Duqeyn loo maleenayo inay fulisay diyaarad Drone ah oo xalay ka dhacday Sh/Hoose
Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqleen ilaa saddex gantaal oo ku dhacay meel banaan ka xigta deegaanka Kuunya-barow oo dhanka wadada Kismaayo aada xigta.
Illaa iyo hada waxaa adag in la helo faah faahin ku saabsan duqeynta iyo cida lala bartilmaameedsaday, iyadoo duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha aanay cidina wadin ka geysanayaan gobolkaas ay isa soo tarayaan.
Afhayeenka Maamulka Shabeellaha Hoose Maxamed Xuseen Shiine ayaa sheegay inay jirto duqeynta, isla markaana la bartilmaameedsaday fariisin Al-Shabaab ku lahaayeen deegaankaas.
"Waa jirtaa duqeyntaas, waxaana lala bartilmaameedsaday fariisimo kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Kuunya-baro ee gobolka Shabeellaha Hooseā€¯ayuu yiri Maxamed Xuseen Shiine.
Duqeyntan ayaa noqoneysa tii labaad oo ka dhacda Shabeellaha Hoose, iyadoo labo todobaad ka hor ay aheyd markii duqeyn ay fulisay diyaarad aanay cidina wadin ka dhacday deegaanka Baladul-Amiin oo ka tirsan degmada Wanlaweyn, halkaasoo lagu dilay illaa sideed dagaalyahan.
Duqeyn loo maleenayo inay fulisay diyaarad Drone ah oo xalay ka dhacday Sh/Hoose
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in duqeyn cirka ah xalay fiidkii ka dhacday deegaanka Kuunyo-barow oo 90-km dhanka koofur galbeed ka xigta degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.