
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA SABTEMBAR 2017-KA
Wasiir Juxaa, ayaa beeniyay in Dowladda ay la safan tahay Musharax gaar ah oo ay la doonayso inuu ku soo baxo xilka Madaxtinimada Hirsha belle, kadib markii qaar ka tirsan Musharaxiinta ay ku eedeeyeen Dowlad da dhexe inay la safan tahay Musharaxiin gaar ah.
"Dowladda wax dhinac ah oo ay la safan tahay ma jirto Doorasha dan waa Doorasho Maamul Goboleed, dadka reer Hirshabelle ayaa xaq u leh inay Doortaan Madaxweyne cid aan gaar u wadano ma jirto, cid aan ka jirnaa ma jirto, waan u fududeynaynaa, waan daawanaynaa sida Door ashada u dhaceyso, idinkana waad joogtaan, cidna lama jirno waa si daa.” Ayuu yiri Wasiir Juxaa oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, ayaa shaaca ka qaaday in si wanaagsan loo diyaariyay hanaanka Dooarashada, iyadoo Dowladda iyo xubno IGAD ka socda ay kor joogto ka noqonayaan Doorashada.
Inta badan Dowladda Somaliya ayaa lagu dhaliilaa xilliyada Maamul Goboledyada Doorashooy inka ay ka dhacayaan inay wadato Musharax gaar ah oo ay isfahansan yihiin Madaxda Dowladda inu u ku soo baxo Doorashadaasi.
Doorashada Madaxweynaha Hirshabelle, ayaa shalay si aad ah indhaha loogu haayaa wixii ka soo bixi doona iyo cida tartanka ku guuleysan doonta.
RA’IISUL WASAARE KHAYRE OO LA KULMAY GUDDIGA TAAKULEYNTA CIIDAMADDA QALABKA SIDA.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shalay la kumay Guddiga Taakuleynta & Wacyigelinta Ciidamada Qalabka, waxana kulankani looga hadlay dardar gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla.
Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha guddiga ayaa ka wada hadlay qorshayaasha guud ee horyaala oo ay ka mid tahay dadaallada shacabka ee ku aaddan ka qayb qaadashada taakuleynta ciidamada iyo diyaarinta istaraatiijiyadda wacyigelinta laamaha kala duwan ee ciidamadda Qalabka Sida.
"Waxaan ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka geystaan taakuleynta Ciidanka Qaranka, haddii aynaan gacanteena ku dhisan ciidan tayo leh ma jirto cid kale oo intay meel kale noo ga timaada inoo dhiseysa”ayuu yiri R/Wasaare Khayre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay Xukuumadda uu hoggaamiyo in mudnaan sare ay u leedahay dhismaha ciidamadda, isla markaana dhowrka sano ee soo socda laga gaari doono guul wax ku ool ah.
DOWLADDA FEDERAALKA OO DIYAARINEYSA SIYAASADDA IYO SHARCIGA TAHRIIBKA
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Mohamed Guled (Khadar) ayaa shalay shirguddoomiyey kulanka Guddiga heer Wasiir ee Maareynta Siyaasada Tahriibka oo lagu qabtay Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirada Dastuurka, Haweenka & Xaquuqul Insaan ka, Qorsheynta, Warfaafinta, Shaqaalaha, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasiir ku xigeenada Maaliyada iyo Dhalinyarada, Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka iyo Xaquuqda Caruurta, Agaasimaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Madaxa ACU iyo mas’uuliyiin kale.
Kulankan muhiimka ah ayaa looga hadlay muhiimada ka hortaga tahriibka oo dhib weyn ku ha ya dhalinyarada dalka, oo in badan ay khasaaro ka soo gaartay iyagoo badaha dunida ku tahriibaya. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in Xukuumada ay ahmiyad gaar ah siineyso tahriibka, ku na baaqay in siyaasad iyo sharciyadba laga soo diyaariyo si kulanka danbe looga wadatashto.
Maryam Yasin oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Tahriibka & Xaquuqda Carruurta ayaa ka warbixisey horumarka ay Guddiga ka gaareen u ololeynta arrimaha tahriibka iyo xaquuqda carruurta, sheegteyna in kulankan heerka wasiir ah looga baahanyahay dardargelinta diyaarinta siyaasada iyo sharciga Tahriibka oo muhiim u ah dalka.
mWasiirada kulanka ka qeybgalay ayaa ku nuuxnuuxsaday ahmiyada iskuxirka iyo xoojinta xiri irka iyo wadashaqeynta hay’adaha dowliga ah bacdamaa arrinka Tahriibka uu saameynayo hay’ado badan, loogana baahanyahay in laga wada shaqeeyo si dhalinyarada loogu abuuro shaqo, looga wacyigeliyo khatarta tahriibka, loona dareensiiyo in dalkooda ay horumariyaan ay uga fiicantahay tahriib iyo inay naftooda geliyaan khatar weyn.
WASAARADDA WAXBARASHADA SOMALILAND OO SHAACISAY NATIIJADII IMTIXAANKA SHAHAADIGA
Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland, ayaa shalay ku dhawaaqday Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyadda Hooose/dhexe iyo dugsiyadda Sare.
Wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habanne ayaa sheegay inay dagaal la galayaan qishka iyo ardayda caadaystay, waxaanu sheegay inay Somaliland guul u tahay tayeynta waxbarashadda ee labaddii sanadood ee u dambeeyey ay gaadhay.
Sidoo kale,waxa uu sheegay in ardayda dhacday sanadkan in afar bilood casharo loo dhigayo ka dibna imtixaan qaran laga qaadi doonna.
Gudoomiyaha imtixaanka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa isna sheegay in ardaydan dhacday u badan yihiin kuwii maadooyinka laga kansalay ee lagu qabtay qishka iyo kuwii Moobiladda ku qishayey, haseyeeshee dhicitaanku aad u yaraa, balse marka la isku daray kuwo qishka lagu qabtay iyo kuwo dhacay ay kordhinayso tiradda aan gudbin ee imtixaanka waayey.
"dugsiyadda dhexe ee imtixaanka u fadhiistay waxay dhamaayeen 16,512 Arday, waxaana gu dbay afar iyo toban kun afar boqol iyo toddobaadan iyo afar Arday, halka ay hadheen kun iyo sideed boqol iyo lix arday”ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faraax oo ka hadlayey imtixaanka dugsiga dhexe.
Mar kale isagoo shaacinaya dugsiga sare ardaydii u fadhiisatay imtixaanka waxa uu yidhi " du gsiga sare waxa imtixaanka u fadhiistay toban kun iyo sideed iyo sagaashan arday, waxa imtixaanka gudbay 7,597, halka ay dhaceen ama waayeen 1,711 arday.”
mar uu ka hadlayey waxa dhicitaanka sanadkan badiyey waxa uu yidhi " waxaanu samaynay olole balaadhan oo lagaga hortagayo qishka, waxaana doonayna inaanu Somaliland ku soo celino si dii ay ahaan jirtay, ardayda toos u dhacday waxay ahayd boqol iyo dhawr iyo konton arday, balse wa xa badan ardaydii aanu maadooyinka ka kansal garaynay ee lagu qabtay Qishka ama moobilke ku qi shayey ee moobilka ka qaadnay, iyo qaar kale oo marka qof qishaya imtixaanka laga saarayo buuqa abuurayey ee la baxayey ayey u badan yihiin kuwan dhacay”
Dugsiyadda sanadkan ugu cadcadaa waxa ka mid ahaa guuladda Shansha Cadde, Damar Xa gale, Taalo buur, Moderan, Xuseen miigane, Barkadda, Qoryaalle, Maxamuud Ugaas iyo Geeska oo intoodda badan ku yaalaan goboladda Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo Awdal.
Halka dugsiyadda sare kaalmaha hore ay galeen dugsiga Qoryoole Togdheer, Qorilugud Bu uhoodle, Gab oo ku yaalla gobolka Awdal, Hadaaftimo oo uu hoos yimaado Badhan, Saacadadiin gobolka Selel, Badhan iyo Al Nuur oo Awdal ah.
Dhinaca kale, ardaydii dugsiyada sare ee dhacday ayaa shalay mudaharaad la hor yimid wasa aradda waxbarashadda, waxaanay shiid la dhaceen wasaaradda, iyagoo muddo boodhadhkii iyo wasaaradaha shiidh hadhka kaga dhigay, haseyeeshee Booliska ayaa rasaas ay cirka u ridayeen ku kala dareeriyey.
MAREYKANKA OO KORDHINAYO WEERADA DHANKA CIRKA AH EE SOOMAALIYA
War ka soo baxay CIAda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Codsiyo ay ka soo gaareen wadda mada Ciidamada ay ka joogaan oo Soomaaliya ay ku jirto, si loo dar dar geliyo weerarada tooska ah oo lagu beegsanayo Xubnaha Al Shabaab iyo saldhigyada ay ku leeyihiin gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale Laanta Dambi baarista Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday haddii qorshahaan uu meel mariyo Madaxweyne Trump uu noqon doono markii ugu horreysay oo CIAda Maraykanka awo od loo siiyo in weeraro toos ah ka fulin karan Soomaaliya.
Agaasimaha CIAda Maraykanka Mike Pompeo ayaa hoosta ka xariiqay in uu ku qasban yahay Madaxweyne Trump in uu bedello qorshaha Madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama oo ah aa in la xadido weerarada cirka ah ee lagu qaadayo meelaha ay fariisimaha ku leeyihiin Kooxaha Mitidiinta ah oo ay dadka Rayidka ah ka ag dhow yihiin, lana yareeyo Khasaaraha suurtagalka ah in uu ka soo gaaro shacabka.
Wadamada uu Maraykanku xoojinayo duqeymaha ay ka fuliyaan ayaa kala ah Pakistan, Afghanistan , Somalia , Yemen iyo Libya.
Inta badan Diyaaradaha Maraykanka ayaa weeraro cirka ah waxa ay ka geystaan wadamada asi, kuwaas oo ay ka dagaalamaan dagaalyahanno Islaamiyiin ah
NIN WALAALKIIS KU GOWRACAY MUQDISHO
Sida uu Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay qof deegaanka ah Nin sitay Tooreey ayaa Nin kale oo la sheegay in uu ahaa Walaalkiis ku dilay degmadaasi.
Labadani Nin walaalah ah oo lagu Kala Magacaabo Cali Caliyo Cabdulle oo 25 Jir ahaa iyo Bashiir Caliyow Cabdulle oo 23 jir ah ayaa la sheegay in ay isku maandhaafeen Dhaxal ka dhex eeyay.
Waxaana la dilay Cali Caliyow Cabdulle oo ah Labadaasi Walaalo Midka weyn, wararka qaar na waxa ay sheegayaan in Ninka wax Tooreeyay Madaxa looga jiro.
Arrintaan ayaa si weyn looga hadal hayaa Xaafadaha degmada Dharkeynleey ee Gobolka Ba naadir, mana jiro faah faahin rasmi ah oo qoyska Wiilashaasi dhalinyarada ah ay siiyeen Warbaahin ta.
NIN DHALINYARO AH OO LOO QABTAY WEERARKII TREENKA DHULKA HOOSTIISA MARA EE MAGAALADA LONDON
Ciidamada amaanka dalka Britain ayaa sheegay in la qabtay nin dhalinyaro nin18 jir kaasi oo la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay qarax lala beegsaday mid ka mid ah Tareennada mara dhulka hoostiisa mara, ee magaalada London.
Ninkaan ayaa hadda lagu hayaa xarun ay booliska leeyihiin waxaana ku socda baaritaan sida ay sheegeen laamaha ammaanka.
Booliska ayaa sheegay in qabashada ninkaan ay suuragashay markii ay wareysteen goobjooga yaal islamarkaana ay baahiyeen Sawiradda iyo muuqaalada rag uu ka mid yahay ninka la qabtay.
Ma jirto wax dhimasho ah oo lasoo wariyay hasse ahaatee, 30 qof ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi oo daraad lala eegtay tareenka.
Hay’addaha ammaanka Britain ayaa sare u qaaday heerka feejignaanta iyo suggida ammaan ka, kadib markii ay sheegeen in ay dhici karaan weeraro kale oo araggaixiso.
AMIIRKA QATAR OO TALAADADA LA KULMAYA MADAXWEYNE DONALD TRUMP
Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Donal Trump uu la kulmayo maalinta Talaadada Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamda Al Thaani, xilli magaalada New york uu ka furmayo shirka golaha loo dhan yahay ee QM.
La taliyaha dhinaca ammaanka ee aqalka Cad Herbert McMaster ayaa u sheegay Saxafiyiinta in sidoo kale uu Trump la kulmi doono dhowr Hogaamiye maalmaha soo socda.
.Amiirka Qadar ayaa socdaalkiisa ugu horeeyay ee dibadda ku tagay dalka Turkiga, Jarmalka iyo Faransiiska ka hor inta uusan tagin Mareykanka tan iyo markii uu khilaafka ka dhex qarxay dowl adaha Khaliifka muddo ka badan 3 Bil.
Labada Hogaamiye ee Qadar iyo mareykanka ayaa la filayaa in inta uu socdo kulankooda in ay isla soo hadal qaadaan doorka uu Mareykanka ka qaadan karo xalinta arrimaha Khaliijka
Maalmo ka hor ayey ahayd markii uu Mareykanku sheegay in uu dhexdhexaadin ka dhex bila ayo Qadar iyo dowladaha Masar, Baxreyn iyo Sacuudiga oo isku dhinac ah.
TURKIGA OO DOOD U QABTAY AQOONYAHANADDA SOOMAALILAND IYO SOOMAALIYA
Aqoonyahan Dr:Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa ka warbixiyey shir Turkiga ka dhacay oo ay Is ku soo hor fadhiisteen aqoonyahano ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya oo aqoonyahano Turk iga ahina goob joog ka ahaayeen.
Bulxan ayaa sheegay in wada hadalkan labadda aqoonyahan dhexmaray uu noqonayo kii laba ad,isla markaana si toos ah looga doodayey sababta Somaliland uga go’day Soomaaliya iyo sababta Soomaaliya u doonayso midnimadda.
Sidoo kale, waxa uu Bulxan sheegay in Turkiga si toos ah ugu soo bandhigeen aragtidda shacabka Somaliland ka aaminsan yihiin Turkiga ee xaga dhex dhexaadn imadda.
"wuxuu ahaa shirkii labaad ee aqoonyahanka Soomaaliland iyo Soomaaliya, sanad iyo woxooga ka hor ayaa kii ugu horeeyey la qabtay, waxaana lagu heshiiyey in afar kale la qabto, oo aqoonyahanka Somaliland, aqoonyahanka Turkiga iyo kuwo Soomaaliya isku yimaadaan, wada hadaladii siyaasiyiintu markii ay lix goor kulmeen ee waxba ka soo bixi waayey ayey joogsadeen, anaga waxa naga go’need in aqo onyahanadd dhigayaga ee Soomaaliya iyo Turkiga inaanu xal u raadino oo wada hadalkaasi dheeraad soo afjarno,”ayuu yidhi Bulxan.
Mar uu ka hadlayey dhex dhexaadnimadda Turkiga waxa uu yidhi "Anagu markii aanu Turkiga tagnay wixii aanu Turkiga u sheegnay wixii aanu ka qabnay oo aan leex leexad lahayn, waxaanu ni dhi dhex dhexaadin baad doonaysa ee ma idinkaa u qalma, Soomaaliya wax badan baad u qabat een, wadooyin baad u samaysaan, safaaradii ugu weynayd ee aduunka ku lahaydeen baad ka dhis anaysaan, Somaliland maxaad u qabateen wax alaale wax aad u qabateen ma jirto, haddii aad dhex dhexaadinaysaan waa inaad labada dhinac isku miisaantaan, taasina ma jirto ee sideen idiin aamiin na, ta labaad waxaanu ku nidhi dadkayagu waxay qabaan bulshadan xoriyad la soo noqoshadda ama aayo ka tashiga ay dadku leeyihiin idinku qudhiinu isku haysataa kurdiyiinta, marka sidee baad u ogolaan kartaan Somaliland, xasuuq baan tirsana, xasuuq marka laga hadlayana idinka xasuuq la idi in haystaa, marka anagu afkaartii dadkayaga ayaanu si toos ah u soo hordhignay Turkiga.”
Wada hadaladdii udheeyey Somaliland iyo SOomaaliya ayaa waxa doorkan ka qaybgalay aqoo nyahanadda labadda dhinac, waxaana goob joog ka ahaa ama dhex dhexaadinayey aqoonyahanno Turki ah oo labadda doodood isku dhagaysanayey, waxaana sii socon doonna doodahaasi aqoonyah anka oo laba jeer oo kale lagu kulmi doonaa wadanka Turkiga.
ITOOBIYA OO CIIDAMO U DIRAYSA DEEGAANADDA OROMIYA EE LAGU LAAYEY DADKA SOOMAALIDA
Dowladda Itoobiya ayaa daraad sheegtay inay Ciiddamo u dirayso Deegaanadaasi, kadib, markii uu ka dilaacay dagaal u dhexeeyey Qowmiyadda OROMADA iyo dadka Soomaalida ee looga tiro badan yahay dalkaasi.
Afhayeenka Dowladda Federalka Ethiopia, NEGARI LENCHO ayaa u sheegay Weriyayaasha in Ciiddankaasi loo daadgureeyey deegaanaddii lagu dagaalamay oo ay horey uga dhaceen Iska hor imaadyadii ugu xumaa.
Afhayeenka waa uu ka gaabsaday inuu sheego tirada dadka lagu dilay Deegaanka AWEDAY ee duleedka magaalladda HARAR ee dhulka Oromadda.
Saraakiisha Maamulgobaleedka Soomaalida Ethiopia ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay in ka badan 50 qof oo Somali ah
Dagaalkaasi ayaa la sheegay inuu maalintii Talaadada ee la soo dhafaay ka dhacay Degmadda AWEDAY ee Gobalka OROMIA.
Saraakiisha Gobalka OROMIA waxay sheegeen in weerarkaasi lagu dilay 18 qof oo Somali ah.
Madaxweynaha Dowladgobaleedka Soomaalida deggan Ethiopia, Cabdi Maxamed Cumar waxa uu ku eedeeyey Maamulka OROMIA inaysan ka hortegin xasuuq loo geystay dadka Soomaal ida, balse Afhayeenka Gobalka OROMIA, Addisu Arega ayaa ku beeniyey arrintaasi qoraal uu soo dhigay Bartiisa Fecebook.
Waxa uu sheegay inuu dilkaasi bilowday, kadib, markii ay Ciiddanka LIYU BOLISKA bishan bil owgeeda dileen 3 qof oo u dhalatay Qowmiyadad Oromia, waa sida uu hadalka u dhigay.
FARMAAJO OO WAR KASOO SAARAY DOORASHADDA MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farm aajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Awaare.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu bogaadiyey hannaankii ay u qabsoontay doorashada Hirsh abelle, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud aha an dalka.
Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay dhammaan bulshada Hirshabelle in ay ka wada shaqeeyaan taabagalinta iyo hanaqaadka Maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.
""Waxaan Alle uga baryaayaa, hoggaanka cusub ee Hirshabelle, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla, oo ay ka mid tahay dardargalinta dibuheshiisiinta, xaqiijinta amniga iyo dhamaystir ka dhismaha maamulka.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Faderaalka Soomaaliya ay ka go’ antahay dhamaystirka nidaamka faderaal, si loo xaqiijiyo dib u soo kabashada dalka.
WAFDI HORUDHAC U AH RA’IISUL WASAARE KHEYRE OO GAARAY NEW YORK
Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Yuu suf Garaad Cumar ayaa Gaaray Magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Wafdigaan ayaa horudhac ah Ra’iisul Wasaare xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo lagu waddo dhawaan in uu gaaro New York si uu uga qeyb galo shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Madaxda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan.
Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in maanta shirar gooni gooni ay ay la qaadan doonaan Mas’uuliyiin ka kala socota dalalka Caalamka oo Shirkaan ka qeyb galaya.
"Waxaan hordhac u ahay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isaga oo hoggaaminaya wafdi Was iirro ka kooban Soomaaliya ku matali doona shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay oo Mad axda Caalamku ay sannadkiiba mar isugu yimaadaan. Shirka Qarammada Midoobay waxaa wafdiga u wehliya shirardoceedyo aan la yeelaneyno madaxda wufuudda dowladaha shirka ka soo qeyb gel aya qaarkood, Madax Mareykan ah, ururro caalami ah iyo xubno ka mid ah Soomaalida Mareykanka” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya.
CALI COSOBLE "WIXII SHALAY KA DHACAY JOWHAR WAA RUWAAYAD, ANIGA AYAA AH MADAXWEYNAHA SHARCIGA”
Madaxweynihii xilka laga qaaday ee dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble ay aa qaadacay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Jowhar, isagoo ku tilmaamay inay aheyd ru waayad.
Cali Cosoble oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa la soo xiriiray Wariyaha Jowhar.com ee Mu qdisho, isagoo sheegay in doorashadii shalay ka dhacday Jowhar ay aheyd mid sharci darro ah, isa goo ku adkeystay inuu wali yahay Madaxweynaha sharciga ah.
"Waxaa u arkaa wixii shalay ka dhacay Jowhar, ruwaayad been abuur, wax ka jira aysan ah eyn, mana ahan wax sharci ku fadhiya, aniga ayaa ah Madaxweynaha sharciga ah ee dowlad gobol eedka Hirshabeelle”ayuu yiri Cali C/llaahi Cosoble
Mr Cosoble ayaa sheegtay in magaalada Jowhar looga soo saaray qori caaradii, isla markaana mooshinkii xilka looga qaaday uu ahaa sharci darro, isagoo tilmaamay in maalintii mooshinka la keen ay maalinta kale ay ku xigtay in laga qaaday, taasoo uu xusay in aan loo marin wado sax ah, maadaa ma ay aheyd in isaga oo fadhiya, sanaadiiqda codka oo goobta la dhigayo, warbaahinta iyo Baarlam aanka Hirshabeelle oo fadhiya loo codeeyo mooshinka, balse qaabka ay u dhacday ay aheyd sidii afg ambi oo kale.
"Aniga qori caaradii ayaa leyga soo saaray Jowhar, nin xoog loo sheegtay ayaa ahay, hal bool ina nirig xalaal ah ma dhasho, wixii shalay meeshaas ka dhacayna waa baadil, waxaa leeyahay yaan sharciga la jebin oo aan loo horseedin in dowlad goboleedka uu bur buro”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.
Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa shalay u doortay Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabeelle, kaddib doorasho ka dhacday Jowhar, waxaa uu ku guuleystay codod dhan 74 cod, halka Musharaxii la tartamayay Daahi Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod.
Madaxweynaha la doortay ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa bishii October ee sa nadkii hore la tartamay Cali C/laahi Cosoble, iyadoo xilligaas u doorashada ku guuleystay Mr Cali C/llaahi Cosoble.
MAXAMED CABDI WAARE OO LOO DOORTAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE HIRSHABEELLE
Maxamed Cabdi Waare ayaa ayaa loo doortay Madaxweynaha Cusub ee maamulka Hirshabe elle, kaddib markii wareegii ugu dambeeyay uu ka adkaaday Musharaxii la tartamayay oo lagu magacaabo Daahir Cabdulle Cawaale.
Waare ayaa helay codod dhan 75 cod, taasoo ah aqlabiyada ugu badan ee Xildhibaanada Hir shabeelle.
Tirinta cododka ayaa markii ay dhamaatay ayaa waxaa is qabsaday dabaal degyo, waxaana dad taageerayaal u ah Musharaxa guuleystay ee Waare ay ku xoomeen halkii uu fadhiyay.
Ciidamada ammaanka iyo AMISOM ayaa isku hareereeyay Madaxweynaha la doortay Maxamed Cabdi Waare, si ay u sugaan amnigiisa.
XOOGAGA SHABAAB OO LA WAREEGAY MAGAALADA CEELWAAQ
Ciidamo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, kadib markii shalay aroortii halkaasi ay weerareen.
Ciidamo badan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa gudaha u galay magaaladan, kadib markii sida la sheegay ciidamadii Dowladda ay halkaasi isaga carareen, markii ay u babac dhigi waayeen ciidankaan badan ee Shabaab ka tirsan.
Saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ayaa sheegay dagaal kooban oo ka dhacay Degmada Ceelwaaq, kadib Shabaab inay qabsadeen, inkastoo Shabaab ay sheegayaan warkaasi ka duwan.
Baraha Wararka ay ku faafiyaan Shabaabka, ayaa lagu qoray in si nabadgelyo ah ciidamada Shabaab ay kula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Ceelwaaq.
Al Shabaab ayaa sheegtay ciidamo badan oo ciidankooda ka tirsan inay gudaha u galeen Ma gaalada Ceelwaaq, halka ay isaga carareen Magaaladaasi ciidamadii ku sugnaa oo aadan dhanka Kenya.
Shabaabka ayaa sheegtay inay rarteen saanad Militari oo ciidanka ay ka carareen, kadib markii ay gudaha u galeen xeradii ciidamada Dowladda iyo xarunta Maamulka Degmada Ceelwaaq.
Mintidiinta Shabaab ayaa waxa ay kordhiyeen weerarada ay ku beegsanayaan Magaalooyinka Gobolka Gedo, iyadoo Madaxweynaha Jubbaland halkaasi uu socdaal ku marayo.
FAALLO:- GUURTIDAAN DIRANAYBAA
GU’UMOODAY JIILAAL..
Hadal sidiisaba ma yimaado ila ay timaad sabab dhab oo keenta in la hadlo dhinac kastaba ha noqotee
Mid wanaag horseediyo mid aan aan wacneen oo kuhasho keentaba intaba imaanshahooda sabab baa u asal ah
Haddaba qormadan ujeedkeedu waxa uu yahay micnaha ay xambaarsan tahay in uu qofkasta aba uu garto cid gaar ahina ma quseeyso waase mid guud.
Sida daraadeed soomaalidu waxay tiraah ‘’qof aan xummaha garan ma garto sammaha ‘’.
Waxan shalay isweydiin u baahneyn qalqalka siyaasadeed iyo is faham darrida aafeysay dalke enna dadkanni ka lummiday kalsoonidii iyo hankie ay lahaayeen sababtaasi ha la haadeen siyaasiyiin gole xildhibaan ama guurti magac leh iyo odayo meel taagan ciddeey si dhaba u aaminaan ma hay aan waxana quluubta shacabka buux dhaafiday inuu mid kastaa kiish maran sitoo dhuunigu uu ka horeeyo dantii guudna ay ka doorbi deen tooda gaark ah.
Sida ey qabaan xeel dheerayaasha soomaaliya ee waayo joog u ahaa isbaddaladii la soo ma ray in dalanbaabi ay dadki iyo dalkii ay ku sugan yihiin meel loo hirtaana oo sax ah aysan jirin oo waa cir kaa dheer dhulka dheer tii allase waa halkeeda .
Haddeey intaasi sax tahay micno buuxa kugu filan ciwaanka qormadaan ee halku dhigga looga dhigay
GUURTIDAAN DIRANAYBA GU’ U MOODDAY JIILAAL.
Haddaaney taasi aheyn maxay tahay waxa soomaaliya u diiddan inay gartaan danahooda, dad kalana anay u meereen wadiiqada bur burka iyo dhibaatooyinka muuqda ee dalka iyo dadkaba ay la tiicayaan .
Si aad wax badan ku garataan isugeey inta aad aragtay sax iyo qalad , inta lagu sheegay iyo in ta ay qiyaastaadu ku siiso waxii kasoo baxaana kugu filan jawaabta xaalka shalay la joogo.
Haddaanay aheyna dib u raac taarkhiihii lasoo maray wax badan aad ogaatide
Mid kale aya jirto oo dadka ahlu cilmiga ah ay qabaan taasoo ah soomaaliya waxa haayo ee ku dhac ay inuu yahay rucbi ay gacantooda ku keensadeen dadkuna ay ku baraarug saneen taasoo ah bilaw gii aafada soomaaliya ee soo bilaabatay sanadii 1975kii xilligaasoo aheyd markii uu kacaankii talada dalka hayey soo saaray xeerkii qoyska oo ay ku sheegeen sin naantii ragga iyo dumarka qalad weyn oo lagu tilaabsadayna aheyd culumadii diidday oo ka hortimidna barqo cad xamar lagu toogtay wax ka hadlana la waayay culummo iyo caammaba .
Wixii inta ka danbeeyey dhibaatadi bilaabatay ay socoto ilaa shalaydan aynu joogno jawaabna kugu filan waxa ay dhagahaagu maqlayaan macaan iyo qaraar.
Sidaa daraadeed waxay qabaan dadka cilmiga u saaxiib ka ah in shacabka soomaliyeed guud ahaan ay la yimaadan tow bad keen sax ah si looga baxo dhibaatadaan daba dheeraatay waddaada dii xaq darrada lagu laayana loo wada qiro inay xaq ku taagnaayeen shuhadane ay yihiin.
Haddaanay taasi aheyd waxa iga mudan inay tilmaam kale ka bixiyaan dadka cilmiga u saaxiib ka ee u dhuun duleelo isbaddala xaajadaan haluulaha gashe lagu haraadaayo .
Haddaanay aheyna soo celi maskaxdoo sawirkaan kale qaado madaxweyne cabdullaahi yuu suf allaha u naxariiste yaa ka qaaday xilkii markuu tagayse muxuu yiri .
Waxan qaaadan kari waayey aya la I amray taana waxan ka doorbiday inaan ka tago xilkii mad axweyne ee aan hayay ayuu yiri madaxweyne Cabdullahi yuusuf ,Waayo haddaba cidda amartay ile en baarlamaan kama qaadine maxayse tahay waxa lagu amree ee uu diiday madax weyne Cabdulla hi yuusuf cidda og hanoo sheegto.
Odoy soomaaliyeed aya laga hayaa hasha maankeygu gaddaye ma masaar beey liqday waxa anse yaabka yaabkii ah waayo cidda amartee soomaali anay ogeyn.
Waxa taa la mataal ah Ra’iisalwasaare Geeddi baarla maan ma tuurine yaa ka qaaday xilkii mi se kumeel gaar ayaaba sidaa ah kolleey la iga xog ogaalsan.
Waxayse tahay su’aasho markii intaa isugeyso iyo wixii dowlad la eryaayay kuwii la oga iyo in taan la ogeyn iyo in kaloo kasii badan misne aad u geydo waxa haatan muuqdo micnuhu miyaanay aheyn GUURTIDAAN DIRANAYBA GU’U MOOD DAY JIILAAL.
Gunaanadka qormadeyda xumaha oo laga tago weeye talo inan isugeyno lagu saxaayo waxa muuqdo biyo dhaceyduna wuxuu yahay dadka nolol ha loo daayo dalkana nabad ha loo da ayo had daanay intaas aheyn hadalkeennu ha joogo GUURTIDAAN DIRANAYBA GU’U MOODDAY JIILAAL.
WQ: Cumar Shiiq Axmed (Cumar Shaam)
XIGASHO:RADIOWADAAG.COM
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA SABTEMBAR 2017-KA
DOWLADDA SOMALIYA OO SHEEGTAY INAY DHEXDHEXAAD KA TAHAY DOORASHADA JOWHAR Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Federalka Xukuumadda Somaliya Cab di Faarax Siciid Juxaa oo gaaray Magaalada Jowhar, ayaa sheegay Dowladda Somaliya inay dhexdhexaad ka tahay Do