Ra'iisal Wasaare Sharmaarke oo bogaadiyay Madaxda Galmudug & Puntland (SAWIRRO)

0
Wednesday December 02, 2015 - 18:55:04 in Wararka by
  • Visits: 714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaare Sharmaarke oo bogaadiyay Madaxda Galmudug & Puntland (SAWIRRO)

    Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo dadaal badan ku bixiyay, sidii lagu qaboojin lahaa xiisaddii dhawaan ku soo korortay Magaalada Gaalkacyo, ayaa bogaadin u jeediyay Madaxda Puntland & Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo dadaal badan ku bixiyay, sidii lagu qaboojin lahaa xiisaddii dhawaan ku soo korortay Magaalada Gaalkacyo, ayaa bogaadin u jeediyay Madaxda Puntland & Galmudug. Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Galmudug, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa maanta saxiixay heshiiskii Gaalkacyo, ka dib markii ay kulan fool ka fool ah ku yeesheen Garoonka Gaalkacyo.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya oo shirkaasi ka hadlaayay, ayaa ammaanay go’aanka ay qaateen labada hogaamiye, si loo badbaadiyo dhiigga shacabka wada degga Magaaladaasi.

Ra’iisal Wasaaraha, ayaa Gaalkacyo ku tilmaamay mid halbowle u ah xasiloonida dalka, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyay in heshiiskani uu dhameystir u noqdo, is faham-waa uu sheegay inuu jiro.

"Gaalkacyo waxay halbowle u tahay nabadda iyo xasiloonida dalka, waxaana rajeynayaa in heshiiskani uu hormuud u noqdo dhameystirka is fahmi waaga jira, waxaana ku adkeynayaa hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug inay illaaliyaan.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Sharmaarke.

Shacabka reer Gaalkacyo, ayaa waxay si weyn u soo dhaweeyen in labada dhinac ay isugu yimaadaan shir fool ka fool ah, iyadoo ay markaasi wada xalinayaan xiisaddii Gaalkacyo ku soo korortay daba-yaaqada bishii hore ee November.

GalkacyoGalkacyo1Galkacyo2Galkacyo3Galkacyo4Galkacyo5Galkacyo7Galkacyo8





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip