
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 25-KA SABTEMBAR 2017-KA
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda C/qaadir Xaaji Axmed Kheyr oo wareysi sii yay laanta afka Soomaaliga ee BBCda ayaa sheegay in markii la qaadanayay go’aankaas dhinac wal ba laga eegay, isla markaana uu ahaa mid laga fiirsaday.
"Mar kasta markaad qaadaneysid go’aan siyaasadda Arrimaha dibadda waa in aad dhinac wal ba ka fiirisaa, Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha markii go’aankan ay qaadanayeen maku deg de gin, wuxuu ahaa go’aan ay ka fiirsadeen”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in go’aanka dowladda la soo saaray saddex maalin kaddib markii dowladaha khaliijka khilaafkooda soo baxay, isagoo xusay in wada tashi lagala sameeyay arrintan, xi taa qubaro siyaasiyiin, xildhibaano iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada lagala tasha day inta aan go’aanka la gaarin.
"Waa run Imaaraadka iyo Sacuudiga xiriiro soo jireen ayaa naga dhaxeeya iyo is weydaarsi ga nacsi, Soomaali badan ayaa ku nool oo Ganacsi ku leh, laakiin ma ahan in Soomaaliya la yiraahdo go’ aankan gaara ama waa naga soo horjeedaan, taas qof dhihi karta ma jirto Soomaaliya”ayuu yiri Wasi iru dowlaha Arrimaha Dibadda.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in go’aanka Soomaaliya gaartay aanu aheyn mid dowlad kale looga soo horjeedo ama dowlad kale lagu durayo, is
"Go’aanka Soomaaliya gaartay ma ahan mid dowlad looga soo horjeedo ama dowlad kale lagu durayo, Soomaaliya waxay qaadatay go’aan dan u ah umadda, sharafta iyo dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri.
Maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa dhowaan soo saaray qoraalo ay ku naqdinayaan go’a anka dhex dhexaadnimada ee dowladda Soomaaliya ka qaadatay xiisada Khaliijka, iyagoo sheegay in aan lagala tashan markii dowladda Soomaaliya ay go’aankan qaadaneysay.
Dowladda Soomaaliya ayaa xilligan wajahaya cadaadis siyaasadeed oo uga imaanaya Isba heysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, iyagoo adeegsanaya maamul goboleedyada dalka, si dowladda culeys loogu saaro inay Qatar xiriirka u jarto.
MADAXWEYNE XAAF”DIYAARADDII AAN LA SOCDAY WAXAA XANIBAY DOWLADDA FEDERAALKA”
Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo Shalay dib ugu laabtay Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug ayaa ka ha dlay Safarka uu dib ugu laabtay Magaalada Cadaado.
Madaxweyne Xaaf oo ka soo kicitimay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, ayaa diyaaradii uu saarnaa ay ka dejis ay magaalada Hargeysa, waxaana halkaas uu saacado ku ah aa Transit.
Madaxweyne Xaaf oo wariyeyaasha la hadlay markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha Cadaado ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya ay isku dayday inay carqaladeyso diyaaradii ka qaadi laheyd Hargeysa islamarkaana Mudo dhan Shan Saac uu halkaas ku Xarinaa.
Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Maamulka Galmudug kula jirto Dagaal aan ka la Golaheyn islamarkaana Talaabadaasi ku Micneeyay mid Dowladdu ay ku Cuuryaamineyso Galmud ug.
CIIDAMO GACANTA KU DHIGAY DOONI SIDAY QAAD IYO RAGGII WATAY
Guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo Taliyaha Ciidnaka Booliska, maamulaha Kastamka magaala da Berbera ayaa shalay ka warbxiiyay Howlgal Ciidamada Booliska gobolka ay habeen hore ku soo qabteen Dooni siday Qaad Kontoroban ahaan looga soo dejinayay xeebaha Galbeedka gobolka Saa xil.
Howlgalkan ay Ciidamada ku soo qabteen Qaadka ayaa waxaa laga keenay dalka Yemen, sida ay sheegeen masuuliyiinta gobolka, kadib hadal kooban oo shalay ay warbaahinta siiyeen.
Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Saaxil ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Doonidii Qaadka siday, laba gaari oo Qaadka sugeysay iyo Sideed nin oo howshan gacan ta kula jirtay.
Wuxuu kaloo sheegay Taliyaha in ay u digayaan dadka isku dayaya in xeebaha gobolka Saaxil ay Kontorobaan ka sameeyaan, taasina aysan suuragaleyn, maadaama uu sheegay Ciidamada in ay shaqeynayaan har iyi habeen.
Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka Saaxil ayaa sheegay in sharciga ay horgeyn doonaan dad ka Qaadka sida sharci darada ah uga soo dejinaya xeebaha Galbeedka gobolka Saaxil.
DFS OO QIRATAY IN DAAWOOYIN DHACAY LAGASOO DAJIYO DEKADDA..
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qirtay in daawooyin dhacay lagasoo dajiyo dekadda Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.
Wasiirka Wasaradda Caafimaadka ee Xukuumadda So omaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dawooyinka dhaca in laga soo dajiyo Dekadda Magaaladda Muqdisho, Isla markaana mas’uuliyadda arintaas ay leeyihiin Hay’adaha tur keyga ee gacanta ku haya Dekadda.
"Waa la soconaa in dawooyin dhacay in la keeno Dek adda magaaladda muqdisho,waxaa Dekadda gacanta ku haya hay’addo Turkyga laga leeyahay, Mu qdisho waxaad arkaysaa Pharmashiyaal lagu gudo daawooyin dhacay, ka wasaaradd ahaan waxaa shaqo ku leenahay Cuntooyinka iyo Daawooyinka laga soo dajiyo Dekaddda, waxaa ka shaqeyn doonaa sidii gacanta dowladda gacanta loogu soo celin lahaa Wax walba oo halkaas kasoo daga”, ayay tiri Fowsiyo Abiikar Nuur.
GARAAD:"DGOBOLEDYADA AWOOD UMA LAHAN HESHIIS INAY LA GALAAN DOWLADO KALE”..
Wasiirka Arrimaha Dibada Xukuumadda Federaalka Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ka qeyb galayay kulan Jaaliyadda Soomaliyeed ee dalka mareykanka ay soo qabanqaabisay islamarka ana su’aalo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay sida uu u arko go’aanada Maamul goboleedyadda dalka ka jira ay soo saareen mudooyinkii dambe ee ku aadanaa in ay xiriirka u jareen Dowladda Qatar.
Yusuuf Garaad ayaa sheegay in Dowladd goboleedyadda dalka ka jira aysan xaq u laheyn in ay ka hadlaan arrimaha dibada, taasina mar walba loogu dambeyn doono Xukuumadda federaalka Soomaliya.
"Dowladd Goboleed waa qeyb weyn oo wadanka kamid ah mas’uuliyadeeda ayay leeyihiin, madaxweynaha Maamul Goboleed iyo wasiiradda waxay leeyihiin awood iyo mas’uuliyad u gaar ah, laakin awoodooda iyo mas’uuliyadda kuma jirto in ay tagaan wadamada shisheeye ayna heshiis lasoo galaan”, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya Yuusuf Garaad.
YUWERI MUSAVENI”CIIDAMADA AMISOM MA AHAN SHAQAALE KA TIRSAN QM”
M/weynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa sheegay in ciidamada ka jooga jooga Soom aaliya ay aheyn kuwa u shaqeeya Q,M hase ahaatee ay yihiin ciidamo haya shaqo uu u dirsaday urur ka Midawga Africa.
`M/weyne Musaveni waxaa uu hadalkaan shaaciyay kadib markii uu magaalada New York ku shir gudoomiyay kulan ay ka qeyb galeen madax ka socotay wadamada ay ka socdaan ciidamada ku shaqeeya magaca AMISOM ee Soomaaliya ka hawlgala.
Shirkaas oo looga hadlay xoojinta awooda ciidamada iyo dar dar galinta dagaalka ka dhanka ah Xarakadda AlShabab ayaa M/weynaha Uganda waxaa uu sheegay in ciimada Soomaaliya ka joo ga ay yihiin kuwa haya shaqa uu ku tilmaamay Afrikaanimo ah hase ahaatee ay shaqaale u aheyn Q,M ama xataa dawlada Soomaaliya sida uu yiri.
"Shaqada ay ciidamadeenu Soomaaliya ka wadaan waa hawl Afrikaanimo ah oo aan ku caawi nayno Soomaalida ee ma nihin shaqaale Q,M” ayuu yiri M/weynaha Uganda.
Warbaahinta Uganda ayaa baahiyay in M/weyne Musavani uu u sheegay madaxdii ka qeyb ga shay shirkii ka dhacay magaalada New York in Q,M ay fududeyso hawlaha farsamo ee shaqada ciid amada AMISOM ku baxaya hase ahaatee loo baahanyahay in dawladaha ay ka socdaan ciidamada Soomaaliya in hawsha ciidamadu tahay mid loo qabanayo si Afrikaanimo ah.
Shirka uu hadalkaan ka sheegay M/weynaha Uganda waxaa ka qeyb galay madax ay ka mid ahaayeen R/wasaarayaasha Soomaaliya, Ethiopia iyo wakiilo wasiiro u badan oo matalayay dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM iyo taliyaal ciidan sida uu baahiyay wargayska Daily Monitor oo Uganda kasoo baxa.
Ciidamada AMISOM oo Soomaaliya ku jooga go’aanka Midawga Africa iyo ogolaanshaha Q,M ayaa waxaa dhanka farsamada ka taageero dawladaha deeqaha bixiya iyo Q,M.
DIYAARAD 40 SANNO KA HOR MUQDISHO LAGU SOO AFDUUBTAY OO DALKEEDA DIB LOOGU CELIYAY..
Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaarada Lufthansa ee laga leeyahay dalka Jarmalka oo Soo maaliya ayadoo afduub ahaan loo wato la keensaday sanadkii 1977 ayaa shalay la geeyay dalka Jarm alka waxaana laga qaaday dalka Brasil oo ay taalay.
Diyaaradaan oo ay koox Afduub ahaan u qabsadeen koox Falastiiniyiin ah ayaa 40 sanno ka hor laga bad baadshay kooxdii afduubatay bishii 18,kii bishii October sanadkii 1977 waxaana hawlgal kii lagu bad baadshay oo ay qeyb weyn ka qaateen ciidamadii gaarka ahaa ee Soomaaliya.
Diyaaradaan oo nooceedu yahay Boeing 737 ayaa markii la qafaalanayay waxay ka duushay magaalo ku taala dalka Spain waxaana ay ku socotay magaalada Frankfurt oo Jarmalka ku taala wa xaana kooxdii afduubatay oo Falastiiniyiin ahaa ay lasoo aadeen dhanka Soomaaliya waxaana ay kala soo degeen garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Diyaaradaan oo ay siday diyaarad kale oo weyn oo Rushka laga leeyahay ayaa daraad la geey ay Jarmalka waxaana loo qaaday madxafka Dornier halkasoo dadku u daawasho tagi doonaan.
Diyaaradaan 40 sanno ka hor ayadoo afduub ahaan loo wato Soomaaliya la keenay waxaana laga qaaday hadda dalka Brasil oo ay safarkeedii ugu dambeeyay ku tagtay kuna baaba’day.
Kooxdii qafaalatay diyaaradaas oo 4 ruux ka koobnaa waxaay ku dhinteen hawlgalkii diyaarad aan lagu furtay ee Muqdisho ka dhacay 40 sanno ka hor waxaana hawlgalkaas lagu bad baadshay 86 ruux oo rakaab ahaa.
Kooxdaas waxay dalbanayeen in lasii daayo dad ururkooda ka tirsanaa oo xirnaa.
Aribert Martin oo ka mid ahaa askar gaar ahaa oo dawladii xilligaas ee Jarmalku Muqdisho usoo dirtay si ay hawlgalkii bad baadada uga qeyb qaataan ayaa sheegay inay shalay u tahay maalin weyn maa daamo uu arkayo diyaarad uu bad baadshay 40 sanno ka hor.
Diyaaradaan oo kooxdii qafaalatay ay haysteen muddo 5 cisho waxay dileen mid ka mid ah duu liyaashii diyaaradda oo la oran jiray Jürgen Schumann.
Haraadiga diyaaradaan hadda kadib waa loo daawasho tagi doona oo waxay noqon doontaa taariikh isha lagu hayo.
GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KULAN LA QAATAY GUDIGII LOO XIL SAARAY GO’AANKII GOLAHA WASIIRADDA.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay gudi uu dhawaan u magacaabay in ay soo daraaseeyaan Go’aan ay qaateen Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Osman Jawaari ayaa Gudiga kula dardaarmay in ay howsha loo idmaday u gutaan si hufnaan iyo daacadn imo asagoo ku dhiira geliyey in ay dardar geliyaan Howshooda.
Dhanka kale Gudiga dhawaan la magacaabay ayaa Doortay gudoomiye , gudoomiye ku xigeen iyo xogheyn waxaana ay balan qaadeen in ay howsha loo xil saaray ay si wanaagsan usoo qiimeyn do onaan isla markaana warbixin lagu qanco ay kusoo celin doonaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed.
TALIYE KUXIGEENKII HORE EE CIIDAMADA SAADKA OO XALAY LAGU DILAY MUQDISHO ..
Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir Taliye kuxigeenkii hore Saadka ee Ciidamada xoogga dalka Jen. Cabdulle Quruurux,
Wararka ayaa sheegaya in Jeneraalka la dilay xilli uu ka soo baxay masaajid uu ku dukaday sal aadii cishaha.
Kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana la sheegay in marxuumka uu u dhin tay rasaas qeybaha sare ee jirkiisa looga dhiftay.
Dhinaca kale Weerar bambaano ayaa xalay lagu qaaday Ciidamo ku sugnaa agagaarka Buun dada Koowaad, halkaasoo lagu baaro gaadiidka.
Qaraxa bam ayaa waxaa daba socday rasaas ay rideen ciid ankii la weeraray, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro dhaawacyo soo gaaray askar ka tirsan ciidamada.
Ciidamada Xasilinta Caasimadda ayaa todobaadyadii u dambeeyay waday howl gallo lagu xaqiijinayo ammaanka, waxaa na habeenadii la soo dhaafay ciidamada howl gallo ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir.
SHIR AMNIGA KU SAABSAN OO MUQDISHO KA DHACAY..
Kulan looga hadlayay sugida amniga guud ahaan dalka Soomaaliya ayna ka qeybgaleen mas’ uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo diblomasiyiin caalami ah ayaa ka dhacay magaalada Muq disho.
Shirka wada wada jir u guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale iyo Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, waxaana goob joog ka ahaa tali yaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiin Daahir Siciid Saacid iyo wafuud ka socotay dowlad gobolleedyada dalka ka jira.
Waxyaabaha ugu muhiimsan oo shirkaasi la iskula soo hadal qaaday waxaa ka mid ahaa dhaq an gelinta qodobada la xiriira dhinac amniga dalka Soomaaliya, kuwaa oo ka soo baxay shirkii bishii May ee sanadkan ka dhacay magaalada London.
Wasiirka Amniga gudaha Maxamed Abukar Isloow Ducaale oo shirka furay ayaa sheegay in uu shirkaan daba socdo shirar hore oo ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka,kuwaa oo la xiriiray dhisma ha ciidamo Qaran oo isku dhaf ah, islamarkaana ciidamadu ay isku diyaariyaan sidii ammaanka dalka ay uga la wareegi lahaayeen AMISOM.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ay dhiseyso ciidamo isku dhaf ah oo awood leh si mustaqbalka dowladda Soomaaliya ugala wareegi karto howlgalka midowga Africa AMISOM na badgalyada guud ahaan dalka Soomaaliya.
ANGELA MERKEL OO MARKII AFARAAD OO ISKU XIGTA KU GUULEYSATAY DOORASHADA JARMALKA
Chancellor Angela Merkel ayaa markii afaraad oo isku xigta ku guuleysatay doorashada mada xtinimada dalkeeda sida ay sheegayaan natiijada doorashada ee la shaaciyay.
Boqolkiiba 32.5% ayaa waxaa helay xisbigeeda isbahaysiga muxaafidka ee CDU/CSU, xisbiga Social Democratic ayaa helay boqolkiiba 20% waxana hogaamiyaasha xisbigan ay sheegeen inay mu caarad noqon doonaan. Hase yeeshee natiijada ayaa noqotay mid lala yaabo kadib markii xisbiga AfD uu helay codad gaaraya 13.5%.
Iyadoo la hadlaysay taageerayaasheeda ayay Angela Merkel waxa ay sheegtay inay raj aynaysay inay codad intaa ka badan ay hesho.
Doorashada ayaa dalka Jarmalka ka bilaabatay Siddeedii subaxnimo ee shalay iyadoo soo xirantay lixdii maqribnimo xilliga dalka Jarmalka iyadoo dadka u soo baxay codeynta ay inyar ka yara ayeen doorashadii ugu dambeysay ee dhacday afar sano kahor. Angela Merkel ayaa waxaa dhisi doontaa dowlad isbahaysi taasoo diyaarinteeda ay qaadan karto bilooyin iyadoo xisbiyada kale aan la hubin inay doonayaan inay ka qeybgalaan dowlad wadaag ah.
Merkel ayaa muddo 12 sano ah waxa ay u ololaheeda doorashada ahayd mid ay ku galaysay inay hoos u dhigeyso shaqo la’aanta,kobcinta koriinshaha dhaqaalaha,miisaaniyad dheelitiran iyo xirii rka dibadda in sare loo qaado.Guushan ay gaartay haweeneydan 63jirka ah ayaa ka dhigeysa in ay la mid noqotay hogaamiyihii hore Helmut Kohl oo ahaa hogaamiyihii ugu waqtiga dheeraa ee soo maa mulayay dalka Jarmalka kadib dagaalkii 2aad ee dunida.
AFAR CARRUUR AH OO KU GEERIYOOTAY DAB QABSADAY GURIGOODA
Afar caruur oo isku qoys ah ayaa u geeriyooday dab ka kacay gurigii ay hurdeen ,isla markaana hooyadii dhashay caruurta uu dhaawac halis ahi ka soo gaadhay dabkaasi oo ay xaalad adag ugu jirto cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa.
Shilkan ayaa ka dhacay xaafadda Sheedaha ee degmadda Ibraahim Koodbeer ee waqooyiga Hargeysa, waxaanay ahayd wakhti habeen badh ah kuna beegan 3:20 Pm daqiiqo waxayna ahayd wakhti dadku wada hurdaan taas oo keentay in la arkay uun markii uu gurigii dambaska noqday.
Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Somaliland Axmed Maxamed Sawaaxili ayaa sheegay in hab sanka ciidanka Dabdamiska ka dhashay ka dib markii cidi ogaan wayday gubashadda guriga, maad aama oo xili dambe oo habeenimo oo la wada hurdo ahayd.
"wixii aanu ka qaban karaynay waanu ka qabanay, qadar alla lama baajin karin, dabkana waxa uu dhacay wakhti habeen badh ah 3:22 pm cidi noo soo sheegtay ma jirin marka sida na loogu soo sheego waxaanu usoo dhaqaaqna shan daqiiqoo mar walbana diyaar baanu ahayn marka habsa waxa keenay xidhiidh la’aantaasi”ayuu yidhi Sawaaxili.
Dhinaca kale, waxa la isku qabsaday cidda loo raacay khasaaraha nafta iyo maalkaba sab abay, waxaana markiiba qoyskii caruurtu ka dhimatay dacwad u gudbiyeen maxkamadda, iyagoo dusha ka saaray dhibaatadan shirkadda Laydhka.
NATIIJADDA SHIRKII DEG DEGA AHAA EE GOLAHA WASIIRADA XUKUUMADDA SOOMAALIYA
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaliya ee xalay shir ku yeeshay madaxtooyadda Soomal iya ayaan wax go’aano ah kasoo bixin, iyadoo markii Wasiirada isugu yimaadeen shirka laga hadlay ar rin caadi ah oo ku saabsan safarka Ra’iisul Wasaaraha ee New York.
Shirkan oo uu isugu yeeray isla markaana uu guddoominayay Ra’iisal wasaareku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ujeedkiisu ahaa in go’aan laga soosaaro xaaladda cakiran ee ka dhex taagan maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shirka ay hareeyeen doodo kulul oo ku saabsan xiriirka maamullada dalka iyo dowladda Federaalka Soomaliya , waxaana lagu waday inuu ka qeyb galo mad axweyne Farmaajo sida ka muuqatay ammaanka iyo qabanqaabada shirka, waxaase madaxweynaha uu mar dambe go’aansaday inuusan tegin shirka
Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in laga laabtay arrimo xasaasi ah oo shirka looga doodi la haa, sida xil ka qaadis iyo arrimo kale oo quseeya xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta, hase ahaa tee dib loo dhigay.
Dhowrkii Maalin aynu soo dhaafnay waxaa jirey mad madow siyaasadeed oo soo kala dhexg alay maamul goboleedyadda dalka ka jira iyo Dowladda Dhexe ee Soomaliya,iyadoo qaar kamid ah maaamul goboleedyadda ay kasoo horjeysteen go’aankii dhexdhaxaadnimadda Dowladda Federaalka Soomaliya ee xiisadda Khaliijka Carabta.
TRUMP OO BALAARIYAY XAYIRAADII DHANKA SAFARKA
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballaariyay amarkii uu dalkiisa uga mamnuu cay in ay soo galaan muwaadiniinta qaar ka mid ah dalalka Islaamka, isaga oo hadda ka dhigay side ed wadan.
Lixda wadan ee horay xayiraada dhanka safararka ah loo saaray ayaa waxa ay kala yihiin Iran, Liibiya, Suuriya, Suudaan, Yemen iyo Soomaaliya, waxaana laga saaray Suudaan, iyada oo lagu soo daray wadamada Waqooyiga Kuuriya, Chad, Venezuela,
Xayiraadda cusub ee socdaalka oo uu saaray Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxay dha qangaleysaa 18ka October.
"Madaxweyne ahaan, waa inaan u dhaq dhaqaaqaa ilaalinta amniga iyo danaha Mareykanka iyo dadkiisa, ilaalinta amniga waa mudnaanta koowaad, si taasi loo gaaro waa in uu yimaadaa isbe del.” Ayuu yiri Donald Trump oo hadal ka soo saaray.
Saraakiisha ayaa sheegay in dalalkani ay diideen inay Mareykanka la wadaagaan xogta ku saabsan argagixisada iyo arrimo kale.
Ku dhawaaqista go’aankan ayaa imanaysa xilli uu dhacayo 90ki maalmood ee uu madaxweyne Trump u qabtay amarkii uu muwaadiniinta lix wadan oo Muslim ah uga mamnuucay in ay Mareykanka galaan.
Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee loo soo gaabiyo (CAIR), ayaa wareegtadan cusub ee Trump ku tilmaamay qeyb ka mid ah ajandayaasha foosha xun ee kooxaha caddaanka ah ee rumeysan in ay ka sarreeyaan dadka intooda kale.
NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIY AAN
{SHEEKOTAXANE AH}
Q/77aad
Intaa ka bacdigeed waxaa uu mar qura uu la soo booday {HEESTII ABAADIROOW SOO URUURI CAANSHAQA OOHA Ooha} Hees: Olol reebka Caanshaqa Bi’iwaa adduunyadu olola ha galkacalkee uur Nimiri iiga galay abqada tallaabadaa anig oon itaal heyn.
Nafta oradda raacada waxay aamin igu tiri sow ma oran ilaal aan ku maqnaa ayaamahan,
Anna soow Ugubka iga Maqan Ii imaawee,
Anna sow Ugubka iga maqan Ii Imaawee
wali eedada raacdada sheekhii Alkumayoo soo Ururuuri Caanshaqa Ooha Ooha
Ooha Ooha .
heeskaas oo uu ku luuqeeyo Fannaanka weyn ee soomaaliy eed ee Xasan Aadan Samarat
ka dib c/qaadir iyo xul beella waxaay isula soo dhaqaaqeen hal kii uu gaarigii caasiha ahaa ee qaadi lahaa in yar ka dibna ga arigii ayey gudaha u soo galeen dabadeedna kursigii raaxee ye ahaa bey wada fariisteenin xoogaa ah markiieygaariga gu dihiisa eyku sheekeysteen ka dinba gaariga waxaa soo buuxi yey dhallinyaaradii gabdhaha u badnaa ee uu baskau u kireys naa,daqiiqado yar ka dibna Darawakii gaariga ayuu dhaqaaji yey in saacad ah ka dib intii gaariga la saanaa ayaa gaariga wu xuu darawakii gaariga joojiyey bosteejada dahabl aha xa mar weyne oo layiraado biyassa yaasiin, dhallinyaradii naqeyb wad dada ayey uga daadageen iyadoo qof walbana goobtii bartil maameedkiisa ahetd ayuu aaday maalintaa .
C/qaadir iyo xul beellana waxaay iskula soo jaanqaadeen go ob maqaayad ah si ey maalintaaugaqadeeyaan in daqaqiiq ado ah ka dibnamaqaayaddii ayey gudaha u galeen waxaayna wa da fariisteenm kuraas hareerahooda taalay wax yar ka dib waxaa miiska dushiisa loo soo saaray cabbitaanno iyagoo la weyd iiyey dalbkooda muddo gaabanka dibna waxaa loo soo dhigay qadadii dalabkooda ahaa taasoo ahetyd mid aad u he er sar eysa waxaayna isugu jirtay bast, hilbo dheyla ah oo dub an iyo qu daar kala nooc ah iyo cabbitaanno nafra raali geliya oo aad u qaboow misna lahaa dhadha aad u macaan {sharaab kaa noocii ugu danbeeyey}
in cabbaar ah ka dib waxaa laga fara xashay qadadii iydoo ka dib kabalyeerigii uu u keenay warqadda qaansheegta qada da ee baarka iyadoo si fuduud ay u dhiibeen lammaanayaa sha wixii qarash ahaa ee maqaayadda, qadada ka dib waxaay soo wada aadeen hoyga xul beela iyadoo ay xul beella soo dha weysay lammaanaheeda C/qadir iyadoo keentay bosteejada EXControol si ay gaari uga saarto in cabbaar yar ah ka dib go obta bosteejada ay taagnaayeen ayaa waxaa soo istaagay ga ari koostar ah C/qaadir gaarigii ay uu Gudaha u galay wuxuuna iska fariistay kursiga hore mu ddi ilbiriqsiyo ah ka dib iyagoo isu gacan haatinaya lmmaa nay aa sha is jeclaa ee C/qaadir iyo Xulbeella ayuu gaarigii dhaq aaq ay,
vShalay waa maalin Isniin ah waxaana ciyaaya diigii iyo shibirihii arooryaad gallad waxaa uu ka soo toosay sar iirtiisii waxuuna u soo dhaqaaqay dhanka suuliga si uu u soo xaajo guto,kolkii uu soo howl dhamyestay suuligana ka soo baxay inta uu u dhaqaaqay xagga tubadda biy aha uu bilaabay inuu weyseysto uu salaa dda subxeed oo uu alle ku lashaa dukado waana fuliyey isagoo sala adda ka dib u dhaqaaqay dhanka qo lkiisii fadhiga, mar kuu galay qolka ayuu waxaa uu fariis tay kursi shee ddii sa yaallay isagoo ka dibna qaatay buug jaceyl ah oo Miiska hortiisa yaalay dul saarnaa ayuu Aqris ugu dha qaaqay saacad ka dib maarkii uu aqrinaayey ayaa wal aashiis waris u keentay koffeegii uu subaxaacabbi lahaa markii uu cabbay ayaa waxaa loo kenay quraacdiisii maruu cunay waa uu fara xashay waxaana uu taleefoon uu u diray saaxiibkii C/qaadir waxaana wada sheekeysi goodii u dhacay sida tan:
Maalintaa waxaa hadalkii ku hor maray oo daah furay wiilkii ga lladahaa wuxuuna ku bilaabaysidan: marka hore saaxiib C/qaadir waan ku salaamayaa, salaan ka dib waan caafimaad qa baa 100%. Mida taas la mid ahina waan kuu rajeynayaa ……
LA SOCO ISNIINTA DANBE INSHA ALLAAH
W/QORAY C/QAADIR CABDULLE NUUR {QALBBI DAHAB}
TEL: 061845550
BOGGA CAYAARAHA
SABABTII DHABTA AHAYD EE MAN UNITED AY KOOXDA REAL MADRID UGA IIBISAY RUUD VAN NISTELROOY OO LA OGAADAY IYO CR7 OO SABAB U AHAA.
Waxaanu hore idiinku soo gudbinay qoraal uu Alastair Campbell ku shaaciyay sababtii ka danb aysay in Sir Alex Ferguson uu iska diiday sababtii uu Franck Ribery ugu soo biiri lahaa Manchester United laakiin markale Alastair Campbell oo hore u soo noqday madixii isgaadhsiinta raysal wasaarihii hore ee Britain ee Tony Blair ayaa shaaca ka qaaday sababtii dhabta ahayd ee ay Manchester United iskaga iibisay Ruud van Nistelrooy isaga oo ku qoray buugiisa ee uu Campbell xogaha badan ku ifti imiyay.
Real Madrid ayaa sanadkii 2006 kii Manchester United kala soo wareegtay Ruud van Nistelrooy laakiin sida uu Campbell ku qoray buugiisa waxaa sabab wayn ku lahaa Cristiano Ronaldo oo mark aas ka mid ahaa ciyaartoydii uu Sir Alex Ferguson muhiimada siinayay laakiin Ruud van Nistelrooy ayaa si xun ugu digtay isla markaana Ronaldo kaga cadhaysiiyay aabihii oo dhitay isla markaana si waali ah khambariga u cabi jiray.
Alastair Campbell ayaa xusay in xaaladii Ruud van Nistelrooy iyo Sir Alexi Ferguson u dhexay say ay sii xumaaday markii uu maalin Ronaldo u sheegay in uu helay aabo cusub isaga oo aabaha cusub ku tilmaamayay caawiyihii Sir Alex ee Carlos Queiroz si uu Ronaldo ugu duro aabihii oo dhintay isla markaana ahaa qof drugsku dishoodeen, taas oo Ronaldo si wayn uga cadhaysiisay, balse markii uu Sir Alex ogaaday ayuu Nistelrooy cadho kula dhacay wuxuuna u diray gurigiisa.
Alastair Campbell ayaa sheegay in markii danbe uu Ruud van Nistelrooy raali galin ka bixiyay wixii uu Ronaldo ku sameeyay balse xidiga ree Portugal ayaa aqbali waayay raali galintan taas oo ugu danbayn keentay in Ruud van Nistelrooy laga iibiyay Real Madrid.
Alastair Campbell oo buugiisa arintan ku qoray ayaa yidhi: ” Waxa uu isagu (Sir Alex) u arkayay isaga mid aad anaani u ah ama danayste ah. Arintii ugu danbaysay waxay ahayd markii isagu ( Nist elrooy) uu Cristiano Ronaldo u sheegay in uu helay aabe cusub oo ah Carlos Queiroz(Caawiyihii Ferg uson), waqti yar kadib markii uu aabaha Ronaldo dhintay kaas oo khamriyo cab ahaa”.
Alastair Campbell oo qoraalka buugiisa cusub sii wata ayaa ka hadlay jawaabtii uu bixiyay caa wiyihii Sir Alex Ferguson ee Carlos wuxuuna yidhi: "Carlos ayaa isaga ( Nistelrooy) ka dalbaday in uu ixtiraam muujiyo, isna waxa uu sheegay in aanu qof halkaas jooga ixtiraamayn. Kadib waxa uu xili da nbe raali galiyay Cristiano Ronaldo laakiin muu qaadan”.
Intaa kadib qoraaga buugan ee Campbell oo sidoo kale saaxiib dhaw la ahaa Sir Alex Fegru son ayaa qoraalkiisa kaga sii hadlay wixii uu Sir Alex sameeyay markii uu arintan maqlay wuxuuna yidhi: "Alex waxa uu Van Nistelrooy u diray guriga markii uu xili danbe maqlay arintan”.
Ugu danbayn Van Nistelrooy ayaa Ronaldo booska looga riixay sanadkii 2006 kii wuxuuna ku biiray Real Madrid isaga oo isla dhamaadkii xili ciyaareedkii ay arintani dhacday ka baxay Man United laakiin sanadkii 2009 kii Ronaldo iyo Van Nistelrooy ayaa markale Bernabeu ku midoobay markii uu Ronaldo ku soo biiray Los Blancos.
MESUT OZIL OO DOONAYA IN UU KU BIIRO MANCHESTER UNITED
Arsenal laacibka ka diiddan Qandaraas kordhinta ee Mezut Ozil ayaa rajo wanaagsan ka qaba in uu ku biiro kooxda Manchester United.
Waxay taasi la macno tahay in 28jirka Gunners ee booska dhexe uu dalab qarsoon ka helay macallin Jose Mourinho, kaasoo tababare ugu soo noqday kooxda Real Madrid.
Laacibka dalka Germany ayaa goostay in uu iska diido heshiis kordhin waxaana dhammaadka xagaagan uu aadi doonaa koox noqon karta Man Utd ama mid kale oo ka mid ah kooxaha dhaqaalaha fiican heysta.
Emirates laacibka ay isku kooxda ka yihiid ee Alexis Sanchez ayaa sidoo kale dhowaan waxaa soo baxay war sheegaya in Old Trafford uu aadi karo, wiilka xulka Chile ayaana la filayay horraan in uu ku biiro kooxda Manchester City marka la gaaro suuqa Janaayo.
Balse wargeyska Sunday Mirror Sport ayaa sheegaya hadda in Ozil la taliyeyaashiisu u sheege en in uu doorto Manchester United oo aad loogu boorrinayo in uu dhankeeda u dhaqaaqo
UEFA OO SHAACISAY DHAMAAN GARSOORKA DHEX DHEXAADIN DOONA KULAMADA CHAMPIONS LEAQUE EE TALAADADA LA CIYAARI DOONO.
Kooxaha Yurub ayaa markale dareenkooda ku soo jeedin doona tartanka xiisaha badan ee Cha mpions Leaque oo talaadada iyo arbacada la ciyaari doono kulamada labaad ee heerka Groupyada Champions Leaque. Kulamo xiiso badan ayaa jiri doona todobaadkan iyada oo kulamada ugu xiisaha badani ay dhex mari doonaan Borussia Dortmund iyo Real Madrid oo Germany ku balansan, Bayern Munich iyo PSG oo dhinac ah laakiin sidoo kale kooxaha waa wayn ayaa dhamaantood kulamo xiiso badan ciyaari doona.
Real Madrid ayaa booqan doonta kooxda Borussia Dortmund oo ay xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah isku group ku yihiin Champions Leaque iyada oo Tottenham iyo Real Madrid ay yihiin laba da kooxood ee soo guulaystay kulamadii kowaad. Dortmund ayaa dagaal wayn u gali doonta in ay sar re u soo qaado hamigeeda ah in ay groupkan ka soo bixi karto.
Kulanka Real Madrid iyo Dortmund ayaa loo doortay garsooraha ree Netherlands ee Björn Kuipers kaas oo hore u soo qabtay isla kulankii REal Madrid iyo Borussia Dortmund ay soo ciyaareen xili ciya areedkii 2012/13 markaas oo ay Dortmund 4-1 ku soo xasuuqday Real Madrid waana kulankii uu Rob ert Lewandowski afarta gool ka dhaliyay Los Blancos ee lugtii hore ee afar dhamaadka UCL.
Kulanka Liverpool iyo Spartak Moskva waxaa loo doortay garsooraha ree France ee Clément Turpin halka kulanka Manchester City iyo Shakhtar uu dhex dhexaadin doono garsooraha ree Port ugal ee Manuel de Sousa.
Haddaba Halkan kaga bogo dhamaan kulamada Talaadada La Ciyaari Doono Ee Champions Leaque, Garsoorayaasha Dhex Dhexaadin Doona iyo waliba Goobaha ay Kulamadani Ka Qabsoomi Doonaan.
Spartak Moskva – Liverpool FC
Garsoore: Clément Turpin (FRA)
Goobta Kulanka : Otkrytie Arena, Moscow (RUS)
Sevilla FC – NK Maribor
Garsoore: Alexey Kulbakov (BLR)
Goobta Kulanka :Ramón Sánchez-Pizjuán, Sevilla (ESP)
Manchester City FC – Shakhtar Donetsk
Garsoore: Manuel de Sousa (POR)
Goobta Kulanka :Etihad Stadium, Manchester (ENG)
SSC Napoli – Feyenoord
Garsoore: William Collum (SCO)
Goobta Kulanka : Stadio San Paolo, Naples (ITA)
AS Monaco – FC Porto
Garsoore:Slavko Vinčić (SVN)
Goobta Kulanka : Stade Louis II, Monaco (MON)
Beşiktaş J. K. – RB Leipzig
Garsoore: Sergei Karasev (RUS)
Goobta Kulanka : Beşiktaş Arena, Istanbul (TUR)
APOEL – Tottenham Hotspur
Garsoore: Pavel Královec (CZE)
Goobta Kulanka : GSP, Nicosia (CYP)
Borussia Dortmund – Real Madrid CF
Garsoore: Björn Kuipers (NED)
Goobta Kulanka : Signal Iduna Park, Dortmund (GER)
England - Premier League
Brighton & Hove Albion 1 - 0 Newcastle United
Italy - Serie A
Sampdoria 2 - 0 AC Milan Cagliari 0 - 2 ChievoVerona
Crotone 2 - 0 Benevento Hellas Verona 0 - 3 Lazio
Inter 1 - 0 Genoa Sassuolo 0 - 1 Bologna
Fiorentina 1 - 1 Atalanta
Spain - LaLiga Santander
Espanyol 4 - 1 Deportivo La Coruna
Getafe 4 - 0 Villarreal
Eibar 0 - 4 Celta Vigo
Las Palmas 0 - 2 Leganes
Real Sociedad 2 - 3 Valencia
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 25-KA SABTEMBAR 2017-KA
WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA OO FAAH FAAHIN KA BIXISAY GO'AANKA LAGA QAATAY XIISADA KHALIIJKA Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa markii u horeysay faah faahin ka bixisay go'a ankii dhex dhexaadnimada ahaa ee dowladda ka qaadatay