
Askari Gaadiidka lacago ka qaadi jiray oo Degmada Dharkiinleey lagu toogtay
Dilka ayaa wuxuu ka dhacay meel ku dhaw wadada Jaayga Degmada Dharkiinleey, gaar ahaan agagaarka Masaajidka Salaama ee Degmadaasi.
Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Saalax Carab, waxaana uu ahaa nin dhalinyaro ah oo gaadiidka Caasiga/Homy lacago Subax waliba ka qaadi jiray.
Raggii ka dambeeyay dilka Askarigaasi ayaa ka baxsaday goobta dilka ay ka geysteen oo markii dambe ay gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda Somaliya oo goobta ka qaaday meydka Askariga.
Ragga dilka geystay oo labo nin ahaayen ayaa waxa ay wateen Bistoolado, waxaana ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen Askarigaasi ciidamada Dowladda ka tirsanaa.
Amniyaadka Shabaab ayaa beegsada Askarta iyo masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya ee Magaalada Muqdisho ku sugan.
Maamulka Degmada Dharkiinleey weli kama aysan hadlin Dilka Askarigaasi iyo hadii ay jiraan dad loo soo qab qabtay dilkiisa.
xigasho:-dhacdo.com


0 



Askari Gaadiidka lacago ka qaadi jiray oo Degmada Dharkiinleey lagu toogtay
Kooxo hubaysan ayaa saaka Degmada Dharkiinleey ee Magaalada Muqdisho, waxa ay ku dileen Askari ka tirsanaa ciidamada Dowladda oo Subax waliba gaadiidka lacago ka qaadi jiray.