Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug oo heshiis rasmi ah ku kala saxiixday Gaalkacyo

0
Wednesday December 02, 2015 - 18:27:41 in Wararka by
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug oo heshiis rasmi ah ku kala saxiixday Gaalkacyo

    Gaalkacyo, December 2, 25------Hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta heshiis rasmi ah ka gaaray colaadii ka aloosneyd magaalada Gaalkacyo, waxaana heshiiskani goob joog k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaalkacyo, December 2, 25------Hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta heshiis rasmi ah ka gaaray colaadii ka aloosneyd magaalada Gaalkacyo, waxaana heshiiskani goob joog ka ahaa Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke, madaxweyne-yaasha Koofur Galbeed Shariif Xasan Aadan, iyo Jubbaland Axmad Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, xildhibaano, nabadoono, iyo mas'uuliyiin mataleysay beesha caalamka.
Munaasabad ka dhacday garoonka Gaalkacyo ayaa waxaa si fool ka fool ah isugu soo hor fariistay labada hogaamiye, waxayna qalinka ku duugeen heshiis ka kooban afar qodob.

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid oo goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug sida ay ugu hogaansameen qodobada heshiiska, waxa uuna xusay in heshiiskani uu hormuud u noqdo nabad iyo isfaham dhex mara maamulada deriska ah.

"Gaalkacyo waxay halbowle u tahay nabadda iyo xasiloonida dalka, waxaana rajeynayaa in heshiiskani uu hormuud u noqdo dhameystirka is fahmi waaga jira, waxaana ku adkeynayaa hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug inay illaaliyaan" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabadda.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo munaasabada ka hadlay ayaa xusay in dhankooda ay dhaqangelinayaan, isla markaana rajeynayaa in dagaal iyo dhibaato intaas looga gudbo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna dhankiisa sheegay in Galmudug ay dhankooda dhaqangelinayaan, ayna illaalinayaan qodobada heshiiska.

Ugu dambeyntiina, waxaa loo mahadceliyay Madaxweyneyaasha Koofur Galbeed iyo Jubbaland, oo iyagu maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gobolada dhexe, si loo baajiyo dhiiga iyo colaada Gaalkacyo.

----DHAMMAAD----

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka


Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

1
6
8
10
9
4
5
12
11



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip