
In Ka Badan 50 Kun Oo Qoys Oo Ka Barakacay Itoobiya
In ka badan 50 Kun oo Qoys ayaa ka barakacay guryahooda, kadib markii ay cirka isku shareertay xiisada dagaal ee u dhaxaysa qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya.
Madaxweynaha deegaanka Oromada oo lagu magacaabo Lema Megersa, ayaa Saxaafadda u sheegay in dad ka badan 50 Kun oo Qoys ay isaga Qaxeen guryahooda, isaga oo tilmaamay in lala xisaabtami doono cida ka danbeysa dhibaatadaasi.
Xiisada ayaa sii korortay, kadib Markii Dowladda Itoobiya dhawaan ay shaacisay in ciidamo kala dhexgala ay u direyso xuduudka ay ku dagaalamayaan labada qowmiyadood ee Oromadda Iyo Soomaalida,
Sidoo kale Dowladda ayaa Walaac Xoogan Ka muujisay dagaalada soo noq nqoda ee u dhaxeeya Labadaasi Qowmiyadood.
Xiisadaani ayaa Ka jirtay gudaha qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya illaa 2015-kii, laakiin Hadda Waxuu dagaalku ku faafay meelo ka baxsan xuduudka qowmiyada.
Sikastaba shalay ayey ahayd Markii ra’isul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn uu shaaciyay in ciidamo loo Dirayo meelihii Lagu dagaalamay ee dalkaasi.
In Ka Badan 50 Kun Oo Qoys Oo Ka Barakacay Itoobiya
In ka badan 50 Kun oo Qoys ayaa ka barakacay guryahooda, kadib markii ay cirka isku shareertay xiisada dagaal ee u dhaxaysa qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee dalkaasi Itoobiya. Madaxweynaha deegaanka Oromada oo lagu magacaabo Lema Megersa, aya