Taliyihii Nabadsugida degmada Kaxda oo u geeriyooday dhaawacii soo gaaray

0
Sunday September 17, 2017 - 15:37:57 in Wararka by
  • Visits: 557
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Nabadsugida degmada Kaxda oo u geeriyooday dhaawacii soo gaaray

    War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Taliyihii Nabadsugida degmada Kaxda Maxamuud Xasan Macalin C/raxmaan oo ku magac dheer Qooley uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas dabley hubeysanku fureen gaarigiisa xilli uu marayay Xaafada Xoos

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Taliyihii Nabadsugida degmada Kaxda Maxamuud Xasan Macalin C/raxmaan oo ku magac dheer Qooley uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas dabley hubeysanku fureen gaarigiisa xilli uu marayay Xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenley.

Taliyaha oo dhaawac ahaan loola cararay Isbitaalka Madiina ayaa markii dambe u geeriyooday dhaawacaas, waxaana la sheegay in rasaasta ay ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Taliyaha uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.

Dableyda hubeysan ee weeraray gaariga uu la socday Taliyaha ayaa la sheegay in gaarigii ay wateen ay ku hor-jareen, dabadeedna ay rasaas ooda uga qaaday gaariga, waxaana markiiba goobta ku geeriyooday Askari ilaalo u ahaa.

Degmada Dharkeenley oo ah halka lagu rasaaseeyay Taliyaha ayaa muddooyinkii u dambeeyay noqotay goobaha ugu badan ee ay ka dhacaan weerarada lagu fuliyo gaari dad hubeysan saaran yihiin, waxaana todobaadkii hore ka dhacday labo weerar oo kan la mid ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip