Wakiilka IGAD ee Somaliya oo si kulul u canaantay Madaxda Somalida

0
Thursday December 03, 2015 - 09:48:23 in Wararka by
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka IGAD ee Somaliya oo si kulul u canaantay Madaxda Somalida

    Danjire Maxamed Cabdi Afeey Wakiilka IGAD ee arimaha dalka Somaliya oo ka hadlaayay shalay shirkii lagu heshiisiiyay Maamulada Galmudug iyo Puntland, ayaa halkaasi waxa uu ka jeediyay hadal aad u kulul oo uu ku canaantay Madaxda Somalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Danjire Maxamed Cabdi Afeey Wakiilka IGAD ee arimaha dalka Somaliya oo ka hadlaayay shalay shirkii lagu heshiisiiyay Maamulada Galmudug iyo Puntland, ayaa halkaasi waxa uu ka jeediyay hadal aad u kulul oo uu ku canaantay Madaxda Somalida. Mr. Afeey oo hadalkiisa cadho badan ay ka muuqatay ayaa sheegay inay tahay wax aanan loo dulqaadan karin in la laayo shacabka Somaliyed, misana aanan la isla xisaabtamin oo madaxda masuulka ka ah arimahaasi aanan maxkamad la soo taagin.

"Ma socon karto in hadda kadib dadka la xasuuqo oo aan laysla xisaabtamin, haddii aan lala xisaabtamin xasuuqu sidan ayuu u soconayaa…shacabka meeqa sanaa la laynayaa yaana qaadaya mas’uuliyadda…ma socon karto taasi”Ayuu yiri Danjire Afeey.

Isaga oo hadalka sii wata waxa uu sheegay Madaxda Somalida hadii aysan qaadi karin masuuliyada ay u hayaan shacabka Somaliyed inay xilka iska dhiibaan si dad kale oo masuuliyada qaadi kara meesha loo keeno.

"Haddii aydin hoggaamiyeyaal noqon karin shacabka haloo banneeyo…haddii kale hoggaamiyeyaal fiican noqda dadkana ha isku dirinina, janno laguma gelayo wallaahi naar baad ku mudaneystaan”Ayuu Warkiisa sii raaciyay.

Xisaabtan la’aanta dadka la xasuuqayo ayuu sheegay Afeey inay tahay mid keenaysa in Maalinba Magaalo ay wax ka dhacaan oo dad shacab ah lagu laayo, iyadoo aanan waxba la iska weydiinin.

Hadalkiisa ayuu raaciyay "Maanta waa Gaalkacyo,bari waa Kismayo,maalin kale waa Baladweyne shacabka meeqa sano ayaa la laynayaa,yaana Mas’uuliyada dadka la laayo qaadan doona,ma socon karto arrintaa waana ka wada hadalnay beesha caalamka’’.

Afeey oo sii hadlaya ayaa si kulul ugu sheegay Madaxda Dowladda Federalka Somaliya in la helo ciidan qaran oo Somaliya ay leedahay si mushkiladaha marka ay dhacaan ay uga hortagaan, waxaana uu si kulul uga hadlay ciidamada ay dhisanayaan Maamul Goboledyada oo uu isweydiiyay inay yihiin dalal madax banaan mise Maamul Goboledyo Dowladda Dhexe hoostagga.?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip