
Qarax xoogan oo ka dhacay wado tareen oo ku taala Magaalada Istanbul (SAWIRRO)
Qarax xoogan, ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay wado uu maro tareenada dhulka hoostiisa mara, ee Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana la'ogyahay in shan ruux ku dhaawacantay. Warar is khilaafsan, ayaa ka soo baxaaya waxa dhabta ihi ee qaraxaasi
dhaliyay. Wararka ugu buuran waxay sheegayaan in uu ka dhashay qarax
halkaasi la dhigay, halka warar kalana ay sheegayaan in uu ka dhashay
qalab koronto.
Warbaahinta Turkiga, ayaa qoreysa in qaraxaasi loo maleynaayo in uu ka dhashay walxaha qarxa, si loogu dhibaateeyo amaba loogu carqaladeeyo xasiloonida Magaalada.
Saraakiisha ammaanka ee Magaalada Istanbul, ayaa gacanta ku haaya oo baaraaya sababta keentay qaraxaasi, iyadoo ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan, illaama baaritaanada laga soo gaba gabeenaayo.
Illaa iyo hadda waxaan jirin cid sheegatay masuuliyadda qaraxa jugta weyn sameeyay, ee ka dhacay Caasimaddii hore ee dalka Turkiga.
Turkiga, ayaa ku jira marxalad feejignaan ah, ka dib laba qarax oo bishii October ka dhacay Magaalada Ankara Ee Xarunta Turkiga, waxaana ku dhimatay in ka badan 100 qof.


0 









Qarax xoogan oo ka dhacay wado tareen oo ku taala Magaalada Istanbul (SAWIRRO)
Qarax xoogan, ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay wado uu maro tareenada dhulka hoostiisa mara, ee Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, waxaana la'ogyahay in shan ruux ku dhaawacantay.