadii ay ku lahaayeen gobalk aasi, iyadoo goobaha ay ka baxeen ay ka mid yihiin Saldhigii u gu weynaa ee degmada Dhooblay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbala nd ayaa sheegaya in Milatariga Kenya ay baneeyeen Saldhigoodii ugu weynaa oo ay ku lahaayeen Degmada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose, sidoo kale Ci idanka ayaa ka baxay Saldhigii ay ku lah aayeen Jaamacadda magaalada Kisma ayo iyo Saldhigii ay ku lahaayeen degm ada AfMadow ee G/ Jubada Hoose.
Wararku waxay sheegayaan in Ciida mada Kenya ay hadda ku sugan yihiin 3 Saldhig oo kaliya oo kala ah Garoon ka Kismaayo ,Dekedda iyo deegaan ho os yimaad degmada Ceelwaaq ee go balka Gedo.Ciidamada Milatariga Kenya ayaa horay isaga baxay dhamaan Sal dhigyadii ay ku lahaayeen Gobalka Ge do, marka laga reebo deegaan ku yaalo duleedka Ceelwaaq lama oga sababta ka da mbaysa ka bixitaanka Ciidamada Ken ya. hase yeeshee Ciidamada Ken ya ay aa Lagu eedeeyay in duqeyn aan kala sooc laheyn ka geystaan meelo ka mid ah Soomaaliya gaar ahaan Gedo iyo Ju booyink
D/FEDERAALKA OO WALAAC KA QABTA SHI RKA KISMAAYO IYO WAFDI WASIIRO AH OO KU WAJAHAN
Dowladda Federaalka ah ee Sooma aliya ayaa walaac ka qabta shirka lagu wado in dhowaan magaalada Kismaayo ku yeeshaan Maamul goboleedyada dal ka, iyadoo wada dadaaladii u dambeey ay ee ay ku dooneyso in shirkaas ku hakiso.
Warar ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in wafdi ka socda Xukuumadda loo dirayo Kismaa yo, si ay Mas’uuliyiinta Jubbaland kala hadlaan arrimaha shirka.
Wasiiru dowlaha Gaadiidka Cirka iyo Dhulka C/raxmaan Dheere iyo xubno kale ayaa la sheegay inay ku wajahan yihiin Kismaayo, si ay ugu qanciyaan Ma daxweynaha Jubbaland in shirka Kism aayo la hakiyo.
Dowladda Federaalka ayaa ka cabsi qabta in shirka maamul goboleedyada uu dhaco, iyadoo doorkii dowladda dhe xe uu ka maqan yahay, sidaas darteed ay dooneyso in shir guud oo ay dowlad da hoggaamineyso la qabto.
Wararka ayaa intaa ku daraya in dow laddu ay u aragto shirkaas mid awood sii naya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, kaasoo dhowaan Xildhiba ano ka tirsan Galmudug ay sheegeen in ay xilka ka qaadeen.
War saxaafadeed ka soo baxay Maamul goboleedyada 27kii bishii Septemb er ayaa waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso maa mulka Galmudug, waxayna cambaareey een qoraalkii ka soo baxay Wasiiru dow laha Arrimaha Gudaha oo lagu taageer ay go’aankii uu gaaray Baarlamaanka Galmudug 26kii bishii hore. Go/Jubbal and ayaa shir ay Sabtidii yeesheen wax ay guddi u saareen qaban qaabada shir ka Kismaa yo iyo soo dhoweynta wafu uda ka soco ta maamul goboleedyada.
Xigasho:jowhar.com
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SAXIIX AY SHARCIGA ISGAARSIINTA DALKA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Md.Maxamed Cabd ullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga isgaarsiinta dalka. Bandhigga Saxiixa Sharcigan ayaa lagu qabtay xarunta ma daxtooyada, waxaa na kasoo qayb gal ay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka CabdiWeli Ibraahim Sheekh Muudeey, Raiisul was aare Ku Xigeenka Xukuumadda Muda ne Mahadi Maxamuud Guuleed, wasiirro ka tirsan Golaha Xukuumadda, xildhiba anno, aqoonyahanno iyo khubaro horay uga soo shaqaysay diyaarinta sharci gan.
Wasiirka Wasaaradda Boostada Isg aarsiinta iyo Tiknaloojiyadda Xukuumad da Federaalka Soomaaliya Mudane Ca bdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in sha rcigaan uu yahay sharcigii ugu wakhti dheeraa dhanka ansixinta maadaama laga soo shaqaynaayey tan iyo sanadkii 2005tii taas oo muujinaysa ahmiyadda uu u leeyahay dalka.
Madaxeynaha Jamhuuriyadda Fed eraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ammaa nay Laamihii kala duwanaa ee dowladda ee kasoo shaqeeyey sharcigan, waxa uuna Madaxweynuhu xusay in natiijada wanaagsan ee ka dhalatay dadaalkaas ay qeexayso wada shaqeynta wanaags an ee ka dhaxaysa hayadaha dowlada.
"waa xaqiiq in ay caqabado badan jira an,waana garoowsannahy in dhibaatoo yinka dalkeenna aan lagu xallin karin hal habeen, balse cid walba waa u muuqa taa in dalku uu horay u socdaa” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Sharciga Isgaarsiinta dalka ayaa ku dhaqan galay saxiixa Madaxweynaha maadama ay horay usoo meel mariyeen Golaha Xukumadda iyo Labada Gole ee Baarlamaanka. DHAMMAAD
C/WALI GAAS "WAXAA KU BAAQAYAA IN GALMUDUG ARRINTEEDA IYADA LOO DAAYO OO AY HESHIIYAAN”
Madaxweynaha Puntland C/wali Ma xamed Cali Gaas ayaa mar kale ka had lay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxee ya Mas’uuliyiinta sare ee Maamulka Gal mudug, isagoo ku baaqay in maamulka loo daayo arrimihiisa, si ay uga heshi iyaan. Md.C/wali Gaas oo wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa sheegay in dowla dda Federaalka ay u maareysay xaal ada Gal mudug, si aan laga fileyn, isa goo xusay in Galmudug ay tahay maam ul cusub oo aan loo baahneyn in shiddo laga abuu rin.
"Arrinta xil ka qaadista Galmudug, sida loo maareyo si ka duwan in loo maaree yo ayay aheyd, dadka la isku soo dhowe eyo, waa maamul cusub oo inuu dhismo la rabo, in aan shiddo laga abuurin, laak iin waxaa moodaa si aan ka fiirsi laheyn loogu deg degay”ayuu yiri C/wali Gaas.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in loo madax banaane eyo in dhexdooda heshiiyaan oo si naba gelyo ku jirto ku dhameystan howshoda.
Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay shi rka uu ku baaqay Madaxweynaha Jubba land ee ka dhacaya Kismaayo, waxaa uu tilmaamay in shirkaas looga tashana yo waxa ay wadaagaan maamul gobole edyada, iyo waxa ka dhaxeeya iyaga iyo dowladda Federaalka.
Md.C/wali Gaas ayaa sheegay in iya ga oo ah dowlad goboleedyada aysan ka horjeedin dowladda Federaalka, wax aa uu xusay in wixii dowladda ku wana agsan tahay lagu taago, wixii ay ku qald an tahay in la tilmaamo oo si wanaagsan dalka loogu shaqeeyo, arrimaha masiir ka dalka wax la iska weydiiyo.
Khilaafka wadamada Khaliijka ayaa saameyn ku yeeshay nidaamka Federa alka ee Soomaaliya, kaddib markii qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay taa geereen Isbaheysiga Sacuudiga iyo Ima araadka, iyagoo ka soo horjeestay mo wqifka dhex dhexaadnimo ee dowladda Federaalka qaadatay.
ISBITAALKII MARTIINI OO DIB HOWLIHIISII SHAQO U BILAABAY
Isbitaalka Martiini oo la Aasaasay sa nadkii 1910 kuna bur buray dagaaladii Sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa had da dib u bilaabay howlihiisii shaqso gaar ahaan adeegyadii dhinaca caafimaadka ee uu Isbitaalku bixin jiray.
Qeybta OBD ayaa bishii November ee sanadkii 2016 waxaa dib u furay ma daxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Max’uud, iyadoo dhinaca kalana wixii waqtigaa ka danbeeyay la howlgali yay qeybaha kala ee isbitaalka gaar aha an qeybta Bukaan eegtada.Waxaa socta dib u howlgalinta dham maanba qeybihii kala duwanaa ee uu Is bitaalku ka koobnaa si ay uga faa’ideys taan bulshada Soomaaliyeed sida ay wa rbaahinta u sheegtay Maryan Axmed Maxamuud oo ah madaxa isbitaalka. Dr Cabdi Ibraahim oo ka mid ah dhaq aatiirta Isbitaalka Martiini ayaa ka warbi xiyay qalabka yaala Isbitaalka isagoo sheegay in uu qalabkaasi yihiin kuwo ku filan in loogu adeego bulshada Soomaal iyeed iyadoo la kaashanayo dhakhaatii rtii hore ee isbitaalka ka shaqeyn jirtay.
Isbtaalka Martiini ayaa waxaa uu ka mid ahaa isbtaaladii ugu caansanaa dal ka Taariikh facweyna leh, hase ahaa tee waxaa saameyn ku yeeshay burburkii dowladdii dhexe ee dalka Balse waxaa muuqata in hadda isbitaalku uu ka gud bayo marxaladii bur burka ka dib markii ay arrintaa u istaageen hay’addo ay ka mid yihiin IIDA Tera Solidali iyo UNPOS oo qeyb weyn ka qaatay dib u howl ga linta isbitaalka.
CIIDAMO RASAAS KU KALA ERYAY GANACS ATADA QAADKA MAGAALADA JOWHAR
Ciidamo hubeysan ayaa shalay ras aas ku kala eryay ganacsatada qaadka ee magaalada Jowhar ka dib markii qiim aha qaadka uu gaaray heer aad u sar eeya. Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in muddo labo saacadood ah shalay isu socodka gaad iidka iyo dadka uu hakad ku yimid bar tamaha magaalada kadib markii ay ciid amo hubeysan oo ka tirsan Milatariga ay ka caroodeen qiimaha qaadka oo gaar ay marduufkii 800,000 oo shilin Sooma ali ah kadibna rasaas ku furay suuqa qaadka.
Hase yeeshee ma jirto cid ku noqotay rasaasta inkastoo dhowr ruux ay waxye elo ka soo gaartay isbuurasho ka dhacd ay suuqa lagu iibiyo qaadka ee magaal ada Jowhar sida uu jowhar.com u shee gay qof goobjooge ah. Sare u kaca ku yi mid qiimaha qaadka ayay ganacsatada qaadka ku macneeyeen kadib markii ca nshuur badan la saaray qaadka laga ke eno magaalada Muqdisho lana joojiyay qaadkii magaalada Jowhar toos ugaga iman jirey dalka Kenya.
Qiimaha lagu iibiyo qaadka magaala da Jowhar ayaa labo jibaarmay maalmih ii la soo dhaafay kadib markii ay hay’a da duulista hawada ay mamnuucday in diyaarad qaad sida ay ka degto Jowhar ee xarunta D/Gka Hirshabelle.
CIIDAMADA D/SOOMAALIYA OO LA WAR EEGAY DEEGAANO KA TIRSAN GEDO
Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dow ladda Soomaaliya iyo kuwa AlShabaab ayaa shalay waxa ay ku dagaalameen deegaano hoostaga degmada Buurdhuu be ee Gobolka Gedo.
Deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa lagu Magacaaba Qoondh oy,waxaana Maamulka Gobolka Gedo ay sheegeen in Ciidamada dowladda ay la wareegeen deegankaas.
Gudoomiyaha ku xigeenka Go bolka Ge do Maxamed Xuse en Isaaq (Alqa adi) oo Wareysi siiyay Radio Dal san ayaa sheegay in haataan Ciidanka dowladda ay si buuxda Gacanta ugu hayaan deeg aanka Qoondhoy balse wixii faah faahin ah uu dib ka soo gudbin doono.
HAWEENEYDA KELIYA EE KA MIDKA KALL UUMEYSATADA SOOMAALIDA OO CODSAT AY IN LAGU TAAGEERO MATOORKA CUSUB EE DOONYAHA
Caadi kama ah Somalia in la arko haw een doonyo ku kalluumeysta oo nolol ka raadsada Cuntada Badda. Laakiin Maga alada xeebta leh ee Eyl waxaa ku nool haweeney caan ka ah, taasi oo noloshe eda ka soo saarata Jilaabashadda Kallu unka. Asha Abdikarim oo 45 jir waa ho oyo 3 carruur leh, waxayna shaqada Kall uumeysiga bilowday sannadkii 1999kii.
Asha Abdikarim markii ay da’da yara yd.kuma fekeri jirin inay noqoto Hawee ney Kalluumeysato ah, balse markii ay seygeeda kala tageen ayey qeyb ahaan dareentay inay noqoto Kalluumeysato, si ay u soo dhacsato Nololmaalmeedka 3deeda carruur. Waayo saygeedii hore waxa uu ahaa Kalluumeysato, waxayna horey u taqaanay qaabka loo kaydiyo Kalluunka iyo hanka loogu diyaariyo Suuqa. Waxay yeelatay Hotel ay inya badan macaamil ka yihiin Dalxiisayaasha soo booqda magaalladda Eyl ee Taariikhiga ah. Ganacsigeeda waxa uu sare u kac ay, markii ay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Calaamiga (ICRC() bsihii July u qey bisay qoysaska Kalluumeyatada ku nool magaalladda Eyl 20 Matooradda Doon yaha iyo 20Qaboojiyayaasha ku sahaq eeya Ilayska Cadcadeedaka.
Asha waxay ka heshay hal Firintijeer oo ay ku kaydsato Kalluunka, Libaax Baddeeda iyo Aargoosatada. ICRC wax ay Matootadda Doonyaha u qeybiyeen Bulshadda Kalluumeysatada ku nool 3 magaalloxeebeed oo ku taalla Somali ya, si ay Kalluumeysatada
Asha Abdikarim waxay sheegtay inay deeqdaasi u fududeynayso Kalluumeys atada inay kordhiyaan waxsoosaarka Kalluunka iyo inay Kalluun badan dhoof iyaan Xilliga soo socda.
Aad baan u rajo weynahay Insha Alla ah, waan heli doonaan Nasiibkeena, Ba dda waa nimco uu Ilaahay noogu deeqa day” ayey tiri Asha Abdikarim oo ah Haw eeneyda keliya ee Soomaalida ee ka shaqeysata Badda, isla markaana kallu unka ka radisa moolka Dhexe ee Badda.
ARDAY BANAANBAX KA DHIGAY GAALKAC YO OO DALAB U GUDBIYAY GALMUDUG IYO PUNTLAND
Boqolaal ka mid ah ardayda wax ka ba rata Iskuulada ku yaala M/Gaalkacyo ee Xarunta G/Mudug ayaa shalay bannaan bax ka dhigay Bartamaha magaaladaasi waxayna dalbanayeen in la isku furo Magaalada ay Colaadda ragaadisay ee Gaalkacyo. taasoo u kala qeybsan labo maamul oo kala ah Galmudug iyo Puntl and waxaana ay Ardeyda sheegayeen in ay doonayaan in Magaalada la isu furo.
Gaalkacyo waxaa ay kala xirantay markii uu billowday dagaalka sokeeye waxaana saameyn taban ku yeeshay colaadaha iyada oo maamullada Galmu dug iyo Puntland ay halkooda ka sii wadeen kala xirnaanshaha
CIIDANKII MUQTAAR ROOBOW OO HAWL GAL KA BILAABAYA G/BAAY & BAKOOL
Ciidamadii uu watay Muqtaar Ro obow Cali Abuu Mansuur oo la midoob ay Ciidanka Maamulka Koonfur Galbe ed, ayaa hawlgal waxa ay ka bilaabaya an Gobolada Baay iyo Bakool, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamul ka Koonfur Galbeed Somaliya.
C/risaaq Cabdi Aadan oo ah Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda amniga Ma amulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay ciidankii Abuu Mansuur inay la midoobe en Ciidanka Maamulka Koonfur Galbe ed oo ay kaga qayb qaadanayaan daga alada ka dhanka ah Shabaab.
Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Am niga Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa wuxuu sheegay ciidama da Koonfur Galb eed iyo kuwa Abuu Mansuur labadaba inay dhiiragelin wanaagsan u tahay inay isla hawlgalaan oo cadowga ay ka hort agaan sida uu yiri.
"Hawlgalka wuu socdaa, Ciidankii She ekh Muqtaar hawlgalada qayb ayeey ka yihiin, Ciidankaasi waxa ay la midoobe en Ciidama da Maamulka Koonfur Galbe ed oo hawlgalada ayeey ka qayb qaa da nayaa.” Ayuu yiri Wasiir Ku xigeenka am niga Maamulka Koonfur Galbeed.
Ciidanka Abuu Mansuur ayaa xoog ooda waxa ay ku sugan yi hiin Gobolka Bakool ee Koonfurta Somaliya, balse hadda waxaa loo soo gudbinayaa dhan ka Gobolka Baay, si ay qayb uga noqd aan hawlgalada socda.
Abuu Mansuur Roobow, ayaa wada hadal kula jira Dowladda Federalka Som aliya, inkastoo illaa hadda aanan si ras mi ah loo ogeyn halka uu maraayo wada hadalka Roobow lagula jiro. Roobow oo Shabaab kula dagaalamay Gobolka Ba kool, ayaa ciidankiisa lagu she ega inay yihiin ciidan badan oo ku beel ah, inkas too illaa hadda aanan si dhab ah loo og eyn tirada rasmiga ah ee ciidamada Roobow.
DAWLADDA SOOMAALIYA OO BOQORTOOYADA SACUUDIGA UGA MAHAD CELISEY TAAGEER ADA IYO ISGARABISTAAGA JOOG TADA AH
R/Wasaaraha XFS,Md. Xasan Cali Khayre ayaa Boqortooyada Sucuudiga uga mahad celiyey taag eerada joogtada ah ee dib u dhiska dalka, gaar ahaan deeqda 50ka Mi lyan ee dollar oo ay soo gaar siisay DF Soo maaliya.
R/Wasaare Khayre ayaa yiri "Waxaan si kal iyo laab ah uga mahad celineynaa Boqo rtooyada Sacu udiga oo waqtigan baahida loo qabo noogu deeqday 50 Milyan oo Doll ar si loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, taasoo muujineysa sida dalka aan wallaala ha nahay ee boqortooyada Sacuudiga ay u daneynayso ka qeybqaadashada dib u dhiska dalkeena.”
Booqashadii Madaxweynaha J FS. Md. Maxamed C/hi Maxamed (Farmaajo) uu dho waan ku tagey boqortooyada Sacuudiga ayaa aheyd mid lagu sii xoojinayey xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. R/Wasaare Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay sida ay DFS uga go’an tahay in deeqdaas loogu isticmaalo kordhinta adee ga shacabka Soomaaliyeed. deeqdaan 50ka Milyan ah ayaa lagu shubayaa Khasnada Dawladda ay ku leedahay Bankiga Dhexe, waxaana loo isticmaali doonaa si ku dhisan daah furnaan iyo isla xisaabtan. Dowladda Federaalku waxay la wadaagi doontaa warbi xin hufan oo la xariirta qaabka kharashka loo bixiyey.
Md.Khayre ayaa sheegay in deeqdan ay xukuuumadda ka saacidi doonto sii joogteyn ta bixiinta mu shaaraadka ciidanka, raashin kooda iyo mushaaraadka shaqaalaha rayi dka ah. isagoo hadalkiisa ku soo gabogabee yey "Xiriirka walaaltinimo ee qotoda dheer ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga waa mid taariikh fog leh, kaalmadaan waqti gan loogu baahi badanyahay waa mid ka ta rjumeysa sida Boqort ooyada Sacuudiga ay uga go’an tahay garabistaaga dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxayna sahley saa in Dawladda Soomaaliya sii labo jibaar to soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka.
DHAMAAD
ABSHIR BUKHAARI:"MA AHAN FEDERALI SMKA CIDDII XANAAQDABA WIXII RABTO HA SAMEYSO”,
Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee aqal ka sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) oo ka mid ahaa Xildhibaannada 2da aqal ee baarlamanka Soomaliya oo maalmhihii dam be waan weyn u joogay M/Cadaado ayaa ka warbixiyay wixii u qabsoomay.
Abshir Bukhaari ayaa sheegay inay ku gu uleysteen intii ay Cadaado joogeen sida deji nta xaaladda amni iyo in ay kala qaadeen maleeshiyo beeleedyadii M/Joogay, waxaa kale uu ka warbixiyay kulamo ay la yeeshe en qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhaqanka isaga oo intaasi raaciyay in ay ka soo baxeen isfaham iyo in khilaafaadka la xaliyo, go’aanno masiiri ahna laga qaato dan aha Galmudug.
Sidoo kale ayuu sheegay inay ku guuley steen in ay isku keenaan Madaxda maamu lka Galmudug, laakin aaney dhameystirmin.
Dhanka kaleMd.Bukhaari waxaa soo had al qaaday in Federalismka aanu aheyn in ci ddii xanaaqdaba ay sameyso wixii ay rabto, isla markaana wax walbo lagu xaliyo qaab dastuuri ah
MAXKAKMADDA SARE EE GALMUDUG OO U YEERTAY 3 KA MID AH MADAXDA GALMUDUG IYO 22 XILDHIBAAN.
Gud./Maxkamadda sare ee M/Galmudug ay
aa wareegto uu soo saaray ugu yeeray Gud/ Baarlamaanka Maamu lkaasi, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Gud/ ku xigeen ka 2aad ee Baarlamaanka Maamulkaasi wa xaana loo qabtay mudo 3 maalmood ah in ay ku hortagaan Maxkamadda.
Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa ku qoran magacyada 22 Xildhibaan oo kale oo ka tirsan Baarl amaanka Galmudug kuwaas oo ah Garabka ka soo horjeedo Madaxwe yne Xaaf ee Shaaciyay in ay Xilkii ka qaa deen Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Wareegto uu ku saxiixanyahay Guddoomiya ha Maxkamadda sare ee Maamulka Galm udug Dr Yaxye Sh.Cali Maxamed ayaa ku sheegay wareegtadiisa in ay dacwad ka taallo Maxkamadda sare ee Galmu dug ragga ay magacyadooda ku lifaaqan yihiin War eegtada.
GUDDOOMIYE JAWAARI OO BOOQDAY XARUN TA ALAZHAR ALSHARIIF
Wafdi uu hoggaaminayo G/Golaha Sha cabka Soomaaliya Maxamed Sh.Cusmaan (Jawaari) oo dhowr kii maalin ee ugu damb eysay ku sugnaa M/Qaahira ee xarunta Dal ka Masar ayaa shalay tagay xarunta Al Azhar Al Shariif ee M/Qaahira, halkas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacab ka uu la qaatay Sheekhul Azharka dalka Ma sar oo ay ka qeyb galeen Xildhibaanno ka tir san Golaha Shacabka qeybna ka ah wafdi ga Guddoomiyaha ayaa waxaa looga hadl ay sidii dow ladaha Soomaaliya iyo Masar ay u sii xoojin lahaayeen xiriirkooda wada shaqeynta iyo iskaashiga ku dhisan ee soo jireenka ah.
Shirka waxaa kaloo diiradda lagu saaray sidii dowladda Masar ay talooyin iyo qubaro dhinaca sharciga uga taageeri lahayd Gola ha Shacabka Soomaaliya. Xildhibaan C/qaa dir Sh.Cali Baqdaadi oo ka mid ah wafdiga Guddoomiyaha ayaa sheegay in kulanka ay la qaateen Sheekh Azharka Masar ay kaga wada hadleen arrimo u badan sidii Golaha looga taageeri lahaa dhanka sharciga.
"haanta waxaan la kulanay Sh. Azharka Masar oo aan ka wada hadalnay inay naga taageeraan dhan ka sharciga, in sharciyada aan sameyneyno ay soo soo diraan quburo oo sharciga gacan naga siinaya, in tallooyin ay naga siiyaan sharciyada qaar ee lagu qa rayo Carabiga, weyna naga aqbaleen, guddi ayaana loo xilsaaray oo arrintaasi ka soo shaqeyn doono” Ayuuyiri Xil.Md. Baqaadi.
NIDAAMKA AY HUBKA KU IIBGAYSO BRITAIN OO LA DALBADAY IN WAX LAGA BADELO
Dowladda Britain ayaa waxaa loogu baaqay inay ogolaansho rasmi ah u siiso Wasaaradda Hor umarka Caalamiga ah inay go'aan ku yeelato halka Britain ay hubkeeda dibbada uga iibinayso.
Hay'adda samafalka caalamiga ah ee Save the Children, ayaa sheegtay in taasi ay soo afjari karto qaabka iskhilaafsan ee ay Britain gargaarka ugu dirto goobaha ay colaadaha ka taagan yihiin halkaas oo hub Britain lagu sameeyay lagu adeegsado colaadda sida Yemen oo kale.
Xiisad ayaa ka taagan siyaasadda Britain ee ku aaddan dalka Yemen.
Dowladda UK ayaa in ka badan 3 bilyan oo giniga istarliinka ah hub uga iibisay Sucuudi Carabiya tan iyo markii ay colaaddu ka bilaabatay dalka Yemen.
Britain ayaa taageerta dadaallada isbahaysiga uu horkacayo Sucuudiga ay ku burburniyaan falla agada Xuutiyiinta dibna loogu soo celiyo dowladdii sharciga aheyd ee dalkaasi.
Dhibaatada ayaa ah in inta ay colaaddu socotay halkaas lagu dilay kumannaan qof oo rayid ah.
Taasna waxa sababtay in Britain gargaar ugu deeqday Yemen si wax looga qabto dhibaatada bini'a adamnimo ee dagaalkaasi ka dhalatay.
Warbixin maanta la daabacayo ayey hay'adda samafalka ee Save the Children ku sheegaysaa in tani ay tahay wax isburinaayo oo aan caddeyn.
Guddiga ansixiya iibinta hubka ayaa waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, midda Ganacsiga iyo tan Gaashaandhigga.
Save the Children ayaa sheegaysa in Wasaaradda Horumarinta Caalamiga ah ay qasab tahay in ay kursi ku yeelato miiska si loo sameeyo tixgelin dhanka bini'aadamka ah makra ay timaado hubka mustaqbalka la iibinayo.
WFP OO DHIMAYSA GARGAARKA AY SIISO QAXOOTIGA KENYA
WFP oo ah Hay’ada QM u qaabilsan cun tada ayaa cod dheer ku sheegtay inay dhi mayso 30% cunta dii ay siin jirtey qaxootiga ku jira xeryaha ku yaalla dalka Kenya, kuwa asi oo aad u fara badan. Saraakiil u hada shay WFP ayaa ujeedada ay Hay’adda cun tada hoos ugu dhigtay waxa ay ku sheege en in ay tahay kadib markii ay weysay dhaq aalihii ay ku bixin jirtey xeryahaas.
Xeryaha cuntada laga jaray ayaa waxa ay yihiin Dhadhaab iyo Kakuma kuwaas oo hoy u ah inta ba dan Soomaali iyo qaxooti ka soo jeeda Koofurta Sudan. WFP ayaa sheegtay inay u baahnayd lacag gaa reysa $28.5 Mil lion si ay u daboosho baahida cunto ee qaxo oti gaaraya 420,000,6 bilood ee soo socota.
Madaxa Hay’adda WFP ee dalka Kenya Annalisa Conte ayaa tiri. "Sida deg degta leh ee loogu jooji yay kaalmada cuntada ayaa ah dhibaato ku noqonaysa qaxootiga kuwaas oo badankood ay ku tiirsan aayeen cunto ma almeedkooda Hay’adda WFP.”
Xeryaha Dhadhaab oo loo arko in ay yihi in kuwa ugu ballaaran caalamka ayaa wax aa la aasaasay ka dib colaaddii sokeeye ee Soomaaliya si hooy loo siiyo Soomaalida ka soo qaxaya dalkooda. Qaxootiga Aduunka ayaa tiradooda guud waxaa lagu qiyaasay in ay yihiin 60iyo40 Milyan, waxaana Soomaal iya ay tahay dalka 3aad ee ugu badan Qaxo otiga.
BAARLAMAANKA EUDA OO KA ARRINSANAYA KA BIXITAANKA BRITAIN EE MIDOWGAASI
Xubnaha baarlamaanka Midowga Yurub ayaa maanta gelinka dambe waxa ay magaalada Stra sbourg ugu codayn doonaan mooshin liddi ku ah qaabka ay UK u waddo wadaxaajoodka ay uga baxa yso Midowga Yurub.
Sidoo kale Madaxweynaha Golaha Yurub, JeanClaude Juncker, iyo gudoomiyahiisa wadaxaajood ka, Michel Barnier, ayaa xubnaha xog ka siin doona horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray wadahallada.
Mooshinkan horyaal baarlamaanka Midowga Yurub ayaa waxa uu ka kooban yahay liis dheer oo ay ku qoran yihiin dhaleecayn ku aaddan mowqifka Britain ee ku aaddan waxyaabaha ay ka midka yihiin xuquuqda la siinayo muwaadiniinta Midowga Yurub ee ku sii nagaanaya UK, iyo habdhaqanka dowladda ee arrimaha dhaqaalaha, taas oo curyaamisay hannaanka Britain ay uga baxayso Midowga Yurub, sida lagu sheegay qaraar qabya ah.
Mooshinku waxa uu ugu baaqayaa UK in xilligan kala guurka ah ay ku toosnaato shuruucda Mid owga Yurub looga baxo.
Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa la waydiisan doonaa inay dib u dhigaan go'aankooda ku aaddan in la furo wadahallada dhanka ganacsiga iyo xiriirka mustaqbalka, illaa laga gaaro heshiis weyn.
Afhayeen u hadlay waaxda ka bixitaanka Midowga Yurub ayaa sheegay in la diyaariyay qoraalka mooshinka ka hor inta aanan la soo gebagabayn wareeggii ugu dambeeya ee wadahallada.
Codeynta maanta ayaa waxa ay fursad u tahay inay dajiso xiisadda siyaasadeed, hasayeeshee xal buuxo ma keenayso, sababtoo ah xildhibaanada Midowga Yurub oo kaliya ayaa gaari kara go'aanka ugu dambeeya ee heshiiska Britain ay uga baxayso Midowga Yurub.
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA OO SI KULUL UGA HADLAY WEERARKII LAS VEGAS
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Qornaa Luuqada Engil sihka ayaa lagu cambaareeyay Weerarkii Shalay ka dhacay Magaalada Las Vegas ee Dalka Marey kanka ee Sababay Dhimashada Dadka ka badan 58 Ruux iyo Dhaawaca 400 oo kale islamarkaana uu geystay Nin ka mida dadka Magaalada Las Vegas oo 64 Sano jir ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi farmaajo ayaa yiri”anoo ku hadlaya Magaceyga iyo Magaca Ummadda Soomaaliyeed waxaan Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Qoysaska Dhibaneyaasha ah ee Dhibaatadu ay ka soo gaartay Weerarkii Argagaxiso ee ka dhacay Magaalada Las Vegas Ee Dalka Mareykanka”.
"Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay la wadaagayaan Xanuunka soo gaaray Qoysaska iyo Saaxiibada ku wax noqday Weerarkii Fulay nimada ahaa ee lagu qaaday dadkii ku sugnaa Hotel ku yaala Magaalada Las Vagas ee dalka Mareykanka”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Weerarka lagu dilay dadka ka badan 50 Qof ku Tilmaamay Fal Sheydaanimo,waxaana uu sheegay in hoos loo dhigi doono Calanka Mareykanka si loo Muujiyo in Dadkii ay waxyeeladu gaartay la garab istaago.
BOGGA CAYAARAHA ..
WARBIXIN: Waa Kuwee Xidigaha Kabta Dahabka Ah Ee Yurub Ku Tartamayaa? Xidig Si Lama Filaan Ah Cid Walba Uga Sareeya Iyo Liiska Oo Dhamaystiran.
Kooxaha horyaalada Yurub ayaa muddo laba usbuuc ah ka nasan doona kulamada horyaalada ay ka tirsan yihiin waxaana jiri doona kulamadii labaad ee heerka caalami ee xili ciyaareedkan 2017/18 kuwas oo ka mid ah isreeb reebka koobka aduunka loogu soo baxayo. Haddaba fursadan anaga oo ka faa’iidaysanayna ayna jirin goolal laga sugayo horyaalada yurub, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa halka uu marayo tartanka xiisaha badan ee kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub. Horyaalada Yurub ayaa haysta qiimayn kala duwan maadaama oo ayna isku heer iyo awood ahayn, waxaana jira horyaalada ugu waa wayn oo goolkiiba lagu qiimeeyo 2 dhibcood halka horyaalada qaar goolkiiba ku helaan 1.5 dhibcood balse sidoo kale horyaalo kale ayaa goolkiiba ku hela 1 dhibic iyada oo la ogyahay in ciyaartoyga ugu dhibcaha bataa uu ku guulaysato kabta dahabka ah ee yurub.
Lionel Messi ayaa xili ciyaareedkii hore ku soo guulaysatay kabta dahabka ah ee yurub kadib tartan adag oo uu soo galay laakiin xili ciyaareedkan ilaa hadda waxaa tartanka kabta dahabka ah hogaaminaya ciyaartoy ayna dadku xataa magaciisa iyo kan kooxdiisa garan karin inta badan basle dadaal badan oo uu sameeyay awgeed iyo kulamo badan oo uu soo ciyaaray magacan ku helay.
Xidiga xulka qaranka Estonia ee Albert Prosa oo ka tirsan kooxda dalkiisa Estonia ee FCI Tallinn ayaa kabta dahabka ah ee yurb ku hogaa-minaya 25 dhibcood oo uu ka soo helay 25 gool oo uu soo dhaliyay iyada oo horyaalka Estonia uu halkii goolba la micno yahay hal dhibic.
Lionel Messi oo kulankii Las Palmas laba gool ka dhalyay ayaa kaalinta labaad ugu jira 11 gool oo uu ku helay 22 dhibcood waxayna isku mid yihiin Radamel Falcao oo isna 11 gool ku helay 22 dhibcood. Lionel Messi iyo Falcao ayaa ah labada xidig ee kaliya ee ka tirsan shanta horyaal ee yurub ugu waa wayn ee ilaa hadda soo galay shanta kaalmood ee ugu sareeya ee tartanka kabta dahabka ah.
Laakiin iyada oo horyaalada kale ee yurub kulamo badan laga soo ciyaaray ayaa la filayaa in dhawaan xidigaha shanta horyaal ee waa wayni ay safka hore soo gali doonaan. afar xidig oo kaliya oo ka tirsan shanta horyaal ee yurub ugu waa wayn ayaa ka soo muuqday tobanka xidig ee ilaa hadda dhibcaha ugu badan ka haysta tartanka kabta dahabka ee Golden Bootka Yurub.
Haddaba halkan kaga bogo dhamaan tobanka xidig ee goolasha ugu badan Yurub ka soo dhaliyay isla markaana dhibcaha ugu badan ka soo helay ee tartanka kabta dahabka ah ee gool dhalinta yurub.
1- Albert Prosa- FCI Tallinn- 25 gool iyo 25 dhibcood
2- Lionel Messi- Barcelona -11 gool iyo 22 dhibcood
3-Radamel Falcao- Monaco-11 gool iyo 22 dhibcood
4-Rauno Sappinen-FC Flora-22 gool iyo 22 dhibcood
5-Mikhail Gordejchuk- BATE- 14 gool iyo 21 dhibcood
6- Sean Maguire- Preston North End 20 gool iyo 20 dhibcood
7- Paolo Dybala -Juventus- 10 gool iyo 20 dhibcood
8-Magnus Eriksson-Djurgårdens IF-12 gool iyo 18 dhibcood
9-Ciro Immobile- Lazio- 9 gool iyo 18 dhibcood
10- Andri Rúnar Bjarnason- UMF Grindavík- 18 gool iyo 18 dhibcood
WAA WARARKA WARGYESK MKGADISHU TIES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 3-DA OKTOOBAR 2017-KA
AYIRAADII GAROONKA DIYAARADAHA M/CADAADO OO LA QAADAY Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo saaray wareegto uu xayiraada uga qaadayo gar oonka diyaaradaha Cadaado oo maalm ihii la soo dhaafay laga joojiyay diyaara dihii ka imaan