
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo Muqdisho ku geeriyooday
Allaha u naxariistee waxaa saaka Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Sadiiq C/kariin Maxamed. Sida uu Dhacdo.com u xaqiijiyay Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah
habdhowraha Baarlamaanka Somaliya, Xildhibaanka ayaa muddooyinkii u
dambeeyay ku xanuunsanaayay Magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn xanuunkii haayay ayuu Xildhibaanka saaka u geeriyooday, inkastoo Xildhibaan Maxamed Cumar uusan sheegin nooca xanuunka Xildhibaanka uu u geeriyooday.
Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Xildhibaankaasi oo muddo ku xanuunsanaayay Magaalada Muqdisho.
Guddoonka Golaha shacabka Somaliya ayaa Guddi Xildhibaano ah u xil saaray qaban qaabada Aaska Xildhibaankaasi ka baxay Qaranka Somaliya.
Marxuum Xildhibaan Sadiiq C/kariin Maxamed, ayaa lagu wadaa in lagu aaso Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.


0 



Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo Muqdisho ku geeriyooday
Allaha u naxariistee waxaa saaka Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Somaliya, kaasi oo lagu magacaabi jiray Sadiiq C/kariin Maxamed.