
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 21-KA SABTEMBAR 2017-KA
Qoraal ka soo baxay Xoghayaha Guud ee Qaramada Mido obey Antonio Guterres ayaa sheegay in afar dal oo ay ka mid tahay Soomaaliya ay lumiyeen inay sanadkan cod ku yeesh aan shirka, iya doo dalalkaas ay ku jirto Soomaaliya.
Danjire Abuukar Baalle ayaa sheegay inay jirto lacago lagu leeyahay Soomaaliya, isagoo tilmaam ay in 15kii la soo dhaafay ay lacagtaas taagneyd, isagoo xusay inay isku dayayaan in lacagtaas ay bixiy aan.
Waxaa uu beeniyay in loo diiday in Soomaaliya shirka golaha loo dhan yahay ka hadlaan ama cod eeyaan, isagoo xusay in aanay jirin haba yaraatee xubinimo ay ku weyn karaan lacagta lagu leeyahay darteed.
"Waxba kama jiro, inaan xubinimada weyneyno ama in naloo diiday fadhiga, waxaa jirta lacago la gu leeyahay oo gaaraya hal milyan iyo afar boqol kun, waxaa ku jirnaa habkii aan lacagtaas ku bixin lahe yn, 15kii sano ee la soo dhaafay waa jirtay lacagtaas, waxaa ka shaqeyneynaa in sanadkan dambe laca gtaas lagu bixiyo oo aanay mar dambe soo bixi doonin”ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle oo la hadlayay Idaacada VOA.
Danjiraha ayaa sheegay inay sannad walba codsanayeen in dib loo dhigo bixinta lacagtaas, san nadkanna ay sidaas sameeyeen.
Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka qeyb galaya shirka 72aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.
DIGNIIN LOO JEEDIYAY QAAR KA MID AH XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa dign iin u jeediyay Xildhibaanada ku maqan dalka dibadiisa kuwaas oo qaarkood Safar dibadda ah u raacay Ra’Iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Prof Jawaari ayaa sheegay in aan mar danbe la ogolaan doonin in xildhibaanada ay dibadda iska aadaan fasax la’aan waxaana kuwa maqan laga dalbaday in ay dib u soo laabtaan Islamarkaana aysan dhicin in ay mar danbe baxaan Fasax la’aan.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Xubnaha shaqada aadaya ama dane kale u baxaya ay ku wargiliy aan Gudoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaasha Gudiyada ay ka tirsan yihiin iyo Gudiga Hab dho wrka Baarlamaanka Golaha Shacabka.
Hadalka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay dalka ka maqan yihiin Xildhibaano badan kuwaas oo qaarkood raacay Ra’iisal Wasaaraha Xukumada Soomaaliya.
GABAR ISKA TUURTAY HOTEL KU YAALLA MAGAALADA MUQDISHO!!!
Gabar dhalinyarro ah ayaa dhaawac culus soo gaaray kadib markii ay iska tuurtay dhisme Hotel kuyaala agagaarka Baar Ubax, degmada Howlwadaag.
Sida ay sheegayaan wararka arrintan oo ka dhacay Hotel Nasiye ee xaafadda Baar Ubax ayaa la sheegay in Gabadha ay hotelka la joogtay muddo saddex cisho ah nin sheegtay in uu qabo, kadibna ay shalay falkan ku dhaqaaqday xilli uu quraac doontay.
Dhismaha ay iska soo tuurtay gabadha oo ka koobnaa Saddex Dabaq ayaakeenay inay haween eyda ka jabto qoorta, isla markaana burbur kasoo gaaro wejiga iyo ilkaha.
Ciidamada Booliska H/wadaag ayaa tegay goobta falku ka dhacay, waxayna soo xireen ninkii la joogay gabadha oo lagu xiray saldhigga degmada Howlwadaag.
Warar ayaa sheegaya in gabadha oo da’deedu ka yar tahay 20sano jir ay ku jirtay xaalad isku bu uq ah oo aan la sheegin waxa sababay.
ALSHABAAB OO SHEEGTAY DILKA SARKAAL KA SHAQEYNAYAY GAROONKA MUQDISHO
`Xarakada Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax gaari loogu xiray sarkaal ka shaqeyn ayay garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho oo shalayy ka dhacay Nawaaxiga isgoyska Xaa fadda Maanabooliyo dhinaca degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.
Alshabaab waxa ay sheegeen in Cumar Abuu Shiine uu kamid ahaa saraakiisha Dowladda Soom aliya ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho islamarkaana uuna ka shaqeynayay dhagarta Xarakada Alshabaab.
Waxay sidoo kale Alshabaab ay sheegeen in qaraxa gaariga lagu xirey ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab oo ka howlgala Magaaladda Muqdisho, islmarkaana ay sii kordhin doonaa weerar ada noocaan oo kala ah.
Dhanka kale Saraakiisha Dowladda Soomaliya ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan siduu u dhacay qaraxii shalayy lagu qaarijiyay Cumar Abuu Shiine uu kamid ahaa sarakiisha Dowladda Soomaliya ee ka howlgala garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho.
SIRDOONKA KENYA ” ALSHABAAB WAA QATARTA UGU WEYN EE AMAANKA KENYA”
Heey’adda Sirdoonka Kenya ayaa sheegtay in Alsshabaab ay yihiin Qatarta ugu weeyn ee uu wa jahayo Amaanka Qaranka Kenya.
Kulan uu la yeeshay Xillibaano ka Tirsan Baarlamaanka Kenya ayuu agasime ku xigeenka sird oonka Kenya Alexander Muteshi u sheeegay in Qatar Badan ay ka jirto Afar Gobol ee xuduudda ku yaa la ee Mandera, Wajir, Garissa iyo Lamu.
"Waxa hanjabaadda Halis ka dhigaya waa in ay beegsanayaan Kaniisadaha, Suuqyadda, Iskuu ladda iyo meelaha kale ee Dadweeynaha” ayuu Mudaneyaasha Baarlamaanka u sheegay Alexander Muteshi
Waxa uu sheegay in sirdoonku uu abuuray adkeeysi loo maray dhalinyaraddda oo wax labaray.
Agaasime ku xigeenka Sirdoonka Kenya waxaa Hoosta ka xariiqay in Markii horeba Kenya ay la dalaadhaceeysay in ka badan 200 oo dhagaalame yaal ka tirsan Alshabaab kuwaas oo Wadanka Kenya dib ugu labtay Deegaanadda Xeebta Bari ee Wadankaasna ay Galeen kuwaas oo beegsada Dadka Ray idka ah ah iyo Ciidamadda booliiska.
Warkaan oo uu daabacay Daily nation ayey Sirdoonka Kenya ku muujiyeen Heerka ay la egtahay Qatarka ka imaaneeysa Alshabaab ee ay wajahayaan Dadka Kenya gaar ahaan Dadka ku nool Gobolad da xuduudda ku yaalla.
Sirdoonka Kenya oo kaashanaya qaybaha kala duwan ee Ciidamadda Amaanka ayaa ku dadaal aya in ay iska caabiyaan Howlgaladda Alshabaab ay Wadankaasi ka fuliyaan.
Wixii ka dambeeyay markii Alshabaab ay Qorteen tiro badan oo Muwaadiniin Kenyan ah waxaa u suurta gashay in ay kordhiyaan Weeradda Kenya Gudaheeda ay ka fulinayaan.
Gobolka Lamu oo ay ku Taalo kaynta ay Alshabaab ku dhuuntaan ee Kenya ayaa Martigaliyay Weeradda ugu Badan ee Kenya, sidoo kale Kenya ayaa Gobolkaas ka howl galisay Ciidamo Military ah oo loogu tallo galay in ay Alshabaab kaynta kula Dagaalamaan.
XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA OO U YEERAY WASIIRO KA TIRSAN XUKUMADDA SOOMAALIYA.
Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo goordhaw ku soo gabagaboobay magaa lada Muqdisho ayaa loogu yeeray 3 Wasiir oo ka tirsan Xukumadda Ra’iisal Wasaare Kheyrre kuwaas oo laga doonayo in ay hor yimaadaan kulankooda ugu soo horeeyo.
Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa gabagabada kulanka sheegay in maalinta Sabtida ee Tod obaadka soo socda Xarunta golaha Shacabka looga bahanyahay Wasiirka Warfaafinta Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan "Yariisow” Wasiirka Cadaalada Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji iyo Wasiirka Wasaara dda Caafimaad Fowsiyo Abiikar Nuur.
Goluhu waxa ay sheegeen in la weydiin doono su’aalo ku saabsan shaqadooda hadii ay imaan waayana ay Golaha Shacabka Sharciga la tiigsan doonaan.
MOBILKA ‘FRANK’ KU IIBSO QIIMA JABAN: WIIL SOMALI AH OO SOO SAARAY TALEEFAN CASRI AH
17sano jir Soomali Kanadiyan ah ayaa sameeyay taleefoon casri ah ka dib markii hooyadii ay u awoodi weyday in ay u iibiso taleefankii uu doonayay ,waxaana dadaal dheer ka dib u suurtagashay in meel hoose uu ka bilaabo farsamaynta mobilkiisa.
Wiilkan yar oo lagu magacaabo Maxamed Cumar ayaa hormarinta taleefankiisa oo lagu maga caabo ‘Frank’ bilaabay isaga oo kaashanaya saaxibkiis Fahad Alhatab oo 25 sano jir ah, waxaana talee fankan cusub oo lagu iibinayo qiime dhan 180 dollar si weyn looga hadal hayaa suuqyada caalamka ga ar ahaan Afrika.
Taleefankan cusub ayaa leh kaamiro 16 Megapixel ah ,shaashad 5.5 inch ah iyo 4GB oo ramka maskaxda ah ,iyada oo taasi ay sii dheertahay adeega suulka oo qofka u suurtagalinaysa in cid kale ay san taleefankiisa adeegsan karin bilaaa amar.
"Waxa uu leeyahay adeeg kasta oo aad ka heli lahayd taleefanada caadiga ah ,qiimahiisana aad uma sareeyo " ayuu yiri Cumar oo la hadlay BBCda ,isla markaana sheegay in taleefankiisa uu noqon doono kii ugu casrinaa taarikhda cusub oo laga isticmaalo gudaha Canada mustaqbalka dhow.
Cumar xiligan la joogo ma gali karo heshiisyo ganacsi oo waa weyn sababo la xiriira da’diisa oo ah mid aad u yar ,waxaana heshiisyada sharciga u saxiixi karta hooyadii si uu horumarin ugu sameeyo shirkaddiisa cusub.
"Waxaan eegi jiray waxyaabaha ay ka samaysanyihiin taleefanada in badan , daacaddiina taleef anadu kama samaysna waxyaabo ad adag " ayuu yiri Cumar oo sheegay in tan iyo yaraantiisa uu jeclaa tiknoolajiyadda casriga ah.
Waxa uu sheegay in ka dib markii uu qiimayn ku sameeyay aaladaha uu taleefanka ka koobany ahay iyo qiimaha taleefanka laga siiyo suuqyada in taasi ay tahay mid xad ka bax ah , isla markaana shirkadaha taleefanada iibiya ay qiimo laga badbadiyay siiyaan taleefanada ay suuqyada keenaan.
"Tani waa wax caqli ka bax ah ,waxaana go’aansaday in aan soo saaro taleefan casri ah oo jooga qiima ka hooseeya kuwa shirkadaha kale " ayuu mar kale yiri Cumar oo tilmaamay in shirkadaha waa we yn ay macaamiishooda dibindaabyaynayaan.
Ugu danbayn, waqooyiga Ameerica ayaa noqon doonto suuqa ugu weyn ee taleefanka casriga ah ee Frank ,waxaan uu tartan la gali doono shirkadaha caanka ah ee dunida ka jira ,iyada oo sida Cumar uu sheegay ay howshan ku dhiiragaliyeen labadiisa waalid.
DOWLADDA OO SOO BANDHIGTAY QALABKA HAWADA SOOMAALIYA LAGU MAAMULAYO
27sano, kadib markii ugu horeysay ayay Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegtay Ma amulka hawada Soomaaliya, waxaana ay soo bandhigtay qalabkii loogu tala galay in lagu maamulo haw adda Soomaaliya.
Xaflad Kooban oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay qalabkaasi oo mu hiim ah Bulshadda Soomaaliyeed ,islamarkaana lagu hagi doono diyaaradaha maraya Hawadda Soo maaliya.
Maxamed C/laahi Oomaar oo ah Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Xukuumadda Federalka ayaa sheegay in qalabkaan cusub ay yihiin kuwa muhiim ah oo soo gudbinaya xaaladda hawada Soomaaliya.
MADAXWEYNAHA UGANDA OO KU BAAQAY XOOJINTA DAGAALKA ALSHABAAB
Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni oo khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in la xoojiyo dagaalka ka dhan ka ah Ururka Alshabaab.
Waxaa uu sheegay in bilihii lasoo dhaafay xoojiyeen Weerarada ay ku qaadayaan saldhigyadda Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobey laga doonaayo xoojin taageeradooda ka dhanka ah dagaalka AlShabaab.
Waxaa uu Xusay in ciidamo badan oo ka socda ay dowladda Uganda in ay ku sugan yihiin Sooma aliya,islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan dagaalka AlShabaab.
Yuweri Museveni ayaa walaac xooggan ka muujiyay taageero xumida beesha caalamka ee hawl galka ka dhanka ah Ururka Alshabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.
Gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamo badan oo kasocda dowladda Uganda ,kuwaa soo qeyb ka ah howlgalka lagu dagaalamaayo dagaalyahanada AlShabaab.
HOGAAMIYAHA MYANMAR OO CAMBAARAYN KALA KULANTAY KHUDBADEEDII ROHINGYA
Hogaamiyaha Myanmar Aung San Suu Kyi ayaa wajahaysa cadaadis xoogan oo ku saabsan qa abka ay ula tacaashay rabshadaha ka socda gobolka Rakhine iyo dhibaatada haysta qaxootiga Rohi ngya.
Khudbad ay jeedisay talaadadii ayaa hogaamiyaha Myanmar waxa ay canbaaraysay ku tuma shada xuquuqda aadanaha ,balse kuma aysan eedeeyn ciidamada islamarkana kama aysan hadlin eede eynta ah isir sifeyn.
Hogaamiyayaasha iyo dublamaasiyiinta dhowr dal ayaa muujiyay sida ay uga niyad jabeen mow qifkeeda.
In ka badan 400,000 oo ah dadka Rohingya ayaa u qaxay dalka Bangladesh tan iyo dabayaaqadii bishii August.
Xasilooni daradan iyo rabshadahan ugu danbeeyay ee ka taagan gobolka Rakhine ayaa waxa sii huriyay weeraro lagu qaaday saldhigyo ay booliiska leeyihiin.
Dowlada Myanmar ayaa weeraradan ku eedeeysay Jabhadda ,Arakan Rohingya Salvation Army (Arsa).
Howlgalaa militariga ayaa la sheegay in ay dad ku dhinteen islamarkana waxaa jira eedeeyn ku saabsan in tuulooyiinka Rohingya la gubay.
Qaxootiga Rohingya ee Bangladesh ku u qaxay
Dadka Rohingya, oo ah intooda badan Muslimiin laga tira badan yahay ayaa waxa ay dowlada My anmar u diiday in ay siiso dhalashada dalkaasi.
Dowlada Myanmar ayaa sheegtay in dadka Rohingya ay asal ahaan ka soo hijroodeen dalka Ban galadesh,waxa ayna ugu yeeraan Muslimiinta Bengali.
Khudbad ay u jeedisay baarlamaanka dalkaasi ayay Ms Suu Kyi waxa ay ku sheegtay in tan iyo 5 september aysan jirin wax isku dhacyo ah oo ka dhacay gobolka Rakhine.
MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO SI ADAG UGA HADLAY DILALKA KA DHACAYA M/MUQDISHO
Kulankii todobaadlaha ahaa ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa daraad waxaa lagu qabtay Xa runta Maamulka Gobolka Banaadir ee visha Governo.
Kulanka ayaa waxa shir gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed waxaana Goobjoog ka ahaa dhamaan gudoomiyayaasha degmooyinka Gobol kaan Banaadir.
Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay falalka la xiriira amnidarada ee todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay Gudaha Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Cabdi fitaax Cumar Xalane oo kulanka faah faahin ka bixiyay ayaa sheegay in la isla gartay amniga in uu noqdo Shaqada Koowaad ee la qabanayo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in gudoomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir lagu amray in ay qeyb ka noqdaan sugida amniga gobolka Banaadir.
WASAARADDA KALLUUMEYSIGA IYO KHEYRAADKA BADDA PUNTLAND OO MAMNUUCDAY QABASHADA LIBAAXBADEEDKA
Wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda dowladda Puntland ayaa shalay soo saartay amar ay ku mamnuucayso qabashada Libaaxa indhobuurka iyo isticmaalka shabaagta caaga ah.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa warbaahinta shalay u qeybiyey digreeto ay ku mamnuucayaan Libaaxbadeedka ,waxayna u qorneyd qaabkan Hoose:
Ku: dhammaan shirkadaha qalabka kalluumeysiga.
Ku:Dhammaan dalladaha iyo ururada kalluumeysiga.
Ku: Taliska ciidanka boliiska Puntland.
Ku: Ciidanka badda Puntland.
Ku: Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.
Ku: Wasaaradda Dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland.
Ku: Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland.
Og: Wasiiru dowlaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.
Og: Wasiir ku xigeenka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.
Og: Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.
Og: Madaxweynaha Puntland.
Ujeedo dhaqan geiinta xeer madaxweyne (mamnuucid shabaagaha caaga ah)
Munayaal sida ku cad xeerka madaxweynaha Lr.70 ee soo baxay bishii Juun 2014, waxaa la mamnuucay shabaagaha caaga ah soo dejintooda, ka ganacsigooda, isticmaalkooda iyo adeegsigooda qalab ahaan ama hab ahaan badaha Puntland.
Hadaba waxaa la idin farayaa in aad dhaqan gelisaan xeerka madaxweynaha hadda wixii ka dambee yana ay tahay dambi in la soo dejiyo, laga ganacsado, la isticmaalo ama la adeegsado shabaagaha caaga ah gudaha Puntland.
Sidoo kale qofna ma sameyn karo ganacsi ahaanna uma keeni karo qalab iyo gaadiid kalluumeysi ayna oggolaan dalabkiisa iyo naqshadiisa wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda sida ku cad qodobka 72aad ee xeerka kalluumeysiga Puntland Lr. 12 ee soo baxay bishii desember ee 2011.
Ciddii ka hortimaada xeerkaasi waxaa la marin doonaa sharciyada u dhigan dalka, gaar ahaan kuwa khuseeya ku xadgudubka shuruucda kalluumeysiga.
Sidoo kale wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland ayaa soo saartay war eegto lagu mamnuucayo kalluumeysiga Libaaxa indhobuurka.
Ku: Shirkadaha kallumeysiga.
Ku: Ururada kalluumeysiga ee ee heer degmo
Ku: Maamulada gobolada iyo degmooyinka.
Ku: Laamaha amniga Puntland.
Ku: Wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Puntland.
Ku: Wasaaradda duulista hawada iyo garoomada.
Ku: Wasaaradda maaliyadda.
Ku:Wasaaradda ganacsiga.
Og: Wasiir ku xigeenka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Pun tland.
Og: Agaasimaha guud ee wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyr aadka badda Puntland.
Og: Madaxweynaha Puntland.
Ujeedo xirmo xiliyeed kaluumeysiga libaaxa indhbuurka.
Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland Cab dirashiid Maxamad Xirsi markuu arkay xeerka kalluumeysiga Pun tland qodobkiisa 71aad, markuu arkay wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka wasaradda, markii uu dhegeystay talo bixinta khuburadad culuumta badda iyo kalluumeysiga ee ku aadan xaaladda uu ku sugan yahay libaaxa indhobuurka, markuu tixgeliyey doorka uu libaax badeedka kaga jiro silsilidda cuntada iyo guud ahaan muhiimadda uu u leeyahay kale duwanaasha noolaha, sidoo kale markuu wasiirka tixgeliyey xaalufka ba’an ee lagu hayo libaaxa indhobuurka taasi oo sababi karta in uu dhakhso u dabar go’a haddii aan si degdeg ah wax laga qaban, markii uu darsay shabaagaha caaga ah ee mamnuuca ah ee loo adeegsado libaaxa indhabuurka qabashiida oo tayadoodu liidato isla markaana badankood ku go’ a badda iyagoo sii wada waxa loo yaq aan kaluumeysi rooxaameed sababana dhimashada noole fara badan.
Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadaka badda PuntlandSoomaaliya Cabdirashiid maxamad Xirsi ayaa ugu dambeen waxa uu amray:
A-Xirmo xiliyeed ku aadan qabashada libaaxa indhobuurka oo ka fulaysa dhammaan xeebaha Puntland mudadeeduna tahay laba sano oo ka bilaabanaysa maalinta wareegtadan soo baxdo.
B- Inta lagu guda jiro xirmo xiliyeedka qof , koox, shirkad, urur, ama iskaashato uma howl geli karto in uu qabsado libaaxo indhabuurka.
C-In aan laga dhoofin karin garoomada iyo dekadaha Puntland libaaxa indhobuurka saliidiisa, haragiisa iyo cadkiisa inta lagu guda jiro xirmo xiliyeedka la iclaamiyey ee kor ku xusan.
D-Inta lagu jiro mudadaasi labada sano ah wasaaraddu waxay sameyn doontaa cilmi baaris dhammeyst iran oo lagu darsayo xaaladda kheyraad badeedka.
Dhammaan xafiisyada ay wareegtadan sida tooska ah iyo sida dadban ugu socota waxaa lagu wargelinayaa in ay fuliyaan awaamiirtan lagu xili xirmeynayo qabashada libaaxa indhabuurka.
Cidii ka hortimaada awaamiirtan , jebisana xirmo xiliyeedka la iclaamiyey waxaa la marinayaa sharciga u dhigan dalka, gaar ahaan kuwa khuseeya ku xadgudubka shuruucda kalluumysiga
RA’IISUL WASAARAHA SOOMAALIYA OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA TURKIGA …
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada New York kula kulmay Mad axweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.
Turkiga ayaa ah taageeraha ugu weyn ee Soomaaliya, waxaana uu ka taageeraa dhinacyo kala duwan, sida dib u dhiska, bani’aadanimada iyo horumarinta mashaariicda.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sheegay in Madaxweynaha Turkiga ay ka wada hadleen dar dar gelinta iyo xoojinta xiriirka labada dal.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ka mid ah Madaxda Caalamiga ee ka qeyb galaya shirka 72aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobey.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa kulamo la qaadan doona madaxda caalamiga ee shirka ka soo qeyb gashay, isagoo kala hadli doona taageerida Soomaaliya iyo xiriirka iskaashiga ee ay la leeyihiin dalalka uu madaxdooda la kulmo.
MAXAA LAGU EEDEEYAY GUDDIGA DOORASHADA EE KENYA?
Garsoorayasha maxkamadda ugu sareysa Kenya ayaa shalay soo bandhigay guddoon faahfaah san oo ku saabsan sababta ay u laaleen natiija da doorashadii madaxtinimada ee Uhuru Kenyat ta uu ku guulaystay.
Ku xigeenka gudoomiyaha maxkamada u gu sareysa Kenya Philomena Mwilu ayaa shee gtay in guddiga doorashada ay diideen amarkii maxkamada ee ahaa in lagu soo wareejiyo faah faahin ku saabsan nidaamka qalabka casriga ah ee doorashada.
TOBAN ARRIMOOD OO KU SAABSAN DOORASHADA KENYA
Raila Odinga oo muranka doorashada Kenya geyn doono maxkmadda
Waqtiga ay dhacayso doorashada Kenya oo la shaaciyay
Uhuru Kenyatta oo burcad ku tilmaamay garsooreyaasha maxkamadda sare
Mrs Philomena ayaa sheegtay in guddiga doorashada ee IEBC uu ku guuldaraystay in uu u ho gaansamo amarka maxkamadda ee tahay mid u cadaysay garsoorayaasha in ay run tahay eedeeynta NASA ee ah in la jabsaday qalabka elektronigada ee lagu maareenayey natiijada doorashada.
Maxaa ka mid ah qodobada loo cuskaday laalida doorashada
Maxkamadda ayaa sheegtay in waaxda cadaaladda ay masuuliyad ka saran tahay xaqiijinta sax ahaanshaha nidaamka codaynta, tirinta iyo soo gudbinta natiijada doorashada.
Garsoorayaasha waxa ay sheegeen in NASA aysan cadayn in IEBC ay ku dhawaaqeen natiijada madaxwaynanimada ka hor inta aan la soo wada gudbin dhamaan 40,883 diiwaan oo ah nooca loo yaqaano Foom 34A.
Garsoorayaasha ayaa sheegay in dadka ay telafishanada ka daawanayeen natiijada doorashada balse aanan loo sheegin goobaha ay natiijada ka soo dhacayso
Maxkamadda ayaa waxa ay sheegtay in ay ahayd in gudiga IEBC uu doorashada u qabto sida uu dhigayo sharciga dalka.
Waxay sheegeen in gudiga doorashada ay qasab ku tahay in doorashada ku celiska ah ay u diyaariyaan nidaam la adeegsan karo hadii qalabka tiknoolajiyada uu shaqayn waayo.
Maxkamadda ayaa sheegtay in baaritaan ay ku sameeyeen 4,299 diiwaan oo ka mid ah warqadaha ay ku arkeen kala duwanaashiyo balaaran.
YAA QABANAYA DOORASHADA KU CELISKA AH EE KENYA?
Ka dib go'aanka maxkamadda, waxay su'aal ka taagan tahay kalsoonida lagu qabi karo Guddiga doorashada
Mucaaradka waxay dalbanayaan in xubno ka mid ah guddiga meesha laga saaro, kuwaas oo ay ku eedeynayaan in ay qaladkii dhacay masuul ka ahaayeen.
Guddiga doorashada ayaa iska fogeeyay eedaas, waxayna sheegeen in ay doorashada qaban karaan.
Dadka siyaasadda falanqeeya waxa ay sheegayaan in ay suuragal tahay in mucaaradka iyo dad kale ay maxkamad aadaan si guddiga loo kala diro madaama eedda ugu badan ay ayaga ku dheceyso.
Maxkamadda sare waxa ay sheegtay in guddiga uu yahay midka ku guuldareystay in doorasho xor iyo xalaal ah uu qabto.
Isbeheysiga mucaaradka ee Kenya ayaa diidan in 17ka October la qabto doorashada.
Xisbiga Talada haya ee Jubilee ayaa ku adkeysanaya in guddiga IEBC uu qaban karo doora shada lana qabto xilliga loo qorsheeyay.
CAQABADAHA HORTAAGAN DOORASHADA KU CELISKA AH
Maxkamada ugu sareysa ee Kenya ayaa amartay in doorashada ku celiska ah ee madaxwaynaha la qabto 60 maalmood gudahood. Balse wali waxa uu muran ka taagan yahay goorta la qabanayo iyo cidda qabanaysa.
Isbahaysiga mucaaradka Kenya ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa waxa ay ku baaq ayaan in gabi ahaan ba la kala diro guddiga doorashada ee hadda jira.
Madaxda Nasa ayaa waxa ay ku hanjabeen "in aysan doorashada ka qayb gali doonin" haddii ay qabanayaan gudiga hadda jira.
Mucaaradka ayaa waxa ay sidoo kale dalbanayaan in qandaraaska warqadaha codaynta aan mar kale la siin shirkada Al Ghurair oo fadhigeedu yahay Dubia.
Dhanka xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa ka soo horjeeda dalabka Raila, waxayna doonayaan in la dedejiyo doorashada.
Caqbada kale ee jirta ayaa ah in xubnaha guddiga doorashada ugu sareeya uu ka dhextaagan yahay muran.
Haddii la kala diro guddiga doorashada ee hadda jira waxay shaki gelineysaa xilliga doorasho ay ka dhici karto Kenya iyo cidda sii maamuli doonto.
MAXAA KA MID AH EEDAHA IEBC LOO JEEDIYAY?
Ku xigeenka gudoomiyaha maxkamada ugu sareysa Kenya Philomena Mwilu ayaa sheegtay:
- In nidaamka codaynta la jabsaday, codad lagu daray
- In IEBC aysan qirsanayn in ay guuldaro jirto
- In caddeyntii laga dalbaday aysan soo gudbin
- Dukumiintiyada qaar in aysan sax ahayn
Qalabka IEBC in ay isticmaaleen dad aan fasax u haysan
Gudoon Taariikhi ah
Go'aankii ka soo baxay maxkamadda sare, horraantii bishan ayaa ahaa mid lama filaan ah.
Waxaa layaab ay ku noqotay Kenya, Afrika iyo guud ahaan caalamka.
Wuxuu ahaa go'aan markii afaraad caalamka ka dhacay oo doorasho madaxweyne lagu tilmaamay mid wax kama jiraan ah.
Xukunka maxkamadda Kenya ayaa noqonaya markii ugu horeysay ee Afrika mid noociisa ah uu ka dhaco.
Wuxuuna go'aankaasi soo celiyay kalsoonidii shacabka ay ku qabeen garsoorayaasha iyo waax da cadaaladda.
Waxa jira kiisas badan oo la geeyay maxkamadaha dalka Kenya kuwaasi oo ka dhan natiijada qa ar ka mid ah madaxdii heerarka kala duwan ee la soo doortay.
Rajada laga qabo ayaana ah in dacwadahaasi oo dhan loo qaado si cadaalad ah.
JAWAABTA SIYAASIYIINTA.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa markii hore soo dhoweeyay go'aanka, laakiin dib ay uu ka dhaliilay garsoorayaasha.
"Kuma raacsani sida go'aanka uu kusoo baxay, laakiin waan xushmeynayaan", ayuu yiri Kenyatta.
Balse daqiiqado ka dib asigoo la hadlayay taageerayaashiisa wuxuu madaxda maxkamadda ugu sareysa ee Kenya ku tilmaamay "burcad".
Madaxwayna ku xigeenka Kenya Willaim Ruto ayaa dhankiisa sheegay in shaqsiyaad kooban ay laaleen go'aankii ay gaareen malaayiin Kenyan ah oo ay ku doorteen xisbiga Jubilee.
Waxa wali socda weerarka dhanka afka ah ee ay madaxda sarsare ee dalka ku hayaan waaxda garsoorka dalka.
Dhanka mucaaradka ayaa si wayn u soo dhaweeyay guusha ay maxkamada ka gaareen, waxa ay na sheegeen in ay jireen cadaymo badan oo ay geeyeen taasi oo horseeday in doorashada la laalo. Mucaaradka ayaa horey u dhaliili jiray garsoorayaasha oo ay ku eedeeyn jireen in laaluush ay ka qaataan madaxda talada haysa.
BOGGA CAYAARAHA
WARBIXIN: MESSI, AGUERO, ROONEY IYO… ANDERSON! MAXA KU DHACAY XIDDIGIHII KU XIGAY EE KU GUULAYSTAY ABAALMARINTA WIILKA DAHABKA AH (GOLDEN BOY)
Waxa lagu dhawaaqay liiska xiddigaha
u tartami doona wiilka dahabka ah ee xilli ciyaareedkii ho re waxana la soo
doortay xiddigo badan oo ka kala socda kooxaha reer yurub.
Tartanka abaalmarintan loo galo ay aa bilaabmatay 15 sano ka iyada oo ay ho ray ugu soo guulaysteen 14 xiddig oo hore waxana sanadkan u sharaxan xiddigo da, yar ah oo ay ka mid yihiin Kylian Mbap pé,Gianluigi Donnarumma,Ousmane Dem bélé,Gabriel Jesus iyo Marcos Rashford.
Hadaba wargayska Daily Mail ayaa soo saartay warbixin ay ku soo bandhigtay 14-kii xiddig ee abaalmarintan horay ugu guu laystay.
1.2003 – RAFAEL VAN DER VAART (AJAX)
Rafael van der Vaart (right) lifts the Eredivisie trophy after leading Ajax to victory in May 2004
Xiddigan ayaa abaalmarintan ku guulaystay kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah kaga soo muuqday kooxda Ajax waxana uu intaa kadib ku biiray kooxda Hamburg isaga oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay waxa uu hadana u dhaqaaqay kooxda Real Madrid halkaas o uu ku fashilmay ka hor inta uuna ku dambayn kooxda Tottenham.
2.2004 – WAYNE ROONEY (MANCHESTER UNITED)
Wayne Rooney was named Golden Boy in 2004 after a breakthrough year for club and country
Wayne Rooney ayaa sanadkii 2004 noqday xiddiga da,yarka ah ee ugu qaalisan kadib markii uu Everton ka tagay kuna biiray kooxda Man United tan iyo wakhtigaas xiddigan ayaa noqday xiddigaha ugu fiican England isaga oo galay taariikhda Red Devils ka hor inta uuna u soo laaban gurigiisii hore su uqii xagaagan.
3.2005 – LIONEL MESSI (BARCELONA)
Lionel Messi has gone on to achieve great things since being recognised back in 2005
Sanadkii 2005 Lionel Messi ayaa ku guulaystay abaalmarintan sanadkeedii 3-aad kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Barcelona tan ilaa wakhtigaas waxa uu noqday xid digaha ugu fiican ee soo mara taariikhda kubada cagta isaga oo jabiyay rikooro badan.
4.2006 – CESC FABREGAS (ARSENAL)
Cesc Fabregas plays a pass under pressure from Frank Lampard during a 1-1 draw in 2006
Kadib sanado badan oo uu qaab ciyaareed cajiib ah ku qaatay kooxda Arsenal Fabregas ayaa ku laa btay Barcelona waxana uu ku guulaystay abaalmarintan kadib qaab cajiib ah oo uu soo bandhigay la akiin waxa uu ku fashilmay Barcelona kadib markii uu ku laabtay sanadkii 2010 ka hor inta uuna sanadkii 2013 ku soo biirin Chelsea.
5.2007 – SERGIO AGUERO (ATLETICO MADRID)
Sergio Aguero attracted the attention of Manchester City after his form for Atletico Madrid
Sergio Aguero ayaa ka mid ah weeraryahanada ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan kadib markii uu noloshiisa ciyaareed ku bilowday qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo waliba si fiican ula ciyaaray kooxaha Atletico Madrid iyo Man city.
6.2008 – ANDERSON (MANCHESTER UNITED)
Anderson could not live up to his early promise after being named Golden Boy in 2008
Xiddigan ayaa noloshiisa ciyaareed ee United ku bilowday si cajiib ah ka hor inta uuna hoos u dhicin qa ab ciyaareedkiisu waxana uu ku biiray Fiorentina ka hor inta uuna ku laaban dalka Brazil.
7.2009 – ALEXANDRE PATO (AC MILAN)
Alexandre Pato poses with his Golden Boy award following a superb year with AC Milan
Xiddigan ayaa kooxda Ac Milan si cajiib ah ugu ciyaaray waxana ay dadka oo dhan u maleeyeen in uu yahay badalka xiddigii ay isku dalka ahaayeen ee Ronaldo laakiin dhibaatooyinka dhaawac ayaa bur-bur isay noloshiisa ciyaareed dibna u dhigtay.
8.2010 – MARIO BALOTELLI (MANCHESTER CITY)
Big things were expected of Mario Balotelli when he joined Manchester City in 2010
Xiddiga reer Italy ayaa loo maleeyay in uu noqon doono xiddigaha ugu fiican adduunka wakhtigii uu joo gay kooxda Man city laakiin xiddigan ayaa ku fashilmay in uu sii wado sababo la xiriira dabeecadiisa.
9.2011 – MARIO GOTZE (BORUSSIA DORTMUND)
Mario Gotze has had an up-and-down career since being named Europe's brightest young star
Gotze ayaa si cajiib ah ku bilowday noloshiisa ciyaareed isaga oo wacdaro ka dhigay kooxdiisa Borussia Dortmund sidoo kale xulka qarankiisa ku hogaamiyay koobka adduunka isaga oo dhaliyay goolka guusha laakiin qaab ciyaareedka xiddigan ayaa hoos u dhacay kadib markii uu ku biiray kooxda Bayern Munich.
10.2012 – ISCO (MALAGA)
Kooxo badan oo reer yurub ah ayaa doonayay Isco kadib horumar cajiib ah oo uu sameeyay wak htigii uu joogay kooxda Malaga laakiin Real Madrid ayaa adeegiisa ku garaacday kooxaha reer yurub xiddigan ayaana haatan ka mid ah xiddigaha ugu fiican Real Madrid.
11.2013 – Paul Pogba (Juventus)
Paul Pogba announced himself to the world during a successful four-year spell with Juventus
Kadib markii uu si muran badan dhalisay uga tagay kooxda Man United sanadkii 2012 Pogba ayaa si deg-deg ah isaga mid dhigay xiddigah ugu fiican qaarada yurub, qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee uu ku qaatay Kooxda Juventus ayaa United ku qasabtay in ay ka bixiso lacag dhan 105 milayn oo euro.
12.2014 – RAHEEM STERLING (LIVERPOOL)
Raheem Sterling poses with his Golden Boy award before a Premier League clash with Arsenal
Kadib markii uu Kooxda Liverpool kaga biiray QPR sanadkii 2010 Raheem ayayna wakhti dheer ku qaadan in uu ka mid noqdo xiddigaha ugu fiican kooxda Liverpool, xiddigan ayaa ka mid ahaa kooxdii Liverpool ee ku dhawaatay in ay ku guulaysato horyaalka sanadkii 2014 waxana uu haatan wacdaro ka dhigayaa kooxda Man city.
13.2015 – ANTHONY MARTIAL (MANCHESTER UNITED)
Anthony Martial's potential convinced Manchester United to spend big money signing him
Xiddigan reer Frnace ayaa naftiiska ka dhigay xiddigaha ugu fiican horyaalka france iyo kooxda Monaco taas oo soo jiidatay indhaha man United oo ka soo bixisay lacag dhan 58 milyan euro, xiddigan ayaa sanadkiisii ugu horeeyay ee old trafford si cajiib ah uga muuqday laakiin haatan waxa yaraatay fursadiisa ciyaareed ee United.
14.2016 – RENATO SANCHES (BAYERN MUNICH)
Renato Sanches is now on loan at Swansea less than a year after being named Golden Boy
waa xiddigii ugu dambeeyay ee ku guulaystay xiddigaha dahabka ah kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ku qaatay kooxda Benfica laakiin xiddigan ayaa ku fashilmay kooxda Bayern Munich kadib markii uu ku soo biiray.
ITALY - SERIE A
Benevento 0 - 4 Roma AC Milan 2 - 0 SPAL 2013
Cagliari 0 - 1 Saspsuolo Genoa 1 - 1 ChievoVerona
Hellas Verona 0 - 0 Sampdoria Juventus 1 - 0 Fiorentina
Lazio 1 - 4 SSC Napoli Udinese 2 - 3 Torino
Atalanta 5 - 1 Crotone
ENGLAND - EFL CUP
Arsenal 1 - 0 Doncaster Rovers
Chelsea 5 - 1 Nottingham Forest
Everton 3 - 0 Sunderland
Manchester United 4 - 1 Burton Albion
West Bromwich Albion 1 - 2 Manchester City
SPAIN - LALIGA SANTANDER
Real Madrid 0 - 1 Real Betis
Sevilla 1 - 0 Las Palmas
KULAMADA LA CIYAARAYO EE SPAIN - LALIGA SANTANDER
21:00Villarreal ? - ? Espanyol
22:00Celta Vigo ? - ? Getafe
23:00Levante ? - ? Real Sociedad
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 21-KA SABTEMBAR 2017-KA
DANJIRE ABUUKAR BAALLE OO KA HADLAY LACAGTA XUBINIMADA QM EE LAGU LEEYAHAY SOOMAALIYA Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa markii u horeysay ka hadlay lacagta xubinimada Qarama da Midoob ey ee lagu leeyahay Soomaaliya oo ah qaaraa