Haween Iibinaayay Dhar loo ekeysiiyay Calanka Galmudug oo Dhuusamareeb lagu xiray

0
Wednesday December 02, 2015 - 10:45:57 in Wararka by
  • Visits: 995
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haween Iibinaayay Dhar loo ekeysiiyay Calanka Galmudug oo Dhuusamareeb lagu xiray

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud maamulka Ahlu Sunna ee Magaaladaasi ka arimiya ayaa xiray 10 haween ah oo la sheegay inay ka ganacsanayeen Iibinta dharka Dumarka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud maamulka Ahlu Sunna ee Magaaladaasi ka arimiya ayaa xiray 10 haween ah oo la sheegay inay ka ganacsanayeen Iibinta dharka Dumarka. Xariga Haweenkan ayaa yimid kadib markii haweenkan ay bilaabeen inay iibiyaan dhar loo ekeysiiyay calanka Maamulka Galmudug, taasi oo keentay inay ka cadhoodaan Maamulka Ahlu Sunna ee Magaaladaasi ka taliya, kadibna ay xiraan haweenka.

Haweenka la xiray ayaa gaaraya 10 waxaana wararka ay sheegayaan inay ku jiraan haween da’ ah/Waayeelo kuwaasi oo ka mid ahaa haweenka iibinaayay dharka loo ekeysiiyay calanka Maamulka Galmudug.

Qaar ka mid ah Haweenka ku nool Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen ficilka ay ku kaceen Maamulka Dhuusamareeb ka taliya ee Ahlu Sunna.

Waxa ay sheegeen haweenkan inay Bariiskooda ka raadsanayeen Iibinta dharkaasi, islamarkaana wax siyaasad ah aysan shaqo ku laheyn.

Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa si adag uga biyo diidan dhismaha Maamulka Galmudug ee Cadaado lagu dhisay, taasi ayaa keenaysa inay ka soo horjeestaan wax waliba oo Maamulkaasi ka mid ah.

Odayaasha Dhaqanka ayaa waxa ay wadaan dadaalo ku aadan in hawenkaasi Dib loo siiyo xuriyadooda, maadaama wax siyaasad ah aysan shaqo ku laheyn.

Maamulka Ahlu Sunna ee Magaalada Dhuusamareeb weli kama aysan hadlin xarigaan ay u geysteen haweenkaan.

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip