Kulliyada cilimiga bulshada iyo siyaasada ee Jaamacada SIU oo martigalisay aqoonyahan Dr Sadiiq Eenow

0
Wednesday December 02, 2015 - 19:19:49 in Wararka by
  • Visits: 1307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulliyada cilimiga bulshada iyo siyaasada ee Jaamacada SIU oo martigalisay aqoonyahan Dr Sadiiq Eenow

    Macalimiinta kulliyada, ardayda iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Maxamed Ismaaciil Cali (Dacwo) ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay aqonyahan Dr. Sadiiq Enow Kambaska kulliyada cilimiga bulshada iyo siyaasada ee ku taal wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Macalimiinta kulliyada, ardayda iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Maxamed Ismaaciil Cali (Dacwo) ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay aqonyahan Dr. Sadiiq Enow Kambaska kulliyada cilimiga bulshada iyo siyaasada ee ku taal wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan.

Dr, Sadiiq Eenow ayaa cinwaanka mowdiisu ahaa bilaabashdii cilmiga falsafada iyo maraaxiishii uu soo maray, raggii caanka ku ahaa iyo qaybtii ay ka qaadatay koritaanka cilmiga aadamaha, Dhiraan dhiris aad u xeel dheer oo ku saabsan sidii cilmigu u horamaray iyo ashkhaastii ka soo qayb qaatay ee isugu jiray muslimiin iyo kuwa kaleba

Dr. Sadiq ayaa ardayda ku booriyay inay xooga saaraan sidii ay si dhab ah wax uga baran laahayeen qaybna uga mid noqon lahaayeen mowjadaha cilmiga ee dunida manta ka socda.

"Cilmi kasta, teknoolojiyad kasta , fikrad kast oo maanta dunidaka jirta waxaa bilaabay shaqsi. Shakhsigaana wuxuu badanaa qayb ka ahaa jaamacadaha iyo goobaha wax lagu barto”ayuu yiri Dr. Sadiiq Eenow.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Maxamed Ismaaciil Cali Dacwo ayaa u mahad celiyay Dr. Sadiiq Eenow, waxaana uu kula taliyay ardayda inay muujiyaan dadaal adag.

"Dr. Sadiiq waa uu mahadsan yahay idinkana waxaa la idanka rabaa in aad muujisaan astaamihii arday bisil oo ay ka go’an tahay in uu guul ka gaaro waxbarashada”ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda SIU Maxamed Ismaaciil Cali Dacwo.

Jaamacadda SIU ayaa waxay si joogta ah u martigalisaa aqoonyahno, qorayaal iyo xeel dheerayaal waxbarasho si ay kor ugu qaado dhaqan waxbarasheedka ardayda jaamacadda.

2 (3) 3 (1) 4 (1)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip