Dad lagu laayay California Mareykanka
Weli waxa ay ciidamada ugaarsanayaan qaar ka mid ah dableyda weerrka looga shakisan yahay
Booliska California waxa ay sheegayaan inay toogteen nin ay uga shakisan yihiin inuu ka qeybgalay weerarkii San Bernardino.
14 qof ayaa weerarkaasi ku dhimatay 17 kalena way ku dhawacmeen, kaas oo lagu qaaday xarun dadka u adeegta.
Booliska hadda waxa ay raadinayaan gaari loo maleynaayo in qof ama labo ka mid ah dableyda ay ku baxsadeen.
Waxay sidoo kale ciidamada isku gedaameen guri ay uga shakisan yihiin in qof uu ku dhuumanaayo.
Waxyar ka dib markuu weerarka bilowday, Madaxweyne Obama oo la hadlay TV-ga CBS, waxa uu ku celiyay sida loogu bahan yahay sharci adag oo hubka ku saabsan.
Image copyright Getty Image caption
Booliska California waxa ay tilmaameen in xarunta la weeraray ay tahay goob loogu adeego dadka naafada ah oo ku taalla bariga magaalada Los Angeles.
Image copyright Getty
Dad lagu laayay California Mareykanka
Weli waxa ay ciidamada ugaarsanayaan qaar ka mid ah dableyda weerrka looga shakisan yahay Booliska California waxa ay sheegayaan inay toogteen nin ay uga shakisan yihiin inuu ka qeybgalay weerarkii San Bernardino.