Danjire Baker:-"Wada-Hadaladii U Dhexeeyey Soomaaliya Iyo Somaliland Gaabis Baa Ku Yimid

0
Thursday September 28, 2017 - 10:46:27 in Wararka by
  • Visits: 531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjire Baker:-"Wada-Hadaladii U Dhexeeyey Soomaaliya Iyo Somaliland Gaabis Baa Ku Yimid

    Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan Taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada Dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Baker ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan Taageerada Turkiga uu siiyo Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada Dal.

Waxyaabaha uu ka hadlay Safiirka waxaa ka mid ah Wada hadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo dowlada Turkiga ay gar wadeen ka tahay.

Safiirka ayaa sheegay in wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland mudooyinkii dambe uu gaabis ku yimid Maadaama Soomaaliya ay ka dhacday Doorasho, taasoo si weyn ay ugu mashquuleen, sidoo kalena Maamulka Somaliland ay qorsheynayaan in doortaan maamul cusub, Safiirka ayaa balanqaaday markii ay dhacdo Doorashada Somaliland, oo maamulka la doorto uu xafiiska la wareego inay dib u balaabi doonaan Wada hadalada lana dardar galin doono.

Sidoo kale Olgan Baker wuxuu carabka ku dhuftay in Dowlada Turkiga ay ka war heyso in Hogaamiyeyaasha Dowlada Federaalka iyo kuwa Somaliland ay si wadajir ah diyaar ugu yihiin in guul laga gaaro wada hadalada, si dhaqso ahna loo bilaabo.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Doorashada Qof iyo Cod oo la rajeynayo in Soomaaliya ay ka dhacdo 2020-ka, wuxuuna sheegay in Kaalin weyn ay ka qaadan doonaan sidii loo hirgalin lahaa, isagoo xusay in Turkiga uu balaarinayo aqoonta Guddiyada ka shaqeynaya doorashada, Tababaro badana ay siin doonaan.

Safiirka wuxuu balanqaaday in Dowlada Turkiga ay dadaal kasta u sameyn doonto sidii Doorashadaasi ay u guuleysan laheyd, Soomaaliyana ay ku garab taagan yihiin sidii ay kaga talaabsan laheyd halka joogto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip