Madaxweynaha Shiinaha oo booqasho taariikhi ah ku joogga dalka Zimbabwe (Daawo Sawirada)

0
Wednesday December 02, 2015 - 10:54:19 in Wararka by
  • Visits: 981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Shiinaha oo booqasho taariikhi ah ku joogga dalka Zimbabwe (Daawo Sawirada)

    Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa waxaa uu shalay booqasho rasmi ah uu ku tagey Magaalada Harare Ee Xarunta Zimbabwe, iyadoona uu si diiran ugu soo dhaweeyay dhigiisa dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa waxaa uu shalay booqasho rasmi ah uu ku tagey Magaalada Harare Ee Xarunta Zimbabwe, iyadoona uu si diiran ugu soo dhaweeyay dhigiisa dalkaasi. Robert Mugabe, Madaxweynaha Zimbabwe, ayaa si qurux badan leh dhigiisa Shiinaha ugu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Harare, waxaana markii dambe loo galbiyay halkii loogu talla-galay in la dejiyo.

Madaxweynaha Shiinaha oo booqashadiisaan ay qaadan doonto muddo laba maalmood, ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis dhinaca ganacsiga ah, ay kala saxiixdaan Madaxweynaha 91 jirka ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Zimbabwe, Patrick Chinamasa oo ka hadlaayay socdaalka Madaxweyne Xi Pinjing, ayaa sheegay in Shiinuhu uu muhiim u yahay dhaqaalaha dalka Zimbabwe.

Wasiirka, ayaa Warbaahinta u sheegay in dalka Zimbabwe ay ka hawlgalaan in ka badan 100 shirkadood oo Shiinaha laga leeyahay, kuwaa oo sida uu sheegay maalgalin buuxdo ku sameeyay dalkaasi.

Shiinaha waa isha keliya ee maalgashiga ku sameeya dalkaasi, ka dib markii Wadamada Reer Galbeedka, ay xayiraado ku soo roggeen Xukuumadda Harare.

ZimbabweZimbabwe1Zimbabwe2Zimbabwe3Zimbabwe4Zimbabwe5Zimbabwe6Zimbabwe7Zimbabwe8Zimbabwe9Zimbabwe91Zimbabwe92Zimbabwe93Zimbabwe94






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip