Diyaaradaha dagaalka UK oo duqeyntii u horeysay ku qaaday Suuriya
Duqeymahan ayaa yimid saacado kadib markii Xildhibaanada Baarlamaanka UK ay ansixiyeen qorshe uu soo bandhigay Ra’iisul Wasaare David Cameron oo ahaa duqeymo ay ka fuliyaan Suuriya.
Afar ka mid ah diyaaradaha loo yaqaano Tornado RAF oo ka soo duulay saldhigga Qubrus ayaa saacado ka hor duqeymo ka fuliyay Suuriya, iyagoo beegsanayay bartilmaameedyo ku yaala Suuriya oo ay ku sugan yihiin Daacish.
Duqeymaha ayaa la sheegay in lagu beegsaday illaa lix goobood, sida goob shidaalka laga soo saaro oo ku taalla bariga Suuriya.
Wasaaradda Difaaca ayaa xaqiijisay inay dib diyaaradaha mar kale ugu laaban doonaan howl galka Suuriya, si ay u qaadaan duqeymo dheeraa dah.
UK ayaa ku biirisay dowladaha Mareykanka, Ruushka iyo Faransiiska oo duqeymo ka wada dalka Suuriya.
Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Kooxda ISIS ama Daacish ay sheegteen weerarkii lagu qaaday magaalada Paris, kaasoo lagu dilay illaa 130 ruux.
Diyaaradaha dagaalka UK oo duqeyntii u horeysay ku qaaday Suuriya
Diyaaradaha dagaalka UK ayaa duqeyntii u horeysay oo ka dhan ah kooxda la magac baxday dowladda islaamiga ama Daacish ee ku sugan dalka Suuriya, sida ay xaqiijisay Wasaaradda difaaca.