Fiqi oo ka digay ciidamo Ajaanib ah in la geeyo Magaalada Gaalkacyo

0
Wednesday December 02, 2015 - 10:59:46 in Wararka by
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fiqi oo ka digay ciidamo Ajaanib ah in la geeyo Magaalada Gaalkacyo

    Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad Suggida Somaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa ka digay ciidamo Shisheeye in la geeyo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ay ku wada dagaalameen ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimihii hore ee Hay'adda Nabad Suggida Somaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa ka digay ciidamo Shisheeye in la geeyo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug oo ay ku wada dagaalameen ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland. Axmed Macalin Fiqi, wuxuu sheegay in uu maqlayo in ciidamo Ajaanib ah ay u socdaan Magaalada Gaalkacyo, waana sababta loo abuuray ayuu yiri colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo.

Fiqi, wuxuu intaasi hadalkiisa ku daray mid ka mid ah Dowladaha deriska la’ah dalka Somaliya ciidan ka socda in la qorsheynaayo in la geeyo Magaalada Gaalkacyo, balse waxa uu sheegay inaysan wanaagsaneyn deegaan kale oo nabad ah in ciidamo Ajaanib ah la geeyo.

"Waxaan maqlayaa Gaalkacyo lafteeda oo hada la isku haayo ciidan Ajnabi ah ayaa u socda waxa dhibaatada loo abuurayaa Dowladaha deriska ah mid ka mid ah ciidamadeeda in la geeyo Gaalkacyo, waxaan leeyahay yaanan fursad la siinin deegaan kale oo nabad ah in ciidamo Ajnabi ah la geeyo, waxaan leeyahay dadka Somaliyed wey nool yihiin amnigoodana wey adkeysan karaan” Ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlaayay Munaasabad Muqdisho ka dhacday.

Agaasimihii hore ee Sirdoonka Somaliya wuxuu kaloo sheegay ciidamada Xooga dalka Somaliya inay xaq u leeyihiin helida xuquuqaadka ay helayaan ciidamada Amisom, maadaama Qarashaadka caalamka uu ku bixiyo dalka Somaliya lagu dhiibo magaca Umadda Somaliyed.

"Ciidamadeena xaq bay u leeyihiin inta Amisom ay helayso, Beesha caalamka hadii ay dhab ka tahay Saacidaada Somaliya ciidan bay u dhisi laheyd dhaqaalaha tirada badan ee nagu xisaabsan anaga ee ciidamada Ajnabiga la siinaayo, waxaa loo goyn karaa qayb ka mid ah ciidamada Somalida oo lagu dhisi karaa” Ayuu yiri Fiqi.

Hadalka Fiqi wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Somaliya iyo xubno kale oo ka socda Beesha caalamka ay ku sugan yihiin Magaalada Gaalkacyo, halkaasi oo uu ka socdo dadaalo nabadeed oo ku aadan sidii loo qaboojin lahaa xiisada Magaalada Gaalkacyo ka taagan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip