WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 3-DA DICEMBAR 2015-KA

0
Thursday December 03, 2015 - 08:02:43 in Wararka by
  • Visits: 682
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 3-DA DICEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA OO TACSI U DIRAY QOYSKII IYO EHELADII UU KA GEERIYOODAY XILDHIBAN SAADAQ CABDIKARIIM MAXAMED Muqdisho, 2 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyskii, ehe ladi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO TACSI U DIRAY QOYSKII IYO EHELADII UU KA GEERIYOODAY XILDHIBAN SAADAQ CABDIKARIIM MAXAMED Muqdisho, 2 December 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy qoyskii, ehe ladii iyo Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, geeridii ku timid Marxuum Xildhib aan Saadaq Cabdikariim Maxamed oo ka mid ahaa xubnaha Baarlamanka Soomaaliya. Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Marxuum Xildhibaan Saadaq uu ka mid ahaa xubnaha ugu firfircoon Baarlamanka, sidaa darteedna Baarlamanka iyo shacabkuba ay tebi doonaan hawshii wanaagsaneyd ee uu u hayey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

HOGAAMIYEYAASHA PUNTLAND IYO GALMUDUG OO HESHIIS RASMI AH KU KALA SAXIIXDAY GAALKACYO

Gaalkacyo, December 2, 25Hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug Dr. Cabdiw eli Maxamed Cali iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shalay heshiis rasmi ah ka gaaray colaadii ka aloosneyd magaalada Gaalkacyo, waxaana heshiiskani goob joog ka ahaa Ra'iisul Wasaaraha Xukuu mada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke, madaxweyneyaasha Koofur Galbeed Sha riif Xasan Aadan, iyo Jubbaland Axmad Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, xildhib aano, nabadoono, iyo mas'uuliyiin mataleysay beesha caalamka.

Munaasabad ka dhacday garoonka Gaalkacyo ayaa waxaa si fool ka fool ah isugu soo hor farii stay labada hogaamiye, waxayna qalinka ku duugeen heshiis ka kooban afar qodob.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid oo goobta ka hadlay ayaa uga mahad celiyay hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug sida ay ugu hogaansameen qodobada heshiiska, waxa uuna xusay in heshiiskani uu hormuud u noqdo nabad iyo isfaham dhex mara maamulada deriska ah.

"Gaalkacyo waxay halbowle u tahay nabadda iyo xasiloonida dalka, waxaana rajeynayaa in he shiiskani uu hormuud u noqdo dhameystirka is fahmi waaga jira, waxaana ku adkeynayaa hogaamiye yaasha Puntland iyo Galmudug inay illaaliyaan" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaa sabadda.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo munaasabada ka hadlay ayaa xusay in dhankooda ay dhaqangelinayaan, isla markaana rajeynayaa in dagaal iyo dhibaato intaas looga gudbo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna dhankiisa shee gay in Galmudug ay dhankooda dhaqangelinayaan, ayna illaalinayaan qodobada heshiiska.

Ugu dambeyntiina, waxaa loo mahadceliyay Madaxweyneyaasha Koofur Galbeed iyo Jubbala nd, oo iyagu maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gobolada dhexe, si loo baajiyo dhiiga iyo colaada Gaa lkacyo.

MADAXWEYNAHA: "WAAN SOO DHOWEYNAYAA HESHIISKAN TAARIIKHIGA AH EE SHALAY LAGU SAXIIXAY GAALKACYO. WAXAA HESHIISKAN UU KA TARJUMAYAA BISEYLKA SIYAASADEED EE SHACABKA IYO SIYAASIYIINTA EE DHINACA HORUMARKA IYO NABADDA’’

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay aa si diiran u soo dhoweeyay heshiiskii nabadeed ee shalay magaalada Gaalkacyo ay ku kala saxiixd een madaxda maamullada Galmudug iyo Puntland (Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Cabdiweli Maxamed Cali).

Heshiiskan oo ka kooban afar qodob, ayaa ah mid lagu soo afjarayo dagaal dhowaan magaal adaa Gaalkacyo ku dhexmarey ciidammada maamullada Puntland iyo Galmudug.

"Waan soo dhoweynayaa heshiiskan taariikhiga ah ee shalay lagu saxiixay Gaalkacyo. Waxaa heshiiskan uu ka tarjumayaa biseylka siyaasadeed ee shacabka iyo siyaasiyiinta ee dhinaca horumar ka iyo nabadda’’.

Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaaf kasta oo dhaca uu ku qurux badan yahay in wadaha dal lagu xaliyo, Soomaaliyana ay ka gudubtey xilligii qoriga wax lagu xalin lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu si gaar ah ammaan ugu jeediyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo intii kale ee kala qeyb qaadatey dadaalkii nabadeed ee halkaasi laga wadey.

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA OO SOO DHOWEYSAY HESHIISKA LAGU GAARAY MAGAALADA GAALKACYO

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa soo dhoweysay heshiiska shalay lagu gaa ray magaalada Gaalkacyo kaasoo ay ku tilmaantay inuu ahaa mid taariikhi ah.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa sheegtay in heshiiskan uu yahay mid lafdhabar u ah xal u helidda colaaddii ka taagneyd magaaladaasi maalmihii lasoo dhaafay. Dowladda Federaalka ah oo kaashaneysa madaxda maamulgoboleedyada, iyo xubno ka tirsan beesha caalamka ayaa ka soo wada shaqeeyay taabogelinta heshiiskaas.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxa ay ugu hambalyeyneysaa hogaamiyeya asha labada maamul ee Puntland iyo Galmudug sida xilkasnimada iyo geesinimada laheeyd oo ay u qaateen heshiiska isla markaana xil ballaaran iskaga saareen sidii bulshada ku nool magaaladda Ga alkacyo ay nabad ugu wada noolaan lahaayeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka mudane Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ka mid ahaa masuuliyiintii arrintaas ku howlanaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa yiri, "He shiiskaan wuxuu muhiim u yahay soo afjaridda colaaddii ka aloosantay magaalada Gaalkacyo iyo dib u soo celinta dadkii ku barakacay colaaddaas.

Sidoo kale Wasiir Odowaa wuxuu sheegay in uu ku reja wayn yahay in heshiiskani uu qeyb ka noqdo dadaalada loogu jiro in xal waara loo helo khilaaf kasta oo ka jiro magaalada Gaalkacyo. Wux uu kaloo bogaadiyay biseylka siyaasadeed ee ay muu jiyeen labada dhinac.”

Wasaaraddu waxa ay xuseysaa dowrka muhiimka ah oo ay ka qaateen Ra’isul Wasaaraha Xuk uumada Federaalka Mudane Cumar C/rashiid Cali, madaxweynayaasha maamullada Koonfur Galb eed iyo Jubaland, mudane Shariif Xasan Sh. Aden iyo mudane Axmed Maxamed Islaam, kuwaas oo kaalin buuxda ka qaatay sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa shacabka iyo maamullada Puntland iyo Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxay ku boorineysaa Puntland iyo Galmudug inay si buuxda u fuliyaan qodobada ku xusan heshiiska kana shaqeeyaan sidii nabad iyo xasilooni wa arta loogu heli lahaa shacabka deggan magaaladda Gaalkacyo iyo dhamaan gobolka Mudug.

Ugu danbeyntii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxa ay ka codsaneysaa deeq bixiyeyaasha iyo hay’adaha gargaarka in ay gacan ka geystaan samata bixinta dhibaatadii bini’aad aminimo ee ka dhalatay colaaddii Gaalkacyo iyo sidii dib loogu so celin lahaa dadkii rayidka ahaa ee ku barakacay dagaaladaas.

ASKARI GAADIIDKA LACAGO KA QAADI JIRAY OO DEGMADA DHARKIINLEEY LAGU TOOGTAY

Kooxo hubaysan ayaa shalay Degmada Dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho, waxa ay ku dile en Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda oo Subax waliba gaadiidka lacago ka qaadi jiray.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhaw wadada Jaayga Degmada Dharkiinleey, gaar aha an agagaarka Masaajidka Salaama ee Degmadaasi.

Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saalax Carab, waxaana uu ahaa nin dhalinyaro ah oo gaadiidka Caasiga/Homy lacago Subax waliba ka qaadi jiray.

Raggii ka dambeeyay dilka Askarigaasi ayaa ka baxsaday goobta dilka ay ka geysteen oo mar kii dambe ay gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda Somaliya oo goobta ka qaaday meydka Askariga.

Ragga dilka geystay oo labo nin ahaayen ayaa waxa ay wateen Bistoolado, waxaana ay ka bax sadeen goobtii ay ku dileen Askarigaasi ciidamada Dowladda ka tirsanaa.

Amniyaadka Shabaab ayaa beegsada Askarta iyo masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya ee Magaalada Muqdisho ku sugan.

Maamulka Degmada Dharkiinleey weli kama aysan hadlin Dilka Askarigaasi iyo hadii ay jiraan dad loo soo qab qabtay Dilkiisa.

KULLIYADA CILIMIGA BULSHADA IYO SIYAASADA EE JAAMACADA SIU OO MARTIGALISAY AQOONYAHAN DR SADIIQ EENOW

Macalimiinta kulliyada, ardayda iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Maxamed Ismaaciil Cali (Dac wo) ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay aqonyahan Dr. Sadiiq Enow Kambaska kulliyada cilimiga bulsh ada iyo siyaasada ee ku taal wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan.

Dr, Sadiiq Eenow ayaa cinwaanka mowdiisu ahaa bilaabashdii cilmiga falsafada iyo maraaxi ishii uu soo maray, raggii caanka ku ahaa iyo qaybtii ay ka qaadatay koritaanka cilmiga aadamaha,Dhiraan dhiris aad u xeel dheer oo ku saabsan sidii cilmigu u horamaray iyo ashkhaastii ka soo qayb qaatay ee isugu jiray muslimiin iyo kuwa kaleba

Dr. Sadiq ayaa ardayda ku booriyay inay xooga saaraan sidii ay si dhab ah wax uga baran laah ayeen qaybna uga mid noqon lahaayeen mowjadaha cilmiga ee dunida manta ka socda.

"Cilmi kasta, teknoolojiyad kasta , fikrad kast oo shalay dunidaka jirta waxaa bilaabay shaqsi. Shakhsigaana wuxuu badanaa qayb ka ahaa jaamacadaha iyo goobaha wax lagu barto”ayuu yiri Dr. Sadiiq Eenow.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Maxamed Ismaaciil Cali Dacwo ayaa u mahad celiyay Dr. Sadiiq Eenow, waxaana uu kula taliyay ardayda inay muujiyaan dadaal adag.

"Dr. Sadiiq waa uu mahadsan yahay idinkana waxaa la idanka rabaa in aad muujisaan astaami hii arday bisil oo ay ka go’an tahay in uu guul ka gaaro waxbarashada”ayuu yiri Guddoomiyaha Jaam acadda SIU Maxamed Ismaaciil Cali Dacwo.

Jaamacadda SIU ayaa waxay si joogta ah u martigalisaa aqoonyahno, qorayaal iyo xeel dheer ayaal waxbarasho si ay kor ugu qaado dhaqan waxbarasheedka ardayda jaamacadda.

BANAANBAX LAGU TAAGEERAYO HESHIISKII GAALKACYO OO KA DHACAY KISMAAYO …

Dibadbaxan oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Jubaland ayaa waxaa ka qeybqaadanayay masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubaland, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Dadkan oo isugu soo ururay beerta xoriyadda ee bartamaha magaalada Kismayo ayaa waxa ay siteen boorar ay ku xardhanaayeen halkudhigyo ay ku muujinayeen sida ay ugu faraxsanyihiin he shiiskii ay madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Galmudug ku kala sixiixdeen magaalada Gaa lkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Fagaaraha beerta xoriyadda ayaa waxaa khudbado ka jeediyay madax ka tirsan Jubaland oo uu kamid yahay madaxweeyne kuxigeenka 2aad ee Jubaland C/qaadir Xaaji Max'uud (Lugadheere), Wasiirro iyo madax kale oo ka tirsan maamulka, kuwaaa oo soo dhaweeyay heshiiska lagu gaaray Gaalkacyo.

"Waa talaabo aad u wanaagsan oo ku dayasho mudane, waxaa loo baahanyahay in madaxda Soomaaliyeed ay wadahadal ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee dhexdooda ah," ayuu yiri Madaxweeyne kuxigeenka Jubaland.

Dhammaan dadkii ka hadlay goobta ayaa mahadcelin u jeediyay madaxda Soomaaliyeed ee dadaalka dheer gelisay sidii loo hakin lahaa xiisadihii ka aloosnaa Gaalkacyo.

Madaxweeyneyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis ku kala sixiixday garoonka diyaar adaha magaalada Gaalkacyo, ayadoo heshiiskaasi ay garwadeen ka ahaayeen Raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane C/rashiid Cali Sharmaake, Madaxweeynaha Jubaland Axmed Max'ed Islaam (Ax med Madoobe) iyo madaxweeynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

XILDHIBAAN KA TIRSAN BAARLAMAANKA SOMALIYA OO MUQDISHO KU GEERIYOODAY

Allaha u naxariistee waxaa shalay Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Sadiiq C/kariin Maxamed.

Sida uu Dhacdo.com u xaqiijiyay Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah habdhowraha Baarlamaan ka Somaliya, Xildhibaanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaayay Magaalada Muqdi sho.

Ugu dambeyn xanuunkii haayay ayuu Xildhibaanka shalay u geeriyooday, inkastoo Xildhibaan Maxamed Cumar uusan sheegin nooca xanuunka Xildhibaanka uu u geeriyooday.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaank a asi oo muddo ku xanuunsanaayay Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha shacabka Somaliya ayaa Guddi Xildhibaano ah u xil saaray qaban qaaba da Aaska Xildhibaankaasi ka baxay Qaranka Somaliya.

Marxuum Xildhibaan Sadiiq C/kariin Maxamed, ayaa lagu wadaa in lagu aaso Isbitaalka Madii na ee Magaalada Muqdisho.

BURKINA FASO: BANAANBAX LAGU SOO DHAWEEYAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE LOO DOORTAY DALKAAS

Burkina Faso ayaa horay u qaadday tallaabo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda, kaddib markii Taladaadii loo doortay madaxweynaha cusub ee waddankaas, Roch Marc Christian Kabore, kaas oo noqonaya madaxweyinihii labaad ee dalkaas oo lasoo doorto tan iyo markii uu xorriyaddiisa ka qaatay gumeystihii Faransiiska 1960kii.

Kumannaan shacab ah oo tageerayay doorashada Chiristian Kabore ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee dalkaas, iyagoo u dalbaaldagaya doorashada Kabore oo helay 53% codad kii la dhiibtay. Iyadoo bannaanbaxayaashu ay ku urureen markii dambe xarunta xisbiga horumarka oo uu madaxweynaha la doortay ka tirsan yahay.

Sidoo kale, doorashada Kabore oo ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Burkina Faso ayaa lagu tilm aamay mid muhiimad gaar ah u leh dalkaas oo 30kii sannadood ku jiray xukun ciidan.

Mr. Kabore ayaa wuxuu bedelayaa xukuumaddii KMG ahaa, taasoo bishii September ee sann adkan lagu sameeyay afgambi dhicisoobay, kaasoo ay ku dhinteen dad shacab ah oo dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan afmbiga ka dhigay xarunta dalkaas ee Ouagadougou.

"Dhammaan dadkii ku waxyeelloobay rabshadihii dhacay waxay waddankeenna u noqon doon aan taariikh, Qarankuna wuu u mahadcelinayaa,” ayuu Kabore ku yiri hadal kooban oo uu u jeediyay taageerayaashiisa.

Rabshado ka dhacay dalka Burkina Faso oo looga soo horjeeda xukuunno ciidan oo talada si khasab ah kula wareegay sannadkii 2014kii iyo bishii September ee sannadkan 2015ka; ayaa waxaa ku dhintay 44qof, iyadoo dhaawacyo ay kasoo gaareen tiro intaa ka badan.

"Waxay naga mudan yihiin amaan kuwii naftooda u huray in dastuurka iyo shruuucda lagu dhaqmo, horumarinta dimuqraadiyada, dib u heshiisiin Qaran, inay bulshadeenu wadajirto, xorriyadda iyo cadaaladda,” ayuu Kabore yiri hadalkii uu u jeediyay taageerayaashiisa.

Madaxweynaha la doortay ee Burkina Faso, Kabore oo 58jir ah ayaa waxaa bishii Janaayo ee sannadkii 2014kii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka xilligii uu xu kunka hayay madaxweynihii hore ee dalkaas Compaore, balse isaga iyo xubno kale ayaa ka horyimid Compaore oo awoodda Burkina Faso ku qabsaday afgambi millateri oo uu dhiig ku daatay sannadkii 1987kii.

"Doorashadaan guul weyn ayay u tahay dhammaan shacabkii u dagaallamayay in Burkina Faso uu isbedel maamul ka dhaco, waxaana u arkaan guul wadajir ah loo gaaray,” ayay tiri Maggie Dwyer oo ah macallin wax ka dhiga jaamacadda Edinburgh.

Ugu dambeyn, dalka Burkina Faso oo tirada shacabkiisu ay tahay 17milyan oo qof ayaa waxaa 60% la sheegay inay yihiin dhallinyaro; iyadoo isbedelkan si aad u weyn looga soo dhaweeyay guud ahaan dalkaas.

AL QAACIDDA OO DAGAAL KU QABSATAY MAGAALADA JAAR EE DALKA YEMEN

Xoogaga Al Qaacidada Yemen, ayaa waxay saacadihii ugu dambeeyay ay dagaal kula wareeg een Magaalada Jaar ee dalka Yemen, ka gadaal markii ay kala wareegeen Ciidamada Dowladda.

Xoogagan, ayaa ka soo duulay dhinaca Magaalada Zanjibar oo dhacda Koonfurta Yemen, wax aana hada soo baxaaya warar sheegaaya in saacado ka dib ay dib kaga baxeen Jaar, ayna ku noqd een dhinaca Zanjibar.

Warbaahinta Yemen, ayaa qortay in Xoogaga Al Qaacidda ay dib uga baxeen Magaaladaasi, islamarkaana ay ku soo laabteen ciidamadii horey ugu sugnaa.

Warar is khilaafsan, ayaa ka soo baxaaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Wararka qaar waxay sheegayaan in illaa 7 qof ay ku dhimatay, halka warar kalana ay sheegayaan in illaa 15 ruux lagu dilay.

Dowladda Yemen iyo Maleeshiyada Shiicada Yemen (Xuuthiyiinta) oo ah labada awoodood ee dalkaasi ugu xoogga badan, ayaa waxay dagaalo toos ihi kala kulmayaan Ururada Daacish iyo Al Qaacidda.

Al Qaacidda & Daacish waxaa lagu tilmaamaa ururada ugu xagjirsan ee caalamka ka jira, inkas too labadii sano ee la soo dhaafay, ay Daacish dunida ku soo kordhisay argagax weyn.

HAY’ADDA AMNESTY INTERNATIONAL OO KU EEDEYSAY DOWLADA ERITREA IN CADAADIS AY KU HAYSO RAYIDKA

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in Eretria ay noqotay dalka lagu dhibaateeyo shacabka ugu faraha badan ee caalamka, iyadoo warbixin ay soo saartay Amnesty ku xustay in tiro ba dan dhallinyarada dalkaas ka mid ah uga barakacaya dalkooda si khasab ah.

Amnesty International ayaa ku sheegtay warbixinteedan cusub in dalka Eritrea uu noqday wad danka saddexaad ee qoxootiga ugu badan ay ka cararayaan dalkooda, kuwaasoo galaya dallaka Yur ub, iyadoo hay’addu ay sheegtay inay aad u soo kordhayso diidmada codsiyada ay dadka u dhashay Eritrea ku dalbanayaan sharciyada dalalka ay magangalyo ahaanta u galeen.

Sidoo kale, hay’addu waxay Beesha Caalamka ka dalbatay inay dhibaatada ka jirta Eritrae u aqoonsadaan inay tahay arrin si cad uga soo horjeeda Xuquuqda Aadanaha.

Hay’addu waxay tilshalayy in tababarka ciidannimada ee khasabka ah ay tahay sababta ugu weyn ee dhallinyaro badan dalkaas u dahashay ay ay ku khasabtay inay ka cararaan dalkooda.

Waxay hay’addu warbxinteeda shalay ku xustay in dhallinyaradan oo rag iyo dumarba leh ay int ooda badan maraan safarro sharcidarro ah; kuwaasoo ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan; iyagoo ujeeddadoodu tahay inay tagaan Yurub.

Shacabka Eritrea ka cararaya ayaa qaarkood waxay Amnesty International uga warrameen xaaladaha ay ku shaqeeyaan; sida in dadka si khasab ah ciidammo looga dhigo iyo ciqaabta ciidan oo uu la kulmo qof kasta oo la qabto isagoo ka baxsanaya dalka.

Dhanka kale, warbixin ay Qaramda Midoobay soo saartay horraantii sannadkan aynu ku jirno ayaa waxaa lagu sheegay in khasabka dhallinyarada dalka Eritrea ku nool ay sababto shaqaxumo iyo mushaar yari, iyagoo qaata bihsiiba lacag 40 doollar ah, taasoo aan noloshooda ku filnayn.

Balse, xukuumadda Eritrea ayaa eedahaas beenisay, waxayna ku qeexday tallaabooyin lagu curyaaminayo hormarka dalka ka socda.

Qaaradda Yurub ayaa waxaa ku qulqulaya qoxootiga oo ka imaanaya caalamka oo dhan. Waxayna hay'adda Amnesty International sheegeysaa in qoxootiga ay xuquuq u leeyihiin inay helaan badbaadin caalami ah, in dib loogu celiyo dalalkoodana ay mustaqbalkooda sii xumeynayso.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande ayaa dhawaantan sheegay in hoggaamiyayaasha Eritrea looga baahan yahay inay cadaadiska lagu saaro si shacabkooda dalkooda ka cararaya loo joojiyo.

GUDDOOMIYAHA MAXKAMADDA SARE OO KA WARBIXIYAY SAFARO UU KU SOO BIXIYAY DIBADDA

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf oo shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar uu ku tagay qaar ka tirsan dalalka Afrika ayaa ka warbixiyay shir caalami ah oo uu ka soo qeyb galay.

Ceydiid Ilka Xanaf ayaa ka qeyb galay shirka Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee dala lka Africa oo muddo 4 cisho ah ka soconayay dalka Tanzania.

Shirkaas ayaa sida Guddoomiyaha Maxkamadda sare uu warbaahinta uga warbixiyay waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid tahay dhowrista Beni’aadanimada iyo weliba tayeynta Garsoo rka iyo Cadaaladda wadamada Africa.

Sidoo kale Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf ayaa soo kormeeray Magaalada Nairobi tababar uga soconayo Garsoorayaal Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ka dhawaajiyay in heshiisyo dhinaca garsoorka ah ay la soo saxiixdeen Maxkamadaha Africa qaarkood.

KENYA OO AMARTAY IN LA XIRO DHULKA CARO KAAWADA LAGA QODO EE MANDHEERA, SHALAY OO KALE AYAA LA WEERARAY

Guddiga amniga ee Degmada Mandheera, ayaa soo rogay awaamiir lagu joojinaayo qodista ca ro kaawada ee deegaanada hoostagga Degmada Mandheera, oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari Ken ya.

Shalay oo kale weerar xoogan oo ka dhacay deegaan caro kaawada laga qado oo ku yaala dul eedka Degmada Mandheera, ayaa waxaa lagu dilay tobonaan qof oo aan Muslim ahayn. Masuuliyad da weerarkaasi waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Mandheera, Job Boronjo, ayaa wuxuu xaqiijiyay in guddi ga amniga ee Degmadaasi, ay isku waafaqayn in la joojiyo dhulka caro kaawada laga qado, sida uu yiri.

"Waxaanu isla garanay, haddii aanu nahay masuuliyiinta dhinaca ammaanka ee deegaankani in la joojiyo shaqada ay hayaan shacabka ka shaqeeya qodista caro kaawada, maadaama ay shaqa doodu adag tahay, oo ay shaqeeyaan saacado badan, ayna dhegxaanta soo bixiyaan. Waxaa haboon inay helaan fursad ay reerahoodu ku aadaan, waqtina ay qoysaskoodu la qaataan xilligan la gelaayo fasaxa ciidda masiixiyiinta.” Ayuu yiri Taliyaha.

Boronjo oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa yiri "Bisha January ee sanadka 2016ka, ayay shaqadoodu dib ugu soo laaban karaan. Maanan u xirin arrin la xiriirta weerarkii sanadkii hore halkaasi lagu qaaday mid lamid ah. Mandheera waa deegaan nabad ah, mana hayno illaa iyo haata an, wax xog ah oo dhinaca sirdoonka ah, oo ku saabsan in weerar uu ku soo fool leeyahay shaqa alahaasi.”

Dadka ka ganacsada qodista caro kaawada, ayaa durbaba qaylo dhaan ka muujiyay saamayn ta uu amarkaasi ku yeelanaayo shaqadooda.

Cabey Macalin Xasan oo ka mid ah shacabka reer Mandheera, ayaa sheegay joojinta qodista caro kaawada in ay saamayn weyn ku yeelanayso dhismaha ka socda Degmada Mandheera.

Cabey oo la hadlay BBC, ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay saamayn ku yeelanayso dad ka muruqmaalka ah ee qodista caro kaawada ka shaqeeya iyo gaadiidleyda, caro kaawada keenta Mandheera…

KOOXO HUBEYSAN OO NIN KU TOOGTAY DEGMADA DHARKENLEY EE MAGAALADA MUQDISHO

Ninkaan oo lagu magacaabi jiray Saalax Carab ayaa lagu Dilay Degmada Dharkenley gaar aha an Jaayga Boosteejada Salaama, abaaro labo Saac iyo Shan iyo taban daqiiqo xili uu ku ma shquulsanaa qaadasha lacagaha uu baabuurta ku raro, sida ay sheegeen Goobjoogayaal.

Kooxaha Dilkaasi ka dambeeyay ayaa lagu soo waramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, iya doona aan la ogeyn sababta ka dambeysa Dilkiisa.

Ilaa iyo hada ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Dharkeenley oo ku aa dan Dilka Degmadaasi loogu geystay Marxuum Saalax Carab.

TALIYAHA CIIDAMADA DF EE DEGMADA BAARDHEERE OO LA XIRAY

Wararka aan ka heleyno degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in Cii damada Kenya ay ku xireen degmadaasi Taliye dowladda Federaalka Soomaaliya ay u Magacaawday Ciidamada degmadaasi.

Taliyaha la xiray ayaa lagu Magacaabaa Cabdicasiis Sheekh Xasan Aftaag , waxaana xarigiisa noo xaqiijiyay ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan degmada Baardheere.

Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyaa in ay gacan siiyaan Ciidamada Maamulka Jubbaland isla markaana siyaabo aan fiicneen ay kula macaamilaan Ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan Jubbooyinka iyo Gedo.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo hadda Saraakiisha Ciidamada Kenya ay ka soo saareen xariga Taliyahaasi Ciidamada Federaalka ee degmadaasi Baardheere ay kula dhaqaaqeen.

SAFIIRKA SOOMAALIYA EE CUMAAN OO LAGA GUDDOOMAY WARQADIHII AQOONSIGA SAFIIRNIMO ..

Suldaanka Saldanada Cumaan Suldaan Qaabuus Bin Siciid ayaa waraaqahii aqoonsiga Danjir enimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Cumaan Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano).

Safiirka ayaa ugu horreyn salaan sharaf kaga qaatay Qasriga Suldaanka Cutubyo ka tirsan Ciid anka Muusikada Dalka Cumaan, kadibna waxaa uu uga sii gudbay guddaha Qasriga weyn ee Sulda anka halkaas oo looga guddoomay Waraaqaha Aqoonsiga.

Intaa kadib, Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano waxa uu kulan gaar ah la qaatay Suldaan Qaabuus bin Siciid, isagoo u gudbiyay Salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaal iya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, sidoo kale Suldaanka ayaa Danjiraha ka codsaday in uu salaan taa lamid ah ka gaarsiiyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Kulankan gaarka ah ee Danjiraha iyo Suldaanka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo in ay dowladda Cumaan ee aan walaalaha nahay gacan ka geysato dib u dhiska Soomaaliya.

Munaasabaddan waxaa Danjiraha kala qeybgalay Taliyaha Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiy adaha Qaranka Mudane Cabdullahi Gaafow Maxamud, oo safar shaqo ku jooga Cumaan iyo Xoghay aha Koowaad ee Safaaradda Mudane Raage Cumar.

BRITISH LAGU EEDEEYAY ARGAGAXISANNIMO OO LAGU XUKUMAY SAGAAL SANO OO XABSI AH

Nin u dhashay dalka Britain oo lagu eedeeyay inuu weerarro ka qorsheynayay gobolka xeebta leh ee Kenya ayaa lagu xukumay xabsi sagaal sano ah.

Jermaine Grant, oo ka yimid London, ayaa lagu helay sagaal dambi oo la xiriira inuu isku dayay inuu si sharci darro ah ku qaato sharciga muwaadinnimada Kenya.

Ninkan ayaa la sheegay inuu muddada xabsigiisa ku qaadan doono xabsiga sida wayn loo ilaa liyo ee ku yaalla magaalada Mombasa ee lagu magacaabo Shimo la Tewa.

Grant ayaa la xiray sanadkii 2011 kaddib markii gurigiisa laga helay walxo isugu jira batariyeya al iyo walxo kiimiko ah.

UGANDA: MUSUQMAASUQA OO GAARAY MEEL SARE IYO MAS'UULIYIINTA XUKUUMADDA OO KA HADLAY

Wasiirka Anshaxa dalka Uganda, Simon Lokodo ayaa sheegay in meel sare uu dalka Uganda ka marayo musuqmaasuqa, isagoo sheegay inuu halakeeyay xukuumadda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

"Musuqmaasuqu wuxuu niyadjabiyay maalgashadayaashii shisheeyaha ahaa iyo kuwii dalka u dhashay,” ayuu yiri Simon, oo intas ku daray in dowladdu ay xoojin doonto tallaabooyinka ay kula dag aalamayso waxisdabamarinta.

Khuburo calaami ah ayaa sheegay in tallaabooyinka ay dolwadda Uganda kula dagalaamayso musuqa aysan ahayn kuwo ku filan in la ciribtiro dhibaatada uu dalkaas gelinayo lunsashada hantida dadweynaha.

Agaasimaha guud ee isbahaysiga ka hortagga musuqmaasuqa ee dalka Uganda, Cissy Kagaba ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Turkiga Anadolu in dalka Uganda uu dhaqan u lee yahay islaxisaabtan la’aanta.

Dowladda Uganda ayaa kaalinta 142aad ka gashay shaxda lasoo saaray 2014kii taasoo ku saa bsanayd heerka musuqmaasuqa waddamada Calaamka oo lagu sameeyay 200 oo waddan.

Maalgashadayaasha caalamiga ah ayaa markii ay tagaan waddanka Uganda si ay ugu samyet aan maalgashi waxaa la weydiiyaa lacago badan, taasoo ku keenta inay dib uga laabtaan dalkaas.

Sidoo kale, Simon Lokodo ayaa sheegay in dadka maalgashiga ku sameynaya Uganda la weyd iisto laaluus fara badan, isagoo yiri. "Kuwani waa cadowga dalka, waxay laaluush ka badan 30% weydiistaan dadka maalgashiga ku sameysanaya Uganda.”

"Tani waxay dhaawacaysaa ku dhaqanka sharciga. Waa in cid walba ay ilaalisaa sharciyada dalka iyo qorshayaasha lagu horumarinayo waddanka,” ayuu wasiirku ku daray hadalkiisa, isagoo she egay inaan laga guuleysan karin kuwa musuqa ku dhaqmaya haddii aan la isla xisaabtamin.

Dhanka kale, Lokodo ayaa intaas ku daray in Uganda ay soo mareen xaaladhii ugu xumaa ee musuqmaasuq, kaasoo ahaa in sannadkii 2012kii la lunsaday lacag gaaraysa 63.98milyan oo doollar oo ahayd deeq Uganda la siiyay.

Ugu dambeyn, hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo lagu wado in 09ka bishan Dece mber laga hadlo musuqmaasuqa caalamka ka dhaca; iyadoo ay Uganda isku dayayso inay dhinto hee rka musuqmaasuq ee dalkeeda ka jira.

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip