Wararkii ugu dambeeyay Gaalkacyo iyo ciidamadii is hor-fadhiyay oo saaka la kala qaadayo
Dadkii ka barakacay xaafadaha Gaalkacyo ayaa bilaabay inay dib guryahooda ugu soo laabteen, markii shalay ay heshiis nabadeed wada saxiixdeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug.
Odayaasha, culumaa’udiinka iyo haweenka Gaalkacyo ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadeed, waxaana ay ku baaqeen in calan cad la suro labada dhinac ee magaalada sida koofur iyo waqooyi, si loo muujiyo heshiiska nabadeed.
Guddiga waan waanta nabadeed wada ee dhameystiraya heshiiska ayaa maanta bilaabaya howshooda u horeysay, sida in la kala qaado ciidamada is hor-fadhiya, waxaana guddigan oo isugu jira afar ka tirsan Wasiirada Xukuumadda Federaalka, Wasiirada Amniga ee Puntland iyo galmudug, Guddoomiyeyaasha Gobolka Mudug ee labada Maamul iyo Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, Maxamed Aadan.
Wararka ayaa sheegaya in guddigan ay xalay isla garteen qaababka loo wajahayo kala qaadista ciidamada, iyo in ciidan walba lagu celiyo bartii ay horay u joogeen.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug C/wali Maxamed Cali iyo C/kariin Xuseen Guuleed oo shir jaraa’id wada jir ah qabtay markii ay saxiixeen heshiiska nabadeed ayaa ciidamadooda ugu baaqay inay u dhega-nuglaadaan heshiiska, isla markaana dib ugu laabtaan xarumahooda.
Heshiiska nabadeed ee laga gaaray colaada Gaalkacyo ayaa horseedi doona in dadkii barakacay dib ugu soo laabtaan, isla markaana dib u soo laabto ganacsigii iyo isu socodkii, laakiin waxaa is weydiinta mudan cida dusha u ridan doonta mas’uuliyada dhibkii dhacay, gaar ahaan dadkii ku dhintay intii ay dagaalada socdeen.
Wararkii ugu dambeeyay Gaalkacyo iyo ciidamadii is hor-fadhiyay oo saaka la kala qaadayo
Xaalada Gaalkacyo ayaa saaka degan ah mid degan, maalin kadib markii maamulada Puntland iyo Galmudug heshiis nabadeed kala saxiixday, taasoo soo afjareysa xiisadii dagaal ee magaalada ka jirtay muddo labo labo todobaad ku dhow.