Madaxweyne Assad oo sheegay in hawlgalka Ruushka uu wax ka bedelay dagaalka furinta ee dalka Suuriya

0
Wednesday December 02, 2015 - 10:35:37 in Wararka by
  • Visits: 838
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Assad oo sheegay in hawlgalka Ruushka uu wax ka bedelay dagaalka furinta ee dalka Suuriya

    Madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad, ayaa wuxuu si weyn uu u ammaanay fara-gelinta uu Ruushka ku soo sameeyay dalkiisa, wuxuuna muujiyay in wax weyn uu ka bedelay awoodda kooxaha hubeysan, ee la dagaalanka kula jira Dowladdiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Suuriya, Bashar al-Assad, ayaa wuxuu si weyn uu u ammaanay fara-gelinta uu Ruushka ku soo sameeyay dalkiisa, wuxuuna muujiyay in wax weyn uu ka bedelay awoodda kooxaha hubeysan, ee la dagaalanka kula jira Dowladdiisa. Madaxweynaha, ayaa wuxuu dhaliilay hawlgalka mudada sanadka jirsaday ee Wadamada Reer Galbeedku ka wadaan dalka Suuriya, taa oo xoojisay sida uu sheegay awooddii Ururka Daacish.

"Tan iyo markii uu bilowday isbahaysiga uu Mareykanku hogaaminaayo, haddii aad runta ka hadashid oo aad oo aan feker laga hadlin, markii uu bilowday isbahaysigaasi kooxda la baxday Dowladda Islaamka way sii kordhaysay. Waxaana sare u kacay dadka ay ka soo qoraneysay caalamka.” Ayuu yiri Madaxweynaha Suuriya.

Laakiin wuxuu bogaadiyay hawlgalka mudada labada bilood jirsaday ee Ruushku uu ka wado dalkaasi, iyadoo uu ku macneeyay mid hoos u dhigtay awoodda Dowladda Khilaafada Islaamka.

"Tan iyo markii uu Ruushka bilaabay in dagaalka Daacish uu ka qayb qaato, hoos ayay u sii socotay awoodda kooxdan argagaxisada ah ee Daacish.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo bogaadiyay hawlgalka Ruushka.

Waxaa uu bidhaamiyay in hawlgalka Ruushku uu dhaawac u gaystay kooxaha kale, ee ka dagaalamaaya Suuriya, sida kooxda xiriirka la leh Ururka Al Qaacidda ee Al Nusra.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip