
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA SABTEMBAR 2017-KA
Kulankan ayaa waxaa looga hadlay dib u soo nooleynta Akadeemiyadda, ahmiyadda ay u leed ahay Akadeemiyadda bulshada, waxaana labada dhinac ay isku afgarteen waxyaabihii ay ka wada hadleen.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulanka kadib la hadlayay Arday ka kala yimid qaar ka tirsan Jaamacadaha kala duwan ee dalka oo halkaasi ku sugnaa ayaa sheegay Akadeemiyaddu in ay ka shaqeyso arrimaha suugaanta, dhaqanka iyo Afka, Cilmiga iyo Waxbarasahada, taasi bedelkeeda ayuu sheegay in aysan jirin Wasaarad intaas oo isku xiran ka shaqeysa.
Khayre ayaa sheegay in ay jiraan dad diidan shalay hormarka ummadda Soomaaliyeed, balse aanan loo dhutineyn Dowladduna ay ku dadaaleyso sidii nolol wanaagsan ay u heli lahaayeen shac abka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ee uu xilka la wareegay wuxuu soo saaray wareegto ku aadaneyd in dhammaan Hay’adaha Dowladda ay ahmiyadda koowaad siiyaan Af ka Soomaaliga.
XUBIN KA MID AHAA GUDDIGA QARAN EE TAAKULEYNTA CIIDAMADA OO IS CASILAY
Maxamed Yuusuf Tigey oo xubin ka ahaa Guddiga Qaran ee Taakuleynta iyo wacyigelinta Ciida mada qalabka sida ayaa shalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xubinimada Guddiigaas.
Qoraal uu soo dhigay bartiisaFacebookayuu ku sheegay Mr Tigey inuu is casilay, kaddib markii uu arkay madax banaani la’aanta Guddiga, isku dheeli tirnaan iyo ixtiraam la’aan guddiga.
Mr Tigey ayaa daraad ka mid ahaa xubnaha Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada oo kul an la qaatay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Waxaa uu noqonayaa xubintii labaad oo iska casila Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada, tan iyo markii uu Guddigan ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo bishii July, markii uu ku dhawaaqay guddiga waxaa iska casilay 48 saacadood kaddib Jen, Jaamac Maxamed Qaalib oo uu Madaxweynu hu u magacaabay Guddoomiyaha Guddiga.
Guddiga Qaran ee Taakuleynta Ciidamadaayaa waxaa Guddoomiye u ah Jen,Axmed Jaamac Muuse, halka Guddoomiye kuxigeen uu ka yahay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, sidoo kale Guddigan ayaa waxaa xubin ka ah 13 ruux oo isugu jira saraakiil ciidan, aqoonyahano iyo dad bulshada magac ku leh.Maxamed Yuusuf Tigey oo fadhiya Midig, kulankii daraad ee Ra’iisul Wasaaraha la qaat ay Gud diga Qaran ee Taakuleynta Ciidamada
ANTONIO GUTERRES OO MAR KALE BAAQ U DIRAY HOGAAMIYAHA MYANMAR AUNG SAN SUU KYI
Xoghayaha guud ee Qaramada midoobe Antonio Guterres ayaa mar kale ugu baaqay hogaamiy aha Myanmar, Aung San Suu Kyi,in ay soo afjarto howlgalada militari ee ku qasbay kumanaanka kun ee qof ee ah muslimiinta Rohingya in ay u qaxaan Bangladesh. Mr Guterres ayaa u sheegay BBC in Aung San Suu Kyi ay haysato fursad ay dib u eegis ugu samayn karto xaaladda marka ay khudbadda u jeedinayso qaranka talaadada soo socota. Mr Guterres ayaa sheegay in haddii aysan imika tilaabo qaadin ay musiibada noqon karto mid naxdin leh. Xoghayaha guud ee qaramada Antonio Guterres ay aa carabka ku adkeeyay in dadka rohingya loo ogolaado in ay dalkooda dib ugu labtaan. Waxa uu she egay in ay iska caddahay in uu jiro cadaadis ka imanaya militariga Myanmar. Qaramada midoobe ay aa hore ugu tilmaamtay wax ka socda Myanmar isir sifeyn.
Aung San Suu Kyi oo hore loo siiyay abaalmarinta nabdda ayaa imika wajahaysa cadaadis xoog an oo ku saabsan in ay wax ka qabato howlgalada militari ee ka dhanka ah Muslimiinta Rohingya.
Dad gaaraya 400,000 oo qof oo ah Muslimiinta Rohingya ayaa ka qaxay Myanmar islamarkana gaaray dalka dariska la ah ee Bangaladesh.
ITOOBIYA OO KU BAAQDAY IN LA JOOJIYO COLAADA SOOMAALIDA IYO OROMADA
Ra'isul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ugu baaqay Qowmiyahada Orom ada iyo Soomaalida ee dalka Itoobiya in ay joojiyaan colaada iyo dagaalada, si loo baajiyo dhiig mar kale halkaasi ku daata.
Mr Desalegn ayaa xusay in dagaalkii dhawaan halkaasi ka dhacay uu sababay dhimashada dad fara badan oo isagu jira Oromo iyo Soomaali, sidoo kalena ay ku barakaceen kumanaan ruux oo Rayid ah
Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in dowladda federaalka ee dalka Itoobiya ay ciidamo gaar ah u dirtay deegaanada ay dagaalada ka dhaceen, si looga hortago in mar kale labada dhinac ay halkaasi ku dagaalamaan.
Ciidamada halkaasi la geeyay ayaa xiray dhamaan wadooyinka deeganada lagu dagaalama,y si loo xaqiijiyo amaanka sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dalka Itoobiya
Mr desalegn ayaa dhawaan kulan gaar ahaan magaalada Addis Ababa xarunta dalkaasi kulan kula yeeshay odayaal ka kala socday Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida ee dirirtu ay dhexmar tay
Sidoo kale ayaa waxaa deegaanada lagu dagaalamay loo diray guddi ka socda ururka xuquuq da aadanaha ee dalka Itoobiya, si baaritaano loogu sameeyo gabood faladii halkaasi ka dhacay.
Dagaalkii dhawaan ka dhacay dalka Itoobiya ayaa sababay dhimashada ilaa iyo 50 ruux oo ah Soomalida Itoobiya
MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO OO BAAQ U DIRAY SHACABKA…
Maamulka Degmada Baydhabo ee Gobolka bay ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Degmada asi in laamaha ammaanka ay kala shaqeeyaan suggida ammaanka Magalaada Baydhabo.
Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ee Gobolka Baay C/laahi Cali Watiin oo la hadlay Warbaahi nta ayaa wuxuu sheegay wada shaqeynta shacabka Degmada Baydhabo la’aantood inuusan amniga hagaageyn.
Dadka ku nool Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan waxa ay fahmeen ahmiyada uu leeyah ay ammaanka iyo ka hortagga weerarada ay qorsheeyaan Al Shabaab.
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay xoog saari doonaan wacyigelinta Bulshadda ku nool Magaalada Baydhabo.
FAAHFAAHIN WEERARKII LAGU DILAY TALIYIHII NISA EE DEGMADA KAXDA
Taliyaha Nabad Suggida Degmada Kaxda Maxamuud Qooley iyo askar la socotay ayaa lagu we eraray Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, xilli Taliyaha uu maraayay Isgoyska Xoosh.
Saraakiil ka tirsan Hay’addaha ammaanka ayaa sheegay dabley wadatay gaari noociisa uu yah ay NOAH inay weerareen Taliyaha, xilli uu ku guda jiray shaqooyinkiisa maalinlaha ah.
Weerarkaasi ayaa waxaa ku dhintay askari ilaalo u ahaa Taliyaha Nabad Suggida Degmada Kaxda, halka sidoo kale dhaawac uu soo gaaray Taliyaha oo loo qaaday Isbitaalka Digfeer ee Magaal ada Muqdisho, waxaana taliyaha ugu dambeyntii uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.
Dableydii ka dambeysay falka lagu beegsaday Taliyaha Nabad Suggida Degmada Kaxda ayaa ka baxsaday goobtii ay weerarka ka gaysteen, waxaana ay wateen gaari NOAH ah oo ay ku baxsa deen.
Bishan gudaheeda dilal qorsheysan iyo weeraro kala duwan oo ka dhacay Degmada Dharkeen ley, ayaa lagu dilay ugu yaraan dad kor u dhaafaya 10 ruux oo qaarkood askar ay ku jiraan, halka si doo kalena masuuliyiin kala duwan lagu dhaawacay.
CARRUUR ISKU QOYS AHAA OO KU GEERIYOODAY DAB QABSADAY GURIGOODA OO KU YAAL KISMAAYO
Shan carruur ah oo isku qoys ah ayaa shalay ku geeriyooday dab qabsaday gurigooda oo ku ya al magaalada Kismaayo, iyadoo dhacdadan ay aad uga argagaxeen dadkii deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in shanta carruur ee geeriyooday uu ugu weynaa 6 sano jir, halka kan ugu yar uu ahaa canug naas la nuujinayay.
Dhacdadan ayaa ka dhacday halka lagu magacaabo Dalxiiska Xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo, waxaa la sheegay in hooyada dhashay carruurtan ay ku xirtay guriga, iyadoo dhar dhaqid u aaday xaafad kale, si ay nolol maalmeed ugu raadiso.
Wararka ayaa intaa ku daraya in cilad ka dhalatay koronto ku jirtay guriga ay isu bedeshay dab gebi ahaanba qabsaday gurigii ay ku jireen carruurta.
Hooyada dhashay carruurta ayaa la sheegay in markii lagu wargeliyay in carruurteedaku dhinte en dab ka kacay guriga ayay istaaga ka dhacday, dabadeedna suuxday
Shariif C/raxmaan Cabdullaahi oo deris la ah qoyska ay musiibada ku dhacday ayaa u sheegay Idaacada VOA in dhacdadan ay aheyd mid aad u argagax leh oo saameyn ku reebay dadkii deega anka
MADAXWEYNE FARMAAJO OO VILLA SOOMAALIYA KULA KULMAY QORAYAAL SOOMAALIYEED
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay habeen hore Qorayaal Soomaaliyeed oo ka qeybgalay bandhigga Buugaagta Muqdisho 2017.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hadiyad ahaan loo guddoonsiiyey buugaag iyo farshaxanno lagu soo bandhigay Carwada Buugaagta muddadii sadexda maalmood ah oo ay furnayd.
Qorayaasha la kulmay madaxweynaha ayaa la wadaagay caqabadaha ku xeeran wax qorista iyo soo bandhigiddeeda, iyagoona uga mahadceliyey madaxweynaha dhiiri galinta uu u sameeyey.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu danbeyntii kula dardaarmay qorayaaasha in ay sii wadaan dad aalkooda maadama wax qoristu ay aasaas u tahay nolasha.
Sidoo kale madaxweynaha waxaa uu bogaadiyey dadkii soo abaabulay Carwada iyo dadaalkii dheera oo ay ku bixiyeen sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.
GUDDOOMIYAHA GOBOLKA HIIRAAN OO KA HADLAY WEERARKII AY ALSHABAAB KU QAADEEN KALABEYR
Guddoomiyaha
Gobolka Hiiraan Cumar Aadan Ibraahim Baa diyow oo Wareysi siiyay Idaacadda
Kulmiye Xafiiskeeda Magaala da Baledweyne ayaa ka hadlay Weerarkii ay Alshabaab
Habeen hore ku qaadeen Degaanka Kalabeyr ee Gobolka Hiiraan.
Cumar Aadan Ibraahim Baadiyow ayaa sheegay in Weerar kaasi ay Alshabaab ku dileen Saddex Askari Afar kalena ay ku dhaawaceen,waxaana sidoo kale uu sheegay in Alshabaab ay Nolol ku wateen nin la joogay Ciidamada Habeen hore Weerarka lugu qaaday islamarkaana Ninkaasi uusan ka tirsaneyn Ciidamada Dowladda ee Weerarka lagu qaaday.
WASIIR XOOSH "WAXAA NAGA GO’AN INAAN LA SHAQEYNO GUDDIGA BAARLAMAANKA IYO GUDDIYADA MADAXA BANAAN”
Waasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulan wadatashi ah la yeelatay Guddiga Korjoogteynta Dibueegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddi ga Madaxabanaan ee Dibueegista Dastuurka.Kulanka ayaa ku saabsanaa in la dardargeliyo wadasha qaynta sadex geesoodka ah ee ka dhaxeysa Wasaaradda iyo Gudiyada.
Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wadashaqayn iyo mid nimo ay tahay in lagu wajaho hawlaha baaxadda leh ee horyaalla Wasaaradda iyo Gudiyada.
"Ujeedada kulankeenna shalay waa inaan isla garano sida aan u wadashaqayn laheen maada ama hawlo badan noo yaalaan, shacabka Soomaaliyeed waxa ay inooga fadhiyaan hawl ballaaran oo ah in Dastuurka dibueegis lagu sameeyo; Wasaaradda waxaa ka go’an in ay wadashaqayn dhaw idi nla yeelato” ayuu yiri Wasiir Xoosh.
Dhanka kale, Gudoomiyaha Guddiga Korjoogteynta Arrimaha Dibueegista Dastuurka ee Baarla maanka Senator Cabdiqaybdiid iyo Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee dibueegista Dastuurka Maxamed Dahir Afrax ayaa waxa ay soo dhaweeyeen in wadashaqaynta la dardargeliyo loona midoo bo hawsha Qaran.
Gebagabadii, kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul iyada oo lagu ballamay in si dhaw loo wada shaqeeyo.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO KULAN DEG DEG AH ISUGU YEERAY GOLIHIISA WASIIRADA
Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan deg deg ah iskugu yeeray xubnaha golihiisa Xukuumada, kaas oo ka dhacaya shalay magaalada Boo saaso ee Gobolka Bari.
Aqalka Madaxtooyada ayuu ka dhacayaa shirkan, kaas oo looga hadlayo arrimaha Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo Qorshayaal cusub oo golaha la horgeyn doono.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa bishii ugu dambeysay ku maqnaa guda shada waajibaadka Xajka iyo dalka Imaaraatka Carabta oo uu soo maray, waxaana lafilayaa in ay arri mo badan ka wada hadlaan.
Wasiiradda maamulka Puntland ayaa gaaray magaaladda Boosaaso, ka dib markii looga yeeray waxayna ka qeybgalayaan shirkan oo muhiim u ah hanaanka shaqooyinka.
MADAXWEYNHA JUBBALAND OO LA KULMAY BULSHADA DEGMADA DOOLOW..
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa shalay Degmada Doolow kulan kula qaatay qaybaha kala duwan ee Bulshada gaar ahaan dhalinyarada Haw eenka iyo Odayaasha dhaqanka.
Kulankan ayaa dadweynahu waxay Madaxweynaha iyo wafdigiisa ugu tala galeen in ay ku kala warqaataan isla markaana lagu dajiyo qorshayaasha amaan iyo kuwa hormarineed ee Gobolka.
Dadweynahii kulanka kasoo qayb galay ayaa Madaxweynaha iyo Wasiirada lasocday ka dhag aystay qorshaha Xukuumada ee dhinaca amaanka iyo Hormarka iyadoo intaas kadibna ay su”aalo ka weydiiyeen qaabka qorshayaashaas ay ku hirgalayaan.
Odayaasha deegaanka ayaa balan qaaday in Dowlada ay ku tageerayaan hananka xasilinta dhinaca amaanka ee ay Gobolka ka bilaabayso.
Waxaa kale oo ay soo dhaweeyeen in amaanka si guud la isaga kaashado oo ay garab istaagan Ciidamada Dowlada ee bilaabaya hawlgalada la isugu furayo Gobolka.
Dhalinyarada kulanka kasoo qayb gashay waxay Xukuumada ka codsadeen in Wasaaradaha Dowladu ay kordhiyaan shaqaalaysiinta Dhalinyarada ee Gobolka si baahida shaqa la’aantu ay u yar aato.
Dhinaca kale Haweenka Degmada Doolow ayaa sheegay in biyaha iyo caanaha ay la garab istaagayaan Ciidamada Dowlada oo ay garab iyo gaashaan u noqonayaan hawlgalka AlShabaab lagu cirib tirayo.
Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dadweynaha Doolow ku amaanay sida ay u jecel yihiin Dowladnimada isla markana ay diyaarka ugu yihiin in cadaw ga laga xoreeyo Jubbaland oo dhan.
Madaxweynahu wuxuu balan qaaday in dhamaan laamaha kala duwan ee Dowladu ay Gobolka oo dhan ka hawl bilaabi doonan isla markana ay dardar galinayaan shaqaalaysiinta dhalinyarada.
Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in la daryeelayo oo la gacan qabanayo Caruurta agoonta ah ee aabayaashood ay ku geeriyoodaan dagaalka lagula jiro Alshabaab.
MID KA MID AH MASUULIYIINTA WASAARADA MAALIYADA PUNTLAND OO LA DILAY
Waxaa gelinkii dambe ee Shalay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug laga helay Meydka masuulka ka tirsan Wasaarada Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.
Liibaan Xassan Cabdule oo horay uga tirsanaan jiray shaqaalaha wasaarada Maaliyada ee gobolka Mudug.
Kooxo hubaysan ayaa marxuumka kala baxay magaalada Gaalkacyo iyagoo kadib ku dilay duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
XILDHIBAAN DALXA”DOWLADDA WAA IN AY KA HADASHAA SOOMAALIDA LAGU DHAMEEYAY ITOOBIYO”
Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya Islamarka ana Wareysi gaar ah siiyya Idaacadda Kulmiye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dadka Soomaa liyeed ee lagu dhameeyay gobalo ka mid ah dalka Itoobiyo.
Xildhibaan Dalxa ayaa ugu baaqay Xukumada Soomaaliya in ay Itoobiyo kala hadasho sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada Soomaalida ay kala kulmeyso Qowmiyadda Oromada ee Dalka Itoob iya.
"wax ka badan boqol qof ayaa la dilay tiro kalane nolal iyo geeri meel laguma sheego, waxaan ku baaqayaa in ay Xukumadda hurdada ka kacdo oo ay la xariirto Dowladda Itoobiya sidii loo badbaa din lahaa Shacabka Soomaaliyeed ee la laynaayo” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.
Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar in uu Dowladda Faderalka ee Dalka Itoobiyo kala hadlo sidii loo baa jin lahaa weerarada Shacabka Soomaalida ee ku nool Dalkaasi.
Soomaali badan oo ka soo kala jeeda Guud ahaan dhulka Soomaaliya ayaa lagu laayay Gobalo ka mid ah Dalka Itoobiya oo ay ka mid tahay Gobalka Hawadaay oo dad badan lagu laayay.
Sidoo kale waxaa jirto in aan meel lagu sheegin Nolal iyo Geeri boqolaal Soomaali ah kuwaas oo ay Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiyo wado D=Baadi goobkooda.
(WARBIXIN):WASIIRADA CAAFIMAADKA EE UGANDA OO GACANTA KU DHIGTAY SHAQAALE KA CODSADAY LAALUUSH
Wasiirudowlaha Caafimaadka ee Uganda, Sarah Opendi ayaa ka salgaartay Eedeymo sheega ya inay Shaqaalaha Caafimaadka ee Isbitaalka Doweladda ee Naguru General Hospital oo ku yaalla magaalladda Kampala, kuwaasi oo badankooda laaluush weydiista dadka Bukaanka ee yimaada Isbitaalkaasi.
Sarah Opendi waxay maalintii Sabtida tegtay Isbitaalkaasi, iyadoo iska dhigtay qof Bukaan ah oo indho sharer xiran.Waxay Isbitaalka ku tegtay iyadoo la socota Mootada labada taayar leh ee dalka Uganada looga yaqaano "Boda Boda” waxay kormeer qarsoodi ah ku tegtay Isbitaalka Naguru Gene ral Hospital ee magaalladda Kampala.
Waxay la kulantay shaqaale weydiistay lacago laaluush ah, si ay ugu fududeeyaan Baaritaanad da Shaybaarka.
Wasiirudowlaha Caafimaadka ee Uganda, Sarah Opendi oo la hadashay Saxaafadda ayey shee gtay inay soo ogaatay inay wax ka jiraan Cabashadda dadka Bukaanadda ee ku aadan in lacago laalu ush laga qaato si loogu fuliyeo Adeegga Caafimaadka ee Isbitaalkaasi oo ka mid ah Isbitaallada lacag la’aanta ku daaweeya Bukaanada.
Dhinaca kale, Kuxigeenka Agaasimaha Isbitaalka Naguru General Hospital ee magaalladda Ka mpala.Dr Stephen Kyebambe ayaa soo dhaweeyey Tallabadaasi, una mahad celiyey Wasiirudowlaha Caafimaadka.
Waxa uu tilmaamay in Laaluushku weji madow u yeelay Isbitaalladda Dowladda, iyadoo Bukaan adda dhibaato kala kulmaan shaqaalaha naxariista daran ee laaluushka ka qaada dadka xanuunsan.
XAASKA NAWAZ SHARIF OO KU GUULEYSTAY DOORASHO KU CELIS AH
Xaaska Raysal wasaarihii xilka laga qaaday ee Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa ku guuleystay doo rashada ku celiska ahayd ee ka dhacday magaalada u kasoo jeedo ee Lahore.
Natiijada hordhaca ayaa muujinaysa in Kulsoom Nawaz ku horeys shan iyo tobban kun oo cod.
Doorashada ayaa la qabanayaa kadib markii maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi aya musuqma asuq ku xukuntay Nawaz Sharif laashayna joogitaankiisa xafiiska.
Maxkamadda ugu sarreysa Pakistan ayaa xilka ka qaadday Sharif kaddib markii lagu eedeeyay in qoyskiisa ay ku lug leeyihiin shirkado ajnabi ah.
Sharif ayaa mar walba beeninayey eedeymahaasi, balse maxkamadda ayaa laashay isku dayo lagu doonayay inay dib u eegto go`aankeeda.
Xisbiga talada dalkaasi haya ee PMLN ayaa sheegaya in guushani ay cadeyn u tahay in shaca bka Pakistan rumeysanyihiin in Nawaz sharif uu dhibane u noqday shirqool siyaasadeed.
Kulsoom Nawaz, waxay haatan magaalada London ugu maqan tahay daaweyn cudurka kansar ka ah, waxaanay ku guulaysatay 61,254 cod oo waxay musharaxii ugu soo dhawaa kaga badisay 14,188 oo cod
TRUMP OO SHEEGAY MEESHA UU KA TAAGAN YAHAY HESHIISKA CIMILADA
Donald Trump ayaa caddeeyay in uu albaabku wali u furan yahay kasii mid ahaanshaha heshiis ka cimilada ee Paris, sida uu sheegay wasiirkiisa arrimaha dibadda, arrintan ayaa timid saacado uun ka dib markii Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka uu ku adkaystay in aan wax isbadal ah lagu samaynaynin siyaasadda Maraykanka.
Rex Tillerson ayaa sheegay in Maraykanku uu heshiiskaas ka sii mid ahaan doono "haddii la samayn karo shuruudo aan rumaysannahay in ay dhexdhexaad yihiin".
Haddalkiisan ayaa yimid iyadoo Aqalka cad uu goor sii horraysay diiday wararka sheegaya in Maraykanku uu dabcinayo meeshii uu ka taagnaa heshiiskaas.
Bishii Juunyo Trump ayaa ku dhawaaqay in u uu ka baxayo heshiiskaas.
Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskaas uu ka mid yahay "hawlaha uu ka difaacayo Maraykanka" isaga oo ku tilmaamay in dhaqaalaha Maraykanka lagu dabrayo iyada oo arrintaas loogu xaglinayo Shiinaha iyo Hindiya.
XILDHIBAANADA BAARLAMAANKA OO MAANTA KULAN YEELANAYA
Sida uu qorshuhu yahay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Magaalada Mu qdisho ee caasimadda Soomaaliya waxa ay ku yeelanayaan kulanka Guud ee Golaha Shacabka.
Sida lagu sheegay fariin loo soo diray Wariyeyaasha ajandaha kulanka ayaa waxa uu yahay Akhrinta koowaad Hindise sharciyeedka Biyaha iyo Akhrinta koowaad Hindise sharciyeedka Waxbara shada.
Kulanka Golaha Shacabka ayaa furmaya 10:00 subaxnimo, waxaana xildhibaanada dhammaan tood lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan xarunta Golaha Shacabka, waqtigii lagu balamay, si kulanka uusan dib u dhac ugu imaan.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka ayaa warbaahinta Risaala u sheegay in xildhibaanada ay is ku diyaariyeen kulanka maanta sharciyo kala duwanna Baarlamaanka la horkeeni doono.
NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN
{SHEEKOTAXANE AH}
Q/77aad
marka
qof ka wax jeceli qofkii jeclaa uu sii niyad ah uu u qaabilo oo mar
walba la joogto wuxuu ku hammiyaa inuu
ka dhaberyo oo si ka fool ka fool
ah u la kulno mar ka ay dhacdo ineysan soo hor fariistaan waxaa dhacda in uu la
kulmo welwel, walbahaar iyo aam usnaan badan wax aana uu dhex galaa sheekooyin
aanajanda lah eyn ugu ji rin, markii horaba inkastoo la yiraahdo {waxaad
qarsato way ku qarsadaan },Markaana waxaa dhacey so inuu bad weyn dhex dabbaasho
ruuxaasi garbaha uu ku dabbaal anayo waxaa hareeya daal , murugo, fikie fa badan ugu dabeyntii dhaalsiiya aayatiinka fool xun.
Haddaba macaane C/qaadir waxaa jira xikaayo soomaaliye ed oo oraneyso {wixii lagu faqaa fagaaraheyimaa daan} iyo mid kale oo oraneyso {Gacmo is Dhaafay ayey Galladi ki jirtaa} {Pre sents keeb friernd ship warn}.
Haddaba labada ruux ee wiilka iyo gabadha ee haas aawaha wa daagaya waxaa looga baahan yahay sheeka da ay is weyd aars anayaan ey noqoto mid dhadhan leh oo aan lagu caaji seyn qofka na ka gedmi karta sidoo kale qof qofka haasaawaha kula wadaa gaaya
Mar walba waa inaad u ahato {dhageyste u daacad ah} had alladiisa mar na waa inaad {sheek ooyin xiisa leh} aad u sheeg taa isuguna markaa uu ku noqodaa {dhageyste wanaagsan, bal se she ekadu waa in ay noqotaa mid xiisa leh oo qosol ka keeni karto lammaanahaaga qaaliga ah, ogoowna qosolka inuu baa bi’iyo caajiska.
Gacaliye C/qaadir abboowe macaane waxaa jirta oraah soo maaliyeed oo oraneyso { Guri nabad ah baa lagu nastaa} the pest home to retinis one’at peace}, noqona gacaliye C/Qaadir wiil ii gurigiisa ku nasan lahaa iyo midkale oo oraneyso {Hamm igushimbirtu wuu dilaa} curiositykilthe prid}.
Midda kale gacaliye C/qaadir abboowe macaane waxaa jira Wiilaldhallinyaro ah oo aaminsan in ga bdhaha lagalaan gacma ha waxaayna wiilashaani eyaaminsanyihiin in hadalka keligii lagu caajisaayo balse haddii faraha laga sameeyo ficil aan laga caajiseyn sheekada haasaawo macaan leh, sida muuqatana arrinkaanni waaku fool xummo shukaansiga waana ku gef shar ciga islaamka balse dhall inyaro caadeysatay arintaas ay jiraan waxaanse leeyahay haku kadsoomina shukaansiga noocaas oo kale ah waayoo kaasi ma gaaro hammigiisa oo meel dhexe ayuu ku burburaa horey ayaana loo yiri {xiiso iyo xumbaba wey dhacaan}.
sidoo kale waxaa jira Mid kale oo dhaeysa {ninxiiso badan guushiisa ma gaaro}.
Intaa ka bacdigeed waxaa uu mar qura uu la soo booday {HEESTII ABAADIROOW SOO URUURI CAANSHAQA OOHA Ooha}
Hees:-
Olol reebka Caanshaqaa, Bi’iwaa adduunyadu
ololaha galkacalkee, uur Nimiri iiga galay
abqada tallaabadaa anig oon itaal heyn.
Nafta oradda raacada, waxay aamin igu tiri
sow ma oran ilaal aan ku maqnaa ayaamahan,
Anna soow, Ugubka iga Maqan Ii imaawee,
Anna sow Ugubka iga maqan Ii Imaawee
wali eedada raacdada sheekhii Alkumayoo, Abaadiroow soo Ururuuri Caanshaqa Ooha Ooha
Ooha Ooha .
heeskaas oo uu ku luuqeeyo Fannaanka weyn ee soomaaliyeed ee Xasan Aadan Samarat
ka dib c/qaadir iyo xul beella waxaay isula soo dhaqaaqeen hal kii uu gaarigii caasiha ahaa ee qaadi lahaa in yar ka dibna ga arigii ayey gudaha u soo galeen dabadeedna kursigii raaxee ye ahaa bey wada fariisteenin xoogaa ah markiieygaariga gu dihiisa eyku sheekeysteen ka dinba gaariga waxaa soo buuxi yey dhallinyaaradii gabdhaha u badnaa ee uu baskau u kireys naa,daqiiqado yar ka dibna Darawakii gaariga ayuu dhaqaaji yey in saacad ah ka dib intii gaariga la saanaa ayaa gaariga wu xuu darawakii gaariga joojiyey bosteejada dahabl aha xa mar weyne oo layiraado biyassa yaasiin, dhalli nyaradii naqeyb wad dada ayey uga daadageen iyadoo qof walbana goobtii bartil maameedkiisa ahetd ayuu aaday maalintaa .
C/qaadir iyo xul beellana waxaay iskula soo jaanqaadeen go ob maqaayad ah si ey maalin taa u ga qadeeyaan in daqaqiiq ado ah ka dibnamaqaayaddii ayey gudaha u galeen waxaayna wa da fariis teenm kuraas hareerahooda taalay wax yar ka dib waxaa miiska dushiisa loo soo saaray cabbitaanno iyagoo la weyd iiyey dalbkooda muddo gaabanka dibna waxaa loo soo dhigay qadadii dalabkooda ahaa taasoo ahetyd mid aad u he er sar eysa waxaayna isugu jirtay bast, hilbo dheyla ah oo dub an iyo qu daar kala nooc ah iyo cabbitaanno nafra raali geliya oo aad u qaboow misna lahaa dhadha aad u macaan {sharaab kaa noocii ugu danbeeyey}
in cabbaar ah ka dib waxaa laga fara xashay qadadii iydoo ka dib kabalyeerigii uu u keenay war qadda qaansheegta qada da ee baarka iyadoo si fuduud ay u dhiibeen lammaanayaa sha wixii qara sh ahaa ee maqaayadda, qadada ka dib waxaay soo wada aadeen hoyga xul beela iyadoo ay xul beella soo dha weysay lammaanaheeda C/qadir iyadoo keentay bosteejada EXControol si ay gaari uga saarto in cabbaar yar ah ka dib go obta bosteejada ay taagnaayeen ayaa waxaa soo istaagay ga ari koostar ah C/qaadir gaarigii ay uu Gudaha u galay wuxuuna iska fariistay kursiga hore mu ddi ilbir iqsiyo ah ka dib iyagoo isu gacan haatinaya lmmaa nay aa sha is jeclaa ee C/qaadir iyo Xulbeella ayuu gaarigii dhaq aaq ay,
vShalay waa maalin Isniin ah waxaana ciyaaya diigii iyo shibirihii arooryaad gallad waxaa uu ka soo toosay sar iirtiisii waxuuna u soo dhaqaaqay dhanka suuliga si uu u soo xaajo guto,kolkii uu soo howl dhamyestay suuligana ka soo baxay inta uu u dhaqaaqay xagga tubadda biy aha uu bilaabay inuu weyseysto uu salaa dda subxeed oo uu alle ku lashaa dukado waana fuliyey isagoo sala adda ka dib u dhaqaaqay dhanka qo lkiisii fadhiga, mar kuu galay qolka ayuu waxaa uu fariis tay kursi shee ddii sa yaallay isagoo ka dibna qaatay buug jaceyl ah oo Miiska hortiisa yaalay dul saarnaa ayuu Aqris ugu dha qaaqay saacad ka dib maarkii uu aqrinaayey ayaa wal aashiis waris u keentay koffeegii uu subaxaacabbi lahaa markii uu cabbay ayaa waxaa loo kenay quraacdiisii maruu cunay waa uu fara xashay waxaana uu taleefoon uu u diray saaxiibkii C/qaadir waxaana wada sheekeysi goodii u dhacay sida tan:
Maalintaa waxaa hadalkii ku hor maray oo daah furay wiilkii ga lladahaa wuxuuna ku bilaabaysidan: marka hore saaxiib C/qaadir waan ku salaamayaa, salaan ka dib waan caafimaad qa baa 100%. Mida taas la mid ahina waan kuu rajeynayaa …… La Soco Isniinta Danbe Insha Allaah
W/Qoray C/Qaadir Cabdulle Nuur {Qalbbi-Dahab}
Tel: 0618455506
BOGGA CIYAARAHA
Girona 0 - 1 Sevilla
Las Palmas 1 – 0 Athletic Bilbao
Real Sociedad 1 - 3 Real Madrid
Paolo Di Canio oo sharaxaad ka bixiyay sababta Liverpool xili cayaareedkan EPL u qaadi karin
Paolo Di Canio oo ayaa ka faalooday kulankii Liverpool 1-1 la dhaafi weesay naadiga Burnley wuxuuna Sky Italia u sheegay sababta Reds xili cayaareedkan EPL ugu guuleesan karin.
England - Premier League
Chelsea 0 - 0 Arsenal
Man United 4 - 0 Everton
Italy - Serie A 7
Sassuolo 1 - 3 Juventus
AC Milan 2 - 1 Udinese
SSC Napoli 6 - 0 Benevento
Torino 2 - 2 Sampdoria
SPAL 2013 0 - 2 Cagliari
ChievoVerona 1 - 1 Atalanta
Genoa 2 - 3 Lazio
Spain - LaLiga Santander
Alaves 0 - 3 Villarreal
Paolo Di Canio wuxuu yiri "Lama yaabini bar bar dhaca ay Burnley la galeen waayo Liverpool maba barato qaladka ay gasho madaama aysan caqli gal ahayn todobaad walbo in koox hal qalad gasho!”
"Waa musiibo in la arko koox hami ka leh hanashada EPL in goolal nacasnimo ah todobaad walbo laga dhaliyo”
"Sidaa darteed Liverpool horyaalka ma qaadi karto xitaa hadii ay gool dhalin waali ah la timaado waayo waa naadi u nugul gool sahlan in laga dhaliyo todobaad kasto”
"Waxaan dhihi karaa Klopp waxba kuma soo kordhinin Liverpool dhanka daafaca waayo dhibaatadii Rodgers lagu racadeeyay ayaa meesha taalo weli!”
OGEYSIIS MUHIIM AH OO AY KUU HEYSO HEY’ADDA
SHARDO:-
SHABELLE RELIEF AND DEVELOPMENT ORGANIZATION (SHARDO)
OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS
KA FAA'IIDEYSI XIFRAD WAXBARASHO:
SHARDO waa urur Soomaaliyeed oo faa'iido doon ahayn, kana shaqeynaayay wadanka mudo ka badan 21 sano. Mashaariicda ururka SHARDO uu u qabto waxaa ka mid ah: Tababarada xifradaha shaqo abuurka, Caafimaadka, Nafaqeynta, Waxbarsashada, iyo mashaariic kala duwan.
Ururka SHARDO wuxuu hadda hayaa fursado cusub oo kala duwan sida:-
1.Electric installation ( Koronta xirid)
2.Fish vendor (Kalluun-dubis)
SHURUUDAHA LAGA RABO SOO CODSADAHA WAA SIDA SOO SOCOTA:
Hadaba haddii aad dooneysid in aad baratid xirfadahaas ama bartid (Bar ama Baro)
Ardaygii rabo barashadaan mid ka mid ah 2-da xirfadood waxaa laga rabaa sharoodahaan soo socda:-
·Waa in uu yahay Soomaali
·Waa in uu da'diisu u dhaxeysa 18 ilaaa 35 jir
·Waa in uu soo codsadaa xirfadaha aan soo sheegnay midood
·Waa in ay ka go'an tahay barashada iyo dhameysashada xirfada uu soo codsaday
·Waa in uu jir iyo maskaxba caafimaad qabo
·Waa in uusan wax dambi ah ka galin bulshada
·Waa in uu layimadaa qof damiin ah
·Waan inuu ku shaqeeystaa xirfada la baray kadib markuu barto
·Waa in uu yaqaano aqriska iyo qorista afka Soomaliga iyo xisaabta asaasiga ah
·Waa in uu degan yahay gobolka Banaadir
FIIRO GAAR AH:
Ø Barashada Korantada waxaa kaliya soo codsan kara RAGGA oo kaliya, halka Kallun-dubista oo ay soo codsan karaan Dumarka oo kaliya
Qofkii dhameysta barashada xifradaha aan soo sheegnay midood ururka SHARDO wuxuu siin doonaa AGABKII uu ku shaqeysan lahaa iyo SHAHAADO.
Qofkii daneynaayo fursadahaas waa in uu layimaado 4 xabo sawir teestaro ah iyo gal ama fayl.
Araaajida waxaa lagu soo hagaajin kara xafiiska SHARDO ay ku taalo degmada SHIBIS gaar ahaan xaafada BEYXAANE.
Qabashada araajida waxa ay socon doontaa inta u dhaxeysa 13-ka Bish September 2017 ilaa 23-ka September 2017. Dadka la qabanaayo wey xadidanyihiin ee horay ugaar.
Wixii faah faahin dheeraad ah waxaad kala xiriiri kartaan talefanadaan hoos ku qoran
061 7 020 887/061 5 546 938/061 5 598 993
ama E-mail: shardo95@yahoo.com/shardo@shardo.org:
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA SABTEMBAR 2017-KA
KHAYRE "MAANTA DAD BAA DIIDAN HORMARKA UMMADDA".. Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo shalay booq day xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Sugaanta ee magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaa t