
Xildhibaanada Baarlamaanka K/Galbeed Oo Wada Qaban Qaabo Ka Dhan Ah MD Shariif Xasan
Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Shariif Xasan in uu gudan waayay waajibaadkii ka saarnaa Maamulka Koonfure Galbeed.
Aadan Maxamed Nuur (Aada Saran Soor) oo ka mid ah Siyaasiyiinta ku sugan Magaalada ayaa soo dhaweeyay mooshinka ka dhanka Madaxweyne Shariif Xasan.
Waxaa Siyaasigan uu tilmaamay in Madaxweynaha uu dhibaato ku haya Shacabka ku hoos nool Maamulka Koonfur Galbeed, isagoona carabka ku adkeeyay in aan marnaba loo dulqaadan karin dhibaatooyinkaasi.
Siyaasiga Aadan Saran Soor ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya in xilka ay ka qaadaan Madaxweyne Shariif Xasan, si buu yiri loo badbaadiyo jiritaanka Maamulka Koonfur Galbeed.
Sikastaba, Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tiro dhowr jeer oo hore isku dayay in xil ka qaadis ku sameeyaan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan balse qaban qabada haatan socota ay u muuqato mid ka xoogan kuwii hore.
Xildhibaanada Baarlamaanka K/Galbeed Oo Wada Qaban Qaabo Ka Dhan Ah MD Shariif Xasan
Waxaa Magalada Baydhabo ee xarunt gobolka Baay ka soconaya qabn qaabadii ugu dambeysay oo ay doonayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed in ay xilka uga qaadaan Madaxweynaha Maamulkaasi, Shariif Xasan Sheekh Aadan.