Kenya oo amartay in la xiro dhulka caro kaawada laga qodo ee Mandheera, maanta oo kale ayaa la weeraray

0
Wednesday December 02, 2015 - 11:58:23 in Wararka by
  • Visits: 1019
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo amartay in la xiro dhulka caro kaawada laga qodo ee Mandheera, maanta oo kale ayaa la weeraray

    Guddiga amniga ee Degmada Mandheera, ayaa soo rogay awaamiir lagu joojinaayo qodista caro kaawada ee deegaanada hoos-tagga Degmada Mandheera, oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga amniga ee Degmada Mandheera, ayaa soo rogay awaamiir lagu joojinaayo qodista caro kaawada ee deegaanada hoos-tagga Degmada Mandheera, oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari Kenya. Maanta oo kale weerar xoogan oo ka dhacay deegaan caro kaawada laga qado oo ku yaala duleedka Degmada Mandheera, ayaa waxaa lagu dilay tobonaan qof oo aan Muslim ahayn. Masuuliyadda weerarkaasi waxaa sheegtay Ururka Al Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Booliska Degmada Mandheera, Job Boronjo, ayaa wuxuu xaqiijiyay in guddiga amniga ee Degmadaasi, ay isku waafaqayn in la joojiyo dhulka caro kaawada laga qado, sida uu yiri.

"Waxaanu isla garanay, haddii aanu nahay masuuliyiinta dhinaca ammaanka ee deegaankani in la joojiyo shaqada ay hayaan shacabka ka shaqeeya qodista caro kaawada, maadaama ay shaqadoodu adag tahay, oo ay shaqeeyaan saacado badan, ayna dhegxaanta soo bixiyaan. Waxaa haboon inay helaan fursad ay reerahoodu ku aadaan, waqtina ay qoysaskoodu la qaataan xilligan la gelaayo fasaxa ciidda masiixiyiinta.” Ayuu yiri Taliyaha.

Kenya

Boronjo oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa yiri "Bisha January ee sanadka 2016-ka, ayay shaqadoodu dib ugu soo laaban karaan. Maanan u xirin arrin la xiriirta weerarkii sanadkii hore halkaasi lagu qaaday mid lamid ah. Mandheera waa deegaan nabad ah, mana hayno illaa iyo haataan, wax xog ah oo dhinaca sirdoonka ah, oo ku saabsan in weerar uu ku soo fool leeyahay shaqaalahaasi.”

Dadka ka ganacsada qodista caro kaawada, ayaa durbaba qaylo dhaan ka muujiyay saamaynta uu amarkaasi ku yeelanaayo shaqadooda.

Cabey Macalin Xasan oo ka mid ah shacabka reer Mandheera, ayaa sheegay joojinta qodista caro kaawada in ay saamayn weyn ku yeelanayso dhismaha ka socda Degmada Mandheera.

Cabey oo la hadlay BBC, ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay saamayn ku yeelanayso dadka muruq-maalka ah ee qodista caro kaawada ka shaqeeya iyo gaadiidleyda, caro kaawada keenta Mandheera.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip